WARARKII JUNE 5, 2006
-
Hogaamiye kooxeedyadii oo
laga saaray Gollaha Wasiiradda Dowlada KMG ah.
-
C/llaahi Yuusuf Axmed “Cagtii joogsan
weyda mar bay ceeb la kulantaa!!”
-
Cali Maxamed Geeddi oo xilalkii ka qaaday
Wasiirrada Muuse Suudi, Qanyare, Cumar Filish iyo Bootaan Ciise
-
Miwodga Maxaakiimta Islaamiga ah oo
lagu wareejiyay Hubkii Max’ed Qanyare Afrax
-
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo
Gacanta ku dhigey Balcad kuna sii jeeda Jowhar...
-
Max’ed Qanyare Afrax oo u baxsadey
Magaalada Jowhar
-
Ciidamadii ka cararay deegaanka Suuqa
Xoolaha oo lagu xareeyey Xerada Manaas..
-
C/llaahi Yuusuf oo shalay soo gaaray
Magaalada Baydhabo.
Hogaamiye kooxeedyadii oo laga saaray
Gollaha Wasiiradda Dowlada KMG ah.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk.com | canabmumtaz@yahoo.com
Mr
Geeddi ayaa Xilalkii ka qaaday Afar wasiir oo ka mid ahaa Gollahiisa
wasiirada kala ahaana Wasiirka Amniga Qaranka Maxamad Qanyare Afrax,Wasiirka
Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow,Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Arrimaha
Diinta Cumar Maxamuud (Filish) iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka
Iyo Hubka ka dhigista Bootaan Ciise Caalim ayaa laga saaray Gollaha
Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.
Xilka qaadista Wasiiraddan oo Markii horeba Ahaa kuwo
hubaysan balamo badanna ka baxay ayaa waxaa ku dhawaaqay Ra'iisal wasaare
Cali Maxamad Geddi oo xalay Shir saxaafadeed ku shaaciyay wareegto uu soo
saaray kadib markii uu kulan ay albaadu u xirnaayeen la yeeshay Gollaha
Wasiirada ee ku sugan Magaalada Baydhabo.kadib markii ay dhamaatay muddo 14
maalmood ah oo loogu qabtay in ay ku gaaraan Gobolka Bay.
Natiijadii ururkii Argagaxiso la dagaalankan.
Wasiiradan hadda xilalka laga qaaday ayaa mudoooyinkan
dambe dagaalo lagu hoobtay ka waday magaalada Caasimada Somaliya ah ee
Muqdisho,halkaas oo ay sanadkan bilowgiisi kaga dhawaaqeen Urur loogu
Magacdaray La Dagaalanka Argagixisada Iyo Nabad Soo celinta,Ururkaas oo Isla
markii lagu dhawaaqayba ay is jiireen Maxaakiimta Islaamiga ah ee Ka jira
Magaalada Muqdisho ayaa aaqirkii dhaliyay in farahooda laga Bixiyo Goobo
Muhiim ahaa oo ay gacanta ku hayeen fariisimona u ahaa kadib dagaal Xooganaa
oo labadii Maalmood ee ugu dambaysay ka dhacayay Deegaamada Balcad iyo ceel
cirfiid oo ku Dhaw Mogadisho.
MAGAALADA JOWHAR.
Horboodayashii Ururkii argagaxiso la dagaalanka horayna
u ahaa Wasiirada Dowlada KMG ah ayaa hadda ku sugan Magaalada Jowhar oo
horay dhowr jeer looga codsaday in ay yimaadaan iyadoo aysan hadda cidna uga
horayn, Hogaamiyayaashan waxa ay kasbadeen nacaybka Boqolal shacab ah kadib
Markii xilkii ay hayeen ugu abaalgudeen Rasaas xooggan iyagoo waliba hayay
Mas'uuliyadda Shacabka sida Wasiirka Amniga,Dhamaadkiina waxa ay keentay in
tallo farahooda ka baxdo.
Waxtarka Guusha la sheegay ee Maxaakiimta.
Waxa ay tanni dhamaad u noqon doontaa dagaal dambe oo
ka dhaca muqdisho haddaan waji kale la siinin oo Qabqablaayshaasi aysan
taageero ka helin gudaha Soomaaliya,waxa ayna abuuri doontaa Isku soo
dhawaansho iyo Nabad ku ka dhalata Magaalada Mogadisho una gudubta gobolada
kale ee Dalka oo dhan,Maxkamadaha iyo cid walba oo si cadaalad ah Somaliya
Nabad ugu soo dabaalaysana waxa ay u noqon doontaa fursad ah in aysan arkin
wax dhaawaci doona ujeedkooda siyaasadeed haddii uu Nidaam sax ah yahay.
C/llaahi Yuusuf Axmed “Cagtii joogsan weyda
mar bay ceeb la kulantaa!!”
Amiin Yuusuf | Muqdisho
Maanta ayaa magaallada
Baydhabo waxaa kulan isugu yimid Golaha Baarlamanka, waxaana kulankaasi ka soo
qayb galay galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali
Max’ed Geeddi, waxaana looga arrinsanayay isbeddelka deg-degga ah ee ku yimid
xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan magaallada Muqdisho.
Kulankan ayaa nuxurkiisu uu ahaa xil ka
qaadistii uu Ra’iisul Wasaare Geeddi ka qaaday Wasiirradii hubeysnaa ee dagaalka
ka waday gudaha Magaallada Muqdisho, iyadoo Ra’iisul Wasaare Geeddina uu ku
tilmaamay in ay ahaayeen kuwo dambi ka galay dalka iyo Qaranka Soomaaliyeed.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlay
kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn u soo dhoweynayo inxilka laga
qaado wasiirrada hubeysan ee dagaallada ka waday magaallada Muqdisho.
“Waan ogahay in dowladdu ay la soo daahday
xil ka qaadistooda” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaa sii
raaciyey, “Soomaalidu waxay tiraahdaa Cagtii joogsan weyda mar bay ceeb la
kulantaa”, wuxuuna ereygan ula jeeday isagoo sheegay in dhowr jeer uu
Wasiirradaasi kula taliyey in ay dagaalka joojiyaan, kana soo qayb galaan
kulammada dowladda ee ka socda Magaallada Muqdisho.
Hadalkan ka soo yeeray
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ah soo dhoweynta xil ka qaadista lagu sameeyey
Wasiirrada hubeysan ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey oo kale Golaha
Baarlamanka oo sheegay in dowladdu ay ahayd in goor hore ay xilka ka qaddo,
iyagoo xusay in ay ahaayeen kuwii baabi’iyay shacabka Soomaaliyeed muddadii
15-ka sano ka badneyd ee dagaalladu ka socdeen guud ahaan dalka.
Cali Maxamed Geeddi oo xilalkii ka qaaday
Wasiirrada Muuse Suudi, Qanyare, Cumar Filish iyo Bootaan Ciise
Habeennimadii xalay ahayd ayaa
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federal-ka KMG ah Cali Maxamed Geeddi waxa uu kulan
deg-deg ah isugu yeeray Golaha Wasiirrada, waxaana kulankaasi looga hadlayay
waxa laga yeelayo Wasiirrada hubeysan ee dagaalka ka wada magaallada Muqdisho.
Dood dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa Ra’iisul
Wasaare Geeddi waxa uu ku dhawaaqay in uu xilkii ka xanyuubiyay Wasiirrada kala
ah Wasiirkii Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow, Wasiirkii Amniga Qaranka Max’ed
Qanyare Afrax, Wasiirkii Arrimaha Diinta iyo Owqaafta Cumar Maxamed Max’ud (Cumar
Filish) iyo Wasiirkii Dhaqan celinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim.
“Markii aan arkay in ay ku xad gudbeen
heshiiskii xabbad joojinta ee shirkii Kenya, markaan arkay in aydagaal ka wadaan
magaallada Muqdisho, markaan arkay in ay ka dhega fureysteen codsiyadii loo
jeediyey ee ahaa in ay ka soo qayb galaan kulammada dowladda ayaawaxaan
go’aansaday in xilka aan ka qaado afartan Wasiir”. Ayuu yiri Geeddi oo xusay in
dowladda Federal-ku ay wada hadallo la geli doonto midowga Maxkamadaha Islaamiga
ah iyo Kacdoonka Shacabka ee magaallada Muqdisho.
Dhinaca kale habeenkii xalay ahaa ayaa gaari
uu lahaa Wasiiru dowlihii qorsheynta Qaranka Farxaan Cali Max’ed ay koox dableey
ah ku weerartay magaallada Baydhabo, hase yeeshee markii uu weerarku dhacayay
Wasiirku lama socon baabuurkaasi, waxaana halkaasi ku geeriyooday Darawalkiisii,
iyadoo halkaasina dhaawac ku soo gaaray mid kale oo ka mid ah ilaaladiisii.
Sababaha loo weeraray gaariga
Wasiirkaasi ayaa lagu sheegay kaddib markii uu dorraad ku dhawaaqay in ay
dowladdu soo dhoweyneyso maleeshiyooyinkii looga tabarta roonaaday Suuqa Xoolaha,
kuwaas oo uu xusay in lagu biirinayo ciidammada Qaranka, iyadoo hadalkaasina uu
si weyn uga careysiiyay Bulshada ku dhaqan gobolka Bay.
Miwodga Maxaakiimta Islaamiga ah oo lagu
wareejiyay Hubkii Max’ed Qanyare Afrax
Iyadoo maalintii dorraad ahayd uu deegaanka
Deyniile ka baxsaday Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax,
gaarayna magaallada Jowhar ayaa waxaa hubkii, Tiknikadii iyo maleeshiyadii uu ka
tegayba saakay lagu wareejiyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, kaddib markii
ay arrintani ka shaqeeyeen culimaa’udiin ka soo jeeda Beesha Mursade.
Waxaa saakay halkaasi gaaray Mas’uuliyiin ka
tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana markiiba lagu wareejiyay illaa
iyo 35-Tikniko ah oo uu lahaa Maxamed Qanyare Afrax iyo 65-Qoryaha BKM ah ama
Dabajeexa, waxaana goob joog ka ahaa Wareejintaasi Saraakiil ka tirsanayd
isbahaysiga la dagaallanka argagixisada oo ay ka mid ahaayeen Afhayeenka
Isbahaysiga Xuseen Guutaale Raage iyo nin la yiraahdo Faarax Garamgaram.
Markii Wareejintaasi ay dhacday ayaa waxaa
halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo
sheegay in arrintani ay tahay mid ku dayasho mudan, loona baahan yahay in
kuwaweli hubkooda heysta ay iyaguna ku soo wareejiyaan midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah, waxaana isla saakay ayaa waxaa deegaanka Dayniile looga dhawaaqay
Maxkamad Islaami ah oo ka howl geli doonta deegaankaasi.
Dhinaca kale Max’ed Qanyare
Afrax iyo Bootaan Ciise Caalim ayaa iyaguna weli ku sugan Magaallada Jowhar,
iyagoo halkaasina ku sugayay Diyaarad geysa qaar ka mid ah waddammada deriska la
ah Soomaaliya, balse illaa iyo haatan ma aysan soo gaarin wax Diyaarad ah,
waxaana halkaasi ka socda wadahadal u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah
iyo Maleeshiyooyinkii Max’ed Dheere, iyadoo saacadaha soo socdana la filayo in
Tiknikadii iyo Maleeshiyooyinkii Max’ed Dheere iyagana lagu soo wareej iyo
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah.
###
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo
Gacanta ku dhigey Balcad kuna sii jeeda Jowhar...
Maalintii shalay ahayd ayaa
deegaanka Basra oo u dhexeeya Balcad iyo Afgooye waxaa ka dhacay dagaal aad u
qaraar oo u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la
dagaalanka "Argagixisada", iyadoo Midowga Maxaakiimta ay labo jiho ka soo galeen
magaalada Balcad, taasina waxay keentay in Midowga Maxaakiimtu saacad kaddib ay
la wareegaan Degmada Balcad, waxaana Maxaakiimta horkacayay Macallin Xaashi iyo
Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo iyagu horey uga tirsanaan jiray dhinaca Muuse Suudi
Yalaxow balse ka soo goostay maalintii doraad ahayd.
Ilaa iyo todobo gaari oo
tikniko ah ayaa dagaalkii shalay Midowga Maxaakiimta kula wareegeen, waxaana la
sheegay in Degmada Balcad ay ka dhaceen Banaanbaxyo lagu soo dhaweynayo Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah, iyagoo ciidamada Maxaakiimta ay la wareegeen dhamaan
goobihii ay horey u joogeen Isbahaysiga waxayna sii daayeen maxaabiista ku
jirtay Xabsiga Degmada Balcad.
Ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga ahaa haatan ku jira deegaanka Qalimow oo wax yar u jirta Degmada
Jowhar, iyadoo degmada Jowhar ay haatan isku uruursanayaan Isbahaysiga la
dagaalanka Argagixisada oo doonaya in ay iska difaacaan weerar kaga yimaada
Maxaakiimta.
Max’ed Qanyare Afrax oo u baxsadey
Magaalada Jowhar
Wararkan naga soo gaaraya
Degmada Jowhar waxay sheegayaan in Max’ed Qanyare Afrax oo ah Wasiirka Amniga
Dowladda Federaalka xubinna ka ah Isbahaysiga la baxay la dagaalanka "Argagixisada"
uu xalay fiidkii gaaray Degmada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe.
Max’ed Qanyare oo habeen hore
ka baxay Degmada Dayniile isagoo ay la socdaan dhowr gaari oo Tikniko ah, kaddib
markii uu ka cabsaday inuu ku go’doomo deegaanka Dayniile, maadaama Midowga
maxaakiimta Islaamiga ah qabsadeen jidadkii soo galayay deegaanka Dayniile.
Max’ed Qanyare oo markuu
dagaalku dhacayay ku sugnaa Degmada Balcad si uu gacan u siiyo ciidamada kale ee
ay xulufada yihiin, balse markii dambe laga awood roonaaday.
Lama garanayo Qanyare halka uu
u dhaqaaqi doono, balse warar ayaa waxay sheegayan in Dalka Itoobiya uu ku sii
jeedo halkaas oo uu kaga horeeyo Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo isna ka
mida Isbahaysiga la dagaalanka, halka warar kale ay sheegayaan in Qanyare uu
tagi doono dalka Kenya.
Ciidamadii ka cararay deegaanka Suuqa
Xoolaha oo lagu xareeyey Xerada Manaas..
Wararka naga soo gaaraya
Degmada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamadii ka cararay deegaanka Suuqa
Xoolaha kaddib markii ay halkaasi ka saareen kuwa Maxaakiimta Islaamiga ah
doraadna gaaray Magaalada Baydhabo ayaa maalintii shalay ahayd waxaa iyaga iyo
hubkoodii lagu xareeyay xerada Manaas oo ay horey ugu jireen ciidamo xoogooda
laga keenay deegaanka Puntland.
Ciidanka Suuqa Xoolaha ka
cararay waxay taageersa-naayeen Bootaan Ciise Caalin oo xubin ka ah Isbahaysiga
la dagaalanka Argagixisada, waxa uuna haatan Bootaan ku sugan yahay Magaalada
Muqdisho.
Ciidanka gaaray magaalada
Baydhabo waxaa imaanshahooda ka hor yimid dadweynaha deegaanka gaar ahaan
culuma’u-diinka oo sheegay in ciidamadani yihiin kuwo soo gubay deegaankooda
iyagoo u adeegaya caddowga islaamka haatanna ay doonayaan in ay qalqal geliyaan
ammaanka magaalada Baydhabo, waxayna Dowladda ka codsadeen in dib loo celiyo.
C/llaahi Yuusuf oo shalay soo gaaray
Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed oo ka qaybgalay kulan madaxeedkii wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika
kana dhacay wadanka Liibiya ayaa shalay soo gaaray magaalada Baydhabo ee gobalka
Baay.
Madaxweynaha oo la filayay in
uu gaaro wadanka Itoobiya ayaa ka baaqsaday safarkaasi ilaa iyo haddana lama
garanayo sababaha uu Madaxweynuhu uga baaqsaday safarkaasi, waxaana
Madax-weynaha dalka Liibiya uga haray qaar ka mida wafdigii raacay oo ay ka mid
yihiin Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Aadan Saransoor, waxaana la sheegay in ay u
hareen arrimo la xiriira Dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinaca wadanka Liibiya.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
| June 5, 2006
Wararkii Shalay hoos ka akhri:
WARARKII June 4, 2006
- Shiikh Ibraahim Maxamed oo codsaday in dalkiisii
lagu Celiyo
- Warbixin dheeraad ah
oo ku saabsan dagaal shalay ka dhacay deegaanka..
- 8-Gaari oo Tiknikaa oo uu Muuse
Suudi leeyahay oo isu dhiibey Maamulka ..
- Maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka
oo gaarey ..
- Siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan oo
isku haysta xilalka ..
- Urur Haween ah oo howlo nadaafadeed ka fuliyey
Deegaanka Ceel Barde..
-
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lala sugayo Xil ka
qaadista ..
-
Liibiya: Madaxweynaha Soomaaliya oo u duulay dalka kenya, ugna sii
gudbey Baydhabo
-
Xubno
ka tirsan wafdigii federalka ee Boosaaso yimid oo booqday Jaamacadda Barig
Afirka.
WAR-DEGDEG
AH: Maxkamadda Islaamiga oo la wareegtey magaalada
Balcad iyo Malaysiyadii Qanyare oo ka Baxay Xaruntoodii Dayniile
June 4, 2006: Wararka ka imanaya magaalada
Balcad ayaa tibaaxay in magaaladaasi laga saaray maleysiyadii isahaysiga la
baxay la dagaalanka "Argagixisada", magaaladaasina ay hadda gacanta u gashay
maxkamadda Islaamiga ah.
Magaalada Balcad waxa ay 30 km dhanka Woqooyi ka
xigtaa magaalada Muqdisho. Waxaana magaaladaas saakay ka dhacay dagaal aad kulul,
kaas oo sababay in malyesiyadii Muuse Suudi Yalaxow laga saaro halkaasi, waxana
la sheegay in maleysiyadii magaalada laga saaray ay u dhaqaaqeen dhanka
magaalada Jowhar.
Ilaa hadda waxaa maxkamada Islaamiga gacanta u
galay Ceel-Cirfiid, Cali-Yaale, Garas Bintow iyo Hiilweyne, iyo magaalada Balcad
oo isku xirta Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.
Warar kale ayaa Sheegaya in maleysiyadii Maxamed
Qanyare ay habeenimadii Sabtida ka baxeen meeshii xarunta u ahayd ee Dayniile
iyagoo markii hore u dhaqaaqay dhanka Balcad si ay gacan u siyaan maleysiyada
Suudi Yalaxow oo markaas ku sugnaa Balcad.
Magaalada Jowhar waxa ay balcad u jirtaa 65 km.
Eeg Fogaanta ay isu jiraan
magaalooyinka Soomaaliya...
Shiikh
Ibraahim Maxamed oo codsaday in dalkiisii lagu Celiyo

Sh. Ibraahim Sh. Max'ed |
USA: Kadib markii Shiikh Ibraahim Maxamed
lakeenay Maxkamad maalintii Khamiista 6/1/06 ayuu codsaday in dalkisii loo
celiyo kaddib markuu xiraa lixbilood iyo lix iyo toban bari isoo wax danbi ah oo
lagu xukumayna aysan jirin, sidoo kalena Maxkamdii ay ka diiday in lacag
damaanad ah laga dhigo oo uu dacwadiisa isagoo xirnayn sii wato.
Shiikh Ibraahim hadaladiisii ayaa waxaa kamid
ahaa “Maadaama aanan garanayn wax danbi ah oo aan u xiranahay, lacagtii
damaanada ahaydna aad diidee n waxaan ka door bidayaa in wadankaygii Soomaaliya
la ii celiyo intaan xabsi kujirilahaa”.
Kadib markii Maxkamadii ka xaqiijisay Shiikh
Ibraahim hadalkaas, Qareenkiisiina ay isla ogolaadeen, ayey waxay Maxkamadii
xukuntay in loo celiyo Soomaaliya.
Sharciyan qofka la xukumo in laceleyo waxay
qaadataa 14 ilaa 90 maalmood.
Shiikh Ibraahim waxaa la xiray Sanadkii 2005
waxaana lagu xiray Seattle Washington, oo uu ka ahaa Imaam iyo Siikhba, …………
sii
akhri
Xubno
ka tirsan wafdigii federalka ee Boosaaso yimid oo booqday Jaamacadda Barig
Afirka.
Waxaa
Galabmimadii Talaadada May 30, 2006 Jaamacadda Barig Afrika soo booqday Mudane
Xildhibaan Ismaaciil Max’ed Xasan (Timir) oo ah Xildhibaan ka mid ah Dawladda
Federalka ku meelgaarka ahna Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka .
Xildhibaanka waxaa Jaamacadda Bariga Afrika ku soo dhaweeyey Maamulka
Jaamacadda oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Jaamacadda Dr:C/qaadir Max’ed C/laahi
iyo Maamulaha Arrimaha Maamulka Sheekh yuusuf C/Casiis iyo hormuudyada kala
duwan ee jaamacadda.
Xildhibaanka iyo Maamulka Jaamacaddu waxay ka wada hadleen wada shaqaynta
Dawladda ku meelgaarka iyo jaamacadda Bariga Afrika iyo kor u qaadidda tayada
waxbarasho ee ummadda soomaaliyeed.
Xildhibaanka wuxuu aad ugu bogaadiyey kuna ammaanay maamulka JBA dadaalka ay ku
bixiyeen dhismaha JBA iyo dadaalka dhinaca aqoonta ah oo aad u sarreeya marka
loo eego todobadii sano oo ay JBA jirtay.
Guddoomiyaha Barlammaanka Dawladda Federalka oo Qaabilay Guddoomiyaha JBA.
Isla
maqribnimadii Talaadada May30,2006 Waxaa wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha JBA
Dr:C/qaadir Max’ed C/Laahi ay ku booqdaan Guddoomiyaha Baarlammaanka ee Dawladda
Federalka Ku meelgaarka ahna sii hayaha Xilka madaxwaynaha Mudane Shriif Xasan
Sheekh Aadan Hotelka International Village ee magaalada Boosaaso.
Maamulka
JBA iyo Guddoomiyaha waxay kawada hadleen kor u qaadidda xiriirka iyo wada
shaqaynta JBA iyo Dawladda Federalka.
Guddoomiyuhu wuxuu maamulka JBA ugu hambalyeeyey hawsha ballaaran oo ay u hayaan
ummadda soomaaliyeed.Guddomiyuhu wuxuu sheegay in cilmigu yahay nuur jahliguna
yahay mugdi,
Guddoomiyuhu waxaa u suuroobi wayday in uu soo booqdo jaamacadda laakiin waxa
uu sheegay in uu ku tala jiro in uu yimaado waqti fursaddu intaan ka fiican
tahay .
Adan
Ismaacil
Public
Relations
Email: eauj@hotmail.com
Warbixin dheeraad ah oo ku
saabsan dagaal shalay ka dhacay deegaanka..
Dagaal faraha laysaga gubtay
oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa weli waxa uu ka socdaa
deegaanka Cali-Yaalo oo ka tirsan Degmada Balcad, waxa uuna dagaalkaani u
dhexeeyaa ciidamada Midowga Maxaakiima Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la baxay la
dagaalanka "Argagixisada".
Dagaalkaan oo ka bilowday
deegaanka Ceel-Cirfiid ayaa waxa uu ku fiday Tuulooyin ku dhow dhow degamada
Balcad, iyado ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah la sheegay in ay la
wareegeen saddex Gaari oo Tikniko ah oo ay lahaayeen Isbahaysiga la dagaalanka
waxa loogu yeeray argagixisada, hase yeeshee waxaa ilaa iyo haatan la ogeyn
khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray labada dhinac, balse warar ayaa waxay
sheegayaan in ay ku dhingeen ilaa iyo 12 qofood oo la sheegay in ay u
badbaanaayeen kooxihii maleeshiyooyinka ahaa ee dagaalamayay.
Labada dhinac ee ay dirirtu u
dhexeyso ayaa waxaa la sheegayaa in ay soo gaarayaan gurmadyo uga imaanaya
Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Dagaalkaan ayaa waxa uu
bilowday kaddib markii doraad deegaanka Muuri uu ka dhacay dagaal dhex-maray
Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo maleeshiyooyin daacad u ahaa
Guddoomiyaha Siyaasadda Xamar iyo Xamar-Daye Macallin Xaashi Max’ed, waxaana
ciidamadii Macallin Xaashi laga dilay ilaa iyo toban ruux, waxaana laga qabsaday
labo gaari tikniko ah, iyadoo ciidamadiisii iyo isagiiba ay u soo galeen Midowga
maxaakiimta Islaamiga ah oo fariisin ku lahaa Darmoolay. wararkii ugu dambeeyay
ayaa sheegay in ciidamada Midowa Maxaakiimta ay xalay ku baryeen xerada
Hiilweyne, iyagoo kaabiga u saaran degmada Balcad, waxaana hor kacaya Macallin
Xaashi oo taageerayaal badan ku yeeshay deegaanka Balcad kaddib markii doraad
laga dilay dhowr qofood.
8-Gaari oo Tiknikaa oo uu Muuse Suudi
leeyahay oo isu dhiibey Maamulka ..
Iyadoo dagaal qaraar uu ka
socdo deegaanka Cali-Yaalo dagaalkaas oo u dhexeeya Midowga Maxaakiimta
Islaami-ga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa haddana maleeshiyo
daacad u ah Muuse Suudi Yalaxow watayna 8-gaari oo Tikniko ah ay isku dhiibeen
maamulka Degmada Afgooye.
Ciidankaas oo maray wadada
isku xirta Afgooye iyo Balcad oo marta duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa
sababaha ay ciidankaasi isku dhiibeen lagu sheegay kaddib markii ay ka carareen
dagaalkii ka dhacay deegaanka Cali-Yaalo.
Mas’uuliyiinta Degmada Afgooye
oo uu hor kacayo guddoomiyaha deegaankaasi Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) sidoo
kale Guddoomiyaha gobalka Sh/hoose Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-Cadde ayaa waxa uu
sheegay in ciidankaani ay yihiin kuwo aan dagaalamin oo gartay in ay yihiin
baadil loo adeegsanayo, isagoo sheegay in ciidankaasi ay joogaan gurigoodii
Hooyo, balse waxa uu sheegay in ciidankii tagay degmada Baydhabo ay yihiin kuwo
dagaalamay, haddii aysan Dowladdu wax ka ogeyn dagaalka ka socda magaalada
Muqdisho waxay dib u soo celin lahayd ciidankaasi.
Shirka Badhan oo Baaq u diray DGPL iyo Shirkadda Range
Resources
Shirkii beryahan ka socdey magaalada Badhan ayaa
soo gabagaboobey Sabti June 3, 2006, waxaana shirkaas ka
soo baxay baaq loo diray madaxtooyada Dowlad Goboleedka
Puntland iyo Shirkadda Range Resurces, waxaana baaqaas lagu
xusay in beesha baaqaas soo saartay aysan ogolaan doonin macdan qodasho
aan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah. Waxa kale oo lagu
baaqay in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo dadkii loo
xiray arrimaha Majayahan.
Baaqa oo dhan... AKhri
Maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka oo gaarey
..
Waxaa maalintii shalay ahayd
magaalada Baydhabo gaaray maleeshiyo iyo Tikniko oo la sheegay in ay ka mid
ahaayeen Maleeshiyada Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan kuwa
Bootaan Ciise Caalin.
Maleeshiyadaasi oo watay
todobo gaari oo Tikniko ah iyo boqol Maleeshiyo ah, waxaana magaalada Baydhabo
ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ay ka mid
ahaayeen Wasiiru Dowlaha qorsheynta iyo Iskaashiga Farxaan Max’ed, waxa uuna
sheegay mar la wareystay in maleeshiyadani ay tahay kuwo ka yimid magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in lagu biiri doono ciidamada Qaranka.
Maleeshiyadan ayaa waxay
ahaayeen kuwii looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay Suuq Xoolaha ee dhex
maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka
Argagixisada.
Siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan oo isku haysta
xilalka ..
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in muran xoogan iyo is qabqabsi uu ka jiro
raggii lagu bedeli lahaa Wasiirada hubeysan ee iyagu dagaalka ka wada magaalada
Muqdisho oo lagu wado in dhawaan Dowladda Federaalka ay xilka ka qaado, waxa
uuna murankaani u dhexeeyaa siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan. Xafiiska
Ra’isul Wasaaraha ayaa la keenay dhowr warqadood oo oo ay soo qoreen Odoyaasha
dhaqanka beelaha ay ka soo jeedaan Wasiiradaasi kuwaasoo mid walba lala doonayo
in uu qabto xilka laga qaadayo wasiirada Hubeysan, hase yeeshee waxay arrintaani
ku xiran tahay hadba sida uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi u doorto
xubnahaasi, waxaana haatan socda la tashiyo looga arrinsanayo arrintaasi, iyadoo
Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaruhu ay arrintaani la tashiyo ka sameeyeen,
waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi
ku dhawaaqo isku shaadheynta golihiisa Wasiirada, sidoo kale Golaha Baarlamaanka
ayaa isna maalmaha soo socda ka tashan doona waxa laga yeelayo xilka
Xildhibaannimo ee ay hayaan Wasiiradaasi. Ra’isul Wasaaraha oo isagu labo jeer
digniin u diray wasiirada hubeysna oo looga dalbanayo inay si deg deg ah ku soo
galaan Magaalada Baydhabo ayaa amarkaasi aysan dheg jalaq u siin, marka laga
reebo wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Barre Hiiraale oo isagu
todobaadkii hore gaaray Magaalada Baydhabo.
Urur Haween ah oo howlo nadaafadeed ka fuliyey Deegaanka
Ceel Barde..
Urur Haween oo ay ku midaysan
yihiin in ka badan 100 xubnood oo isugu jira Ganacsato iyo Beeralayda Haweenka
Degmada Berdaale oo ay ujeedadiisu tahay sare u qaadida Nadaafadda ee Degaanka,
Waxbarashada Haweenka, Quudinta Caruurta, Ka Hortagga Gudniinka Fircooniga iyo
wacyigelinta Bulshada halista cudur-sidaha (Virus-ka) dhaliya HIV AIDS ayaa
degmada Berdaale ka fuliyey hawl shaqo nadaafadeed oo uu bishiiba mar ka qabto
deegaankaasi waxaana soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta qaybaha kala duwan ee ku
dhaqan degmada.
Ururkaan oo ay Aas-aaseen
7/4/005-ta Haweenka Magaalada Bardaale ayaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa uu ka
qabto deegaanka waxaa ka mid ah, Nadaafada deegaanka ilaa markii la aas aasay
iyo wacyigelinta Bulshada cudur sidaha HIV-AIDS- Gudoomiyaha ururkaan Shamso C/llaahi
Macallin Maxamed waxay sheegtay inaysan jirin wax kaalmo oo ay ka heleen
Hay’adaha gargaarka iyo kuwa kale ee Caalamiga ahba, mana jiraan Ururo kale oo
ay la xiriireen oo ka jira Gobolka Baay.
Ururkaan Haween ee ka jira
Degmada Berdaale oo lagu magacaabo Midnimo wuxuu ka mid yahay ururadii wadaniga
ahaa ee ka hawlgalayey degmada intii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya,
waxay keloo sheegtay in ay ku howlan yihiin sidii ay kaalin muhiim ah uga qaadan
lahaayeen arimaha nabad-gelyada Degmada Berdaale iyo isu soo dhawaanshaha
fikirka dhinaca Ururada Bulshada. Waxay keloo baaq u soo jeesiday Gudoomiyaha
Ururka Haweenka Midnimo Shamso C/llaahi in Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala
Gobolka Bay in ay gacan ka geystaan wax u qabashada Ururada Bulshada iyo sare u
qaadida aqoonta Haweenka
Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanla weyn iyo Khaliif
Huudow oo Cambaareeyey ..
Hay'addaha kala ah Wanlaweyn
human Rights iyo khaliif Huudow Human Rights oo saldhigoodu yahay Gobalka
Shabeelaha Hoose, kana wada tirsan Daladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee (Sohriden)
waxay si wadajir ah u cambaareeynayaan falkii xariga ahaa ee loo geystay Mudane
Cabdi Faarax oo ahaa madixii hay'adda INXA ee Boosaaso, , kuna xiran saldhiga
Degmadda Boosaaso ee Gobalka Bari.
Xarigaas oo ah mid lid ku ah
Xoriyadda Qofka, Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha iyo dhaqanka
Soomaaliyeedba. sidaa darteed ayay ugu baaqeen cidda mas'uulka ka ah xarigiisa
iney si deg-deg ah oo shuruud la'aan ah u sii daayaan, uguna soo celiyaan
xoriyadiisa shaqsiyadeed.
Waxaa Kaloo Labadda Hay'adood
ee Wanlaweyn iyo Khaliif Huudow ugu baaqayaan xoogaga ku dagaalamaaya Magaaladda
Muqdishu ee Gobalka Banaadir iney dhowraan Maatidda iyo dadka Biri-ma-geytida ah
ee ay ku dhax dagaalamaayaan, kuwaaso la kulma barakicin iyo dhibaato dagaalo oo
joogto ah, ineey dhowraan dadka ay ku dhax-dagaalamayaan goobaha ay degan yahiin,
iyo xaruumaha adeega bulshadda, ayna u isticmalin xaruumo ciidan, ayna jojiyaan
dagaalada soo noq-noqonaya ayna ku dhameeystaan wixii khilaaf ah wada hadal
Geedka Hoostiisa ah, si islaamnimo a, iyo Soomaalinimo ah si loo gaaro nabad
buuxda.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lala sugayo Xil ka
qaadista ..
Iyadoo Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geeddi uu ku howlan yahay sidii uu xilka uga qaadi lahaa wasiirada
hubeysan ee dagaalka ka wada magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa qoorta iskula
jira Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Golaha Baarlamaanka oo iyagu codsanaya in
Ra’isul Wasaare Geeddi uu dedejiyo xil ka qaadista raggaasi.
Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa
waxaa la sheegay in xil ka qaadista Wasiirada hubeysan uu la sugayo Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalaya shirka wadamada Saxaraha ka hooseeya ee
ka socda wadanka Liibiya. Ilaa iyo hadda lama oga waqtiga uu Madaxweynuhu soo
gaari doono Magaalada Baydhabo.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Liibiya: Madaxweynaha Soomaaliya oo u duulay dalka kenya, ugana sii
gudbey Baydhabo
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu horkacayey
ayaa Sabtidii ka duulay gegida caalamiga ah ee dalka
libya. Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin dalka waxa uu
kulan khaas ah la yeeshay dhigiisa libya, kulankan oo ay
kala qeyb galeen madaxweynaha &wafdigiisa kulankan oo
ahaa mid qaatay sacado.
Waxaa markii loo kicitimay
dhanka gegida diyuuradaha dib uga baaqsadey safarkii
maxamed ibrahin xabsade iyo aadan saransoor c/rashiid
yuusuf seed ayaga oo u baaqdey howlo shaqo oo aan laga
maarmin waa sida ay hadalka u dhigeene, wafdiga intiisi
kalese waxay raacen hal dayuurad oo ay ku gari doonaan
dalka kenya.
Wafdiga uu horkacayo madaxweyne yuusuf
ayaa halkan markodii hore u yimid shirkii dowladaha
saaxil wasaxaaraa ee todobaad oo ka dhacayey xarunta
ururka ee dalka libya shirkaas oo dowlada soomaliya u
lahaa ahmiyad weyn ayaan wili la shaacin go,aanadii ka
soo baxay gaar ahaan go,aanadii ay gaareeen gudiyadii
loo saaray dalka soomaliya in ay ka soo shaqeeyaan,
wafdigan ka haray wafdiga uu horkacayo madaxweynaha
ayaan la ogeyn ayagana goorta ay baxayaa in kastoo ay
u jogaan howlo ay ka wada hadleen labada madaxweyne
ama labada dowladood .
Waftiga madaxwehynaha ayaa Xalay (Axad) soo gaarey
magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxana ay maanta uga sii ambabaxeen Soomaaliya.
Waxana ay waftigu maanta ka soo degeen magaalada Baydhabo.
DHanka kale madaxweynaha DGPL ayaa maanta arrimo la
xiriira caafimaadka ugu ambabaxay dalka Jarmalka.
saciid antenno
saciidanteno@yahoo.com
tripoli libya
somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 4, 2006
Warar GooGoos ah:
June 3
»Golaha Baarlamaanka
oo ka doodaya sidii xilka looga qaadi..
»Isbahaysiga "Argagixisada"
oo gooyay mid ka mida...
»Max’ed Dheere oo si
dhaqsi leh ugu ambabaxay..
»Banaanbax looga soo
horjeedo Mareykanka oo ka dhacay..
»Xildhibaan C/dheeg
“Xad gudubyadii ay geysteen Ciidamada
»Warsaxaafadeed:
Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya
»Washington: Kulan
lagu soo bandhigayay isbahaysiga AFD
Wararka oo dhan
ka akhri... Guji... Jun 3
|