Talo-siin Maxkamadaha iyo
Maanso.
Caliqeyr M. Nuur:
caliqeyr@hotmail.com
Norway, Oslo.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Doqontu xoolana ma hoyso xeerna ma hoyso”.
Murtidaas ayey ku sifoobeen Dagaal Oogayaasha uu gabbalkoodu dhacay.
-Haddaba
anigoo aad uga xun gabood-falkii qabqablayaasha, isla markaasna ku faraxsan
sharaf-xumada ay ku dambeeyeen.
-Anigoo
ka cabsi qabo in uu xaalku isu rogo sida dagaalkii ay Mareykanka iyo xulufadiisu
ku xasuuqeen shacabkii reer Afqaanistaan awooddiina looga tuuray maammulkii
Daalibaan.
-Anigoo
ku baraarugsan awoodda cadowga ee intaas hortaagnayd xal soomaaliyeed ee misana
dul hoganayso waddanka, iyo weliba mu’aammarado aanan xad lahayn ee gudaha ka
jiro, waxaan u arkaa inay wanaag soo kordhinayaan dhowrkan qodob ee kala ah:
- In
aanan hakad la gelin dardarta lagu baacsanayo dhiig-miiratada oo ay weliba
Maxkamadaha tol-weynaha Muddulood sida ugu dhaqsaha badan gacanta ugu
dhigaan degmada Jawhar iyo masaafada dhuleed ee uu ka talin jiray
Maxamed-dheere, sharcigana la hor keeno ama la musaafuriyo dhammaan xubnihii
ku bahoobay Isbahaysigii Shaydaanka.
- In
sida ugu dhaqsaha badan loogu dhawaaqo maammulka gobalka Banaadir iyadoo
mudnaanta koowaad la siinayo beelaha Banaadiriga ah.
- In
la aqoonsado DKFS. si aanay u noqon cadow afaraad, tiiyoo loo furayo
wada-hadal aanan gogoshiisa la laabin. Haddii in badan la’isku diiddan
yahay waxaa jiro arrimo badan oo la’isku raaci karo.
-
Adduunkuba ha yaabo ee golaha deegaanka ha laga dhigo 50% rag iyo 50%
dummar. Taas waxaan u arkaa xigmad wanaagsan iyo gool siyaasadeed oo aanay
weli Afrika dhalin.
-
Beelaha la takooro ee waligoodba xaqooda la duudsiin jiray ayaan Maxkamadaha
ugu baaqayaa inay noqdaan maammulkii ugu horreeyey ee gefkaas ka dhiidhiyo.
Falkaas waxaan hubaa in loogu aayi doono taageerada awoodda qarsan iyo
weliba tan indheer-garadka soomaaliyeed.
-
Haddiiba ay Maxkamaduhu u dhisan yihiin qaab beeleed, waxaan soo jeedinayaa
in aanan magac qabiil cidna lagula xaajoonin, balse qabiilka loo maro
maxkamaddooda oo ay iyadu u guddoomiso masiirka beesheeda. Kolka arrinka
loo wajaho qaab beeleed oo ka gudubsan maxkamaddii beesha metelaysay waxaa
dhacayo in lugaha la galo qabiil wato dagaal-oogahoodiii, cilmaanigoodii,
iyo weliba xubnihii Isbahaysiga Shaydaanka.
Hal
qodob ayaan u arkaa fursad lama-dhaafaan ah iyo inuu ku jiro xal degdeg ah. Waa
in ciidanka Maxkamadaha lagu wareejiyo DKFS. maammulkana loo daayo kan imminka
dhisan. Haddii ay dowladdu arrinkaan ku
gacan-sayrto waa in laga tashado.
Sida kale haddii aanan
dadweynaha la tusin wax-qabad degdeg ah waxaa laga yaabaa in loo noqdo caadadii
16 jirka ahayd. Miyaan ku saxsanahay
inaan cuskado maahmaahdii ahayd ”Xiise iyo xumbo geelba way jabaan”. Kolka lagu
raago waqti dheer oo waxqabad la’aan ah waa in talada lagu darsado in uu
cadawgii umaddu soo hubaynayo wax-ma-garatadii hore iyo in been-abuurka
saxaafaddu iyo ku-tiri-ku-teentu ay kala dhantaalayaan sharaftii iyo dhumucdii
Maxkamadaha.
Inkasta
oo ”Maya!” looga jawaabo weydiinta ah ”Cadceed soo baxday miyaa calaacal lagaaga
qarin karaa”? Anigu waxaan qabaa ”Haa!” oo haddii calaacasha indhaha lagaa
saaro way kaa dabooli kartaa cadceeddii weyneyd, sababtuna waa inay calaacashu
kaaga soke-martay qorraxda. Taas waxaan la misaalay dhaliil yar ee ka
soke-martay wanaaggii iyo dadaalkaagii dheeraa sidaasna uu kacdoonku ku noqdo
hal bacaad lagu lisay. Gees lo’aad kulaylka ayaa lagu gooyaa.
Qabqablayaasha dagaalku waxay ku tallamayaan rogaal celis ee ha u moodin inay
carareen balse waxay taransanayaan hub, ciidan iyo garabsi shisheeye. Miyaanay
idinla ahayn inuu Maxamed Qanyare ku riyoonayo inuu waddanka gacanta ku dhigo
isagoo ah Maxamed Karsaaygii reer Afqaanistaan la dul dhigay.
Alle
sidaas kama dhigo waxaase loo baahan yahay aragti siyaasadeed oo u babac-dhigi
karto dawladaha xag-jirka ah ee ku talo-jiro inay curdan-dhadhiyaan kacdoonka
barakaysan ee reer Muqdisho. Aragtidaasi waxay ka iman kartaa iyadoo maammulka
lagu soo daro xeeldheerayaal siyaasadeed iyo aqoon-yahanno la faltami karo
siyaasadda caalamka oo uu xooggeedu lid ku yahay nidaamkan islaamiga ah.
Alle
waxaan ka magansanayaa inuu talada toosan solonsiiyo Kacdoonka Shacabka.
Maanso:
Soomaalaay dareemada.
-
Hadduu roob darrooriyo
-
Degelkana xareed dhigo
-
Biyo uma dareeraan
-
Buuraha dushooda eh
-
Dhanka dooxu godan
yahay
-
Ayuu daadku aadaa
-
Noloshuna dan weeyoo
-
Ay su’aali daba taal
-
Dadna kii u turi oo
-
Dabac iyo wanaag lay
-
Qalbi dulucsadaan oo
-
Wehel ugu duggaalaan
-
Ugaar iyo dugaagguna
-
In la doogi dooniyo
-
Dawga curan siduu
yahay
-
Deeradaa u sheegtoo
-
Durduriyo orgooshada
-
Daymadey xog ugu tebin.
-
Innaguna duqeydiyo
-
Sama doonihii kaco
-
Ama waa la deyrini
-
Ama waa la dilayaa;
-
Neef qaniinku
daashaday
-
Illeyn doog wax uma
taro.
-
-
War ninkii dirkiisiyo
-
Dalkiisaba wax tari
rabo
-
Ee uun damqanayoow
-
Dibad-joog ma aha
talo
-
Dameerfarow sidiisiyo
-
Goray deexda qaayibay.
-
Dunqaarrada barkoodaba
-
Dab-joog sababta loo
yiri
-
Reer kale dabkiisay
-
Had uun diirsanaayaan.
-
Soomaalaay dareemada
-
Diihaalkan qarannimo
-
Miyaan laga damqana
hayn
-
Daltebyadu miyey qaban
-
Aqoonyahanka
dibad-baxay
-
Dalkoodina gargaar
rabo.
-
Maskax aad u darartoo
-
Aqoonteedu durugtaa
-
Duni kala hageysa e
-
Cilmi daalibkeenniyo
-
Dagtoorradi miyey qaxi
-
Hohayeey! dalkeennii.
-
-
Dugayeey! gar weeyee
-
Aaway duubki dhaqameed
-
Col uu kala
dareershiyo
-
Dhibka kala daweyn
jiray
-
Aaway diin-yaqaankii.
-
Doqoney dabkaa ba’e
-
Hadmuu maanku
daaddihin
-
War hadmay daldalayaan
-
Dagaal oogayaashii
-
Hadmay dooranayaan
-
Nabadshaha damiirka
leh
-
Xilna uga dambeeyaan.
-
-
Dhiig islaan nin
daadshaye
-
Inuu niman dadka u
xigay
-
Iyo duul dhan cirib
tiray
-
Aan daahba saarine
-
Doodaha ku quruxsado
-
inuu meydki daacsani
-
Ninka duub u saaraye
-
Madaxnimo u doortiyo
-
Ninka lugaha duugane
-
Geel didayo dooh! oran
-
Maxaa loogu duurxuli.
-
Duuflaal ma raago e
-
Guusha soo dihani baan
-
Dambarkeeda sugayaa.
-
-
Gacan darajadeedii
-
Fal baa loogu
daw-galay
-
Maskax darajadeedina
-
Xal baa loogu
daw-galay
-
Da’na darajadeedii
-
Xigmaa loogu daw-galay.
-
Inkastooy daruur roob
-
Ay korkayga hogan
tahay
-
Inkastoon diryaan iyo
-
Maqli danab ciyaareed
-
Waa doqon geddiisi eh
-
Farxad lama degdegi
karo
-
Ee dadab-galkii Xamar
-
Dullin baa la sheegaye
-
Waxaan daawanaayaa
-
Duub weynaheennii
-
Inuu reerka diga-rogo
-
Ama uu kasii daro.
Caliqeyr M. Nuur:
caliqeyr@hotmail.com
Norway, Oslo.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | June 8, 2006
Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..
C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama
hadlin!! |