SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII: JUNE 10, 2006

  • Warbixin ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacayBaydhabo..

  • Indha-Cadde “kooxihii laga adkaaday waxay doonayaan in ay ku soo dhuutaan..”

  • Saraakiil Mareykan ah oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo..

  • Dowladda Itoobiya oo si taxadar leh uga hadashey is bedelkii ka dhacay...

  • Beesha Gaal Jecel oo shaley Furatey Maxkamad Islaami ah…


Warbixin ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacayBaydhabo..

Sida ay noogu soo waramayaan weriyaasheena ku sugan Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd magaaladaasi ay ka dhaceen dagaal socday mudo saacad ah, oo u dhexeeyay maleeshiyooyin ka amarqaata Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Maleeshiyooyin ka tirsan deegaanka, waxa uuna dagalkaasi ka bilowday afaafka hore ee guriga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf kaddibna waxa uu ku faafay goobo kale oo ku dhow halka fariisinka u ah Madaxweynaha, waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku dhinteen 11 qofood ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo lix iyo taban qofood, waxaa ku dhintay Malaaq si aad ah looga yaqaanay deegaankaasi oo lagu magacaabo Malaaq Seemow oo isagu soo kala dhex galay labada dhinac ee dagaalameysay si uu u qaboojiyo arrinta, waxaa kalloo ku dhaawacmay Xildhibaan Afaraale oo isago dhaawiciisa ahaa mid fudud, isna waxa uu ku howlanaa sidii loo xaqaboojin xasaradda. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi ay soo gaareen ciidamo kuwaasoo ka yimid Xerada Manaas, sidoo kale waxaa iyana soo galay magaalada kooxo maleeshiyo ah oo la sheegayin ay si aad ah uga careysan yihiin Malaaq Seemow, waxaa la sheegay in xaaladda magaalada Baydhabo ay kacsan, waxaa socda waan waan la doonayo in lagu dhameeyo arrintaasi oo ay wadaan malaaqyda beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana qalalaasahan keenay kaddib markii beeluhu isku qabsadeen golayaasha deegaanka.

Indha-Cadde “kooxihii laga adkaaday waxay doonayaan in ay ku soo dhuutaan..”

Waxaa habeen hore halkii uu deganaa Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal oo ka mid ah Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada laga furay Maxkamad Islaami ah, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mas’uuliyiin kale.

Waa xaruntii labaad oo uu lahaa Isbahaysigu oo laga furo Maxkamad Islaami ah, waxaa ka horeeyay degmada Dayniile oo fariisin u ahayd Max’ed Qanyare Afrax. Furintaankii Maxkamad-daan waxaa ka hadlay guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-Cadde ooi yiri “kooxihii laga adkaaday waxay doonayaan in ay ku soo dhuuntaan Maxkamad Islaami ah, waxaan ka codsanayaa Maxaakiimtu in ay naga fiiriyaan Maxkamadaha la sameynayo, sidoo kalana naga fiiriyaan Garkooda iyo Surwaalkooda

Saraakiil Mareykan ah oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo..

Iyadoo Dowladda Mareykanka ay ku fashilantay dagaaladii ka dhacay Muqdisho kaddib markii ay garab siisay Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in maalinta isniinta ah ay magaalada Baydhabo soo gaari doonaan saraakiil sarsare oo ka socota Dowladda Mareykanka kuwaasoo doonaya in ay kala hadlaan arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is bedelka ku soo kordhay Magaalada Muqdisho kaddib markii ay maxaakiimta la wareegeen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhowr jeer ka codsaday Dowladda Mareykanka in ay wixii Soomaaliya ku saabsan ay kala xaajoodan Dowladda Federaalka balse arrintaasi waa ay ka dhega fureysteen, waxaana la sheegayin haatan uu Mareykanku doonayo in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federaalka, iyadoo Mareykanku uu haatan ka fiirsanayo wixii ka dhacay Muqdisho.

Dowladda Itoobiya oo si taxadar leh uga hadashey is bedelkii ka dhacay...

Dowladda Itoobiya ayaa si taxadar leh uga hadashay is bedelka ku soo kordhay magaalada Muqdisho kaddib markii ay magaalada la wareegeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah kana adkaadeen qabqablayaasha dagaalka.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho uu yahay mid ku yimid rabitaanka Shacabka kaddib markii 16 sano ay dhibaato ku hayeen qabqablayaasha dagaalka.

Dowladda iToobiya Dalka itoobiya oo ay ku nool yihiin muslimiin aad u fara badan ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen guushii Maxaa-iimta, hase yeeshee muslimiintaasi waxay si aad ah uga careysan yihiin joogitaanka ay dalka Itoobiya joogaan qaar ka mida ragga Isbahaysiga sida Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo haatan dalka Itoobiya ka doonayaan taageero militari, hase yeeshee Dowladda Itoobiya waxay ka fiirsaneysaa sidii mar kale taageero u siin lahayd hogaamiye kooxeedyada ku fashilmay siyaasadda dalka Soomaaliya.

Beesha Gaal Jecel oo shaley Furatey Maxkamad Islaami ah…

Maalintii shalay ahayd ayaa xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho waxaa laga furay Maxkamad islaami ah oo ay furatay beesha Gaal-Jecel, waxaana ka qaybgalay Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Culuma’udiin iyo martisharaf kale, ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Sheekh Ibraahim Suuley isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed mudo laga hor taagnaa kitaabka Alle balse maanta ay garteen, waxaa kalloo ka hadlay C/raxmaan Xasan (Qoor-Gooye) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Beesha Gaal-Jecel oo sheegay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan in beeshu furato maxkamad Islaami ah, waxaa kaloo guddoomiye ku xigeenka Midowga Maxaakiimta Islaamiga Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in kooxaha weli ku dhuumaaleysanaya Magaalada Muqdisho haddii aysan soo wareejin hubka xoog looga qaadi doono, waxaana maxkamaddaas Guddoomiye loogu doortay Sheekh Maxamuud Xasan Muumin, iyadoo loo bixiyay Al-Faaruuq

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Jun 10, 2006

Madaxweynaha Puntland oo Markii Ugu Horeysey Sheegay In Shirkado Kale Imaan Karaan Puntland
Hadalkaas oo Khilaafsan Heshiiskii ay Puntland La Gashay Shirkadda "Consort ltd".... Guji.... Jun 9

Arday lagu xidhxidhay magaalada Dhagaxbuur
iyo Dagaallo cadowga lagu curyaamiyay
... Guji.... Jun 9

QORAAL KASOO BAXAY GUDOOMIYAHA URURKA CARAB YAXYE SAALAX

Wakiilka Qaramada Midoobey oo ugu Baaqay Madaxda Maxaakiimta in la Wadahadlo
»Amir Waliid oo ugu deeqay W/bari Kenya hal malyan oo dollar
»Hadalka Sheekh Shariif ka soo yeeray ma yahay mid....
»RAADADKA AY REEBEEN DAGAALADII KA DHACAY MUQDISHO
»Sweden: Aabbe Soomaaliyeed oo maxkamad loo horkeenayo
»Uganda oo sheegay in Soomaaliya u direyso ciidamo...
»Cismaan Caato “Ilama wanaagsana in raggii dadka...
»Abdirashiid ilqayte oo Kenya laga Masaafurinayo...
»Banaanbaxyo looga soo horjeeday in Dowladda Kenya oo..
»RAASHIN LAGA QAYBIYEY J/HOOSE & MUQDISHO...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 8

Barnaamijka Xisbiga Ramaas Political Party (RPP)
Ummadda Puntland oo usoo martay dhismaha Dowlad Gobaleedka Puntland halgan dheer oo soo... Guji....


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD