Wajiga
Labaad ee Kacdoonka Muqdishu

Garyaqaan. Abdullahi Farah
Qaarey
La –Taliyaha Sharciga Madaxwaynaha Dawladda Carta
Email.
avv_qaarey@hotmail.com
Somalia siiba
Reer Muqdisho waxaa laga fidiyaa si joogta ah Dacaayado aad u fara badan
Iyo Been
abuurasho Sal iyo Raad toona lahayn, waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin :
·
Hooyga argagixisada
·
Xarunta Caalamiga ah
ee Hooyga Daroogaga
·
In aysan lahay Daris
wanaag, kuna badan yahay Nacaybka Shisheeyaha siiba Reer Europé Iyo
Mareeykankaba.
Reer Muqdisha
16 sano oo lagu hayay Dhac, Dil, Kufsi , loona diiday habeen iyo maalinba inay
nabad ku seexdaan, lana uga arsanaayay Saraakiishoodii , Waxgaradkoodii iyo
Culimadoodiiba, ayay hurdada ka keceen , heeryadiina iska tuureen,
goaansadeenna
Intooda hartay inay isbadbaadiyaan, meel qurana uga soo wada
jeestaan kuwa dhiigooda
Dhuuqaayay, Naf iyo Nolalna u diiday
waa Hogaamiya kooxyada , ugu danbayntii, isku magacaabay La dagaalanka
Argagixisada.
Maxaa la
haboon Maxkamadaha Islaamiga ah.
·
Inay badiyaan
talada iyo wada tashiga –
DEG DEGINNA –
·
Inay ka saaraan
dhamaan Ciidamada Magaalada, furaana xerooyin lagu dhaqan celiyo Dhaliyaradii la
baadiyeeyay, lana khalday,
·
Inay Aamusaan wax
danbe oo hadal ahna aysan ka soo bixin, ugu yaraan lix bilood , mudada
ay ku jiraan kala hufidda iyo kala haadinta, iyo soo celinta - law and
order-, Furayaana Dakadda iyo Rugta diyaaradaha Caalamiga (
Muqdishu International Airport )
·
Inay Tirakoobaan
dhamaan hantidii Qaranka Somaliyeed , Badbaadiyaana Gacantana ay ku dhigaan,
inta uu
jiro kacdoonka Shacbigu siiba
Dugsiyada Waxbarashada , Rugaha Caafimaadka iyo
Dhismayaasha Hayadahada Dowladda.
·
Inaysan abuuran
Cadow-tooyo( Enemy ) Afhaan iyo Ficilahaanba, Ummadkastase xaq bay u leeyihiin
inay ka taliyaan kana tashadaan Aayahooda iyo Mustaqbalka dalkooda iyo
dadkoodaba
·
Inay ka soo baxaan
mustaqbalka kaalindooda ku aadan ka qayb qadashada Badbaadinta Qaranimada
Somaliyeed iyo Midnimadeedaba, iyo ka hortagidda u kala qaybinta Bulshada
Somaliyeed –
REGIONAL TRIBAL STATES –
Ujeedadeedu tahyna = Baabiinta Jiritaanka Somalinimo, halkaasna
ay ka bilaabato ”Reer- hebel waa nagu soo xad gudbeen, khyraad - badeedkeena ama
Khayraadka barigeenay rabaa inay Gurtaan ama shisheeye kula heshiiyaayn, waa
sida hadda ka taagan Maamulada Ka jira dhinaca Bosaso iyo Hargaysa
·
Inay ka
kasbadaan Shacabka Kalsooni buuxda, ku soo toosaan, kuna seexda – Xabad
laáan , Isbaaro laáan, Kufisi Laáan , meeshana ka baxdo hala dhaco
waa LOOMA OOYAANE –, Dibna ay ugu soo celiyaa Hayadihii samafalka iyo Caalamkaba
Magaalada Muqdishu.
Maja dhooqo
midba mar baa la siibaaaaaaye, kacdoonkasta waxaa la isku dayaa in la
fashaliyo, dad badan baysan ugu jirin wax faaiido ah kacdoonka maantay, waxaa ku
talinayaa in aan la deg degin, u yeerataan Gudaha iyo Debadaba cidii aad Talo
iyo Aqoonba aad bidaysaan, Af - daboolani waa dahabe, aad afkiina Xirataan ,
Xamar Xaalikiisu iyo wax ka qabadkiisuba mana Dhawa - Mana Dheeree.
Waxaan ku soo
gabagabaynayaa,
·
Ina lagu soo
Casumo Saxaafadda Caalamka iyo cidkastaoo shaki kagalo joogitaanka Argagixiso
Magaalada Muqdishu, loona ogolaado lana tuso meelkasta oo caalamku uga shakiyo
waxa reer muqdisho lagu eedeynaayo, si ay u kala cadaato
Xaqa iyo Baadilku
·
In Sharcigu ka
sareeyo waxkasta , laguna kala danbeeyo Sharciga, kii ka leexdana helo
ciqaabtiisa, Hogaamiya dhaqmeedku ku ekaado Xuduudiisa, Ganacsataduna
Ganacsigooda ,Siyaasiguna la jaanqaado kacdoonka Shacbiga iyo rabitankooda,
meelna iska dhigo dantiisa gaarka ah kana hormariyo dantiisa danta guud.
·
Inay haboon tahay in
Reer Muqdishu lagu qabto GACAN – BIR ah Maanta, Mabdá la qaataana uu
noqdo ” AMA AFWAYNE RAAC AMA AFKAAGA QABSO ” Waa sida kaliya oo looga
badbaadikaro CAQABADAHA KA JIRA MUQDISHO, kuna soo noqon karto Nabadii
iyo kala danbayntii, Lana helikaro markaas Wax lala hortago Somalida kale iyo
Caalamkaba.
·
In aysan isku koobin
Maxkamadaha Islaamiga ah, habsami u socodka Maamulka iyo taladiisabaBalse laga
qaybgaliyo qofkasta oo wax ku kordhin kara Muqdisho iyo arrimaha Somalia Guud
Saldhigna aan looga dhin waxku qaybsi - Qabiil iyo Jufo - ciddii soo hadal
qaadana meel qura looga soo wada jeesto, kaasi somali iyo Xamarba tala u ma
hayeeeeeeeeeeeeee,
Hogaanka Guudse ha noqdo TIIR
LAMA TAAB TAAN .INTA AY KA DAGAYSO XASAASUYADDU , CAQLIGU KA SHAQEEYO,
LOONA BISLAADO WADANIYADDA QARANIMADA LAGANA XOROOBAYO MASKAXDA SHISHEEYE IYO
U ADEEGIDIISABA
Somaliyeey
Ha lagu baxo dalkii hana la
taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reerMuqdishu,Hana loo soo gudbiyo qof
walba wixii u arko oo talo wax ku ool ah Ajar baa ku jiraa iyo Maslaxa Caam
aheeeeeee , meel kasta oo duna ka joogtaan.
Wabillahi Towfiiq.
Garyaqaan. Abdullahi Farah Qaarey
La –Taliyaha Sharciga Madaxwaynaha Dawladda Carta
Email.
avv_qaarey@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | June 7, 2006
Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..
C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama
hadlin!! |