Ba' Dagaal Oogaha, Barkhada Wadaadada iyo Baraaraha Shacabka: Sidee loo wada Heli Karaa?
Cabdirashiid Xaaji Faarax
ahajifarah@gmail.com
-
Soomaalay rasan
- Kii ku raamsaday
- Lagaa reebyoo
- Waa lagaa rogay
- Ragga kuu kacay
- Rabaa keenaye
- Raas naq weynliyo
- Rug kheyr kugu fure
Qof kasta, Soomali kuwa ah iyo kuwa aan ahaynba, oo ka faaloonayey arrimaha Soomaaliya maalmahan
waxay u riyaaqeen dharbaaxada lagu dhiftay dagaal oogayaashii 15ta sano shacabka Koonfureed silica
ku hayey. Waxay isku raacsanyihiin in dagaal oogayasha aan marnaba loo ogalaan inay ku soo noqdaan
caasimada. Dadka xuquuqda u doodaa waxay ku boorinayaan caalamka in dagaal oogayaasha loo diyaariyo
sidii maxkamado loola tiigsan lahaa. Taxadir ayaa laga qabaa habka ay u dhaqmi doonaan wadaadada
guushaa loo bogay u soo hooyey shacabka Soomaaliyeed. Iyadoo caalamka aanay marnaba u hiilin doonin
dagaal oogayaasha, waxayse rabaan in Ciidamada Maxkamaduhu muujiyaan dhexdhexaadnimo, wada tashi iyo
in ay tusaan inaanay xukun doonayaal ahayn ee xasiloon dhaliyayaal yihiin.
Wadaadada Xamar gacanta ku dhigay waxa u banaan, ka dib marka ay dejiyaan caasimada, inay la hadlaan
Dawlada ku meel gaarka ah. Shacabka wixii dan u ah waa iney Madaxweyna Cabdullahi Yuusuf iyo Ra'iisal
Wasaare Geedi dawladooda ka xaqiijiyaan. Dadka raba inay Dawlada iyo iyaga holoc dhex dhigaan, waa
iney iska foogayaan.
Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho qabatay waxay reebi karaan taariiikh ummada Soomaaliyeed iyo adduunku
aanu weligii hilmaami doonin. Shacaka Soomaaliyeed xilligay qaraaraato waxa u kici jiray culimo, sida
Ahmed Guray, Sayid Maxamed, Shiikh Xasan Barsame, iyo Shiikh Bashiir. Shiikh Shariif iyo culimada la
socotaa yey iska lumin fursada ay ku noqon karaan Axmed Gurayadii xilligan. Iyagoo khilaafka loogu soo gaban
doono qabiilka iska ilaalinaya, waa in ay Hogaamiyayaasha Maxkamaduhu ku dhaqaaqaan kasbashada
qabaa'ilka arrinta sida qaloocan loo tusiyey.
Dagaal oogayaal ayaa weli isku dayeya inay qabiilkooda ku guubaabiyaan in arrintu aanay shacab
badbaadin ahayn ee tahay qabiil shaar diimeed huwan. Qabiilka sidaa lagu kaxaystaa oo maanta iska
daba gala dagaal ooge, laga hadhsan waayey 15 sano, waxay ku socdaan jab iyo tal xumo. Xilligan dagaal
ooge fursada u hadhay ma jirto, markaa qaabiilka aan iska arrag Ururada Maxkamadaha ha ku
dedaaleen inay culimadooda raacaan oo ku booriyaan inay Maxkamadaha la hadlaan oo wada shaqeeyaan.
Marna yey la banaan bixin, u doodin, iska hormarin ama u dhiman dagaal ooge shaadhkii sharafku ka dhacay.
Qabaa'ilka Xamar degan qaarkood ha iska ilaaliyeen mar walba in god looga dul boodo iyo in dagaal
ooge "tolayeey" ku kiciyo.
Dagaal oogayaashu dan gaar ah oo ay leeyihiin ayey Koonfur badankeeda uga dhigeen meel haadku
hadhsan waayey. Wadaniyiin Soomaaliyeed oo badan oo aan Xamar u dhalan oo aan waxba ka qaban
karin dagaalka socdey ayaa maanta yididiilo ku abuuratay. Sida shacbiga wadaniyiinta ah ee
Xamar u dhashay mar walba u rabaan in caasimada sharafteeda la soo celiyo, maanta dhamaan Soomalida
wadiniyiinta ah waxa gashay rajo iyo Muqdisho oo maqaam nabadgelyo noqota. Soomaalida debeda
ku nooli waxay ku faraxsan yihiin in Muqdisha dhurwaayadii laga saaray.
Dhicii Xukuumadii hore sidii loogu farxay laakiin aan loogu baraarin waa in aan jebinta dadqalada Xamar
aanay taa oo kale u noqon. Haddii dagaal oogayaashu dhurwaaya ahaayeen, wadaadow dhidaro ha noqonina.
Xukuumada Dawlada ee Baydhabo fursad wacan ayaa farahooda soo geli karta. Si taxdir iyo digtoonan le
inay ula shaqeeyaan Ururada Maxkamadaha ayaa u haboon. Wararka kuwa burburinta ku nool yey
siyaasad hagta Dawladu ka dhigan.
Caalamku indha dheeraad ah ayey ku hayaan Itoobiya. Adduunku waa arkaa in Itoobiya ay rabto been
caalamka inay ka iibiso la xidhiidha Urururada Maxkamadaha. Adduunka markay ka iibin weydo, Soomaali
ay kireysatey ayey ku fushan doontaa. Ha la iska jiro kuwa hogaamiyayaasha iska dhigi doonaa laakiin
fulin doontaa siyaasadaha shacbiga Soomaaliyeed ba'a gelin doona.
Shacbiga Soomaaliyeed iyo adduunku wuxu dhowrayaa talabooyinka ay qaadi doonaan Urururda Maxkamaduhu.
Waxaan odhan lahaa wadaadu ha xusuusnaadeen:
- Dhurwaa erinaye
- Rabow dhidar iyo
- Dhuuni qaatiyo
- Dhicin ka ogow
Cabdirashiid Xaaji Faarax
ahajifarah@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan ka akhri halkan....
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 4, 2006
|