SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Inkastoo ay ahayd mid soo jiidatay dhegaha dadka mudada dheer la daalaadhacayey dagaal sokeeye, guulaha ay ka gaareen raggii mudada dheer ku hor gudbanaa noloshooda, haddana dad badan ayaa ka cabsanaya in kacaanka diimeed ee ka dhashay la dagaalanka ururka la magac baxay la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda uu noqdo mid mara tubtii ururkii USC oo lagu eedeeyo in ahaayeen kuwo ahaa habqan oo aan lahayn itijaah siyaadeed oo fog, tasoo bud dhig u noqotey dagaalo riiq dheeraada, hase yeeshee Midowga Maxakiimta Islaamiga ah oo maanta u muuqda kuwo rajada dadku ka qabaan ay tahay mid ka bedelan tii USC-da, mar haddii Maxaakiimta Islaamku qaanuunkoodo yahay kii Alle.

Halganka Maxaakiimta oo taageero ka helaya shacabka waxaa ku dhintay dad fara badan, waxaana ku burburay hanti aad u fara badan, waxayna ku soo beegantay xili dadku u ooman yihiin helitaanka maamul cadaalad ku dhisan mar haddii mudo 16 sano ku dhawaad ah ay ahaayeen kuwo ku hungoobay hankii Siyaasadeed iyo rajadii ay lahaayeen xiligii la eryayay maamulkii Max’ed Siyaad Barre.

Dad badan ayaa ku talinaya in maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah in goob kastoo ay tagaan amaba ay ka milkiyaan in ay halkaas ka dhisaan maamul Islaami ah kaasoo abuuri kara kalsooni, waayo goobaha ay haatan gacanta ku hayaan ayaa u muuqda kuwo xasiloon oo ay shacabku ka dareemayaan yididiilo iyo saxansaxo nabaddeed.

Shacabka si weyn ayay u soo dhaweeyeen hadalkii Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah kaasoo ahaa in aysan u socon wax la yiraaho Saldanad, balse ay u socdaan in dalka ay nabad ku soo dabaalaan isla markaana ay diyaar u yihiin in talada dalka ka qaybgeliyaan cid kasta oo aan looga maarmin.

Kuwo kale ayaa ku talinaya in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay wada hadal la furaan Dowlada Federaalka, si halkaasi uusan uga imaanin isku dhac kale oo keena khasaare naf iyo maalba leh.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa iyagu si aada u soo dhaweeyay guusha ay gaareen Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna sheegeen inay diyaar u yihin in ay wada hadal la yeeshaan Maxaakiimta si meesha looga saaro daldalooda jira.

Guusha ay gaareen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waxaa ku hor gudban Buur Culus oo looga baahan yahay in ay uga gudbaan si taxadar leh, waayo raggii ay ka adkaadeen weli waa ay rafanayaan oo waxaa dhici karta in ay helaan gacan shisheeye oo iyadu ahayd middii keentay in dagaalkaanu uu bilowdo.

Maxkamadaha Islaamiga ah inkastoo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka ay tahay xalka keliya ee lagu gaari karo maqaam ifiya, haddana dadka qaarkii ayaa shaki ka muujinaya kala qaybsanaan ku timaada Maxkamadaha Islaamiga, iyagoo taas sal iyo gunba uga dhigaya ku dhaqanka Mabda’a foosha xun ee Qabiilka oo dad badan horey u galaaftay, halka kuwo kalana ay aaminsan yihiin in Maxaakiimtu yihiin hal dariiqo, loogana fadhiyo in ay soo dhaweeyaan dariiqo kasta, oo ay muujiyaan dabacsanaan sidii kal hore ay u sameeyeen ka qaybgalkii Xuskii loo sameenayay Nabi Muxumad “NNKH”, waxaana meeshaasi ka baxay shakigii ahaa in Maxaakiimtu yihiin kuwo diidan in la xuso Nabiga, balse iyaga ay aaminsan yihiin in daqiiqad kasta la xuso lana weyneeyo.

Dulucda Maqaalka oo ah “Fari kama qodna Faanoole”, ayaa waxaa hor yaala Maxkamadaha Islaamiga howl culus oo u baahan dhabar adeyg, taxadar dheeraad ah, tanaasulaad iyo in aan la laysu dhigan lana aaminin in guud ahaanba la soo ebyay dagaalkii lagula jiray kuwo ka soo horjeeda nolosha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu quus taagnaa.

Waxaa kaloo hor yaala Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah sidii ay ula xiran lahaayeen beesha Caalamka, ugana dhaadhicin in aysan caddow ku ahayn jiritaankooda iyo aayahooda nololeed, balse ay hubka u qaateen badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed, halkaasina ay ku tirtiraan shabadda Siyaasadeed ee lala daba taagan yahay Islaamka kaasoo ah ereyga Argagixiso, sidaa daraadeed mar haddii intaa oo howlood ay sugayaan Midowga Maxaakiima Islaamiga ah, waxaan dhihi karnaa Fari kama qodna Faanoole.

W/D: Amiin Yuusuf khasaaro

E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

»Qandaraasyadii Dhimashada!!.... | Amiin Yuusuf

BAYDHABO::: Sug intuu C/llaahi ka imaanayo..... Guji..

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2006

MAQAALKA MAANTA Mudane waa ku sidee.... | Amiin


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD