WARARKII: June 14, 2006
-
Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo
la wareegay Magaalada Jowhar
-
IGAD oo
isku raacday in cunaqabateyn la saaro Qabqablayaasha Dagaalka
-
IGAD oo Dowladda
Federaalka ku Cadaadinaya in ay wada hadal la furto...
-
Ra’isul Wasaare Geeddi oo ku sii
jeeda dalalka Uganda iyo Suudan..
-
Ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta oo ku sii
qulqulaya Deegaano ku dhow dhow..
-
Xuseen Caydiid oo
shalay ka qaybgalay aaskii Hooyadii oo ka dhacay Muqdisho..
Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo
la wareegay Magaalada Jowhar
Wararka ugu dambeeyey ee ka
imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegay in midowga maxkamadaha Islaamiga ay galeen
magaalada Jowhar kaddib markii halkaas looga itaal roonaaday Isbahaysigii la
baxay la dagaalanka Argaggagixisada, maleysiyooyinkii taageerijina ay ka baxeen
fariisimohoodii, sidaasna ay magaaldu ugu soo wareegtey midowga Maxkamadaha
Islaamiga.
Waxaa wararka ugu horeeyey ee
duhurnimadii maanta ka soo baxay ay muujinayaan in magaaladu ay deggan tahay oo
aan hadda dhexdeeda wax dagaal ah ka socon kaddib markii si rasmi ah loogala
wareegey isbahaysigii la baxay argaggaxiso la dirirka.
Garoonkii diyaradaha Jowhar iyo
Gebi ahaanba magaalada Jowhar waxa ay hadda gacanta ugu jirtaa Midowga
Maxkamdaha Islaamiga. Jowhar waxa ay Muqdisho u jirtaa
95km. Midowga Maxkamaduhu waxa
ay hore isbahaysigii la baxay Argaggixisada uga qabsadeen magalda Muqdisho,
Balcad iyo wadad isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.
Toddobaadkii hore ayey ahayd
markii Midowga Maxkamadah Islaamiga ay ku baaqeen in aan magacyadooda la
sheeg-sheegin raggii sameystay isbahaysigii la magac baxay la dagaalanka
Argaggixisada.
Qabqablayaashii dagaalka 16-kii
sano ee ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa xalay halkaas kahuleelay kaddib markii
ay u caddaatay in Midowga Maxkamadaha Islaamigu ay kusoo fool lahaayeen Jowhar (Akhri
wararka hoose oo ah warkii ka hor intii aan magaaladu gacanta u gelin
maxkamadaha).
Dhanka kale guddoomiyaha Midowga
Maxkamadaha ayaa beeniyey warkii laga faafiyey in maxkamaduhu ay weerar ku
yihiin magaalada Baydhabo. Sheikh Shariif sheikh Axmed waxa uu sheegay
warka sheegayey in ay weerarayaan Baydhabo in uu ahaa Barobagaando aan waxba ka
jirin oo la fafiyey, waxana uu intaas ku daray "Matageereyno ciidamo shisheeye
oo la keeno dalka, laakiin qastiganagu ma ahan in aan weerareyno Baydhabo."
Kulankii wadamada IGAD ee
Nairobi.
Warbixintii Canab Mumtaz |
SomaliTalk.com |
canabmumtaz@yahoo.com
Wasiirada arimaha dibadda ee wadamada ku bahoobay urur
goboleedka IGAD ayaa ka barandagaya in xayiraado xaga safarka ah
ay ku soo rogaan qabqablayaasha dagaalka ee dalka soomaliya.
Kulan wasiradaasi uga socda magalada nayroobi ayaa waxaa ay ku
falqeynayaan in dagaal oogaysha dalka soomaliya laga mamnuco in
ay u safraan wadamada bariga Afrika.
Qodobka ku saabsanaa xayiraada xaga safarka ah ayaa waxaa
wasiradaasi hor digey wasiirka arimaha dibada ee Kenya Rapheal
Tuju oo sheegey in ay tahay arin aan la aqbali ka reynin in
qabqablayaasha dagaalka ay xarun u noqoto waddamada jaarka la
ah wadanka Soomaaliya isla markaana ka abaabulaan qorshoyinkooda
ku aadan carqaladeynta xasiloodida dalka soomaliya.
Dowlada Kenya ayaa baryahan dambe talaabo dardar leh ku haysa ka
haddlida
 xaalada
SoomaaliyaWasiirka Arrimaha dibada Mr. Raphael Tuju waxaa kale uu
yiri wadankeena uma ogolaan doono dad soo burburiyay
wadankooda,waxa ay dowladu ka fiirsanaysaa ayuu yiri sidii ay usii
adkayn lahayad cunaqabataynta saaran Hogaamiyayasha dagaalka oo
uu tilmaamay in ay cabaqad ku noqdeen habsi u shaqaynta dowladii
Soomaaliyeed ee lagu Magaalada Nairobi sidoo kale dowladu uma
ogolaan doonto ayuu yiri in bangiyo ka dhigtaan wadanka kenya.
Ra'isal wasaaraha DFK soomaliya Cali Maxamad gedi ayaa ku baaqey
in ciidamo ajnabi ah oo amaanka suga oo lageeyo dalka soomaliya.
Raisal wasaaraha oo hadal ka jeediyey kulankii wasiirada arimaha
dibada ee urur goboleedka IGAD ayaa waxaa kale oo uu sheegey in
beesha caalamka aysan sidoo la rabay waxba uga qabanin Arrimaha Dalka
Soomaliya.,Mr.Gedi ayaa waxa uu sidoo kale ugu mahadceliyey
dowlda Wadanka Kenya go’aankii ay ka qaadatay qabqablayaasha
dagaalka.
Dowladaha IGAD Arrimaha kale ee laga sugayon go'aan ka
gaaristooda ayaa ah ciidamada suga amaanka oo ay dowlada
dalbatay kadib markii ay maara u waysay Amaan ku soo celinta
halka ay ka dagan yihiin gobolka Bay ee baydhabo,Ra'iisal
wasaaraha Somaliya Cali Maxamad gedi ayaa u sheegay TV Aljazeera
in ciidamada Ajnabiga ah ay wax badan ka tari doonaan Xaalada
Amaan ee guud Ahaan wadanka Somaliya ka jirta.
Hadalka raisal wasaaraha ayaa ku soo beegmey iyadoo malintii
labaad maanta barlamaanka Soomaliya uu xal ka gaari waayey in
ciiddamo shisheeye la geeyo dalka soomaliya iyo in kale..
Gudoomiyaha barlamanka sharif Hassan Sheikh aaadan oo
gudoominayey kulankii maanta ay yeesheen xubnaha barlamaanka
ayaa ku dawaaqey in doodaasi la hakinayo ilaa malinta berita ah
si xildibaanada isku khilaafsan amurtaasi ay u helaan waqti ay
ku gudbiyaan fikirkooda.
Dhinaca kalane Dowladda Maraykanka ayaa Faafisay in Fadhi
caalamiga ah oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya la qabano
maalinta qamiista ah oo ay tarikhduna tahey 15 bisha june.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Sean
McCormack ayaa sheegay in kulankaasi oo lagu qaban doono
magaalada New York ay gudoomin doonto haweneyda Jendayi Frazer
oo ah kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee arrimaha
Africa.Waxaana ilaa iyo haatan si rasmi ah loo sheegay inay ka
qayb geli doonaan kulankaasi wadamada xubnaha ka ah Qaramada
Midoobay iyo dalalka Norwey,Sweden,talyaaniga, Ingiriiska iyo
Tanzania.Afhayenku waxaa uu sheegey in kulankaasi looga hadli
doono sidii wadamadaasi ay u midayn lahaayeen siyaasadohooda iyo
xiriirkooda diblomaasiyadeed ee ku aadan arrimaha Soomaaliya, si
markaasi loola shaqeeyo hay’adaha Federaalka. Warar Dheeraad
ah hoos ka akhri....
|
Qabqablayaashii Dagaalka oo ka
Cararay Jowhar
Waxaa xalay
fiidnimadii Dalka kenya lagu soo gebagabeeyay shir ay isugu yimaaden wasiirada
Arrimaha dibadda ee wadamada IGAD waxaana shirkaasi ka qaybgalay todobada wadan
ee xubnaha ka ah urur gobaleedkaasi, waxaana Soomaaliya u matalayay Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geeddi, iyadoo Ra’isul Wasaare Geeddi uu halkaasi ka
jeediyay khudbad dheer oo uu IGAD ugu faahfaahinayay xaaladda Soomaaliya, gaar
ahaan waxyaabihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay Soomaaliya, waxa uuna sheegay
in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay wada hadal la furto Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah, maadaama qabqablayaasha dagaalku ahaayeen kuwo ay ka
shaqeyn weysay Dowladdu mudadii ay jirtay.
Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa waxa uu
ka codsaday wadamada IGAD in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyo
waliba in Soomaaliya loo soo diro ciidamo nabad ilaalin ah.
Gebagabadii shirka
ayaa waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo ay ugu muhiimsaneyd in wadamada IGAD
aysan dalalkooda u ogolaan in ay soo galaan qabqablayaasha dagaalka ee looga
itaal roonaaday magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay isku raaceen in xayiraad
lagu soo rogo lacagaha iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee ay ka dhex sameeyaan
xubnahaasi wadamada IGAD, waxaa kaloo Dowladda Federaalka loo soo jeediyay in ay
wadahadal la furto Midowga Maxaakiimta islaamiga ah si nabad loogu soo dabaalo
gudaha dalka. Qodobada kale waxaa ka mid ahaa in wadamada IGAD ay ciidamo nabad
ilaalin ah u diraan wadanka Soomaaliya si ay uga qayb-qaataan hub ka dhigista
iyo soo celinta amniga.
Dhanka kale ururka midowga Yurub
ayaa sheegay in loo baahan yahay in la khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee saaran
Soomaaliya.
IGAD oo Dowladda Federaalka
ku Cadaadinaya in ay wada hadal la furto...
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in Wadamada IGAD ay Dowladda Federaalka ku
cadaadinayaan sidii ay wada hadal ula furi lahayd Midowga Maxaakiimta Islaamiga
ah oo dhawaan gacanta ku dhigay Magaalada Muqdisho.
Inta aysan wada hadal yeelan
Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiima Islaamiga ah waxaa ka horeyn doona in
ergay ka socda wadamada IGAD uu soo gaaro Magaalada Muqdisho si uu ula kulmo
mas’uuliyiinta Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah si uu halkaasi uga uruuriyo
warbixin la xiriirta qaabka ugu haboon oo ay u wada hadli karaan Dowladda
Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah
Dhawaan ayaa Guddoomiyaha
Midowga Maxaakiimta islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa u ku dhawaaqay
in ay wadahadal la furi doonaan Dowladda Federaalka, hase yeeshee wareysi uu
doraad bixyay guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aysan wax wadahadal ah la gali
doonin Dowladda Federaalka inta ay dalbaneyso ciidamo shisheeye oo ka socda
beesha Caalamka.
Ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta oo ku sii
qulqulaya Deegaano ku dhow dhow..
Wararka naga soo gaaraya
magaalada Jowhar ee gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in Maleeshiyooyin ka
tirsan Midowga Maxaakiimta ay si aad ah ugu sii qulqulayaan goobi ku dhow dhow
magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.
Maleeshiyooyin iyo tikniko
fara badan oo ay leeyihiin Midowga Maxaakiimta ayaa la sheegay in ay ka
ambabaxeen wado ka tagta deegaanka Buur-Hakaba, iyagoo doonaya in ay Johar ka
soo galaan dhinaca waqooyi, sidoo kale ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta
ayaa iyana ka dhaqaaqay dekedda Ceel-Macaan iyagoo doonaya in ay ka soo galaan
magaalada Jowhar dhinaca Bari.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka
jira cabsi iyo walwal badan iyadoo Maleeshiyada Isbahaysiga ay bilaabeen
dhaq-dhaqaaq ay doonayaan inay isku difaacaan, iyadoo magaalada ay haatan ku
sugan yihiin xubno ka mid yihiin Max’ed Qanyare, iyo Cabdi Nuure Siyaad.
Warar kale ayaa waxay
sheegayaan in Magaalada uu doraad soo galay Max’ed Dheere oo xubin ka ah
Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.
Ra’isul Wasaare Geeddi oo ku sii jeeda
dalalka Uganda iyo Suudan..
Ra’isul Wasaaraha Cali Max’ed
Geeddi oo haatan ku sugan Magaalada Nayroobi ayaa warar aanu helnay waxay
sheegayaan in uu ku sii jeedo wadanka Uganda.
Sababaha uu u tagayo dalka
Uganda ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu ugal hadli lahaa keensita
ciidamada wadanka Uganda ee Soomaaliya, maadaama Uganda ay ahayd dowladdii ugu
horeysay oo ciidamo nabad ilaalin ah ugu yaboohda wadanka Soomaaliya.
Ra’isul Wasaaraha yaa inta uu
joogo wadankaasi waxaa kalloo uu kala hadli doonaan mas’uuliyiinta wadankaasi in
mar kale Dowladda Uganda soo dirto saraakiil indh-indheeya goobaha la dejiyo
ciidamada, sidoo kale Ra’isul Wasaara ahaa la filayaa in uu gaaro wadanka
Suudaan oo ah wadanka labaad oo isna ciidamo nabad ilaalin ah ugu deeqay wadanka
Soomaaliya, inkastoo Midowga Maxaakiimta islaamiga ah ay si aad ah uga soo
horjeestay in soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaalin ah sidoo kale golaha
Barlamaanka ayaa isagu si aad ah ugu kala qaybsan in dalka la keeno ciidamo
nabad ilaalin ah.
Dhanka kale madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf
ayaa shalay galab dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo kaddib markii uu kulamo
magaalada Nairobi kula soo yeeshay madax ay ka mid yihiin madaxweynaha Kenya.
Xuseen Caydiid oo shalay ka
qaybgalay aaskii Hooyadii oo ka dhacay Muqdisho..
Xuseen Max’ed Faarax
Caydiid oo ah Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha ee
Dowladda Federaalka ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo dalka
keenay maydkii hooyadii Asli Dhubad Maxamuud.
Aaska ayaa waxaa ka
qaybgalay mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo
dhallinyaro aad u fara badan waxaana lagu aasay Qabooraha Gen. Caydiid ee
deegaanka SOS.
Xuseen Caydiid ayaa mar uu
la hadlayay dadweynihii ka soo qaybgalay aaska Hooyadii waxa uu u mahadceliyay
ciddii ka qayb-qaatay aaskaasi, waxaa kaloo u mahadceliyay shaqsi-yaadkii Maydka
hooyadii kala keenay cariga Mareykanka.
Asli Dhubad waxay ku
dhimatay cariga Mareykanka labo todobaad ka hor, waxaana maalmahan magaalada
Muqdisho si weyn uga socday u diyaar-garowga aaskeeda.
Cadi
Qaybdiid oo ka baxay Isbahaysiga Argaggixisada....
Cadi Qaybdiid oo ka mid
ahaa isbahaysiga la baxay la dagaalanka argaggixisada ayaa sheegay in uu iskaga
baxay is bahaysigaas. "ka mid ma ahi isbahaysigaas, waana iskaga baxay" ayuu
yiri.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 14, 2006
Warar GooGoos ah: June 13
»Sheekh Qaasim
“Haddii ay yihiin ciidamo Qaran maxay u..
»C/llaahi
Yuusuf iyo Geeddi maxay ka dooneen Kenya…?
»Dowladda
Itoobiya oo ka codsatay IGAD in ay qayb ka
»Doodii ku
saabsaneyd keenista Ciidamo oo maaanta...
»Xarunta
Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u soo....
»Gumaysiga
Itoobiya oo jawaasiis badan qortay.
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Jun 13