Si Maxamed-dheere Jowhar loo Qaado waa in Cabdi Qeybdiid wax laga
Qabtaa; Madaxtooyada Qarankana laga wareejiyaa Meleeshiyooyinka Haysta
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaan u
hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta ooy joogtaba guushii ay soo
hooyeen maxaakimta Islaamigaa, odayo-dhaqameedka, ururrada bulshada iyo dhammaan
shacabka Soomaaliyeed khaasatan kuwa Xamar.
Intaas kaddib
waxaan sidoo kale u duceyneynaa maxkamadda Furqaan ee ku jirta Midowga
Maxaakimta kaddib markey noo dabbakheen xaddiiska nabiga (SCW) ee ahaa u gargaar
walaalkaa hadduu gardaranyahay iyo haddii laga gardaranyahayba. Waa iyadii la
ogaa siday u galeen C/Rashiid Il-qeyte iyo C/Shukri. Sidoo kale waa tii
Maxkamadda Ifka Xalan ay Cabdi-waal Xamar ka saartay. Waxaa isna si sharaf leh
oon dhib lahayn Xamar uga tagay Maxamed Qanyare oo si caqli ah tolkiis dhibkii
uga dulqaaday. Sidoo kale waa tii walaalaha maxkamadda Towfiiq ay Bashiir Raage
iyo Muuse Suudi ugu dhammeeyeen sidoo kalana iyagoo kaashanaya maxaakiimta kale
iyo shacabka Soomaaliyeed ay Balcad uga xoreeyeen Muuse Suudi.
Ilaahay hortiis
maxkamadda Furqaan iyo qabiilka leh waxbaa noogu dhimman – waa iney hubka ka
qaadaan Cabdi Qeybdiid iyo maleyshiyada degen Madaxtooyada. Hadday taasi dhacdo
waxaa ku xigeysa in Muuse Suudi iyo Bashiir Raagana hubka u dhiibaan Mudulood
sidoo kalana Maxamed-dheere looga qaado Jowhar. Waxaan maxkamadda Furqaan u
sheegeynaa iney soo celiyaan jacaylkii ka dhexeynjiray halgamayaasha
Soomaaliyeed. Haddiiba Maxamuud Yuusuf (Muuro) uu qaatay tallaalkii Allaha u
naxariistii C/hi Ciise Maxamuud mar looga baqay in Talyaanigu sumeeyo waqti uu
la rabay in C/hi Ciise shir u aado qaramada midoobay soow uma habboonna
maxkamadda Furqaan inta madaxtooyada ka wareejiyaan meleeshiyada heysta iney ku
soo dhoweeyaan guddoomiya maxkamadaha Shariif Axmed oo ay iyagu ugu horreeyeen
kuwii wax ka doortay? Shaki iigama jiro iney sidaas iyo sharaftaas la rabaan
Shariifka ee maqaalku wuxuu ku socdaa dadka qolodaas u dhashay ee aan maxkmadda
ku jirin. Haddiiba Mareykan leeyahay waan la xaajoonayaa Shariifka iyo
maxkamadaha soow lama rabo in dadkii Shariifka doortay ay iyagu madaxa saartaan.
Marka haddii maqaalkani gaaro Xamar waxaan ka codsaneynaa maxkamaddaas iyo
qabiilkey ka dhasheenba iney maalinta Jumcaha salaadda kaddib ay war kheyr na
maqashiyaan oo ah iney Furqaan iyo Shariifka ku soo dhoweynayaan madaxtooyada
iyo iney sidoo kale hubka ka qaadayaan Cabdi Qeybdiid.
Muduloodka
waxaan ku leeyahay horta dagaaloogayaashaas qaarkood hoosta idin ka soo galay ma
jiraan cid aan Mudulood aheyn ooy wax u dhimeen. Sidaan maqaal hore ku sheegay
bal sheega cidda kale ooy Muuse Suudi, Maxamed-dheere, C/Qaadir-beebbe, Bashiir
Raage, iyo Cumar-filish ay wax u dhimeen oon Mudulood ka ahayn? Ma jirto.
Waxaan Soomaali
oo dhan iyo khaasatan Mudulood u sheegayaa inaan diinta Islaamka milicsanno.
WALLAAHI waxaad mooddaa iney haddeer soo degtay. Labo qoddob baan rabaan inaan
xuso:
-
Waa in la
iska ilaaliyo in la raaco sifooyinkii nin oday ahaa laakiin aad u nasiib
darnaa waa C/hi Binu Ubayi binu Salool, munaafiqii weynaa. Wuxuu salaadda
Jimcaha ka dhex istaagijiray masaajika nabiga (SCW) isagoo leh: Ansaareey
kani waa nabigii Ilaahay ee haloo gargaaro; hala raaco iyo hadalo wanaagsan
laakiin wuxuu intaas maleegijiray wax Islaamka iyo dadkiisaba dhib ku ah.
Marka waa ceeb in la arko odayaal waaweyn oo marar badan aad ku arkeysid
meelo kheyr iyo iyagoo dhexdhexaadin ka wada dadka dhexdiisa laakiin aad
mar mar ku arkeysid meel aan ku habbooneyn iyo iyagoo dhexfadhiya dad
caadeystay dhibka diinta iyo shacabka Soomaaliyeed. Marka ninkii oday ama
siyaasi sheegta oo sidaas ku sifooba wuxuu raacayaa C/hi binu Ubayi. Sideey
ku dhicikartaa in dad u damqado nimankii qandaraaska ku qaatay dhibka diinta
Islaamka iyo dadkeeda?
-
Meel kasta
oo lagu qabto wax diinta iyo dadkeeda ka soo horjeeda waxay raaceysaa
masjidkii diraar/dhibka ee Madiina ka jiray oo munaafaqaas aan ka soo
hadalnay iyo rag la mid ahi dhiseen si ay muslimiinta ula dagaalaan,
gaaladana ku soo dhoweystaan. Marka maantadan aan joogno haddii masaajid ama
mowlac ama madaxtooyo ama meel kalaba lagu qabto oo lagu soo dhoweeyo dad
qandaraas soo qaatay waxay meeshaas noqoneysaa mid lagu dhejiyo magaca
diraar/dhibka. Xitaa haddii masjid lagu soo dhoweeyo dagaaloogayaal si ay
xaqa uga soo horjeestaan, masaajidkaas waa in laga tago oo uu noqdo mid
kharaab ah oo magacaas kore la siiyo marka mowlac iyo madaxtooyo warkood daa.
Marka waa in
dadkii gefku ka dhacay iyagoo leh qabiil kale wax u dhima ay ka soo noqdaan.
Hadda waxaan rajeyneynaa in maxkamadda Furqaan iyo qolada dhisatay uu ka soo
yeero war fiican oo ku saabsan Cabdi Qeybdiid iyo madaxtooyada marka Muduloodna
waxaa laga rabaa iney hubka ka qaadaan Muuse Suudi iyo Bashiir Raage. Hubka
Muuse waxaa loo dhiibikaraa Maxamuud Abuukar Suulaley iyo ragga qoladaas ah ee
maxkamadaha ku jira. Kan Bashiirna waxaa lagu wareejinayaa Shariifka iyo Sheekh
Cali-dheere. Culumadaan, Abuukar cumar Caddaan iyo shirkadda Banaadir baa kheyr
ugu filan Mudulood. Marka haddeyba dadka noocaas oo kale heystaan waxay ahayd
iney Ilaahay u xamdinaqaan. Marba haddii qolooyinka kale ooy xurguftu kala
dhexeyso ay Shariifka ka dhigeen nin magac ku yeeshay Soomaali iyo adduunkoo dhan
sidoo kalana ay Maxamuud-cadde ka dhigeen guddoomiyii Banaadir maxay kaloo
rabaan?
Haddii salaadda
Jumcaha war kheyr ka soo yeero Furqaan iyo beesha leh waxaan rajeynayaa inaan
ilaa Axadda war kheyr ka maqli doonno Jowhar oo Mudulood oo maxaakimta
garabsanaya ay ka qabtaan Maxamed-dheere. Arrintaas ku saabsan Cabdi Qeybdiid
iyo madaxtooyadu waxay fursad siineysaa munaafiqiin badan oon shacabka la rabin
horumar. Khasab ma ahan in hal maalin ah laga baxo madaxtooyada laakiin waxaan
maleyshiyada heysata ka rabnaa iney ku dhawaaqaan iney ku wareejinayaan
maxkamaddooda Furqaan.
Soomaaliyeey,
qofkii Ilaahay sharfo dabadeedna naftiisa sharfa ayaa dadkoo dhami sharfaan.
Hadda markii shacabka Soomaaliyeed soo dhoweeyey Shariifka ayaa dowladihii oo
dhammi dheheen: ninkaas uma gacan-dhaafi karno shacabka Soomaaliyeed. Kuwoodii
ugu fogaa oo Maraykan ka midyahay wakuwaas hadda leh waxaan la galeynaa
wadahadal taxaddar leh.
Haddii
maxkamadda Furqaan iyo qolada lihi ay wax ka qabanweydo labadaas arrimood waxaan
Shariif Axmed kula talinayaa inuu iska casilo jagadaas ileyn qorshihii la isku
ogaa sidaas ma aheyne. Marka Furqaan ma heleyso wax cududaar ah oo ay arrintaas
ku fulinweydo maxaa yeelay waxaa taageero la garabtaagan maxaakimtii kale iyo
shacabka Soomaaliyeed. Marka waxaa dhab noqonaya dacaayadaha ay wadaan dadka
inkaarta qaba. Waxaa dacaayadahaas ka mid ah: Mururusade oo raba iney Qanyare
soo celiyaan! Waa beentood oo maanta Mururusade magac buu helay, diyaarna uma
aha in qof ka mid ahi uu qandaraas u soo qaato wax dhib ku ah shacabka
Soomaaliyeed waana arrin ku-dayasho mudan. Marka macquul ma ahan in Qanyarana
hubkii u wareejiyey, Cabdi Qeydiidna iyo dad kalana ay u heystaan. Anigu waxaan
aamminsanahay hadday Furqaan wax ka qabanweydo in shacabka Soomaaliyeed ay si
xoog ah wax uga qabanayaan Cabdi Qeybdiid intay dib usoo xoogeysanlahaayeen
qabqablayaal kale.
Waxaa kaloo farxad u ah shacabkii Soomaaliyeed iney shaqeynweyday huuhaa iyo
dacaayado badan oo khalkhal lagu gelinayo guusha u soo hoyatey shacabkaas. Waxaa
jira waxgarad iyo siyaasiyiin badan oo u dhashay Mudulood oo sheegay in sheekada
qabiilka oo ay Muuse Suudi, Maxamed-dheere iyo Bashiir Raage rabaan aysan
soconeyn. Waxaa ka mid ah Xuseen Bood iyo Faarax Weheliye (Sandiko). Marka
arrintu waa siday u dhaheen.
Teeda kale waxaa jirta cilad ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed oo ah iney mar
kasta dhinaca xun wax ka eegaan marba haddii qabiilku uusan kooda aheyn. Ogaada,
qabiilkii maxkamadaha ku taageeray hubka iyo dhaqaalaha ugu badan ayaa sidoo
kale ajarka iyo ammaanta ugu badsanaya. Tusaale ahaan haddii beesha Cayr ama
Harti Abgaal ay noqdaan qabiillooyinka ugu taageerid badan maxkamadaha dhinac
kasta waxaan shaki lahayn iney ajarka ugu badanna helayaan hadday niyadda
wanaajiyaan. Marka haddaan shacabka Soomaaliyeed nahay waan ognahay qolo kasta
waxay ka geysatay halgankaas mana jirto cid inkirikarta xaqooda. Marka waa in
lagu tartamaa sidii loo taageerilahaa maxkamadaha
Maaddaama aan Soomaali ahay oon intaas oo sanana ku dhexjiray waxaan rajeynaa in
maxkamadda Furqaan iyo qolada lihi aysan ka noqondoonin doorkoodii hormuudka
ahaa ee ay ka qaateen kacdoonka dadweynaha.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | June 9, 2006
Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..
C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama
hadlin!! |