Faallo:
Horumarka Maxkamadaha Islaamiga ah ee Mogadishu: Guul mise Khatar?.
Sidaan wada ogsoonahay waxaa
soo dhamaaday loolankii milatari ee udhaxeeyey Maxkamadaha Islaamiga ah iyo
“Ururka Ladagaalanka Argagaxisada” ee ay horaantii Bishii Febraury ku dhawaaqeen
qabqablayaal dagaal oo isbahaystay.
Loolanka oo socday tan iyo intii bishii Febaraayo lasoo dhisay Isbahaysiga ayaa
kusoo dhamaaday dharbaaxo kulul oo Maxkamaduhu ugaysteen hogaamiyasha dagaalka
ee ka jiray Mogadishu balse illaa iyo hadda aan lagaranayn meesha ay ku
dambeeyeen.
Guusha ay maanta soo hooyeen Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxaa la oran karaa
waxaa sabab unoqotay taageerada buuxday ee shacabku siinayaan Maxkamadaha iyo
Nacaybka reer Mogadishu ay uqaadeen Isbahaysigay kadib markii la sheegay in
Maraykanku uu taageerayo ayaguna ku dhawaaqeen inay soo ugaaranayaan ashkhaas
dambi ka gashay dowladaha Maraykanka iyo Israel.
Guusha kadid,waxaa dadbadani iswaydiinayaan talaabada kuxigi doonta amaba ay
qaadi doonaa Maxkamaduhu hadii ay la wareegeen dhammaan magaalada Mogadishu,
walow wali uusan Muuse Suudi isdhiibin.
Xaaladda dalku hadda marayo iyo guusha maxkamadaha ayaa loo fasiran karaa laba
arimoodba. Waa inay guul tahay amaba ay khatar tahay. Aan si kooban u eegno
labadaba.
Guul:
kadib marki burbur lagu jiray muddo 15 sano ah,
waxaa dalka gacant ku hayey qabqablayaasha hubaysan oo iyagu markasta ka hor
imaanayey dowladda kasta oo lasoo dhiso xitaa haddii ay marka hore iyagu wax
kasoo dhisaan.
Dowladdii lagusoodhisay sanadkii 2000 dalka Djabouti ee uu Madaxweynaha ka aha
Dr. C/qasim Salad Xasan waxay ahayd dowlad rabitaan shacab lagu soo dhisay,
waxayna kala kulantay shacabka rer Mogadishu iyo inta badan Somaliya soo dhawayn
fiican, balse waxay ka dhaqaaqi wayday hogaamiyaasha hubaysan ee Mogadishu.
Waxay fashilantay kadib markii ay dhamaysatay xilligii jirtaankeeda ayadoo wali
aan wada hanan magaalada Mogadishu. Hanashada magaalada Mogadishu oo ah
caasimada dalka ayaa ka dhigan hogaanka dalka iyo gacan ku qabashadiisa,
maadaama ay tahay meesha dhibka dalku ka alooosan yahay. Dhiibaatooyinka kale ee
kajira wadanka si dag dag ah ayey ku xalismi karaan haddi caasimada lahagaajiyo
loona sameeyo maamul.
Haddii Madaxweyne C/qasim Salad uu weerar ama dagaaal noocan oo kale ah ay
iskaga hor imaan lahaayeen hogaamiyaashaas waxay ubadnaan lahayd in uu uga
tugroonaan lahaa dagaalka uuna heli taageero noocaan oo kale ah, balse waxaa
jirtay baqdin wayn oo laga qabo in dagaalku isku badalo qabii, kadib tijaabo
lasameeyey xilligii ay isku dhaceen xukuumadda c/qasim iyo Xuseen Caydiid.
Haddase waxaa muuqata in
shacabku ka daaleen taageero qabiil ayna usoo jeesteen inay dantooda wada
eegtaan ayagoo xaqiiqsaday in qabqable uu col ku yahay noloshooda, uusan wax
qiimo ah u arag dhiigooda. Waana sababta ay utaageereen Maxkamadaha Islaamiga
ah. Taasi waa guul wayn uu soo hooyatay.
Maxkamadaha ayaa haddii ay kuwada guulaystaan magaalada muqdisho illaa balcad
inay wada hantaan, waxay sabab u noqon karaan in Somaliya ay kabaxdo burburka
noqotana dowlad cagaheeda isku taagtay 15 sano kadib.
Haddii ay doonayeen inay xasiliyaan wadanka hankooduna ahaa in wadanku ka baxo
dowlad la’aanta waxaa la gudboon inay ka sameeyaan Magaalada Mogadishu maamul
buuxa, kadibna wada hadal la furaan Dowladda KF Somaliya kuna warejiyaan
hogaanka dalka ayagoon u eegayn shakhsiyaadka hogaaminaya, balse ixtiraamaya
doorashada shacabka iyo baahida ay uqabaan in dowlad lahelo si burburka looga
soo kabto.
Khatar:
haddii ay maxkamaduhu ay arkaan awoodda ay leeyihin, kuna talagalaan ama ku
dhawaaqaan inay dowlad ka dhisayaan Somaliya, ayagoo xaqiraya dowladda haatan
jirta waxay usoo jiidi karaan dalka burbur kale oo horleh kana khatar badan
kuwii horay loosoo maray.
Taageerada shacabka ee ay heleen waa mid ka timid nacaybka loo qabo
qabqablayaasha, sidaa aawadeed haddii ay mucaarad hubaysan ku noqdaan DKF
Somaliya waxay taasi horseedaysaa inay waayaan taageerada shacabka, meeshana ay
timaado khilaaf diimeed oo ka dhan ah Maxkamadaha, waxaana loo arki karaa niman
udagaalamaya xukun raadis oo badalay booskii qabqablayaasha.
Inkastoo ay isku duubanyihin oo ay awood uleeyihin inay hal maamul dhisaan,
hadana waxaa imaan karta khilaaf udhaxeeya madaxda Maxkamadaha haddii ay timaado
dhisid dowladeed. Waxaa tausaale ugu filan wadamada ay qabsadeen ururada
Islaamiga ah Sida Sudan iyo Afghanistan qaabkay doonaan haku qabsadaane.
Sudan:
Madaxweynaha haatan xilka haya, Gen. Cumar Xasan Albashiir, oo xubin ka aha
xarakadii Inqaad ee Akhbaawul Musliminku horkacayeen ayaa muddo 15 sano kahor la
wareegay wadanka Sudan asagoo ku qabsaday Inqilaab uu lahaa sababtiisa
hogaamiyaha caanka Dr. Xassan Alturabi.
Turabi wuxuu ahaa hogaamiyaha Xarakada Islaamka ee dalka Sudan, wuxuuna saamayn
wayn ku lahaa dhammaan xubnaha xukuumadda INQAAD ee uu hogaamiyo Cumar Xasan
Albashiir.
Ayadoo ay jirtay cadaadis wayn oo reer galbeedku ku hayaan xukuumadda Islaamiga
ee dalka Sudan, waxaa haddana udheerayd dagaal uuwadanku 20 sano kabadan kula
jiray ururka SPLA ee uu hogaamin jiray Dr/Col. John Grang oo bartamihii sanadkii
hore burbur diyaaradeed ku dhintay.
Xukuumadda Albashiir waxay adeegsanaysay mudadii lagula jiray dagaalka qadiyad
diimeed ayadoo shacabka Sudan ka dhaadhacsiisay in dagaalku yahay Jihaad,
maadaama lagula jiro urur Gaalo ah, isla markaana ay taageerayaan wadamada Reer
Galbeedku.
Arintaasi wax wayn ayey ka tartay dowladda Sudan waxayna kasbatay maskaxda
malaayiin qof oo ubadan dhalinyaro kuwaasoo si hagar la’aan ah dagaalka ugalay,
intooda badanina ku dhinteen.
Waxay sidoo kale ka adkaatay siyaasadda reer Galbeedku doonayeen inay ku kala
qaybiyaan dalka Sudan amaba ay ridaan xukuumadda Cumar Albashiir.
Waayihii dambe waxaa sii qaybsamaysay awoodda xukuumadda Sudan wuxuu Bashiir ku
khasbanaaday inuu heshiis lagalo SPLA si loosoo afjaro colaadda Koonfurta Sudan.
Maxaa sababay ama wiiqay awoodda Islaamiyinta?
Khilaaf wayn ayaa soo kala dhexgalay nimankii shalayto ku midaysnaa qadiyadda
diimeed, kadib markii Cumar Xasan Albashiir iyo Dr. Xasan Alturabi ay si wayn
ukala fogaadeen.
Inkastoo Turabi uu ka dhigayey in khilaafku uu ahaa mid siyaasadeed heshiis
hoosaadana la saxiixday nimankii uu shalay u arkay gaalo mudan in lagu jihaado,
una sheegi jiray dhalinyarada haddii ay dagaalkaas ku dhintaan inay Janada horay
ka tagayaan, khilaafka ayaa ahaa mid kusalaysan xukun jacayl.
Kadib markuu shilka diyaaradeed ku dhintay Madaxweyne ku xigeenkii Maj. Gen.
Zubayr Maxamed Salix, waxaa booskiisa buuxiyey Dr. Ali Osman Taha, asago laga
soo wareejiyey wasaaradda Arimaha Dibadda. Turabi oo xilligaas ahaa Afhayeenka
Baarlamaanka waxa uu Bashiir ka codsaday in labadaas jago mid loo magacaabo gaar
ahaanna madaxweyne ku xigeen. Wadanka Sudan oo awal reer Galbeedku
ugo’doominayeen nacayb ay Turabi uqabaan, ayaa Bashiir u arkay in haddi labadaas
jago mid loo dhiibo ay sii kala fogaanayaan dowladiisa iyo reer Galbeedka ama
dunida Carabta oo qaarkood Turabi necbaayeen.
Turabi markuu waayey jagooyinkaas wuxuu ku bilaabay mucaarado cumar Xasan
Albashiir, waxaana laga cayriyey jagadii uu ka hayey baarlamaanka.
Wuxuuna furtay Urur isaga ugaara asagoo faafinaya nacaybka uu uqabo Bashiir iyo
ururkiisaba. Wuxuu fatwooday in dagaalka koonfurtu uusan ahayn Jihaad, kuwa ku
dagaalamayaana aysan ahayn Shuhado, taasoo sii siyaadisay nacaybka dadbadani
uqabaan Turabi oo ah nin gadgaddoon badan. Islaamiyiintii halkaas ayey ku kala
fogaadeen.
Heshiiskii koonfurta lala galay wuxuu abuuray buuq, kadib markii Galbeedka Sudan
ay katimid mucaarado hubaysan oo bilaabatay 2003dii. ururada ka dagaalama
Daarafoor ayaa qaarkod yihin kuwa Mabda’a Islaamiyinta ku shaqeeya, sida ay
sheeganayaan, balse Xukuumada Bashiir uga soo horjeeda xagga xukunka.
Afghanistan:
Markii la saaray ciidamadii Ruushka oo mudda dheer Muslimiintu la dagalamaayeen,
waxay kuheshin waayeen hogaamiyaashii diimeed ee lawada dagaalamayey Ruushka
xukunka dalka, waxayna iskubadaleen hogaamiyaal koxeedyada Somaliya oo kale..
illaa Taliban wadanka intiisa badan gacanta ku dhigtay. Kadibna Maraykanka iyo
Isbahaysigiisu weerar ku qaadeen dhacdadii 11 Sept 2001 kadib.
Haddaba is aysan u imaan arintaas oo kale waa in maxkamaduhu ka digtoonaadaan
kana sameeyaan maamul Gobolka Dowladdana gacan saar la yeesahan.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa in Maraykanku il kaduwan tii hore uu kusoo eego
maxkamadaha, kadib markii laga guulaystay Isbahaysigii uu gacanta siinayey,
sidaa aawadeed waa inay isticmaalaan horumar siyaasadeed si wadanka ay uga
badbaadiyaan burburka Ciraaq iyo Afghanistan.
Tani waaa fikraddayda aniga ii gaarka ah, waana ku khaldanaan karaa. Fikradaha
oo la isdhaafsadana waxay keenaysaa xal kama dambays ah haddii si daacadnimo ah
wax loo eego. Waan soo dhawaynayaa cid allaale oo fikradda diidan ama taageersan.
Mana aha waxyi aan laga hor imaan Karin. Waad mahadsantihin
Qore: Faysal Mohamed
fabariis@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | June 7, 2006
Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..
C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama
hadlin!! |