MUQDISHO
WAA LOO YAABAA
06/06/2006
Gacaliyeyal
Muqdisho waa caasimadii wadanka, waana magalo xirfad u leh la saanqaadka nolosha
hadba wixii kusoo saaida, waana magaalo xadaarad taariikhi ah leh marka laga
eego hoygii ay u aheyd inta badan maamuladii somaliya soo maray, iyo kaabadihii
kala duwanaa ee adeega bulshada. Waana magacii ama muuqaalkii wadanka somaliyed.
Hadaba maanta waa see xaalka muqdisho;
Muqdisho waxaa ay soo martay dagaalo sokeeye, oo dalka oo dhan ay la wadaagtey,
iyo kuwo magaalada oo keli ah ku gaar ah, waxaana badnaa kuwa gudaheeda ka dhaca
oo beelaha isugu haray magaalada ay isku hayeen, iyaga oo hadba si isu
xulafeeysanayey. Magaalada waxaa isku dhexfurna horumar iyo bur bru is feersocda,
dadaal nabad raadin ah, iyo boob, afduub iyo dil joogta ah, waxana is feer
yaalay Isbaaro maxkamaduhu leeyihiin iyo kuwo Qabqablayaashu leeyihiin.
Intaa oo idil waxaa ay aheyd nidaam dadka reer muqdisho ay isla garteen in lagu
wada noolaado, oo aanay cidna cid kale ku xadgudbin. Maxkamaduhu waxaa ay ku
saleesnaayeen nidaan qabiil, Qabqablayashuna sidoo kale, midba kan kale
shaqadiisa kuma faro gelin jirin iyada oo mar marka qaarkood ay dhacdo in ay
halmeel wax kuwada cunaan, oo ay isku darsadaan afkaar iyo siyaasad ay markaa
doonayaan in ay wax isugu kaashadaan.
Maxkamaduhu waxaa ay inta badan ahaayeen kuwo ku tiirsan ganacsatada iyo
odayasha dhaqanka kuwaa oo iyana saaxiibo gaar ah la ahaa qab qablayaasha ka
jiray magaalada muqdisho. Qabiil kastaa oo ku sugan magaalada Muqdishu waxaa uu
leeyahay maxkamad iyo maleeshiyo qab qable oo midba magaalada dhinac ka
qaraabata, waxaana arintaa sababay naceyb ay dadka danyarta ahi u qaadeen
qabiilada qaarkood oo badatay.
Si looga hortago in uusan qabiilna si gaara ah u ceeboobin ayaa waxaa abuurmay
tartan loogu jiro in dhanka diinta sumcad lagu raadsho, dadkana fikirkooda lagu
muteysto cimaada iyo sunaha nebigeena NNKH. Maxkaduhu waxaa ay qabiilkoodu la
fadhiisan jireen geed walba, waxaana dhacda in mar marka qaarkood ay ilaaloyeen
hogaamiye kooxoodkooda qabqablaha ah marka uu usoo gudbo zone ay markaa ku sugan
yihiin, ama maxkamad kale ay ka taliso.
Isqeybintaa ay qabaa iladu is leh marka laga eego hoygii ay u aheyd inta badan
maamuladii somaliya soo maray, iyo kaabadihii kala duwanaa ee adeega bulshada.
Waana magacii ama muuqaalkii wadanka somaliyed.
Hadaba maanta waa see xaalka muqdisho;
Muqdisho waxaa ay soo martay dagaalo sokeeye, oo dalka oo dhan ay la wadaagtey,
iyo kuwo magaalada oo keli ah ku gaar ah, waxaana badnaa kuwa gudaheeda ka dhaca
oo beelaha isugu haray magaalada ay isku hayeen, iyaga oo hadba si isu
xulafeeysanayey. Magaalada waxaa isku dhexfurna horumar iyo bur bru is feersocda,
dadaal nabad raadin ah, iyo boob, afduub iyo dil joogta ah, waxana is feer
yaalay Isbaaro maxkamaduhu leeyihiin iyo kuwo Qabqablayaashu leeyihiin.
Intaa oo idil waxaa ay aheyd nidaam dadka reer muqdisho ay isla garteen in lagu
wada noolaado, oo aanay cidna cid kale ku xadgudbin. Maxkamaduhu waxaa ay ku
saleesnaayeen nidaan qabiil, Qabqablayashuna sidoo kale, midba kan kale
shaqadiisa kuma faro gelin jirin iyada oo mar marka qaarkood ay dhacdo in ay
halmeel wax kuwada cunaan, oo ay isku darsadaan afkaar iyo siyaasad ay markaa
doonayaan in ay wax isugu kaashadaan.
Maxkamaduhu waxaa ay inta badan ahaayeen kuwo ku tiirsan ganacsatada iyo
odayasha dhaqanka kuwaa oo iyana saaxiibo gaar ah la ahaa qab qablayaasha ka
jiray magaalada muqdisho. Qabiil kastaa oo ku sugan magaalada Muqdishu waxaa uu
leeyahay maxkamad iyo maleeshiyo qab qable oo midba magaalada dhinac ka
qaraabata, waxaana arintaa sababay naceyb ay dadka danyarta ahi u qaadeen
qabiilada qaarkood oo badatay.
Si looga hortago in uusan qabiilna si gaara ah u ceeboobin ayaa waxaa abuurmay
tartan loogu jiro in dhanka diinta sumcad lagu raadsho, dadkana fikirkooda lagu
muteysto cimaada iyo sunaha nebigeena NNKH. Maxkaduhu waxaa ay qabiilkoodu la
fadhiisan jireen geed walba, waxaana dhacda in mar marka qaarkood ay ilaaloyeen
hogaamiye kooxoodkooda qabqablaha ah marka uu usoo gudbo zone ay markaa ku sugan
yihiin, ama maxkamad kale ay ka taliso.
Isqeybintaa ay qabaa iladu isu qeeybiyeen dhinac fiican oo xaga diinta ah iyo
dhanka qab qablaha ayaa keentay in maanta qabiil walbaa uu maxkamad sameeysto
dhanka maxkamadana u bato, macnaheedu ma aha diin jaceyl balse waa qaab lagu
noolaado oo ka jira magaalada muqdisho, waxaana ay leedahay walwalkeeda. Waxaa
laga yaabaa in dadbadani ay xamaasada hore iyo tamashlaha yaala muqdisho ay u
arkaan guul iyo natiijo lagaaray, waxaase xaqiiq ah in crossing point la taagan
yahay, haadanan si wanaagsan loo fekerina ay wax badan qaldamayaa.
Waxyaabaha ka dhacaya muqdisho oo yaabka leh waxaa kamid ah in odayaasha
qaarkood la arko oo keli ah marka kooxaha is haya mid kamid ah ay rasaasta ka
go’do, waxaa ay doonayaan oo kelia ah in lakala nasto oo la isu soo hub gurto,
hadii odayaal wanaag leeyihiin muqdisho 16 sano dhib kama taagnaadeen, waxaana
maanta wax laga naxo ah in odayaal beeleedka ceynkaa ahi ay maxkamadaha maanta
hor boodayaan, meelkastana kaga horeeyaan. Hubkii laga dhigi lahaa
qabqablayaashana inta ay wiilashoodu ku wareejiyaan maxkamad iyo astaan isla
beeshu leedhay u bixinayaan.
Inta ragga noocaa ahi ay muqdisho dhextaagan yihiin anigu Abdullahi ahaan khatar
weyn baa ii muuqata, iyo qabaa ilo kala fadhiyo oo jartii la isla damacsanaa
isla fahmay. Waxaa isla maanta dareenka noocaas ah ee aan qabay igu sii adkeeyay
markaan maqlay go’aanka ay qaateen beesha mudulood, iyo sida ay yeeleen beesha
murursade, iyo waan waanta lagula jiro Abdi Qeybdiid, oo inta howsha ku jirta
ama ku jirtayba ay yihiin isla oadayaasha ragga qoryaha heysta.
Hubka raggaa laga qaado waxaa lagu wareejinayaa isla kii markii hore saarnaa ama
mid u dhigma oo isla beesha ah, waxaana la abuurayaa maxkamad magac gaar ah leh
oo iskeed u taagan balse maalmaha hore kamid ah ururka maxaakiimta oo ajande iyo
nidaam guud oo lagu aasaasay aanan laheyn, wax charter iyo shir maxaakiimtu ay
isku uruursadeena uusan wadanka ka dhicin.
Hadii maxaakiimtu ay mamnuuci lahaayeen nidaamka ay qabiilada laga wood
roonaaday ciyaarayaan si ay hubkooda u badbaadsadaan, waxaa dhici kartay in
howlgal nidaamsan oo biloow iyo dhammadba leh uu meesha ka muuqan lahaa, hase
ahaatee waxaan isleeyahay waxaa dhacay Qorshe kadis ku bilaawday qabaailaduna ay
isla fahmeen, tuhunka abuurmayna uu keeni karo wax lala yaabo oo ah maxkamada
reer hebel iyo tan reer hebel ayaa isku laayey magaalada muqdisho, ama isbaaro
iwm.
Waxaan ku faraxsanahay ragga meesha laga saaray, ee magac xumada usoo jiiday
caasimada dalka somaliya, waxaana jeclaan lahaa in hadalkeeyga wax wanaajin iyo
tilmaamid waxyaabaha qaldami kara loo fahmo.
Qofkii doonaya in uu ka hadlo Article kaan fadlan Aragtidaada daabac, hadaadan
markaa fariin gaar ah iisoo direey.
Abdullahi Gulled Ali
abdullahigulled@yahoo.com
Student at Aarhus school of business
Business Law and Taxation
Denmark
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | June 6, 2006
MAQAALKA MAANTA
Mudane waa ku
sidee.... | Amiin |