WARARKII JUNE 8, 2006
- Ibraahim Nuur Xabeeb “haddii aysan
Dowladdu qaadan ku Dhaqanka Shareecadda..”
- Kulan ka soo horjeeda kulankii Mowlaca
Sheekh Shariif oo ka dhacay..
- Mareykanka oo mar kale doonaya in uu
soo noleeyo xiriirkii..
- Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo shalay
ka dhacay Muqdisho...
- Macallin Xaashi “markii Max’ed Qanyare
nagu soo soo duulayey xaguu jirey Mudulood..”
- Kulan ay isugu timid Beesha Sacad o
looga hadlay Isbedelka...
- Wasiirudowlaha Arrimaha Dibada Sweden,
Annika Söder: "Ayaan darro weeyaan in markale dagaalo ka dhacaan Soomaliya"
- Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
Ibraahim Nuur Xabeeb “haddii aysan Dowladdu
qaadan ku Dhaqanka Shareecadda..”
Wasiiru-Dowlaha Dibu dhiska iyo Dibudejinta DFKMG ee Soomaaliya Ibraahim Nuur
Xabeeb ayaa ka hadlay isbedelada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho fikirka
uu ka qabo ,kacdoonka ay sameeyeen Shacabka Muqdisho iyo waxa la gudboon Dowlada
FKMG ee Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri
“Waxaan aaminsanahay in dalka Soomaaliya lagu Xukumo Shareecada Islaamka, sida
ku qoran j Axdi Qarameedka oo sheegaya in wax kasta oo Shareecada Islaamka ka
hor imaanaya ay yihiin waxba kama jiraan” isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa
ku daray “Kacdoonka ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan
Magaalada Muqdisho, waa inay ka faa’iidaystaan waayo aragnimadii 16-ka Sano ee
la soo dhaafay ee ku dhisnayd Xukun jaceylka, Qabqab dhaafay iyo Qabiil aan
guulna lagu gaarin, Cid kasta fikirka ay qabto waxaa haboon inay ku kabto
Dowlada Dhexe ee Soomaaliya”. wuxuu keloo sheegay Wasiiru-Dowluhu “waxa la
gudboon Dowlada Dhexe inay siiso Ahmiyada koowaad iyo Rabitaanka Shacabka
Soomaaliyeed ee kuwajahan in dalka lagu Xukumo Shareecada Islaamka”.
Mar uu ka hadlaayey Wasiiru-Dowluhu haddii
Dowladu ay ku shaqayn weydo rabitaanka Shacabka ayaa wuxuu yiri “Hadii Dowladu
ay ku shaqeyn weydo rabitaanka shacabka wixii uga yimaada shacabka iyadaa
miraheeda guran doonto”. Shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiisa gaar ahaan Reer
Muqdisho waxaan ugu Hambalyeeynayaa guusha ay gaareen iyaga iyo Maxkamadaha
Islaamiga ah, waxaana u soo jeedinayaa inay ka digtoonaadaan wax kasta oo
gudahooda khilaaf ka dhex abuuri kara, una diyaar garoobaan sidii wada xaajood
ay ula geli lahaayeen Xukuumada si Qarankii Soomaaliyeed loo badbaadiyo ayuu
hadalkiisa ku soo koobay Wasiiru dowlaha Dibudhiska iyo Dibudejinta DFKMG
Ibraahim Xabeeb Nuur.
Kulan ka soo horjeeda kulankii Mowlaca Sheekh Shariif oo ka dhacay..
Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Ramadaan kulan ku yeeshay Waxgarad, Odoyaal
iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudullood, waxaana kulankaasi looga hadlay
go’aanadii ka soo baxay kulankii ka dhacay Mowlaca Sheekh Shariif Sheekh
Muxiyadiin, waxaana xubnihii ka qaybgalay kulankaasi ay sheegeen in go’aanadii
ka soo baxay Mowlaca Sheekh Shariif ay ahaayeen kuwo aan loogu daneyn Beesha
Mudullood.
Xubnihii ka hadlay waxaa ugu cadcadaa Xuseen Xaaji Bood oo sheegay in Is bedelka
ka dhacay Magaalada Muqdisho loo baahan yahay in ay beesha Mudullood la
saan-qaado si loo gaaro nabad buuxda, waxaa kaloo ka hadlay Sheekh Muuday Gacal
oo sheegay in uu aad uga xun yahay in Mowlaca Sheekh Shariif Sheekh Muxiydiin uu
noqdo mid mar kale lagu burburiyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka, waxaa kalloo
ka hadlay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow oo
sheegay in Beesah Mudullood aysan noqon beel is hortaagta rabitaanka shacabka.
Mareykanka oo mar kale doonaya in uu soo noleeyo xiriirkii..
Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Mareykanka ay dooneyso in ay
boorka ka jafto xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Iyada, kaddib markii
xiriirkaani uu xumaaday Markii ay dowladda Mareykanku ay taageero xoog leh
siisay hogaamiye kooxeedyadii dagaalka ka waday magaalada Muqdisho.
Waxaa soo gaaraya Dowladda Federaalka Fariimo u badan taageero, waxaa la sheegay
in Ujeedada ka dambeysa xiriirka cusu ay tahay kaddib markii uu Mareykanku ku
fashilmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho, haatanna uu doonayo in arrinta
u weeciyo dhinaca dowladad.
Siyaasi diiday in magaciisa la sheego kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa waxa uu
sheegay in Mareykanku uu mar kale doonayo in uu iska horkeeno Midowga
Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda federaalka, isagoo ku beer-laxowsanaya in uu
ka qaadayo cunaqabateynta hubka si ay dowladdu u hesho hub fara badan ugana hor
tagto Midowga Maxaakiimta.
Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo shalay ka dhacay Muqdisho...
Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageerayay go’aankii ka soo baxay
Mowlaca Sheekh Shariif Sheekh Muxiyadiin iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah
ayaa waxay ka kala dhaceen garoonka Banaadir iyo Isgoyska Fagax.
Haddii aan ku horeyno kii ka dhacay Garoonka Banaadir, waxaa isugu soo baxaay
dadweyne aad u fara badan, waxaana ka soo qaybgalay xubno ay ka mid ahaayeen
Muuse Suudi iyo Bashiir Raage, waxayna dadkii ka qaybgalay banaanbaxaasi ay
sheegeen in Midnimada Mudullood ay tahay muqadas loona baahan yahay in laga
hortago cid kasta oo dooneysa in ay carqaladeyso.
Muuse Suudi oo banaanbaxaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay dib u soo
laabato wadajirkii Beesha Mudullood, waxayna Bulshada ugu baaqay in ay soo
dhaweeyaan go’aankii ka soo baxay Mowlaca Sheekh Shariif.
Banaanbax iyana lagu taageerayay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah loogana soo
horjeeday go’aankii ka soo baxay Mowlaca Sheekh Shariif ayaa waxa uu ka dhacay
Isgoyska Fagax, waxayna dadku ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “ma
fileyn in Mowlaca Sheekh Shariif Sheekh Muxiydiin uu noqdo mid lagu burburiyo
Diinta Islaamiga”, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyay Guddoomi-yihii hore ee
Maxaakiimta Islaamigaa Sheekh Cali Dheere oo yiri “kuwii burburiyay Maxkamadihii
Islaamiga ahaa ee Waqooyiga Muqdisho kuna kaadiyay Shareecadda Islaamka, ayaa
maanta waxay doonayaan in ay mar kale burburiyaan ku dhaqanka Shareecadda
Islaamka iyo Rabitaanka shacabka”.
Sheekh Cali Dheere waxa uu u soo jeediyay Beesha Mudullood in ay ka
digtoonaadaan kuwa aan dooneyn noloshooda iyo rabitaankooda.
Macallin Xaashi “markii Max’ed Qanyare nagu soo soo duulayey xaguu jirey
Mudulood..”
Macallin Xaashi oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Degmada Balcad ayaa jawaab kulul ka
bixiyay go’aanadii ka soo baxay Mowlaca Sheekh Shariif Sheekh Muxiyadiin, waxa
uuna yiri “aad baan uga xunnahay in la hor istaago ku dhaqanka Shareecadda
Islaamka”, mar uu ka hadlayay ka qaybgalkii furitaankii Maxkamad Islaami ah ee
Yuusuf Indha-Cadde waxa uu yiri “Yuusuf Indha-Cadde waa nin walaalkayaga ah oo
Muslim ah cid ka xigta Degmada Balcadna ma jirto, Mudullood intii uu jiray
markii Max’ed Qanyare igu soo duulay oo baabi’inayay dadka reer Balcad”, waxa uu
intaa sii raaciyay “Mudullood aniga ayaa wixii maanta ka dambeeya wax layga
weydiinayaa”.
Macallin Xaashi waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in Mowlaca Sheekh Shariif
Sheekh Kuxiydiin uu noqdo meel laysaga hor keeno Beesha Mudullood, waxa uuna u
soo jeediyay Beesha MUdullood in ay ka digtoonadaan waxyaabaha ay wataan raggii
mudada 15-ka ahayd hor joogay ee maanta doonaya in ay qabiil ku beerlaxowsadaan.
Kulan ay isugu timid Beesha Sacad o looga hadlay Isbedelka...
Maalintii shalay ahayd ayaa xaruntii hore ee Jaamacadda Ummadda waxaa kulan
isugu yimid waxgarad, Odoyaal ka iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Sacad, waxaana
kulankaasi looga arrinsanayay is bedelka ku yimid Magaalada Muqdiso, kaddib
markii Maxaakiimtu la wareegeen gacan ku haynta magaalada Inteeda badan, ayaa
waxa ay Xubnihii ka qaybgalay is tusiyeen in Beesha Sacad ay ka qaybqaadato
sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho.
Waxaa halkaasi laga caddeeyay in Maleeshiyadii iyo Tiknikadii taalay wadada isku
xirta Muqdisho iyo Afgooye lagu soo xareeyo gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana
la sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u faran tahay wadadaasi, waxaa kaloo lagu
go’aansaday in Beeshu ay is difaacdo haddii lagu soo xadgudbo deegaanada ay
degan tahay.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Annika Söder: "Ayaan darro weeyaan in
markale dagaalo ka dhacaan Soomaliya"
Wasiirudowlaha Arrimaha Dibada Sweden Annika Söder oo shir labo cisho qaatay
kala qeybgashay siyaasiin iyo aqoonayahno Soomaali ah ayaa ka hadashay arrimaha
Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada kasoo cusboonaday magaalada caasimada ah ee
Muqdisho.
Shirkan ay wasiiradu ka qeybashay ayaa waxa uu ahaa kalfadhigii koowaad ee
urrurka SSUP (Somali Social Unity Party) oo ah urrur siyaasadeed oo sanadii
2004-ta laga dhisay magaalada Katrinaholm ee wadankan Sweden.
Annika oo maalintii ugu horeysay shirkaasi ka
hadashay ayaa waxey ka faalootay dowrka ay dowlada Sweden ku yeelatay
nabadeyntii shirkii lugu soo dhisay dowlada KMG, waxaana inkastoo ay rajo xummo
kamuujisay horusocodkii dowladaasi laga sugayey hadana hoosta ka xariiqday in
dowladeeda ay had iyo goor diyaar la tahay taageerada dowladkasta oo Soomaaliya
ka dhalata, kalana shaqeyn doonto arrimaha daruuriga ah.

Iyadoo weli ka hadlaysa arrimahaasi ayey tiri "waxaa ayaan darro ah Soomaaliya
oo qeyb libaax ka qaaday xornimada qaarada Afrika ay maanta adduunka magacyo
badan looga yeerro," taasina waxey iyadoo amaan u soo jeedineysa urrurka SSUP ku
sheegtay inuu yahay urrur laftiisa dowr ka qaadan karra nabadeynta Soomaaliya ka
codsatay ineysan ka seexan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan qurbo joogta
Soomaalida oo qudheeda wax ka badali kara marxalada adag ee maanta jirta.
Inkastoo khudbaddii ay halkaasi ka jeedisay haweeneydani aheyd mid aad u dheer,
hadana mar ay suuragal ii noqotay inaan la yeesho wareysi gaaban ayey iigu
sheegtay waxyaabihii ay ka wadahadleen iyada iyo wasiirka qorsheynta qaranka oo
labo cisho booqasho ku joogay Sweden aheyd sidii dowlada KMG ah goobjoog uga
noqon laheyd shirwenaha caalamiga ah ee ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobey,
Midowga Yurub, Bankiga Adduunka oo loogaga arinsanayo arrimaha Soomaaliya kaasoo
qabsoomi doona dhamaadka sanadkan aynu ku jirno martigelinteedana ay leedahay
dowlada Sweden.
"Xaqiiqdii rajadii aan ka qabnay in dowladii aan maal badan gelinay ay taabasho
gasho hadana hoos ayey u dhacday hankii aan qabnay, marba hadey dagaaalo kasoo
cusboonaadeen magaalada caasimada ah waxaa noo muuqata in dowladu tahay midaan
laheyn awood badan oo wax ka badali karta daruufaha maanta jira, saas oo ay
tahayna waan taageereyna inta weli dowladu ka shaqeyneyso dib u soo celintii
nabada" ayey tiri iyadoo ka jawaabeysay su'aal aan weydiiyey oo aheyd waa sidee
aragtidiina aad ka qabtaan dowlada KMG ah.
Dhinaca kale mar aan weydiyey kaalmada ay Soomaaliya siiyaan iney ku kooban
tahay dhaqaale iyo in kale iyadoo la ogsoon yahay iney jiraan taakuleyn kale oo
lacagta ka muhiimsan loona baahan yahay in la siiyo "Waa runtaa Ikraam,
dhaqaalaha ayaa ah mida marwalba mudnaanta leh si ay u socodsiiso howlaha
muhiimka ah, hadana waxaan ku dadaaleynaa sidaan dhinacyada caafimaadka,
waxbarashada aan uga kaalmeyn laheyn, sidoo kale waxaan tababaro aan siinaynaa
qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamkan si laftooda ay qeyb uga noqdaan
horusocdka nabad ka islaaxda Soomaaliya."

Sidoo kale waxaan weydiiyey sida ay u cadaadinayaan dagaal oogeyaalka wasiirada
laga dhigay ee dagaalka kula jiray maxkamada islaamiga ah maadama laftooda ay
dowlada ku jireen lagana filaayey iney ka shaqeeyaan nabada.
" Waa ayaan darro in dagaalo kasoo cusboonaadan
Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, hadana waxaa muhiim ah in lugu
cadaadiyo sidey nabada uga shaqeyn lahaayeen beesha caalamkana uma
dulqaadanayaan waxa ay wadaan hogaamiyeyaalkaasi aan weli fahmin mas'uuliyada
saaran" ayey tiri Annika Söder oo ah wasiiru dowladaha arrimaha dibada Sweden oo
runtii rajo xummo ka muujisay isbadalada kasoo cusboonaday dalka.
FG: Wareysigan waxaan qaaday kahor in aan wasiirada hubeysan loogaga adkaan
dagaalkii ay kula jireen Maxkamadaha.
Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalis.com
Munaasabada maalinta Deegaanka aduunka iyo sida looga xusey meelo katirsan
somalia- 5ta Jun
Ururka ASAL (Action in semi-Arid lands) oo ka hawlgala gobolada Puntland ayaa
munaasabada maalinta deegaanka aduunka u diyaariyey deegaano ka mid ah gobolada
Bari iyo karkaar barnaamij isugu jira wacyi gelin iyo guddoonsiin dhir gaareysa
330 geed.

Qaybinta dhirta ayaa laga sameeyey tuulooyinka Eldaahir, Dalweyn iyo Degmooyinka
Carmo, Waaciye iyo Qardho oo ka kala tirsan gobolada Bari iyo Karkaar.
Degmada Qardho ayaa waxaa munaasabadaas lagu qabtay xarunta dhirta iyo Daaqa ee
degmada iyadoo munaasabadaasi ku soo beegantay waqti ay golaha deegaanka degmadu
kulan ku lahaaheen isla goobtaas. Munaasabaas ayaa waxaa hadala furitaan ah ka
soo jediyey duqa degmada Cismaan Buux Cali isaga ka hadlay muhiimada dhirta iyo
sida ay muhiim ugu tahay nolosha biniaadamka, waxaa kaloo duqa sheegay in ururka
ASAL muddo ka shaqaynayey gobolkan gaar ahaan dhanka deegaanka, wacyi gelinta
iyo daraasadahaba.

Dhanka kale waxaa munaasabadaas hadalo kooban ka soo jeediyey Madaxa
barnaamijyada ururka ASAL, Cismaan Maxamed Cali isagoo tilmaamay in 5ta June
keliya aan loo qaadan maalin deegaan laakiin ay muhiim tahay in maalinkasta aan
xil iska saarno deegaanka. Waxaa cismaan intaas raaciyey in deegaanka ugu
muhiisman dhulkan uu yahay dhul daaqsimeedka isagiina haatan uu ku jiro xaalad
adag iyadoo ay ugu wacan tahay in aan dan laga geleyn waxa la wadaago isagoo
tusaale u soo qaatay farqiga u dhexeeya meelo ku yaala laamiga dhinacyadiisa oo
dad gaar ahi leeyihiin oo dhirta iyo cawskuba aad isugu baxday halka dhul
daaqsimeedka la wadaago dayac badan iyo xaaluf ka muuqdo. Waxaa kaloo ASAL balan
qaaday inay wixii karaankeed ah ay dawladaha hoose kala shaqayneyso dhiraynta
magaalooyinka Puntland.
Munaasabadaas ayaa waxaa Mayorku ku goddonsiiyey golihiisa deegaanka qofkiiba
hal geed si ay tusaale ugu noqdaan ummada ay metelaan.
dhinaca kalena degmada waaciye oo katirsan gobolka bari ayaa munaasabadaasi
Ururka ASAL ku gudoonsiyey dhir. ay ugu tala galeen Munaasabada maalinya
degaanka aduunka dhirtaasi oo ay kala wareegen Ururka WAYDA. oo ah urur ka howla
gala degmada waaciya.

Sikastaba ha ahaate Ururka ASAL ayaan wax gacan ah ka helin inta badan dadka ku
nool degaanada ay ka howl galaan iyo iyago u tagan waxqabad tayo leh inka badan
mudo fog iyagoo iyago sheegey inay la kulmaan dhibaatoyin badan oo ay kala
kulmaan dadka ku howlan xaalufinta degaanka oo ay shegeen inay kala kulmaan caga
jugleyn iyo dagaal xun iyago la kulmaan in loo adeegsado dagaal dhinac gacanta
ah sida uu sheegey madax barnaajimka Ururka ASAL cusmaan maxamed cali.
iidle macalin cumar
iidle_007@hotmail.com
Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 Jun 2006
Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
Dhibaatooyinka dadwyanaha loo gaystay.
Baaq uu xasuuqa Ogaadeenya ka soo saaray Golaha Dhalinyarada Ogaadeenya.
Barnaamijkii Aragtida
Halgamaaga(Jabkii Mulageta yaa ka naxay).Maqal
======================
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr
oo jab wayn loogu gaystay ciidammada gumaysatada Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u
dheceen sidatan;
10/05/06 dagaal mir ah oo lagu qaaday ciidammada cadowga ee fadhiya magaalada
Gunagado waxaa loogu gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
16/05/06 dagaal mir ah oo lagu qaaday ciidammadaee fadhiya tuulada Qorile, oo
degmada Dannood ka tirsan, waxaa lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
20/05/06 waxaa dagaal mir ah lagu qaaday ciidammadacadowga ee fadhiya magaalada
Gunagado, waxaanana loo gaystay khasaare ba’an.
22/05/06 waxaa magaalada Gunagado ka soo baxay ciidammo cadowga ka mid ah, ka
dib markii laba weerar oo is-xiga xeradooda lagu qaaday. Ciidammadaas oo
bixintaankooda laga warhayay ayaa loo galay meesha lagu magacaabo Gol-danbas,
waxaana halkaas lagaga dilay inta la ogyahay 1 askari, mid kalana waa lagaga
dhaawacay.
25/05/06 dagaal ka dhacay Jugle, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa cadowga lagaga
dilay 20 askari, 30 kalana waa lagaga dhaawacay.
30/05/06 Sagalo, oo u dhaw Kabti-naag, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 2
askari, 30 kalana waa lagaga dhaawacay.
22/05/06 ciidammada cadowga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq waxaa ka goostay
18 askari oo u dhashay qowmiyada Oromada.
Dhibaatooyinka dadwyanaha loo gaystay.
Baka:
Magaalada Baka, oo gobolka Jarar ka tirsan, waxay ciidammada gumaysatada
Itoobiya dadwaynaha ugu gaysteen dhibaatooyin aad u fara badan. Waxay jidhdil
ba’an ku sameeyeen dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
Waxay sidoo kale hanti kala duwan ka dhaceen dadwayne ku nool magaalada Baka iyo
nawaaxigeeda, waxaana ka mid ah dadka dhacaas loo gaystay een magacyadooda
helnay;
1- Aamina C/llaahi ooy ciidammada gumaysatadu ka dhaceen 2000 oo Bir.
2- Mawliid C/sammad oo isagana laga dhacay 2500 oo Bir
3- Dahabo Nuur oo laga dhacay 4000 oo Bir
4- Sawdo Faarax oo iyadana laga dhacay 1100 oo Bir
5- Khaliif Takhal waxaa isagana laga dhacay 1700 oo Bir
6- Nimco Cabdi Shiil ayaa iyadana laga dhacay 200 oo Bir
7- Baahila Cali Kaahin waxaa iyadana laga dhacay 300 oo Bir
8- Ardo Muxumed oo laga dhacay 250 Bir
9- Aamina Cumar Cali oo laga dhacay 500 oo Bir
10- C/nuur Faarax oo laga dhacay 270 Bir iyo
11- Caasha Faarax oo iyadanba laga dhacay 500 oo Bir.
Waxaa kaloo jira dad badan oo ay jidhdil ba’an ku sameeyeen, ka dibna ay ka
tageen iyagoo dhaawacyo badani ku yaallaan.
Goosalaley:
Goosalaley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada cadowgu ku xidhxidheen dad
rayad. Waxaana ka mid ah dadka ay magacyadoodu na soo gaadheen;
1- Bashiirow Faarax
2- Maxamuud Faarax
Gob-ceebeed:
Tuulada Gob-ceebeed, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa dhawaan laga soo qaqabtay 20
qof oo lagu soo xidhay magaalada Dhagaxbuur. Dadkan waxaa loo qaqabtay kornayl
ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya dhawaan ku dileen deegaankaas, waxaana lagu
xukumay inay bixiyaan magtii kornaylkaas. Dadkaas waxaa ka mid ah;
1- Cabdi Axmed Dhamac
2- Maxamed Muxumed C/llaahi
3- Mahdi Muxumed Xaashi
4- Nimco Mahdi Muxumed
5- Sahro Muxumed Nuur
Dhabar-sarmaan:
Dhabar-sarmaan, oo degmada Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada cadowgu jidhdil
ba’an ugu gaysteen 5 qof oo rayad ah. Dadkan waxay gaadhsiiyeen dhaawacyo halis
ah, waxayna uga tageen sidi mayd ahaan.
Ceel-karri:
Ceel-karri waxay ciidammada cadowgu jidhdil ba’an ugu gaysteen 2 qof oo rayad
ah.
Abaaqorrow:
Abaaqorrow waxay ciidammada cadowgu ku xidhxidheen 27 qof oo rayad ah, waxayna
dadkaas u gaysteen jidhdil ba’an.
Laas-dhankayrre:
Laas-dhankayrre waxay ciidammada cadowgu ku xidhxidheen 13 qof oo rayad ah.
Dadkan waxaa loo xidhxidhay dagaallo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya
iyo kuwa cadowga oo deegaankaas ka dhacay markii taariikhdu ahayd 26/05/06.
Iimey-galbeed:
Inta u dhaxaysa Iimey-galbeed iyo Cadaado, oo Godey ka tirsan, waxaa laga soo
qaqabtay 127 qof oo rayad ah, kuwaasoo lagu xidhxidhay magaalada Iimey-galbeed.
Yucub:
Ciidammada gumaystada Itoobiya ayaa dhwaan wiil yar oo siddeed jir ah ku
faraxumeeyay baadiyaha magaalada Yucub, kaasoo ay ciidammada maxaysatada ah ee
Itoobiya falkan waxshinimada ah u gaysteen isagoo Adhi la jooga. Xaaladda
caafimaad ee wiilkan ayaa la sheegay inay aad u liidato. Wuxuu kaloo warku
intaas ku darayaa in Adhigii uu wiilka yari la joogay qaar badan oo ka mid ah ay
ciidammada gumaysigu qasheen.
Jeerinka (Fiiq):
Wararka ka imanaya tuulada Jeerinka, oo ka tirsana degmada Fiiq, ayaa sheegaya
in ciidammada gumaysatada Itoobiya ay tuuladaas ku dileen afar qof oo rayad ah.
Afartan qof ee rayadka ah ee la dilay waxay kala yihiin seddex nin iyo haweenay
waayeel ah, waxaana la dilay 03 Juun 2006. Dadkan ayaa loo dilay inay taageeraan
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
Jigjiga:
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ayaa sidoo kale labo wiil oo dhalinayaro ah ku
dilay magaalada Jigjiga markii ay bisha May 29-ka ahayd 2006. Labadan wiil ayaa
la sheegayaa in laga qaqabtay magaalada dhexdeeda, ka dibna la geeyay xerada
millatariga ee Garab-Case, halkaasoo jidhdil xun loogu gaystay, ka dibna rasaas
lagu dhuftay.
Baaq uu xasuuqa Ogaadeenya ka soo saaray Golaha Dhalinyarada Ogaadeenya.
Golaha Dhalinyarada Ogaadeenay ayaa baaq ka soo saaray xasuuqa ba’an ee
ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya. Golaha Dhalinyarada Ogaadeenya
ayaa baaqiisan ku sheegay in xukuumadda Itoobiya ay dalka Ogaadeenya ka
billowday olole qallafsanoo ay dadwaynaha ku xasuuqayso, ka dib markii ay ku
guuldarraysatay dagaalladii ay kula jirtay ciidammada Xoreynta Ogaadeenya.
Golaha Dhalinyarada Ogaadeenya wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay si degdeg
ah tallaabo uga qaadaan xasuuqa bani’aadamnimada ka baxsan ee xukuumadda
Itoobiya ka wado dalka Ogaadeenya.
Wuxuu sidoo kale dadwyanaha Soomaalida Ogaadeenya ee geesiyiinta ah ugu baaqay
inay hal meel uga soo wadajeestaan falalka bahalnimada ah ee taliska Addis Ababa
kula dhaqamayo dadwaynaha nugulka ah, isla markaana ay iska kaashadaan sidii ay
naftooda iyo maalkoodaba uga difaacan lahaayeen ciidammada maxaysatada ah ee al
soo dhoobay dalka Ogaadeenya.
06 Jun 2006.
C/nuur Sh. Maxamed
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay
11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo
Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin:
SomaliTalk.com | June 7, 2006
Midowga
Maxaakiimta Islaamiga oo ka digay in diyaarado ka soo degaan garoonka Jowhar
»Qaxootiga
Soomaaliyeed iyo Nabaad guurka Dhirta Kenya..
»Muslim Aid iyo
Wejigii Labaad ee Abaaraha K/Soomaaliya..
»Ra’isul Wasaare
Geeddi oo 50-xubnood oo ah Mudulood ku.
»Maleeshiyadii iyo
hubkii Cabdi Qaybdiid oo soo galey...
»Dowladda Kenya oo
dalkeeda u diiday ineey soo galaan..
»Wada hadaladii u
dhexeeyay Muuse Suudi iyo Odayaasha
»Wabarka Beesha Cayr
oo u soo jeediyay Maxaakiimta..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji.... 6/6/06
Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..
C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama
hadlin!! |