SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII JUNE 8, 2006

  • RAADADKA AY REEBEEN DAGAALADII KA DHACAY MUQDISHO...
  • Aabbe Soomaaliyeed oo maxkamad loo horkeenayo Gabadhiisa oo loo gudey gudniin (fircooni ah) awgeed...
  • Mr.Francois Fall oo ugu Baaqay Madaxda Maxaakiimta in la Wadahadlo.
  • Amir Waliid Bin Talaal  oo ugu deeqay W/bari Kenya hal malyan oo dollar
  • Hadalka Sheekh Shariif ka soo yeeray ma yahay mid u cuntami doona shacabka..
  • Dowladda Uganda oo sheegay in Soomaaliya oo si dhaqsi leh ugu soo direyso ciidamo
  • Cismaan Caato “Ilama wanaagsana in raggii dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay argagixiso in magacooda la sheeg sheego”
  • Abdirashiid ilqayte oo Kenya laga Masaafurinayo...
  • Banaanbaxyo looga soo horjeeday in Dowladda Kenya ay martigeliso…

  • RAASHIN LAGA QAYBIYEY J/HOOSE & MUQDISHO

  • Barnaamijka Xisbiga Ramaas Political Party (RPP)


RAADADKA AY REEBEEN DAGAALADII KA DHACAY MUQDISHO....

Tan iyo markii dagaaladu ka dheceen magaalada muqdisho waxaa soo baxayey dhibaatooyin badan oo ay qabaan dadka taagta daran ee ku dhaqan aagaga ay ka dhacayeen dagaalada .

Deegaanka SII SII oo ahaa meeshii ugu ba,naa oo ay ka dheceen dagaaladii ugu darnaa muqdisho balse iminka la kala qaadey milayshiyaadkii isku hor fadhiyey oo aan soo booqday ayaan kula kulmey qaar kamida dadkii ay dagaaladu saamaynta ku yeesheen ,gaar ahaan hooyo lagu magacaabo Fahmo Nuur Xaaji oo ku dhaqan deeegaanka SII SII oo iyadu horey uga tabanaysay dhibaato nolol xumo oo la xidhiidhto arimo qoys haatana ay usii dheer tahay saamaynta dagaalada .


Hooyo Fahmo iyo wiilkeeda Zakariye C/Qaadir

Hooyadaas oo aan kula kulmay hoygeeda oo ahaa guryaha ka samaysan jiingad ayaa ku bilowday hadalkeeda sidan: "anigoo ah Fahmo Nuur Xaaji ku nool magaalada xamar gaar ahaan degmada yaaqshiid waxaa dhacdey maalin maalmaha kamida nikayga oo la dhihi jirey C/qaadir Cali Jaamac oo ah dadka laga tirada badan yahay isagoo ku maqan garaash uu ka shaqayn jirey ayaa waxaa ii yimid walaalahay waana i jir dileen gurigiina waa iga jejebiyeen waxii ii yaalayna way iga kexeeyeen waxayna igu xireen gurigooda kadibna waxay radiyeen ninkayga iyagoo rabay inay dilaan ,markii ay waayeen isaga waa ay i dayriyeen waxayna iga cayriyeen gurigooda .


Hooyo Fahmo iyo wiilkeeda Zakariye C/Qaadir

Hooyo Fahmo oo hadalkeedii sii wadata ayaa ku catoowday waxaa intaa iisii dheer in ninkaygii markii iigu war dambaysey ay ahayd bishii todobaad ee 2004 meel alla iyo meel uu jirona aanan ka war qabin ayaa hadana waxaa si xun ii saameeyey dagaaladii ka soconayey magaalada muqdisho iyadoo dadkii awoodey ay ka qaxeen xabadaha laakiin aniga iyo wiilkayga zakariye c/qaadir waanu awoodi weyney inaan ka qaxno xabadaha waayo waxaan ku nool nahay maanta waad badbaadeene berito ma badbaadi doontaan.

Si kastaba ha ahaatee dagaaladii ka dhacay magaalada muqdisho ayaa wiiqay noloshii qoysas badan oo ku dhaqan magaalada muqdisho iyadoo ay adag tahay in dib usoo kabsadaan qoysaskaasi.

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Mogadishu – Somalia
002521576666 / 002521653623


Aabbe Soomaaliyeed oo maxkamad loo horkeenayo Gabadhiisa oo loo gudey gudniin (fircooni ah) awgeed...

Dacwad ka dhan ah aabe Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Gothenburg ee wadankan Sweden ayaa Arbacadii dacwadiisa loo soo gudbiyey maxkamad ku taala magaalada Gothenburg. Aabahan ayaa lugu eedeyey in sanadkii 2001-da uu labo kamid ah afartiisa carruur ahi u kaxeeyey Soomaaliya, halkaasoo gabadha dacwada ku soo oogtay ku soo guday sanadkii hore.

Cadeymo la xirriira gudniinka gabadhasi yar ayaa waxaa cadaayey dhakhaatiirka baaritaanka ku sameeyey, sidoo kale maxkamada oo kaashaneysa, safaarada Sweden ee Itoobiya, iyo hey'ada ceymiska qoyska ayaa dhamaantood isku raacay abaahasi in gabadhiisa isagoo ogolaansho ka heysan guday.
Waa markii ugu horeysay muddo 24 sanno ah dacwad ka dhan ah gudniinka lagu soo oogo qof ajanabi ah, iyadoo dalkan Sweden la ogyahay in amuurtaasi tahay mid mamnuuc ah oo aan sharcigooda dhigeynin.

Lama oga goorta ay maxkamadu qaadan doonto goorta aabahan soomaaliyeed lasoo taagayo maxkamad, mar ay Arbacadii June 7 suuragal ii noqotay inaan tago maxkamada ayey ii sheegeen mas'uuliyiinta Maxkamada in toddobaadka dambe ay gaareyso go'aanka ninkaasi maxkamad lagu horkeenayo, sidoo kalena aan isha aan soo mariyey warqad qoraal ah oo ay ku qornaayeen qodobada lagu heysto aabahan oo ah in gabadhiisa uu si ulakac ah u guday isagoo ogsoon in dalkan mamnuuc ka tahay.

Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com


 
Mr.Francois Fall oo ugu Baaqay Madaxda Maxaakiimta in la Wadahadlo.
Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com | Somalitalk.com
 
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Mr.Fall ayaa ka codsaday Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho gacanta ku dhigay in ay Furaan wadahadal laga sii wadayo Hanaanka Nabadeed ee ay wadaan si Amni guud wadanka Loogu soo celiyo.
 
Mr.Fall oo baaq ka soo saaray Arbacadii Magaalada Nairobi ayaa intaas ku daray in Maxkamadaha ay sameeyeen wadaxaajood ku salaysan sidii loo heli lahaa dowlada midaysa Shacabka oo dhan,gacantana ku dhigta Amniga Wadanka si looga gudbo  Caqabadaha Nabad La'aaneed ee ka jira wadanka Soomaaliya.
 
Francious Fall ayaa waxaa intaas ku darey in beesha caalamka ay xaqiijinayso taageerada iyo soo dhaweynta ay u hayso dadaalka hay’adaha Federaaliga ah ugu jiraan sidii lagu heli lahaa dib u heshiisiin iyo maamul degan, taasi oo ku qotonta axdiga KMG ah ayaa lagu yiri qoraalka Francious Fall.
 
Dhanka kalane Magaalada Muqdisho waxaa gacanta ku haya Maxaakiimta islaamiga ah ee Muqdisho oo midoobay waxaana aad loo hadal hayaa in Awoodoodu ay ku fiddo wadanka oo dhan taasna waxa ay ku timid Rabitaanka Shacabka iyo Niyad Wanaaga Maxaakiimta Islaamiga ah oo Awood iyo Xilkasnimo Daacadeed Muujiyay sanado badan kadib.

Amir Waliid Bin Talaal  oo ugu deeqay W/bari Kenya hal malyan oo dollar.

Canab Mumtaz | Somalitalk.com
 
Maalgaqabeenka Qoyska Boqorada Sacuudiga Amir Waliid Bin Talaal ayaa shalay booqasho ku yimid Magalada Gaarisssa iyadoo ay dhinacyda ka socdaan saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowlada Kenya,Kuwa Qaramada midoobay Hay'adaha Maxaliga ah Iyo Madaxweyne Ku xigeenka Wadanka Moddi Awori.
 
Amir Talaal oo lagu tilmaamo hantiilaha 3aad ee dunida ayaa socdaalkiisa ugu kuurgalayay deeq lacag iyo mucaawino kaleba iskugu jirtay oo uu ugu deeqay gobolka W/bari kenya oo ay Somalidu dagto laba bilood ka hor,lacagtaaas oo ahayd hal malyan oo dollarka maraykanka ah ayuu Hantiilahani ugu tala galay in wax weyn loogu qabto dadka ay Abaartu saamaysay xoolihiina ay ka dhamaysay bilowgii sanadkan iyo dhamaadkii sanadkii horeba.
 
Waleed oo oo la hadlayay Idaacadda STAR FM ee Gobolka W/bari ayaa sheegay in Madaxweynaha Wadanka Mwai Kibaki uu kala xaajoon doono Xaaladaha taagan ee Gobolka,hase yeeshee waxa uu carabka ku dhuftay in xiligan waxa uu u yimid ay tahay in uu la socdo sida loo gaarsiiyay deeqaha uu bixiyay dadkii loogu talagalay ee gobolka abaarihii darnaana ay cayrteeyeen.
 
Bin Talaal iyo Wafdigii la socday ayaa booqday dhowr goobood oo ka mid ah baadiyaha dagmada gaarissa si ay u hubiyaan inta ay gaarsiisan tahay gargaarka la siiyo dadka dhibaataysan iyo hadda dhibaatada ay qabaanba,Hantiilahan ayaa la rumaysan yahay inuu deeqo raashin ah u marinayo WFP dadka dhibaataysan ee Abaarihiina ay waxyeeleeyeen sanadkan.
 
Mar wax laga waydiiyay Bin Talal in deeqahan uu bixinayo ay ku kooban tahay dadka Muslimka ah kaliya ayaa ku soo koobay in gargaarka uu u dhaxeeyo Bini'aadmiga u baahan oo dhan,Prince Waleed ayaa uga jawaabay su'aal ahayd inta ay gaarsiisan tahay deeqaha iyo maalgalinada uu ku sameeyo dalalka Qaarada afrika in aan la soo koobi karin.
 
Hantiilaha Sacuudiga waxa uu  kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki iyagoo ka wada hadli doona Arrimo badan oo ay ka mid tahay  gargaarka loo fidinayo Gobolka W/bari Kenya iyo sida ay dadka lagu gaarsiin karoba.
 
Muddo aan sidaas u fogayn ayay ahayd markii Mas'uuliyiinta Gobolka qaarkood ay dhaliileen sida ay dowladu u maamushay gargaar lacageed oo loogu talagalay dadweynaha gobolka si xoolihii ka dhamaaday badalkooda lacag ama wax u dhigma loogu badali lahaa si ay xoolo u abuurtaan mar kale.
 
Dadweynaha Gobolka ayaa Badankood waxba badan kala soconin deeqaha la soo gaarsiiyo,xiligan abaartii waa mid taagan wali,dadkana waxaa ka dhamaaday hantidii oo ahayd xoolaha nool,dadka gobolka maahan kuwo beeraha ku nool mana lahan gobolka wax soo saar dhaqaale oo ku dhisan ganacsi,wadooyinka oo xun iyo canshuurta oo badan ayaa dad badan ku abuurtay niyad jab ah in ay ganacsiga balaariyaan si dhaqaalaha gobolka kor loogu qaado.

Hadalka Sheekh Shariif ka soo yeeray ma yahay mid u cuntami doona shacabka..

Amiin Yuusuf | Muqdisho

Dagaalo ay ku naf waayeen dad aad u fara badan, isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro kale ayaa afartii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysi isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada, waxaana kacdoonkaan hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu si weyn u kasbaday quluubta shacabka Soomaaliyeed oo mudo dheer ku soo jiray dhibaatooyin ay badeen hogaamiye kooxeeyada hadaba Sheekh Shariif wareysi uu siiyay wargeyska Asharqul-Awsad ayaa waxa uu ku sheegay in uu daneynayo in uu iska casilo xilka uu hayo ee midowga maxaakiimta Islaamiga ah.

“waxaan doonayaa in aan dib ugu laabto macallinimadeydii, waxaa jira dad iga mudan in ay xilkaan qabtaan waayo hadafkii aan u qabtay xilkaan waxay ahayd in aan shacabka Soomaaliyeddka ka saaro dhibaatada’ ayuu yiri Sheekh Shariif oo wax laga weydiiyay cidda mudan in loo dhiibo xilkaasi waxa uuna yiri ‘waxaan xilkaasi iga mudan Sheekh Xasan Daahir Aweys”. Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay u dhiman yihiin howlo fara badan isla markaana ay ku soo wajahan yihiin caddow fara badan oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa isagoo sheegayin arrintaasi looga gudbi karo wadajir ah iyo iskaashi, mar waxa laga weydiiyay bal ay wada xaajood la galayaan Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay in Midowga Maxaakiimta ay diyaar u yihiin in ay wada hadal la furaan Dowladda Federaalka.

“Aad baan uga naxay markii aan maqlay Sheekh Shariif ayaa dhiibiya xilka, waxaan leeyahay Sheekh Shariif xilka waxaa kuu dhiibtay shacabka, welina waxaa jirta baahidii xilkaasi laguugu dhiibay xilkaasi” ayuu yiri Max’ed Cali oo ah nin dhallinyaro oo degan Xaafadda AL-Barka. “Cid kale oo na faceysa ma jirto ee aan ka ahayn Sheekh Shariif, waxaan leeyahay Sheekh Shariif ha tixgeliyo inta badan shacabka”sidaa waxaa yiri Faadumo Ismaaciil oo iyana si aad ah uga walwashay hadalkii Sheekh Shariif ee ahaa in uu xilka ka degayo.

Dowladda Uganda oo sheegay in Soomaaliya oo si dhaqsi leh ugu soo direyso ciidamo

Saraakiil sare oo ka socotay Dowlada Uganda ayaa maalintii shalay ahayd si dhaqsi leh ku soo gaaray magaalada Baydhabo, waxayna saraakii-shaasi kulan la yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi waxayna isla iskula soo qaadeen arrimo la xiriira xaaladda Soomaliya iyo sidii Dowlada Uganda uga qayb-qaadan lahayd amiga iyo dib u dhiska dalka.

Saraakiishii ka socotay wadanka Uganda ee ka hadashay waxay sheegeen in Dowladda Uganda ay haatan diyaar u tahay in Soomaaliya ay u soo dirto ciidamo nabad ilaalin ah, hase yeeshee su’aasah is weydiinta mudan waxay tahay dadka Soomaaliyeed ma doonayaan ciidamo nabad ilaalin ah maadaama ay horey soo arkeen ciidamdaasi sidoo kale, sidoo kale waxaa iyana arrintaani ka soo horjeeda Xildhibaanada Baarlamaanka.

Cismaan Caato “Ilama wanaagsana in raggii dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay argagixiso in magacooda la sheeg sheego”

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa hotelka Nabadda ee Magaalada waxaa kulan ku yeeshay Waxgarad, Odoyaal iyo Siyaasiyiin ka tiran Beesha Sacad, waxaana looga ka hadlayay sidii ay Beeshu ula jaan qaadi lahayd is bedelka ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo uu ka qaybgalay Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato ayaa gebagabadii waxaa laga soo saaray go’aano ay ka mid ahaayeen in la balaariyo Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, gaar ahaan deegaanada ay degan tahay beeshaasi, Cismaan Caato oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in dad Soomaali ah ay shacabka Soomaaliyeedk u tilmaamaan in ay yihiin argagixiso, waxa uuna u soo jeediyay in kooxihii laga adkaaday mar dambe magacooda dib aan loo sheeg sheegin.

C/rashiid Ilqayte oo si dhaqsi leh looga dhoofiyay dalka Kenya..

C/rashiid Shire Ilqayte oo xubin ka ahaa Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada ee looga adkaaday Magaalada Muqdisho ayaa shalay ciidanka Booliiska ee Kenya waxay u dhaceen Hotel uu ka deganaa magaalada Nayroobi.

Booliiska ayaa geeyay saldhiga Booliiska halkaas oo ay ku weydiiyeen dhowr su’aalood, kaddibna waxay u soo dhaqaajiyeen dhinaca garoonka Diyaaradaha, waxaana lagu amray in uu Mudo 24 saacadood ah kaga baxo dalka Kenya.

Sarkaal u hadlay ciidanka Booliiska ayaa sheegayin sababaha ay u dhoofiyeen C/rashiid ay tahay kaddib markii lagu tilmaamay dambiile dagaal, waxa uuna haatan ku sii jeedaa wadanka Imaaraadka Carabta (Warar dheraad ah hoos ka akhri)

Banaanbaxyo looga soo horjeeday in Dowladda Kenya ay martigeliso…

Wararka naga soo gaaraya Nayroobi ee dalka Kenya waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahayd magaaladaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo lagu taageerayo guusha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay ka gaareen qabqablayaasha dagaalka oo 16 sano ah dagaalo sokeeye ka waday Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa gundhigiisu waxa uu ahaa in Dowladda Kenya aysan marnaba u ogolaan dambiila-yaasha dagaalka ee Soomaaliya ee looga saoo adkaaday wadanka, waxayna sheegeen dadkaasi in raggaani ay doonayaan in ay qalalaase ka abuuraan gudaha wadanka Kenya iyo in ay mar kale dib uga muuqdaan siyaasadda dalka.

Banaanbaxaasi oo xoogiisu ka dhacay Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa waxay qaarkood ku dhawaaqayeen “waxaa dalkeena laga soo saaray qabqable dagaal, ma dooneyno in Dowladda kenya ay mar kale ku martigeliso dalkeeda, waayo Dowladda Kenya waxaan mar hore uga fadhinay in dadkaasi ay xayiraad ku soo rogto oo ay dalkeeda ka saarto.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Dowlada Kenya oo Ganacsade Abdirashiid Shire Xussen Ugu Baaqday inuu ka baxo Dalka.
  • Abdirashiid ilqayte oo Kenya laga Masaafurinayo
Ciidanka  Dambi Baarista Dalka Kenya ayaa saakay Ugu tagay Hotelka Grand Regency Abdirashid Xusen kadib markii xalay ay ku dhawaaqaday wasaarada Arrimaha dibada ee Wadanka Kenya in aysan wadankeeda u ogolaan doonin in ay soo galaan Hogaamiyayasaha ku lug leh dagaalada Muqudisho ka socday baryahan.
 
Mr.Xussen oo ah ganacsade weyn oo Soomaaliya caan ka ah gaar ahaan caasimadda isla markaana ah Milkiilaha Hotelka Weyn ee Saxafi ayay Dambibaarayaasha waydiiyeen Su'aalo kadibna waxa ay u gudbiyeen saraakiisha Amaanka ee CID-da kuwaas oo markii dambe ka dalbaday inuu si iskiis ah uga baxo dalka muddo 24 saacadood ah.
 
Abrashiid Shire(ilqayte) waa Hantiile ahaa Ganacsade siyaasadiisu ay dhexdhexaad ahaan jirtay kuna koobnaa Ganacsi kaliya,balse waxa uu si weyn ugu soo shaac baxay inuu ku lug leeyahay dagalaadii u dhaxeeyay Midawga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga "Argagaxiso" la dagaalka,kadib markii uu isbahaysigaas taageero siiyay kuna biiray kadibna dhalisay in Mr.xussein laga qabsado Hotelka saxafi Maxkamaduhuna ay la wareegeen.
 
Dowlada Kenya waxa ay kale oo ay dalkeeda ka mamnuucday hogaamiyayaashi laga ka tirsanaa Ururka Argagixiso La dagaalanka ee Maxkamaduhu ay kaga awood badnaadeen dagaalada Muqdisho,waxaana ay dowladu ku eedaynaysaa in ay yihiin dambiilayaal.

Canab Mumtaz  canabmumtaz@yahoo.com | Kenya | SomaliTalk

 


Tel:  658565,  253638,  920202:  Mobile:  577471, 524621, 286606
 Email:
kaalmeeye@hotmail.com

       Ref: G.G.A.S/43/06    Date: 06/06/2006     10/05/1427.H.   Muq.Somalia.

RAASHIN LAGA QAYBIYEY J/HOOSE & MUQDISHO

 
   Guddiga Gurmadka abaaraha soomaaliya waxay Raashin deeq ah oo loogu talo galay dadka macluusha daran hayso u qaybiyeen  dhamaadkii Bishii  MAY iyo bilowgii Bisha JUNE ee 2006 goobaha soo socda :-

  1. Tuulada Ceel Moogow oo 35 kM ujirta Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose, 550  Qoys ayaa waxaa loo qaybiyey Bur, Galley, Timir, Tuuladan oo aan hadda ka hor cid wax geysay aysan jirin.
  2. Jaziiradha xeebta Kismaayo, sidaJawaay iyo Gobulow  485 qoys ayaa loo qaybshey Bur, Galley, iyo Timir, Jaziiradan oo ah markii ugu horeysay ee deeq la gaarsiiyo inta la xasuusan yahay.
  3. Gudaha Magaalada Kismaayo 5 Xaafadood ka mid ah waxaa Bur iyo Timir loo qaybiyey 650 Qoys
    isu geyn Qoysaska J/HOOSE Raashinka loo qaybiyey waa = 1689 Qoys,
    Raashinka la qaybiyeyna wuxuu dhamaa =614 Loor oo isugu jira Bur,Timir iyo Galley. waxaana  Timirta bixiyey Hay’adda Al-Manhal Al-kheyriyah.

4.      Magaalada Muqdisho Qaxooti ku sugan gaar ahaan Kaamka lagu magacaabo Kaam Qoryooley oo ah meelihii ay saameeyeen dagaaladii dhowaan ka dhacay Xamar, halkaasoo madfac ku soo dhacay dab ka dhashay uu gubay dhammaan Buushashkii  Qaxootiga, waxaana ku dhintay dad kuwo kalena waa ku dhaawacmeen.
Haddaba Guddigu Qaxootigaas wuxuu u qaybiyey Raashin isugu jira Bur iyo Saliid, waxaana ka faa’iideystay ilaa 200 Qoys

Waxaanu dadka soomaaliyeed iyo dhamman inta samaha jecel la socodsiineynaa in ay weli baahi badan ka jirto gobolladii ay abaaruhu ku dhufteen iyo meelo kaleba una baahan yihiin gargaar kala duwan, sida Raashin,Daawo, Baco iwm.


                                 Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliya
                                                   Sheekh Axmad Maxamed Suleymaan
###


Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow somali39@hotmail.com Muqdisho Somaliya

 Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2006

Ibraahim Nuur Xabeeb "haddii aysan Dowladdu qaadan ku Dhaqanka Shareecadda.."
»Mareykanka oo mar kale doonaya in uu soo noleeyo xiriirkii..
»Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo ka dhacay Muqdisho...
»Macallin Xaashi “markii Max’ed Qanyare nagu soo duulayey..
»Kulan ay isugu timid Beesha Sacad oo looga hadlay Isbedelka
»Annika Söder: "Ayaan darro weeyaan in markale dagaalo ka..
»Dagaallo cadowga Itoobiya lagu naafeeyay...
»Maalinta degaanka oo laga xusay Puntland...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 7

Shiikh Ibraahim Maxamed oo codsaday in dalkiisii  lagu Celiyo

Sh. Ibraahim Sh. Max'ed

USA: Kadib markii Shiikh Ibraahim Maxamed lakeenay Maxkamad maalintii Khamiista 6/1/06 ayuu codsaday in dalkisii loo celiyo kaddib markuu xiraa lixbilood iyo lix iyo toban bari isoo wax danbi ah oo lagu xukumayna aysan jirin, sidoo kalena Maxkamdii ay ka diiday in lacag damaanad ah laga dhigo oo uu dacwadiisa isagoo xirnayn sii wato.

Shiikh Ibraahim hadaladiisii ayaa waxaa kamid ahaa “Maadaama aanan garanayn wax danbi ah oo aan u xiranahay, lacagtii damaanada ahaydna aad diidee n waxaan ka door bidayaa in wadankaygii Soomaaliya la ii celiyo intaan xabsi kujirilahaa”.

Kadib markii Maxkamadii ka xaqiijisay Shiikh Ibraahim hadalkaas, Qareenkiisiina ay isla ogolaadeen, ayey waxay Maxkamadii xukuntay in loo celiyo Soomaaliya.

Sharciyan qofka la xukumo in laceleyo waxay qaadataa 14 ilaa 90 maalmood. 

Shiikh Ibraahim waxaa la xiray Sanadkii 2005 waxaana lagu xiray Seattle Washington, oo uu ka ahaa Imaam iyo Siikhba, ………… sii akhri 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD