SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


C/risaaq Xaaji Xuseen oo wadankaan Ra’isul Wasaare ka noqday sanadihii Lixdameeyadii ayaa dhowr jeer ka hadlay xaaladda murugsan ee ka jirta dalka, waxa uuna wareysigiisii ugu dambeeyay oo ay la yeelatay Idaacadda Shabeele waxa laga weydiiyay sida uu arko waxyaabaha ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhibaatooyinka Hogaamiye kooxeedyadu ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed, Soomaalidu waxay tiraahdaan (Waxa jooga nimaan garan waxa soo socda ma garto), waxaana saadaasha inta badan bixiya dadka waaya-araga iyo waliba Abwaanada oo waxa ay saadaaliyaan intooda badan soo ifbaxa.

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wareysi uu horey u bixiyay ayaa wax laga weydiiyay sida uu arko Hogaamiye kooxeedyada ku sugan Magaalada Muqdisho ee iyagu maalin walba la yimaada Barnaamijyo cusub, waxa uuna yiri “waxay isku haystaan in ay haystaan Muqdisho, Balse waa lala haystaa”, hadalkaas waa hadal aad u qoto dheer, waana saan saanta maanta taagan, C/llaahina ma uusan fasirin ragga Hogaamiye kooxeedyada la haysta magaalada Muqdisho.

Aan dib ugu laabanayo hadalka C/risaaq Xaaji Xuseen oo maalmahan Idaacadaha Xamar ku soo celceliyaan, kaasoo ah “Ragga walaalahayagaa ee Xamar jooga ee dadka doqonta Moodaya mar uun baa biyo meel aysan garaneyn kaga imaan doonaan oo uu daadku qaadi doono, Wallaahi waan dhaartaye way imaan doontaa arrintaasi” waxaa la yaab leh C/risaaq hadalkiisa oo ay daba socotay Dhaar oo uu ku muujinayo xaqiiqda dhabta ah, dad badan ayaa is yiri “War ninkaani waa uu iska hadlayaa, oo waa nin aan la socon xaaladda dalku marayo”, horaa loo yiri “Nin gu’ kaa weyn garaad ku dheer”, marka Hadalka C/risaaq Xaaji Xuseen waa mid haatan isa soo taraya oo Hogaamiye kooxeedyadii dadka doqonta mooday la ciireyso Doontii.

Abwaan Soomaaliyeed ayaa horey u yiri “Mar uun buu Daf oran nabsigii Diinku soo sidaye”, Hogaamiye kooxeeyada Magaalada Muqdisho waxay ahaayeen kuwo aan ka faa’iideysan fursado soo maray, mar bay ahaayeen rag uu shacabku u heelan yahay taasina waxay keentay in Dowladdii lagu soo dhisay Dalka Kenay ay ka heleen darajooyin sarsare, waxayna sheegeen markay ku soo laabteen Muqdisho in ay wax ka qaban doonaan amniga magaalada Muqdisho isla markaana ay maamul u sameyn doonaan, hase yeeshee markii uu soo dhawaaday in ay maamul u sameeyaan ayay jaantaa rogan wax walba ka dhigeen, maalintaas ayay dadka qaarkii ka calool go’een, waxana waqtigaas wixii ka dambeeyay bilowday in la yiraahdo, war raggaan waxay rabaan garanayo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xidido siibin ragaan, haddan waxa muuqata saansaantii ergeyga Qabqable lagu iloobi lahaa, waxaana 90% Muqdisho gacanta ku dhigay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyagoo taageero ka helaya shacabiga gobalka Banaadir, iyadoo maalintii Jimcaha ahayd banaanbixii ugu balaarnaa ee lagu taageerayay Midowga Maxaakiimta loogana soo horjeeday Marreykanka uu ka dhacay Fagaaraha Tarabuunka.

C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah nin waayo-arag ku ah siyaasadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ka hadlay dhibaatada ay wadaan Hogaamiye kooxeedyo, waxa uuna xitaa u soo jeediyay Hogaamiye Kooxeedyada laftooda in ay bulshada u heelan ku hagaan wadada wanaagsan, balse taasi ma noqon oo waxay aakhiritaankii keentay in iyagoo huwan magaca dowladnimo in ay sameeyaan Isbahaysiga ay ugu magac dareen la dagaalanka Argagixisada, Inkastoo Isbahaysigaan Shacabka Gobalka Banaadir ay si aada uga naxeen haddana dadka Muqdisho waxay is tusiyeen in waxaani uu yahay wax uu Mareykanku ka dambeeyo oo lagu gumaadayo qof kasta oo ay muslimadiisu dhab tahay, gaar ahaan Midowga Maxaakiimta oo iyaguna is tusiyay in ujeejadu ay tahay in meesha laga saaro i hase yeeshee hogaamiye kooxeedyado waa ay hilmaameen in midowga maxaakiimta islaamka ay ku abuurmeen rabitaanka shacabka waana midda maanta keentay in ay taageero lixaad leh ka helaan bulshada ku nool Gobalka Banaadir, isku soo wada duuboo xaaladda maanta taagan ayaa u muuqata mid hadalkii C/risaaq shabaheysa oo waxaaba la arkaa Hogaamiye kooxeedyadii oo Tuke Cabaar leh noqday, isla markaana meel waliba ka soo xiran tahay haatanana daadkii la sheegay la sabbeyanaya, inkastoo waliba xaalku fara qodneyn oo uusan daadku si fiican u qaadin, balse saan saanta muuqataa ah in layskaba hilmaami doono wax la yiraahdo dagaal ooge.

W/D: Amiin Yuusuf khasaaro

E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

»Qandaraasyadii Dhimashada!!.... | Amiin Yuusuf

BAYDHABO::: Sug intuu C/llaahi ka imaanayo..... Guji..

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2006

MAQAALKA MAANTA Mudane waa ku sidee.... | Amiin


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD