-
Sheekh Shariif “Wax wada hadal ah oo aan
la galeyno Dowladda ma jirto inta ay daba joogto.”
-
Caasho Axmed Cabdala “C/llaahi Yuusuf
waxa uu wadaa wixii dhaliyay dagaalkii hore”
-
Maleeshiyada C/llaahi Yuusuf oo gebi
ahaanba la wareegay ammaanka Baydhabo..
-
C/llaahi Xirsi Diirshe (Daacad) muxuu ka
yiri is bedelka cusub ee ku soo kordhay
-
Maleeshiyada Muuse Suudi oo gebi ahaanba ka baxay
Isbitaalka Keysanay...
-
Shirkada IBM oo maalgashi ku sameyneysa dalka Hintida lacag dhan 6 bilion oo
dollar
Sheekh Shariif “Wax wada hadal ah oo aan la
galeyno Dowladda ma jirto inta ay daba joogto.”
Iyadoo maalimihii la soo
dhaafay isu soo dhawaansho ay ka muuqatay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo
Dowladda Federaalka si loo soo afjaro khilaafaadka u dhexeeya Maadaama Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku guuleysteen gacan ku haynta Magaalada Muqdisho,
waxaana la filayay in ay labada dhinac ay is dhaafsadaan ergooyin ka soo baaraan
dega sidii xal loogu heli lahaa magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa mar uu xalay la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba
wada hadal la geli doonin inta ay hadal hayso in dalka la keeno ciidamo
shisheeye.
“Ciidamo shisheeye wadamada
haatan ay joogaan maxay ku soo korodhiyeen, kuwii Soomaaliya horey u yimidna
waxay ahaayeen kuwo dhibaato ku sii kordhiyay bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri
Sheekh Shariif oo sheegay in shacabka soomaaliyeed aysan marnaba ogolaan doonin
in dalka la keeno ciidamo shisheeye kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin
Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban ee Soomaaliya.
“Baarlamaanka soomaaliyeed
waxaa saaran mas’uuliyad waa in ay ka hor tagaan qorshaha ay wadato dowladda ee
ah in dalka la keeno ciidamo shisheeye” ayuu yiri Sheekh Shariif, oo intaa ku
daray in ay ka hortagi doonaani ciidan kasta oo shisheeye oo dalka soo caga
dhigtay.
Maanta ayaa la filayaa in
golaha Baarlamaanka uu ka doodo in dalka la keeno ciidan shisheeye, iyadoo
17-kii Maarso 2005
Magaalada Nayroobi uu ka dhacay gacan ka hadal u dhexeeyay dowladda iyo golaha
Baarlamaanka, taasoo xubnaha baarlamaanku ku diideen in la keeno wadanka ciidamo
shisheeye.

http://www.somalitalk.com/2005/mar/17mar105.html
Munaasib ma
tahay in Baarlamaanka DFS waqtigaan ka hadlo Ciidamo shiheeye..... |
salaama calaykum
Waxaan u soo jeedinayaa Dawlada Federaalka ee soomaliya taladan.
In Baarlamaanku dib u dhigo ka hadalka Keenista
ciidamo shisheeye inta dawlada iyo maxkamaduhu wadahalayaan. Waayo
arinkani waakii gacan ka hadalka xoogani ku dhexmaray xubnaha
baarlamaanka laftigiisa march 17 2005. Waayo? Maxkamadaha iyo
shacabka muqdisho hadda dareen xun uma mujin dalwada xag beyna u
leeyihiin in lagala tashado sugida amniga wadanka arigtooda ku
wajahan arinkaana la dhegeyto lana tixgeliyo.
In baarlamaanku ka hadlo arinkan la isku
khilaafsan yahay intaanu ogaan dareenka dadkiisa waxay u muuqanaysaa
talaabo khaldan isla markaana wax kala fogeyneysa.
In dawladu isu aqoonsato dawlad dib-u-heshiisiineed
oo tixgelisa aragtida maangalka ah ee dadka ay metesho meelkastay
joogaan.
In aan dawladu dadkeeda ka door bidin rabitaan
dawlado kale xoogey doonaan ha lahaadeene.
Waxaana Uga digayaa dawlada in Maraykanku
buuxiyo boosaskii ay Qanyare, Bootaan ciise, Muuse suudi iwm ay
baneeyeen markii laga adkaaday iyadoo lacag wada shaqayn lagu
maangadayo
Cisman Maxamed
|
Caasho Axmed Cabdala “C/llaahi Yuusuf waxa uu
wadaa wixii dhaliyay dagaalkii hore”
Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala oo ah
Xildhibaanad si aad ah uga soo horjeeda in dalka la keeno Ciidano shisheeye ayaa
shalay mar kale ku celisay baaqeedii ahaa in aan dalka la keeni ciidamo
shisheeye.
“C/llaahi Yuusuf waxa uu wadaa wixii lagu
dagaalay ee ka dhacay magaalada Nayroobi 17-kii Maarso 2005” ayay tiri Caasha
Axmed Cabdala oo C/llaahi Yuusuf u soo jeedisay in uu ka haro in dalka la keeno
ciidamo shisheeye.
“Waan ognahay waxa dhibaatada ay leedahay
ciidamo shisheeye marka dalka yaan loo horseedin burbur kale” ayay tiri Caasha
Axmed Cabdala oo intaa raacisay “ma jiraan sababo haatan ciidamo shisheeye loogu
yeero maadaama la adkaaday qabqablayaashii dagaalka oo iyagu caqabadda ku ahaa
nabadgelyada”.
Xildhibaanad Caasha keligeed ma ahan xubnaha
sida aadka ah uga soo horjeeda in dalka la keeno ciidamo shisheeye, waxaa kaloo
ka mid ah Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo sheegay in qarashka ku
baxa ciidamo shisheeye loo baahan yahay in loo weeciyo dib u uruurinta ciidankii
xoogga dalka Soomaaliyeed.
Maleeshiyada C/llaahi Yuusuf oo gebi ahaanba
la wareegay ammaanka Baydhabo..
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo
waxay sheegayaan in Maleeshi-yda daacad u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay
shalay gebi ahaanba la wareegeen ammaanka magaalada Baydhabo iyagoo haatan
fariisimo ka dhigtay qaybo ka mid ah magaalada oo uu ku jiro garoonka
diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.
Dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo ayaa
iyagu ku kala qaybsamay la wareegidda ciidamadaasi, qaarkood waxay sheegeen in
wixii ammaankooda sugaya ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan,
kuwo kale ayaa iyana sheegay in ciidamada la wareegay ammaanka magaalada
Baydhabo ay keeni karto iska hor imaadyo cusub oo ka dhaca magaalada Baydhabo.
Inta badan siyaasiyiinta ayaa iyagu si aad ah
u taageeray la wareegida ciidamdaasi ee Magaalada Baydhabo, maadaama ay horey
ugu fashilmeen sugida ammaanka.
C/llaahi Xirsi Diirshe (Daacad) muxuu ka yiri
is bedelka cusub ee ku soo kordhay
C/llaahi Xirsi Diirshe (Daacad) oo ah
guddoomiyaha guddiga Sare ee siyaasadda iyo maamulka Beesha reer Xaaji Suleymaan
ayaa ka hadlay is bedelada cusub ee ku soo kordhay magaalada Muqdisho, mar uu ka
hadlayay arrintaasina waxa uu yiri. “Is bedelka socda waxaa ka horeeya is bedelo
horey u fashilmay, sababna ay u ahayd cadaalad daro ay ku abuurmeen , Qabiil,
Sed-Bursi iyo Guluf Colaadeed iyo Mansab siyaasadeed, Waayo aragnimo la’aan
jirta, waxaana uga digayaa in is bedelada socda la wiiqiyo oo aysan la mid noqon
kuwii horey”.
C/llaahi Xirsi waxa uu sheegay in loo baahan
yahay in waqti la siiyo wajiyada cusub ee ku soo kordhay is bedelada dalka,
isagoo sheegay in la doonayo in laga fogaado qabqabyaalada iyo saaxiib-tinimada
loona baahan yahay in laga yabgeliyo cid kasta oo fikir ku darsan karta is
bedelka cusub, ugu dambeyntii waxa uu sheegay in la helo cadaalad, amni iyo
garsoor wanaagsan si looga talaabo dhibaatooyinka jira, isagoo ka codsaday
madaxda is bedelka cusub in ay ka fiirsadaan wixii burburiyeen is bedeladii hore.
Maleeshiyada Muuse Suudi oo gebi ahaanba ka baxay
Isbitaalka Keysanay...
Maalintii
shalay ahayd ayaa Maleeshiyooyinkii Muuse Suudi Yalaxow oo fariisinka u ahayd
Isbitaalka Keysanay gebi ahaanba halkaasi isaga baxeen kaddib markii uu cadaadis
kaga yimid shacabka soomaaliyeed iyo waliba Hay’adda ICRC.
Ka bixitaanka
maleeshi-yooyinka Muuse Suudi waxaa si weyn u soo dhaweeyay Bulshada
Soomaaliyeed oo iyagu isbitaalkaasi ka heli jiray adeeg caafimaad oo la xiriira
dhinaca dhaawacyda.
“Anagu
fariisin kama dhigan Isbitaalka ee waxaan ka difaaceynay kooxo doonayay in ay
halkaasi ku soo gabadaan” ayuu yiri Cali Dalable oo ka mida saraakiisha sar sare
ee Muuse Suudi.
Hay’ada ICRC
ayaa iyadu si weyn u soo dhaweysay ka bixitaanka Maleeshiyooyinka Muuse Suudi
Isbitaalka keysanay iyadoo markii ay ka baxeen maleeshiyooyinkaas la arkayay dad
bukaan ah oo ku laabanaya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Shirkada IBM ee laga leeyahay wadanka Mareykanka oo
ah shirkada ugu weyn ee computerada caalamka ayaa waxay sheegtay inay saddexda
sano ee soo socda India ku maalgashan doonto lacag dhan 6 bilion oo dollarka
mareykanka.
IBM ayaa ka mid ah shirkada ugu weyn
shirkadaha kala duwan ee ka shaqeysta wadanka India, shaqaalaha u shaqeeya
shirkadan ayaa gaaraya ilaa iyo 40 kun oo shaqaale kuwaasoo ku kala firaarsan 14
magaalo oo ka tirsan wadanka India, India ayaa ah goobta ugu muhiimsan uguna
weyn oo ay ka shaqeyso shirkadan, marka laga reebo Mareykanka gudihisa.
Madaxa ugu sareeyo shirkada Samuel
Mabmisanu ayaa sheegay in India noqotay meel saldhig u ah Information
Technology, IBM na waa in ay Maalgashi intaas ka sii balaaran gashataa.
Waxaa la sugayaa iminka inay
shirkadani maal galiso lacag dhan 6 bilion oo dollar taasoo ka dhigeyso
sedexlaab maalgashiyada ay shirkadaha Americanka ah ay gashtaan iminka,
maalgashigaan ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa in la unko saldhig cilmi
baarineed isla markaana la hormariyo xiriirka u dhaxeeya shaqaalaha aduunka
daafihiisa joogo ee u shaqeeya shirkadan.
IBM ayaa bilawday inay ka howlgasho
India sanaddii 1992, laakin dhaqdhaqaaqeedii dhabta ahaa ayaa bilawday 2003
markaas oo ay India isku bedeshay saldhig muhiim u ah Information Technology iyo
shaqaale raqiisan kuna hadla Afka Ingriisiga.
Midowga shirkadaha programyada sameeya
ee India ayaa waxay sheegeen asbuucii lasoo dhaafay in uu kordhay sector ka
programyada computerka sanaddan aynu kujirno in dhan 25%.
Waxaa kaloo la filayaa iminka shirkado
kale oo carab ah inay maalgashtaan qeybta Informatin Technology, 2004tii mar uu
booqasho ku tagay Amir Waleed Bin Talal ayaa waxaa uu xusay baahida loo qabo in
India laga maalgashto qeybaha kala duwan ee Information Technology.
Ayanle yare
Karachi, Pakistan
ayaanle@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 12, 2006
Sheekh Shariif "Lagama
Fursanayo Dagaal Haddii aysan....."
»Ururka Midowga
Afrika oo soo dhaweeyay Isbedelka ka dhacay..
»C/llaahi Yuusuf
“Beelaha Digil iyo Mirifle.u soo jeediyey in ay .”
»Hay’ado
cambaareeyay dilkii loo gaystay Malaq Seemow..
»Ma dhabaa in MSN
Messenger-ka uu lacag noqon doono.?
Wararka oo dhan
ka akhri halkan.... Guji... Jun 11
Warbixin ku
saabsan dagaalkii ka dhacay Baydhabo..
»Indha-Cadde
“kooxihii laga adkaaday waxay doonayaan in..
»Saraakiil Mareykan
ah oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo
»Dowladda Itoobiya
oo si taxadar leh uga hadashey is....
»Beesha Gaal Jecel
oo shaley Furatey Maxkamad Islaami ah
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji.. Jun 10
»Isbeddelka
aasaasiga ah ee ka dhacay Muqdisho| Abokor
»Talo-siin
Maxkamadaha iyo Maanso. | Caliqeyr
»Maxaa sababay
isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? | Caafi
»Ba' Dagaal
Oogaha, Barkhada Wadaadada iyo Baraaraha Shacabka
»Muqdisho:
shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad/2aad) | Axmad
»Horumarka
Maxkamadaha Mogadishu: Guul mise Khatar? | Faysal
»Taladaan la
Ruugin, Waa Lagu Rafaadaa | C/xakiim
»WARQAD
FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA | Cumar
»Talo Wax-ku-ool ah
oo ku socota Maxkamadaha Islaamka | Yusuf
»Aynu wada dhawrno....
| Jaamac
»MUQDISHO
WAA LOO YAABAA | C/laahi