SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maqaal Muhiim ah: Isbeddelka aasaasiga ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho...

(Cph, Denmark) Isbeddelka aasaasiga ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka muuqda khataro iyo lugooyooyin waaweyn oo ku soo wajahan shacab weynaha Soomaaliyeed. Askhristow khatartani kama soo jeeddo Maxaakimta Islaamiga ah, kamana soo jeeddo dowladda federaalka ah kama soo jeeddo shacabweynaha Soomaaliyeed ee waa mid si wadajir ah ugu wajahan kulligood kana soo jeedda quruumaha sida joogtada ah ugu haya hagardaamada shacabka Soomaaliyeed.  

Akristow Soomaaliya waxa ay maalmahan saarantahay bogagga hore ee jaraa’iddada ugu waaweyn looguna akhriska badan yahay maanta adduunka. Waxa kale oo ay maantra meel hore kaga jirtaa waxa loo yaqaan ”NEWS HEADLINES-ka” idaacadaha adduunka oo idil TV iyo raadiyeba. WAR MAXAA INA SOO GALAY? Ma cirbaddi morfin-ta ahayd ee la inaku dhuftay baa shaqeyn weyday oo waa iyada geeri la inoo diyaariyaye waanu nuuxnuuxsannay iyadoo la inaka filayay in so qabow oo nabad ah naftu inooka baxdo. Kolleey waxbaa jira. 

Bal akhristow u fiirso isbedelka ka dhacay Muqdisho reaction-nada ama darreennada adduunku qaarkiis ka keenay. Dowladda Mareykanka: ”Waan ka walaacsanahay isbeddellada ku soo kordhay Muqdisho” Madaxweynaha Mareykanka ayaa laga hayee taas. ”Waxaan ka walaacsanahay in Soomaaliya ay hoy u noqoto argagixisada caalamka sida ay mar noqotay Afganistaan iyo Soomaaliya ay noqoto meel ay ka duulaan kuwa khatarta ku ah maslaxadda Mareykanka” Waa wasaaradda arrimaha debedda ee Mareykanka.  ”Muwaaddiniinta Mareykanka waa inay u safrin dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay kooxo mayal adag gacanta ku dhigeen iyagoo la kulmi kara handadaad, afduub iyo dil” weli waa wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Mareykanka. ”Waan la dagaalamaynaa kooxaha argagixisada ee ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Muqdisho” wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Mareykanka. Intaas oo haddal iyo kuwa kale oo la filayo dhowaanba waxay maalmihii la soo dhaafay ka soo yeereen maamulka Mareykanka. 

Horta marka hore awal ayaa digniinta ku socota muwaadiniinta Mareykanka jirtay oo 1991-kii bay soo baxday wax cusubna maaha. Ujeeddooyinka loo soo cusbooneysiiyay ee laga leeyahayna waa sidan A) duqeyn iyo duullaan uu ku qaadayo ummadda Soomaaliyeed ee awalba silcintiisa la diihaalsanayd. B) in shucuubta kale ee adduunka uu ka gado aragtida oranaysa argagixisaa gashay Soomaaliya ee ka jooga, uguna cudurdaarto in Mareykanku rabo inaa ku duulo argagixisadaas (shacabka Soomaaliyeed) maaddaama ayan dadkayga iyo kiinuba ayan tegi karin taaasoo ah arrin ay u jilicsan yihiin shucuubta adduunka qaarkood gaar ahaan reer Yurub. 

Haddaba akhristow ilma adeeri waa in istaqaane, Soomaaliyi goormay Mareykan ku duushay oo maslaxaddiisa wax yeeshay? Maxaa lagu caddeeyay iney Soomaliyi lug ku luhayd weerarraddii loo geystay safaaradihii Mareykanka ee Barriga Afrika dalalka ku yaal qaar kamida. Haddii la yiri C/qaasin Salaad waa tuktukadaa oo wadaaddaduu la sheeksheekaystaa illa C/qaasim wadaadnimo inagu kuma xammannee, maxaa C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi iyo dowladdan iyada iyo baarlamankeeduba argagixiso la dirir xigeenka ah Mareykan ku diiday? Dowladdii C/qaasim horkacayay waxaa wasiirro, ku xigeenno iyo mas’uulyiin ka wada ahaa kaadiriintii reer galbeedka gaar ahaan Mareyanka e, ma dhab baa in Mareykan uga baqay islaamnimo, mise ujeeddo kalaa aasan?  

Akhristow sidaan kor ku xusan Mareykanku ma taageerin dowladdihii Soomaaliya laga dhisay wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii Soomaaliya. Isagaana burburiyay tii Maxamed Siyaad horkacayay oo sidaanu wada ognahay Mareykankaa hub ayuu kusoo daldalayay Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay jirtaankii dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliyeed iyadoo adduunku in badan ka walaacay arrintaas. In badanna lagala hadlay in Soomaaliya ay u baahan tahay in dhaqaalaha ee uu ka joojiyo deeqahan iyo deymahan hubka lagu siinayo. Waxaa si lamida arrintaa ka codsaday siyaasiyiin kalana hadlay maamulladii Mareykanka khuburo Soomaaliyeed. Ha yeeshee ujeeddadiisaa ka weynayd. Tusaale akhistow, Mareykanku wuxuu diiday oo ishortaagay dowladdii Soomaaliyeed ee uu Cali Mahadi Madaxweynaha ka ahaa ee lagu dhisay dalka Jabuuti. Wuxuu qaadacay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ee Soomaalidu ay ku soo dhisatay maagaaladda Carta ee dalka Jabuuti. Waxa kale oo uu maanta hortaagan yahay dowladda Federaalka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee laba sano ka hor ay Soomaalidu ku soo dhisatay dalka deriska ah ee Kenya. Maanta waxa uu u xeydxeytay inuu dagaal hor leh ka huriyo Soomaaliya oo uu dhibaato hor leh u geysto shacabka Soomaaliyeed aadka  waxyeellada dagaalka sokeeye, abaaraha iyo fakhrigu ay aadka u jilciyeen.

Akhristow midi waa caddahay oo Mareykanka maanta waxaa mslaxaddiisu gashay burburka iyo ba’a ummadda Soomaaliyeed ee maxaa jira? Ma shacabka Soomaaliyeed ee Mareykanku bililiqeysanayo ee daladlka deriska ka daadgureysanayo buu istaagid uga baqayaa? Waa maya jowaabtu oo dadku iyagaa diyaara oo socda. Dhowaanna waa isaga Mareykanku ku dhawaaqay inuu carra Mareykan dejin doono Soomaali tiro le’eg inta hadda joogta. Ma dowladda jilicsan ee tirada yar ee kiristanka ahi ka taliso ee Itoobiya ayaa laga illalinayaa inaanu dhul u sheeganno oo dadka iyo dalka inakaga maqan aanu ka goosano ama xukunkuba gacanta gaaladda tirada ka baxo iyadoo Soomaaliya loo marayo? Iyadoo siyaasiyiintayadu ay wada ogyihiin in Mareykanku ahaa aabihii kala qeybqeybinta Soomaaliya xilligii aya xornimada qaadanaysay isagu kula muddacay dalka Ingiriiska inu Itoobiya qeybta ay ka sheeanayso Soomaaliya siiyo maaddaama ay Itoobiya dagaalkaii labaad ee adduunka gashay iyo ka dhinaca safan huwantii Mareykanku horkacayay iyadoo dowlad xora ah. Ma qashinka wershadaha iyo kan qumbaladduriyaha ee ku aaso xeebaha Soomaaliya iyo Ciidamadiisa bilaashka ku fadhiya xeebaha Soomaaliya buu isleeyahay waxbaa iska beddelaya? Waa macquul, kulise ma wada ah sidaas. Ma maslaxadda Israel baa ku jirta in Soomaaliya ay sidaas ahaato oo dal ka burburay Jaamacadda Carabta waa culays ka dhacay Yuhuud? Waa suure maxayse ahayd khatarta tooska ah ee Soomaaliyi Israel ku haysay? Ma waxaa ...? Ma waxaa...? Yaabay anigu. Bal aynu hareeraheenna dhuganno. BURBURKAYAGA IYO BAA’BA’AYAGA MAXAA MAREYKAN MASLAXAD U GELIYAY..  

Inta Soomaali Alla badiyay aqoonyahan, siyaasi, culimo u diin iyo indheergarad kale, maxaa Mareykan Bashiir Raage, Muuse Suudi, Maxamed Dheere, Cabdi Waal iyo noocaas oo kale Soomaali kala xirtay oo wax uga weydiiyay. Suurto galse ma tahay in Mareykan si gaar ah uu uga aarsanayo shacabka reer Muqdisho bahdilkii iyo jabkii foosha xumaa ee fashiliyay dhoolatuskii loogu gogol xaarayay mashruucii la magacbaxay ”The new world order” HANNAANKA CUSUB EE ADDUUNKA? Mashruucaas oo ku caloolgalay dhulka ay ula baxeen Israel kuna dhashay carriga Mareykanka laakiin aakhirkii ku xijaabtay oo lagu aasay dalka Soomaaliya weliba magaaladiisa Muqdisho. 

Guntii iyo gabagabadii MAXKAMADEEY MAREYKAN KUMA RABO KUMANA OGOLLA ee shacabka iyo Alle weynaa ku raba. DOWLADDA FEDERAALKAY MAREYKAN KUMA RABO KUMA OGGOLA ee shacabka Soomaali iyo Alle weyna ku raba waa haddaad weliba Alle rabtaan. Alle nimaan rabin ma rabo uu. Intaas oo maslaxad ah baad wadaagtaan ee ma leedihiin garasho idinku filan oo aad ku garataan taas. Soomaalidu waxay taraahdaa ”BUDO QABE IYO BIYO QABE WAA ISU BAAHAN YIHIIN”. Haddaba dantiin garta magaciin jirye. Dantiinnu waa danta shacabka Soomaaliyeed ee diifta iyo diihaalku u weheliyaan nabarrada waaweyn ee ka soo gaaray dagaalladii sokeeye ama ahliga ahaa  cadowguna dhaymada u diiddanyahay. 

Engineer Abokor
Copenhagen, Denmark
mohamedsac@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD