Warqad Furan iyo Talo Wax-ku-ool ah oo ku
socota Maxkamadaha Islaamka ee Muqdisho
Salaanta Islaamka ee qiimaha badan kaddib,
Waxaa wax lagu farxo ah guusha degdegga ah ee muddo kooban aad ku gaarteen,
kaddib markii aad la gasheen dagaal adag kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo
isku magacaabay in la yiraahdo Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada iyo soo
celinta nabadda, kuwaas oo sida lala wada socdo idin ku soo qaaday dagaal
gardarro ah oo qaawan oo aan geed loogu soo gabban. Raggaas oo ahaa raggii ay ka
degi weyday magaalada Muqdisho waxay ka koobnaayeen dagaal oogayaashii Xamar iyo
nawaaxigeeda xoogga ku haystay, waxayna is bideen awood ay gaareen heer ay ku
sigtaan inay kufriyaan.
Dagaalkaas oo ahaa mid xaqdarro ah oo ay kaga soo qaateen qandaraas wadamo
ajnabi ah, kaddib markii ay ka hor yimaaddeen dowladdii ay ka midka ahaayen
iyagoo go’aansaday inay qaldaan beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa
waxay la yimaaddeen arrin ku cusub dadka Soomaaliyeed oo ah “waxaan soo
qabaneynaa argagaxiso ku dhuumaaleysaneyso magaalada Muqdisho”.
Su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay, horta yaa ah argagaxiso,
Muqdishase ma joogtaa argagaxiso?
Argagaxiso waxaa weeye ninkii laaya dad masaakin ah oo aan waxba galabsan,
hoobiyana ku hoggaamiya maatada. Muqdisho way joogtay argagaxiso oo waxaa
argagaxiso ahaa kuwii muddo ka badan 16 sano dhiigga dadka Soomaaliyeed ku
daadinaayey mansab inay ku gaaraan. Waxay markii dambe u dallaceen xildhibaanno
iyo wasiiro, waxayna sameysteen baro koontarool, dekedo iyo garoomo diyaaradeed
oo ay shacabka Soomaaliyeed ku baadaan.
Waxaa wax lagu farxo ah in qabqablayaashii dagaalka kuwoodii ugu xumaa ee
Soomaaliya taariikhdeeda soo maro in maanta la wiiqay awooddii ay ku faani
jireen oo hadda lagu daba joogo firxadkoodi, waana guul weyn oo u soo hoyatey
dadka Soomaaliyed guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho
ee loo diiday harsi iyo hoyaad muddo dhan 16 sannadood.
Haddaba annagoo maanka ku hayna arrimahaas oo dhan, maxaa la gudboon Maxkamadaha
Islaamka ee guusha taariikhiga ah ay maanta gacantooda ku jirto ee haya Xamar
iyo hareeraheeda, iyagoo awoodda shacabka Soomaaliyeed kula wareegay goobihii
qabqablayaasha iyo mooryantoodii ay ku baadi jireen dadweynaha.
Waxaan rabaa inaan Maxkamadaha Islaamka tusaale yar ka siiyo dhacdooyin hore oo
Soomaaliya horey u soo maray si ay uga digtoonaadaan inay ku dhacaan qaladaad ku
keeni kara inay fashalmaan.
1- 26-kii Janaayo 1991-kii waxaa magaalada Muqdisho la wareegay xooggagii USC ee
kacdoonka shacabka ku qabsaday magaalada Muqdisho, kaddib markii shacabkii
degganaa magaalada ay ka hor yimaaddeen dowladdii waagaas dalka ka talin jirtay.
Waxaa dhacday in USC aysan yeelan nidaam iyagoon lahayn barnaamij u degsanaa oo
ay dalka ku hoggaamiyaan haddiiba ay dalka ka baxdo dowladdii waagaas jirtay,
taasoo keentey in dalki dhan uu galo nidaam foowdo ah oo u horseeday Soomaaliya
dagaallo sokeeye oo aad u xun, kuwaas oo aan ilaa hadda hayno qasaarihii iyo
qaladkii ay USC-da sameysay 16 sano ka hor. Arrintaas ay USC-du sameysay waxay
sabab u noqotay in Soomaaliya oo ka koobnaa 18 gobol uu gobol walba gacanta u
galo qowleysato qabiil oo u diiday shacabkii Soomaaliyeed inay helaan nolol iyo
wanaag iyo horumar aayatin leh, waxaana soo baxay boqolaal warlords oo jufo jufo
hoose u sii kala baxay illaa la waayo qarankeennii qiimaha lahaa, taasoo
horseeday in Soomaaliya laga xukumo maanta dalka
Ethiopia oo ah cadowgii soo jireenka ahaa.
2- Ururka Al-Itixaad oo ka arrimin jiray 1991 iyo 1992 gobollada waqooyi bari
Soomaaliya waxay markii hore gobolladaas ku tageen si nabad ah iyagoo gacan ka
helayo dadka Soomaaliyeed ee dega waqooyi bari Soomaaliya meesha maanta loo
yaqaan Puntland, waxayna markii dambe is farasaareen ururkii SSDF ee uu
hoggaaminayey Col Cabdullaahi Yuusuf, taasoo keentay inuu halkaas ka dhaco
dagaal dhiig ku daato oo socday muddo kooban. Waxaa gacan ku heyntii gobolladaas
si fudud ula wareegay hoggaamiye kooxeedkii SSDF iyo ciidamadiisii oo ahaa dadka
dega gobolladaas. Dagaalkaas, haddii si kale loo dhigo, wuxuu dhex maray dad
walaalo ah oo kala aminsanaa mabda’ markaas la isku hayey.
3- Ururka Al-Itixaad oo ka arrimin jiray gobolka Gedo, xaruntiisana ay ahayd
magaalada LUUQ ayaa waxay dagaal la galeen Ururka SNF oo uu hoggaaminayey Gen
Cumar Xaaji Masalle, taasoo sababtay in awooddii gobolka dhan ay faraha SNF ka
baxdo, xubnihii ururkaasna ay u goostaan dalka Ethiopia, halkaasna ay ka
sameystaan xarun. Ururka Al-Itixaad oo awood isbiday ayaa waxaa uu damcay,
maadaama u heysto gobolka GEDO oo dhan, inuu ku hamiyo inuu Ethiopia ka xoreeyo
gobolka Soomaalida ee ay haysato, iyagoo dagaal la galay
ciidankii gumeysiga ee Ethiopia, waxayna Ururka Al-Itixaad sheegteen qaraxyo ka
dhacay caasimadda Ethiopia iyo weerarro laga fuliyey gudaha Ethiopia, taas oo
Ethiopia u saamaxday inay ku soo marmarsiyooto dalkeena oo waligeedba ay ku
taami jirtey inay gacanta ku dhigto, waxayna jebisay ururkii Al-Itixaad iyadoo
isla markaana qabsatay deegaanno Soomaaliya ka mid ah oo ay ku jiraan kuwii
ururku ka talin jiray.
Dowladda Ethiopia oo ka faa’iideysaneysa faragalinta ay ku sameysay ururka Al-Itixaad
Al-Islaami ayaa sameysatay hoggaamiyaal Soomaali ah oo u fuliya
danaheeda, kuwaasoo jooga Soomaaliya gobolladeeda dhan. Waxay Ethiopia isla
markaa billowday inay saanad meleteri iyo mid ciidanba ay soo geliso gudaha
Soomaaliya, iyadoo maanta gaartay inay gobollada Soomaaliya oo dhan maamusho.
Waxay arrintu gaartay in ninkii hadla oo raba inuu mansab darajo gaaro uu iska
xaadiriyo Addis Ababa, isagoo marka hore u caddeynayo inuu fulinayo danaha
Ethiopia ka leedahay Soomaaliya, uuna burburinayo midnimada, qaranimada iyo
wadajirka umadda Soomaaliyeed si uu u raalli geliyo Ethiopia, isla markaana
Soomaaliya ugu jirto nidaam iyo fowdo muddo dheer si ay ugu suura-gasho Ethiopia
inay si sahal ah ugu qabsato Soomaaliya.
Haddaba, culumada hoggaaminaysa Maxaakiimta Islaamka maxaa la gudboon?
- Waa inaad Xamar u sameysaan nidaam iyo kala dambeyn muddo kooban ah, sida ugu
dhaqsiyaha badan leh.
- Waa inaad dadka ku nool Xamar aad shirweyne u qabtaan, maamulna u dhistaan,
maamulkaas oo ah mid dadka ku nool Xamar ay soo doorten si xor ah weliba.
- Waa inaad la tashataan dadka siyaasiyiinta ah oo waddaniyiinta ah ee ku nool
Soomaaliya, taladoodana aad qaadataan.
- Waa inaad u yeertaan ciidammadii Police-ka Soomaaliyeed ee Xamar ku nool, una
howl gelisaan sida ugu dhaqsiyaha badan leh.
- Waa inaad u yeertaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan
ciidammada qaranka ee ku nool xamar iyo nawaaxigeeda, una
howlgelisaan si degdeg ah si ay u sugan ammaanka iyo kala dambeynta.
- Waa inaad furtaan dekadda iyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo
jidadka si degdeg ah.
- Waa inaad xaaqdaan maleeshiyada Xamar ku sugan ee ka haray warlords-kii
firxaday.
- Waa inaad dadka Soomaaliyeed u yeertaan oo Soomaali oo dhan baaq nabadeed
dirtaan, uguna baaqdaan inay walaaloobaan, gacmahana is qabsadaan, iska
illoobaan wixii ku kala gaaray dagaalka
sokeeye.
- Waa inaad u yeertaan aqoonyahannada Soomaaliyeed, aad u howlgelisaan si degdeg
ah, isla markaana la sameysaan la tashiyo baahsan.
- Waa inaad caasimadda ka dhigtaan meel ka caagan hubka, shacabkana loogu baaqo
inay hubka iska dhigaan, kana shaqeysaan nabadgalyada iyo nadaafadda caasimadda
si loo soo celiyo sharaftii ay lahayd magaalada Xamar.
Arrimaha siyaasadda, maxaa idinla gudboon?
- Waa inaad wadahadal la furtaan dowladda ku meel gaarka ah ee fadhida Baydhab,
kuna qancisaan inay Xamar u soo guuraan, lana shaqeysaan, waayo dowlad xun
dowlad la’aan bey dhaantaa.
- Waa inaad beesha caalamka ku casuuntaan Xamar, una bandhigtaan qorshihiinna,
una caddeysaan in Xamar aysan joogin wax argagaxiso ah.
- Waa inaad furataan xisbi siyaasi ah, sugtaana waqtiyada doorashada dalka loo
diyaarinayo, shacabkana aad u adeegtaan oo ka caawisan xagga waxbarashada,
nabadgalyada, caafimadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ee bulshadu u baahan
tahay.
- Waa inaad Xamar gacanta u galisan shacabka ku nool oo ay iyaga aayahoda ka
tashadaan, una sheegtaan si ay u dhistan maamul. Waa in maamulkii hore ee Caddow
Gaabow aad gacan siisaan, maadaama uu Cadde horey idiin taageeray.
Shacabka Soomaaliyeed maxaa la gudboon?
- Waa inaad soo dhoweysaan is beddelka ay sameeyeen dadka ku nool caasimadda
Muqdisho iyo maxaakiimta Islaamiga, lana shaqeeyaan, isla markaana u gudbiyaan
wixii talo iyo tusaale ah, si uusan u dhicin qalad looga faa’iideysto.
- Waa inaad, haddaad tihiin shacabka Muqdisho ku nool, aad si buuxda ooh agar
la’aan ah gacan iyo garab u siisaan culumada diinta Islaamka oo idinka xoreeyey
qabqablayaashii lix iyo toban sano idiin diiday nolosha.
Maxkamadaha Islaamka ee Xamar, maxaa la gudboon?
- Waa inaad midowdaan, kana baxdaan Maxkamadaha ku dhisan qabiilka, waayo qabiil
iyo maamul meel ma soo wada geli karaan, waayo ma soconeyso maxkamadda Ifka
Xalan, Maxkamadda Shiirkole, Maxkamadda Xararyaale, Maxkamadda Siinaay iyo
Maxkamadda Al-Furqaan oo dhammaantood ah maxkamado ku dhisan jufo jufo, inkasto
markii hore aan laga maarmi karin inaad ku billowdaan sidaas. Maanta oo aad
Xamar oo dhan ka talisaan waa inaad hal mid noqotaan, si nidaam loo helo oo
aysan dhexdiina dhibaato hor leh uga dhalanin.
- Ogaada waxaad haysataan fursad weyn, waxayna ku xiran tahay faa’iidadeedu
sidaad u dhaqantaan maalmaha soo socda. Waxaa idin soo eegaya adduunkoo dhan,
marka ka faa’iideysta fursadda aad haysataan oo ah inaad ka adkaateen dadkii
dalkaan hoogga baday ee u diiday in Xamar
ahaato magaalo la mid ah magaalooyinka la faca ah, una sheega beesha caalamka,
gaar ahaan Mareykanka, Midowga Yurub iyo wadamamda deriska la ah Soomaaliya,
Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamka inaydaan
ahayn dad doonayo xukun iyo maamul la mid ah kii Daalibaan, balse bilcaksi aad
doonaysaan inaad dalkiinna ku soo celisaan nabadda, dadka Soomaaliyeedna ay
helaan xornimo iyo sharaf iyo dowlad caadil ah oo madax bannaan oo ay shacabku
soo doorteen.
- Waa inaad si degdeg ah ku casuuntaan jaraa’idyada iyo idaacadaha caalamiga ah,
una tustaan inaad tihiin dad caadi ah oo la mid ah dadka Soomaaliyeed oo weliba
aad tihiin dad ka soo dhex baxay bulshadooda.
Waxaan idiin rajeynayaa guul, sharaf iyo inaad noqotaan dad Xamar ku soo celiya
wanaagi, nabaddii iyo xasiloonidii lagu aqoon jiray. Waxaa mahad oo dhan ay u
sugnaatay Ilaahii na abuuray, isaga ayaana mudan inaan u mahadnaqno. Allaha
idiin guuleeyo walaalayaal, aamiin.
Waxaa qoray:
Yuusuf Mohamed Cabdi Yuusuf
mrsomalia@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | June 6, 2006 |