WARARKII JUNE 6, 2006
- Qaxootiga Soomaaliyeed oo la sheegay in
ay Mas'uul ka yihiin Nabaad guurka Dhirta Kenya.
- Muslim Aid iyo Wejigii
Labaad ee Abaaraha Koonfurta Soomaaliya.
- Ra’isul Wasaare Geeddi oo 50-xubnood oo
ka tirsan Beesha Mudulood ku Marti qaadey Baydhabo..
- Maleeshiyadii iyo hubkii Cabdi Qaybdiid
oo soo galey Magaalada Muqdisho…
- Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo ka
digay in wax diyaarad ah ay ka soo degaan garoonka jowhar…
- Dowladda Kenya oo dalkeeda u diiday
ineey sooo galaan wasiiradda xilka laga qaaday
- Wada hadaladii u dhexeeyay Muuse Suudi.
iyo Odayaasha Mudulood oo maraya.
- Wabarka Beesha Cayr oo u soo jeediyay
Maxaakiimta islaamiga in ay la yimaadaan…
- Maleeshiyooyin iyo Tikniko loo
diyaariyay in ay ka hortagaan Isbahaysiga…
- WADOOYINKII OO LA FURAY, LA'ISNA
DHEXQAADAY AAGA KULIYADA
Qaxootiga
Soomaaliyeed oo la sheegay in ay Mas'uul ka yihiin Nabaad guurka Dhirta
Kenya.Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com
Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay oo
lagu xusayay Maalinta Deegaanka Aduunka ayaa maanta ka dhacday magaalada
Gaarissa ee Xarunta u ah Gobolka W/Bari Kenya ee Ay Soomaalidu Dagto.
Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen Mas'uuliyiin
kala duwan oo uu ka mid ahaa wasiirka deegaanka iyo Kheyraadka Guud ee Dalka
Kenya Mr.Kivutha Kibwana Wasiirka Ku xigeenka Wasaarada biyaha Mr.Aadan
Sugow,Qaar ka mid ah Mudanayaasha Gobolka iyo Hay'adaha Maxaliga ah ee
Gobolka ayaa si weyn looga hadlay ilaalinta Deegaanka iyo Muhiimada dhirta
ay u leedahay Dalka guud ahaan.
Aadan
Sugow ayaa xusay in Qaxootiga Soomaaliyeed ay sabab u yihiin in ay yaraato
dhirta isla markaana uu nabaad guur ku dhaco deegaanka,dadka qaxootiga ah
ayuu ku tilmaamay in ay dhuxul ka samaystaan dhirta,halka qaar kalena ayba
iibsadaan dhuxusha ay ka sameeyaan dhirta deegaanka qaar kale ayuu sheegay
in ay guryo ka dhistaan dadkaas oo ah qaxootiga ku jira xeryaha wadanka
kenya iyo kuwa kale ee dhawaan soo gaaray Xeryaha.
Shirkan ayaa laga sheegay in Magaalada
Kismaayo Loorkii dhuxusha ah uu la qiima yahay loor sokor ah,taas oo
macnaheedu yahay in dhuxushu ay aad qaali u tahay,waxaana laga xussay sida
ugu haboon ee loo ilaalin karo deegaanka wadanka Kenya uu yahay in la
yareeyo shidashada dhuxusha illaalona loo yeelo.
Prof.Kivutha Kipwana waxa uu balan qaaday in
uu hordhigi doono gollaha wasiirada ee dowlada in ay kala xaajoodaan
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR Nolosha Qaxootiga
ku sugan xeryaha Kenya iyo ilaalinta Deegaanka.
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan
deegaanka ee loo yaqaano UNEP oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa
iyagana ka hadlay Illaalinta deegaanka in ay ku xiran tahay Horumarka
Noolaha,shirkaas ayaa ugu dambay la isla gartay in Deegaanka la dhowro
dhirtana la ilaaliyo.
Muslim
Aid iyo Wejigii Labaad ee Abaaraha Koonfurta Soomaaliya.
Wejigaani
ma ahayn mid sidii kuwii ka horreeyay u adag. Sababta ugu weynina waxay
ahayd iyadoo dadku ku doogsaday roobabkii GUGA oo markaas da’ay. Muslim Aid
waxay ku dadaashay inay gargaarkeeda gaarsiiso dadka ugu tirada badan iyo
meelaha ugu fog-fog ee gobollada Bay iyo Gedo.

Dhulka oo
dhooqo ahaa iyo dadka oo nafaqo darro horay u haysatay ay ugu darsameen
cudurro cusub oo biyaha ka dhashay ayaa ahaa dhibaatooyinka ugu waawaynoo ee
soo foodsaaray Muslim Aid muddadii aan ku jirnay gargaarka wejigiisa
labaad.
Wejigaan labaad oo ay ka faaiiideysteen dad kor u dhaafay 7,500 oo qoys oo
ku kala baahsan tuulooyin ka tirsan gobollaada Bay iyo Gedo, waxaan qaybinay
agab isugu jira Bariis, Galleey, Digir, Saliidda
cuntada iyo daawooyin.

Bukaan-socod-eegtada Wareegta ee Muslim Aid waxaa iyana soo booqday
dad ka badan 500 oo qof. Inkastoo ragga laftigiisu ay ka mid ahaayeen
dadka baaritaanka lagu sameeynayay, haddana dadkaasi waxay u badnaayeen
haween iyo carruur. Dadkaasi waxay heleen daawooyin bilaash ah iyagoo
badankoodu u sheegeen Dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha Muslim Aid inay
tahay markii ugu horreeysay oo baaritaan caafimaad lagu sameeyo,
Dadweynihii ka faaiideystay gargaarkaan waxaa wejiyadooda ka muuqday farxad
dheeraad ah iyadoo farxaddii roobka ay ugu darsantay gargaar cunto iyo
daawooyin oo ay ku sugaan inta xooluhu u soo kacayaan oo dalaggu uga soo
go’ayo.
Adduunka
ku baxay wejigaan iyo wejiga soo socda oo sida qorshuhu yahay u badnaan
doona dib-u-dhis iyo gargaar farsamo ayaa kor u dhaafaya adduun ka badan
£115.000.
Marka la
isku soo duubo, wejigaan oo aan filayno inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee
dhinaca gargaarku, wuxuu ahaa mid ay dadku si wayn ugu diirsadeen iyagoo si
aad ah ugu mahadceliyay Muslim Aid oo ka mid ahayd hay’adihii ugu horreeyay
ee gurmadka degdegga ah la soo gaaray dadka abaarhaan ku waxyeelloobay.
Telfoon:
44 (0)207-377-4220
Wixii af kala soo xiriira:
ali@muslimaid.org
Ra’isul Wasaare Geeddi oo 50-xubnood oo ka
tirsan Beesha Mudulood ku Marti qaadey Baydhabo..
Waxgarad, Odoyaal iyo Siyaasiin ka tirsan
Beesha Mudullood oo tiradoodu gaareysay 50-xubnood ayaa maalintii shalay ahayd
waxaa soo gaaray casuumaad uu u fidiyay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, ilaa
iyo hadda lama faahfaahin sababaha uu Geeddi ugu yeeray xubnahaasi, balser warar
aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Geeddi uu xubnahaani kala
arrinsan doono waxyaabaha ku soo kordhay magaalada Muqadisho iyo waliba sidii
Dowladda Federaalka ah loola shaqeyn lahaa. Xubnahaan oo la filayo in ay si
dhaqsi leh uga ambabaxaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Cali Mahdi
Max’ed, Xaaji Max’uud Koogaar, Xuseen Xaaji Bood, Sheekh Shariif Sheekh
Muxiyadiin, Ismaaciil Macallin Muuse, Macallin Nuur Max’ed Siyaad, Maxamuud Cali
Ugaas, Xuseen Xaaji Kadare iyo xubno kale. Xubnahaani kuma jiraan xubnaha Beesha
Mudullood ee ka mid ah Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. Warar kale ayaa waxay
sheegayaan in Ra’isul Wasaare Geeddi uu raggaani kala arrinsan doono boosaskii
ay ka baxeen Wasiirkii hore ee ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Wasiirkii
Diinta iyo Ow-Qaafta Cumar Finish, kaddib markii habeen hore laga qaaday
xilalkoodii lagu eedeeyay in ay dagaalo ka horiyeen magaalada Muqdisho, waxaana
la sheegay in siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudullood ay si aada isugu haystaan
xilalkaasi, iyadoo qaar ka mida beelaha Mudullood ay ku doodayaan in labada xil
ay isku haysteen hal beel, waxayna qaarkood soo jeediyeen in la kala qaado
lagana dhigo mid wadaag ah, maadaama qaar ka mida Beesha Mudullood ay ku qadeen
Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka.
Maleeshiyadii iyo hubkii Cabdi Qaybdiid oo soo galey Magaalada Muqdisho…
Maleeshiyooyin iyo Tikniko uu leeyahay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo xubin ka
ahaa Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa soo banneeyay wadada tagta
Afgooye, gaar ahaan halka lagu magacaabo Calamada oo ay dhowr isbaaro ku
lahaayeen,
Tiknikadaan iyo Maleeshiyadan oo soo galay magaalada Muqdisho ayaa warar aanu
helnay waxay sheegayaan in Tiknikadaas iyo maleeshiyadaas lagu wareejinayo
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah gaar ahaan Maxkmadda Al-Furqaan.
Waxaa socda wada hadalo lagu dhameynayo arrintaasi oo la doonayo in jidka
Afgooye iyo Muqdisho isku xira looga sifeeyo jid-gooyooyinka yaala, kuwaadoo
dhibaato ku haya gaadiidka iyo bulshada isaga koosha wadadaasi.
Wareysigii ugu dambeeyay ee uu Cabdi Qaybdiid bixiyo waxa uu sheegay in
Jid-gooyinkaasi uu qaadayo haddii ay Midowga Maxaakiimtu ka hor qaadaan
jid-gooyinka hor yaala Max’ed Qanyare Afrax ee agagaarka Dayniile taasina waxay
keentay in burburaan wada hadalkii ay beesha Habargidir ka dhex waday labada
dhinac.
Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo ka digay in wax diyaarad ah ay ka soo degaan
garoonka jowhar…
Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee iyagu ku sii dhow magaalada Jowhar ay ka digeen
in wax diyaar ah ku soo degaan garoonka Diyaaraha ee Degmada Jowhar waxaana si
gaar ah looga digay diyaaradaha ajnabiga ah.
Sababaha ay digniintaan u soo saareen midowga Maxaakiimta ayaa lagu sheegay
iyadoo laga yaabo in xubno ka tirsan isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ay
ka dhoofaan garoonkaasi, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Maxkamaduhu ay
doonayaan in ay is hor-taagaan in garoonkaasi aysan wax hub aysan uga soo digin
Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo looga adkaa-day magaalada Muqdisho.
Dowladda Kenya oo dalkeeda u diiday ineey sooo galaan wasiiradda xilka laga
qaaday
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee wadanka kenya ayaa lagu sheegay
in Dowladda Kenya ay diiday in dalkeeda ay soo galaan Wasiirada xilka laga
xayuubiyay looga awooda roonaaday dagaalkii Muqdisho.
“Ma dooneyno in dalkeena aan ku martigeliyo dambiilayaal dagaal” ayaa lagu yiri
warkaasi oo intaa raaciyay “Wasiiradaani xilka laga qaaday waxay ku xadgudbeen
heshiiskii xabad joojinta ee Eldoret ee 27-kii October 2002.
Dowladaha ku jira Urur Gobaleedka IGAD ayaa iyana ka fiirsanaya waxa ay ka
yeelayaan hogaamiye kooxeeydadaasi waxaana la filayaaa in shir dhawaan ka dhacay
Magaalada Nayroobi looga hadlyo waxyaabaha ku soo kordhay dalka Soomaaliya gaar
ahaan magaalada Muqdisho kaddib markii uu dagaalku dhex maray Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka wax loogu
yeeray Argagixiso.
Wada hadaladii u dhexeeyay Muuse Suudi. iyo Odayaasha Mudulood oo maraya.
Waxaa weli Mowlaca Sheekh Shariif Sheekh Muxiyadiin ee magaalada Muqdisho ka
socda kulan u dhexeeya Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudullood iyo Muuse
Suudi Yalaxow oo Dowladda Cali Geeddi ka ahaa Wasiirka ganacsiga, waxayna wada
hadaladaasi ku saabsan yihiin sidii Muuse Suudi uu u wareejin hubkiisa iyo sidii
looga saari lahaa magaalada Muqdisho.
Muuse Suudi oo looga awood roonaaday dagaal dhex maray Isbahaysiga uu xubinta ka
yahay iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana lagu waramay in Muuse Suudi
uu ka biyo diidsan yahay in uu wareejiyo hubkiisa.
“Ma doonayo in dadkeyga iyo dalkeyga ka dhex baxo” ayaa lagu soo xigtay Muuse
Suudi oo uu caadaadis kaga imaanayo Odoyaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa si uu u
wareejiyo hubka uu gacanta ku hayo maadaama shalay dhigiisii Max’ed Qanyare uu
Midowga Maxaakiimta ku wareejiyay hubkiisii. Muuse waxa ay maleeshiyadiisu weli
ku jiraan Isbitaalkii Keysanay oo ahaa Isbitaal fulin jiray howlo caafimaad gaar
ahaan dhaawacyada soo gaaraya Bulshada Soomaaliyeed.
Wabarka Beesha Cayr oo u soo jeediyay Maxaakiimta islaamiga in ay la
yimaadaan…
Wabarka Beesha Cayr C/llaahi Orey Caraale ayaa baaq u soo jeediyay Maxaakiimta
Islaamiga ah ee la wareegay goobihii homaaiye kooxeeyada in aysan guushoodu
noqon mid dhicisowda.
“Waxaan kula talinayaa Midowga Maxaakiimta in ay magaalada Muqdisho u sameeyaan
maamul cadaalad ku dhisan” ayuu yiri Wabarka oo intaa raaciyay “Haddii kale
waxay noqoneysaa guushu tii la gaari jiray waxna aan qaban jirin mudo 45
sanadood ahna aysan cadaalad ku saleysneyn”, waxa uuna Wabarku sheegay in
Maxaakiimta iyo Kacdoonka Dadweynaha uu u rajeynayo guul iyo cadaalad.
Maleeshiyooyin iyo Tikniko loo diyaariyay in ay ka hortagaan Isbahaysiga…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balad-weyne waxay sheegayaan in maleeshiyo
fara badan la soo dhoobay xuduuda u dhexeysa Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana
halkaasi loo soo dhigay ciidankaasi si ay u hor istaagaan waa haddii
Maleeshiyada Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ay u soo gudbaan dhinaca
Degmada Baladweyne.
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal Degmada Jowhar ku dhex maro Midowga Maxaakii-ta
Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxaana degmada Jowhar
haatan ka socda diyaar garow la doonayo in looga hortagyo Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Warar ayaa waxay sheegayaan in ay socdaan wada hadal la doonayo in Midowga
Maxaakiimtu ay si fudud ku galaan Magaalada Jowhar oo xarun u ah Max’ed Dheere
oo xubin firfircoon ka ah Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.
Waxaa magaalada Jowhar haatan ku sugan wasiirkii hore ee amniga Max’ed Qanyare
Afrax iyo Wasiirkii hore ee dhaqan-celinta malaashiyaddak Bootaan Ciise.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
WADOOYINKII OO LA FURAY, LA'ISNA DHEXQAADAY
AAGA KULIYADA
Sawirada iyo qoraalka: Muuse Maxamuud Jiisow

Waxaa markii ugu horeysay la furey dadkiina
isdhexqaaday jidgooyadii tiilay kuliyada jalle siyaad , ceelka tusbaxle iyo
wasaaradii gaashaan dhiga ,furitaanka wadooyinkaan halbowlaha u ah isusocodka
dadweynaha iyo gaadiidka ayaa ka danbeysey ka dib markii xalku uu noqday in
qalabkii iyo ciidankii maxamed qanyare afrax uu meesha isaga baxey.

waxaa maalamahaan lagula talinayey wasiirkii hore ee amniga in uu hubkiisa iyo
ciidankiisa ku wareejiyo malleeshiyooyinka maxkamadaha, taa soo markii inbadan
loo kala dabqaadayey ugu danbeyntii uu ogolaaday in uu isaga haajiro wixii
ciidan iyo hub u hayey beesha murusade isaga oo yiri waxaan u haayey idinka mana
doonayo in difaacidayda oo qura ay u geeriyooto boqolaada una burburto
hantidooda isaga oo ka doorbiday in uu wadada cagta saaro.

Taas ayaa daawo iyo dhiigjoojin u noqotey in badan oo ay wax yeelo ka soo gaari
laheyd sii joogitaankiisa , dad badan ayey fajac ku noqotey markii ay maqleen
arinkaan waxaana la isweydiinayey ma runbaa mise waa been ilaa laga arko
wadooyinkii oo furan malleeshiyadii ishorfadhiday oo isgacan qaadayso dadkii o
isku dhexyaacay oo isku darsamay lana kala aqoon waayey dhinacyadii ayka kala
safnaayeen.

daarihii dhaadheeraa ayey ka soo degeen ciidamadii midowga maxakiimta kuwii kale
ee isbahaysiga ayaa meeshii ka baxay dadkii degaanka iyo malleshiyooyinkii ayaa
banaanka u soo wada baxay sidii uu istaagay roob soconayey oo kale, wadada dheer
ayey buuxdhaafiyeen dadweyne aad u qiireysan shacuurtoodune ay kacsaan tahay wax
cabsi ah ma jirin kaftankune waa furaa barxadii kuliyada horteeda ayaa la isugu
yimid waxaa loo dhaqaaqay dhinaca wadada dayniile.
waa markii ugu horeysey oo dadweyne intaa dhan uu isugu soo baxay wixi ka
danbeyey sanadguuradii ugu danbeysay ee xuskii kacaankii 21 ka octobar.

SHIR LAGU TAAGEERAYO KU DHAWAAQIDA MAXKAMADA
HIRGELINTA SHAREECADA ISLAAMKA LAGU
Waxaa Isniintii shir lagu taageerayo ku
dhawaaqida maxkamada hirgelinta shareecada islaamka lagu qabtey guriga nabadoon
cabdulaahi cashara oo ku yaalo xaafada deegaanka gubta xaafada isxijiwaaq
Maxkamadaan ayaa loo magacaabay ,
1) Sheekh Xuseen Sheekh Cali Fiidow (Guddoomiye) Foorculus Hilibi
2) Sheekh Cali Max’ed Raage (Sheekh Cali dheere) ( Guddoomiye ku-xigeen) Sabdi
Israafiil
3) Sheekh C/llaahi Macalin Cali Naxar (Abuu-Cuteyba) (Taliyaha ciidanka) Sabdi
Ayaansamo
4) C/llaahi Max’ed Xasan (Tima-Jilic) (Taliye ku-xigeen)Guddoomiye ku-xigeen)
Sabdi Israafiil
5) C/raxmaan Max’uud Faarax (Janaqoow) Guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadda
shirkaa oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka tirsan culumaa,udiinka ,waxgaradka ,ganacsatada
,dhalinyarada .iyo odyaasha beesha karanle ee ku dhaqan magaalada muqdisho
shirkaan oo ahaa mid lagu ayidayo isla markaana lagu taageerayo maxkamada
hirgelinta shareecada islaamka ee maanta looga dhawaaqay dagmada dayniile ee
duleedka magaalada muqdisho , isla markaana ku biirtey midowga maxaakiimta.

Ugu horeyntii waxaa ka hadlay C/raxmaan Max’uud Faarax (Janaqoow) Guddoomiyaha
golaha shuurada maxkamadda wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay
kudhaqanka shareecada islaamka oo uu sheegay in ay ku jirto liibaan aduunyo iyo
mid aakhiro wuxuuna ka cudurdaartey ku dhawaaqida haddii lagu degdegay taasoo
laga ogolaaday cudurdaarkiisii waxaana kagu ayiday dhamaan warbixinadii uu
halkaasi ka soo jeediyey,

Maxamed axmed yalax" madaxda cusub iyo culumaa,udiinkuba waa ku mahadsan yihiin
howsha baaxada leh ee ay bulshada u qabteen waana ku hanbalyeynayaa ayuu
hadalkii sii siiraciyey isaga oo dabadhigay intaa kitaabka wax ku hogaamiya ,ku
dhaqa, ku dila kii wax dila. Maxamed xasan xaad oo isna halkaa ka hadlay ayaa
yiri waxaan idinla garab taagan nahay dhiiri gelin ,taageero ,dardaaran hiil iyo
hooba leh ,beeshu waxey horey u saxiixday ku dhaqanka shareecada islaamka isaga
oo la hadlayey madaxda cusub ayuu yiri waxaad gacanta ku heysaan hubkii ,xoogii
,iyo hantidii anaguna waan idinku taagereynaa hadan nahay waxgaradka , culumada
,iyo dhaliyarada ,meel hadii looga dhawaaqo kitaabkii ayaan ku dhaqmeynaa waxaa
taba taalo in cadowgu ka caroodo marka dagaal haloo diyaar garoobo waxaa suurta
gal ah in gaalo soo duusho hada ayaa dagaal kow yahay balad iyo baadiyane waa in
aan geynaa ku dhaqanka kitaabka alle.

Sh ibraahin xasan wargaadhi (fagaareeye ) ayaa halkaa hadalo mahadcelin iy
guubaabo ah ka soo jeediyey isaga oo sheegay maanta in ay tahay maalin farxadeed
u soo hoyatey beesha murusade waxaana ka soo gudubney maalmo badan oo dhib iyo
murugo leh waxaan amahadcelin mudan kuwii isku so howlay barnaamijkaan waana
ayideynaa 100% waxey u degdegeen wanaag xukun doon maaheen cidii xumaan u
qaadata haka noqoto in aan gacmaha isqabsano oo aan ku midowno kitaabka quraanka
kariimka ah ma jiri doonto anaa soo halgamey iyo anaa kaas ahaa halala tashado
cuqasha iyo culumaa,udiinka wanaaga allaha na tuso ayuu jadalkiisii ku so
gabagabeeyey.

Waxaa isne hadal gaaban halkaa ka soo jeediyey gudoomiye ku xigeenak maxkamada
hirgelinta shareecada islaamka ee dayniile Sheekh Cali Max’ed Raage (Sheekh Cali
dheere) waxaan arintaa u sameyney in umadda la badbaadiyo lana siiyo nabadgalyda
ay xaqa u leeyihiin shacabka murusade waa shacab muslim ah cid cid ka xigta
kitaabka alle ma jirto wuxuuna carabka ku adkeeyey in aan cidna lagu handadi
Karin.
Dadkii halkaa ka hadlay ayaa dhamaan soo dhaweeyey ku biiritaanka golaha midowga
maxaakiimta waxaana loogu baaqay dadkii ka qaxay deegaanada ay dagaaladu ka
dhaceen in ay guryahoodii dib ugu so noqaan sidoo kale waxaa tacsi loo direy
dadkiiku dhintey intii uu socday howgalku iyada oo loo duceeyey kuwii wax ku
noqday.
Isku soo wada duubo arinta ayaa u muuqatey in ay eheyd mid musalsal ah oo mudo
soo jiitameysay sida ay halkaa ka cadeeyeen maamulka cusub iyo qaar ka mirsan
waxgaradka beesha arintaanu waxey socotey ayaamahaan oo dhan hadayse rag rabtaa
ayuu yiri sh: ciise oo intaa raaciyey wixii tagey waa taageen wuxuuna
bulshaweynta u sheegay in maxkamadaanu ay u shiqeyneyso dadka mulimka ah isaga
oo yiri dadka u shiqeeya dalka wax tara wuxuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey
wixii aan ka tegay waa sheydaan wixii aan sheegayna xag allah ayey ka ahaadeen
Sawirada iyo qoraalka:
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Mogadishu – Somalia
002521576666
002521653623
Hambalyo Iyo
Talo
Anigoo ah Enj-Maxamed
Xaashi Xirsi Xubin Firfircoon oo Ka Tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee haya talada
Dalkan UK waxaanhalkan hambalyo ugu soo gudbinaayaa Bulshada Gobolka
Banaadir,Maxkamadaha Islaamiga iyo Ururada Bulshada Madaniga ah ee
sidaMasuuliyada,damiir Wadaniyadeed leh Kacdoon Nabadeed CaasimadaQaranka
Muqdisho ugu xoreeyeey Hogaamiyaasha Dagaalka.
Waxaan ku boorinaayaa inta Gacanta ka geeysatay
Xoreeynta Muqdisho iyo badbaadinta Ummadda Somaaliyeed in eey ka iska
Illaaliyaan Khaladkii dhacay 91-kii oo kale kuna Maamulaan habka Shareecada
islaamka(Kitaabka Alle) iyagoo illaalinaaya Nabada,Nidaamka iyo Xuquuqdda
Dadka-ba iyo Soo celinta kala dameeyntaiyo helida nidaam shaqeeya.
Waxaan xurmadeeda leh guul weyna ah in Maanta
CaasimadiiMuqdisho ka madax banaan tahay habkii afduub ee Qabqablayaashaiyo
Dhammaan dhibaatooyinkii tacdiyada ahaa ee Ummadda lagu hayo,waxaana mudnaanta
koowaad suguda Nabadgelyada.Illaalinta Xoriyadda Bulshadda Madaniga ah,Nidaamka
Kitaabka Alle kuSaleeysan ayaa guusha leh ee ha lagu maamulo.-Guul Iyo Go
abanimo.-
Enj-Maxamed Xaashi Xirsi.-Xubin Xisbiga
Shaqaalaha UK. hersiuk@hotmail.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 6, 2006
Miwodga
Maxaakiimta Islaamiga ah oo lagu wareejiyay Hubkii Max’ed Qanyare Afrax
»C/llaahi
"Cagtii joogsan weyda mar bay ceeb la kulantaa"
»Geeddi
oo xilalkii ka qaaday Wasiirradii hubaysnaa...
»Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah oo ku sii jeeda Jowhar...
»Max’ed
Qanyare Afrax oo u baxsadey Magaalada Jowhar
»Ciidamadii ka
cararay deegaanka Suuqa Xoolaha oo..
»C/llaahi
Yuusuf oo soo gaaray Magaalada Baydhabo.
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... June 5
|