WARARKII June 3, 2006
-
Golaha Baarlamaanka oo
maanta ka doodaya sidii xilka looga qaadi lahaa..
-
Isbahaysiga la
dagaalanka Argagixisada oo gooyay mid ka mida Buundooyinkii..
-
Max’ed Dheere oo la
sheegay in uu si dhaqsi leh ugu ambabaxay..
-
Banaanbax looga soo horjeedo
Mareykanka oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho..
-
Xildhibaan C/dheeg “Xad gudubyadii ay
geysteen Ciidamada Yeman iyo Hay’ada UNCHR, waa mid lagula xisaabtami doono”
-
Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya
Garabka Badbaadinta ( JWXO-GB)
-
Ogaadeenya: Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay.
-
Washington: Kulan lagu soo bandhigayay isbahaysiga AFD oo JWXO ka qayb
gashay
Golaha Baarlamaanka oo maanta ka
doodaya sidii xilka looga qaadi lahaa..
Maanta ayaa la filayaa in golaha Baarlamaanku ay isugu yimaadaan kulan looga
hadlayo ama looga doodayo sidii xilka looga qaadi lahaa Xubnaha Wasiirada ee
iyagu dagaalka ka wada magaalada Muqdisho, waxaana maanta la filayaa in golaha
Baarlamaanku uu soo gaaro Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo isaga laga
sugayay in uu go’aan ka qaato raggaasi, maadaama labo jeer ay diideen in ay soo
gaaraan magaalada Baydhabo si ay uga qayb-qaataan kulamada Baarlamaanka iyo
kulamada Wasiirada. Dhamaan xubnaha Baarlamaanka waxay taageersan yihiin in
xilka laga qaado wasiirada hubeysan ee ku sugan Magaalada Muqdisho, maadaama ay
ka qayb-qaateen dagaalada lagu xasuuqayo bulshada ku nool Muqdisho. Xildhibaan
Sakariye Xaaji Max’uud ayaa waxa uu sheegayin Dowladda Federaalka ay si weyn uga
gaabisay in ay gacan ka gaysato daminta colaadaha ka jira magaalada Muqdisho,
waxa uuna si gaara farta ugu fiiqay in ay wax ka qabanweyday wasiirada hubeysan
ee iyagu dagaalada ka wada Magalada Muqdisho. Ra’isul Waaare Cali Max’ed Geeddi
waxa uu haystaa fursad uu xilka kaga qaadi karo raggaasi, maadaama qoraalo uu
saaray ay ka dhega fureysteen. Amarka Ra’isul Wasaaraha waxaa si dhaba ugu
hogaansamay Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre hiiraale oo isagu
Baydhabo soo gaaray dhowr maalmood ka hor, sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo
soo gaaray dhowr wasiir oo iyana ka tirsanaa Dowladda Federaalka.
Isbahaysiga la dagaalanka
Argagixisada oo gooyay mid ka mida Buundooyinkii..
Warar aanu ka helnay degmada Balcad oo ka tirsan gobalka Sh/dhexe ayaa waxay
sheegayaan in maalintii shalay ahayd la gooyay mid ka mida Buundoonyinkii ku
yaalay degmada Balcad gaar ahaan buundaddii Keliga Gololeey oo ku aadan dhinaca
Degmada Afgooye, iyadoo Buundadaas si fudud looga soo gali karo dhinaca Degmada
Jowhar, ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha loo jaray
Buundadasi, balse warar ayaa waxay sheegayaan in Buundadaa jarideeda ay ka
dambeeyeen Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in sababaha loo jaray buundadaasi ay tahay
iyadoo Tikniko iyo maleeshiyooyin ay si toos ah uga gudbin karaan buundadaasi,
iyagoo maraya duleedka Degmada Balcad kadibna si toos ah u tagaya Degmada
Jowhar.
Jarida Buundadaan ayaa waxay sababtay in Gawaaridii Caanaha siday
ee imaan jiray maaalada Muqdisho ay yaraadeen, iyadoo dadweynaha Degmada Balcad
ay si aada uga xumaadeen, iyadoo Buundadaasi ay ahayd mid muhiimad gaara ugu
fadhiday dadweynah ku nool degmada Balcad, dhinaca kale waxaa shalay
subaxnimadii dagaal ka dhacay meel ku dhow degmada Balcad waxa uuna u dhexeeyay
Isbahaysiga la dagalanka iyo maleeshiyo uu watay guddoomiyaha siyaasadda Xamar
iyo Xamar-Daye Macallin Xaashi Faarax, waxaana dagaalkaasi ku dhintay 11 qof oo
todobo ka mida ay ahaayeen kuwa Macallini Xaashi iyadoo uu Isbahaysigu uu
halkaasi kula wareegay labo gaari oo Tikniko ah oo uu lahaa Macallin Xaashi
Max’ed Dheere oo la sheegay in
uu si dhaqsi leh ugu ambabaxay..
Max’ed Cumar
Xabeeb Max’ed Dheere oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda gobalka Sh/dhexe oo baryahan
uu culey ka haystay dagaalo u dhexeeya Isbahaysigiisa iyo Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah ayaa waxaa la sheegay in uu u dhaqaaqay dhinaca Dalka Itoobiya.
Waxay wararku
sheegeen in Diyaarad ay leedahay Dowladda Itoobiya aya ka qaaday Magaalada
Jowhar, ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha uu Max’ed Dheere u aaday dalka
Itoobiya, balse warar ayaa waxay sheegayaan in uu Itoobiya u tagay sidii uu uga
heli lahaa taageero dhinaca hubka iyo saanadda.
Warar kale
ayaa waxay sheegayaan in Max’ed Dheere uusan ogeysiin Xubnha ay ku wada jiraan
Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, iyadoo Xubnihii isbahaysiga qaarkood ay
ku kala go’doonsan yihiin qaybo ka mida magaalada Muqdisho, waxayna ka
cabsanayaan in ay weeraro uga yimaadaan
Banaanbax looga soo horjeedo Mareykanka oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho..
Waxaa maalintii shalay ahady Fagaaraha Tarabuunka
ee magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax aad u balaarnaa oo mudooyinkaan aan ka
dhicin magaalada Muqdisho, waxaana isugu soo baxay dadweyne
aad u fara badan, waxa uun banaanbaxaani ku saleystaan taageerida ku dhaqanka
shareecadda Islaamka, sida ay uga soo horjeedaan faragelinta uu Mareykanku u
hayo arrimaha gudaha ah ee Soomaaliya.
Banaanbaxaasi ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, oo sheegay in ay guulo ka soo hooyeen
dagaalkii ay kula jireen waxa uu ugu yeeray Isbahaysiga Shaydaanka,
“Haddii shacabkii Soomaaliyeed ay fahmeeyeen caddowgooda iyo nasteexooda” ayuu
yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa kalloo halkaasi ka hadlay culuma’udiin ay
ka mid ahaayeen Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Maxamuud Ibraahim Suuleey iyo Abwaan
Abshir Bacadle, waxayna dhamaantood sheegeen in la gaaray waqtigii ay shacabka
soomaaliyeed ka bixi lahaayeen dhibaatada.
Xildhibaan
C/dheeg “Xad gudubyadii ay geysteen Ciidamada Yeman iyo Hay’ada UNCHR, waa mid
lagula xisaabtami doono”
Xildhibaan C/kariim
Naasir Siciid {Cabdi Dheeg} ayaan wax ka weydiiney Safarka Gudoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Sh, Aadan uu ku tagey Maamul Goboleedka Puntland,Kan
Madaxweyne Col,C/llaahi Yuusuf, Raiisul Wasaare Geedi iyo ,
Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, waxa uu ku soo kordhin karo xal u helida
Siyaasada Murugsan ee Soomaaliya maadaama uu isagu ahaa xildhibaankii ugu
dambeeyey ee lagu dhaariyey Baydhabo, isla markaana ka soo jeeda Beesha Shanaad
ee Carab Soomaali iyo waxa iska bedelay eedayn uu hada ka hor
u soo jeediyey dowlada Yeman.
Xidhibaanka
isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri ”Safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Sh, Aadan uu ku tagay Maamul Goboleedka Puntland wuxuu ahaa
Dibu-heshiisiinta Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedka Puntland, taasina waa uu
ku guulaystay Safarka Madaxweynaha wuxuu ahaa safar deg deg ah oo heer
Madaxweyne uu kaga qaybgalayo shir ka dhacaya dalka Liibiya ayna isugu
imaanayaan wadamada saxaraha ka hooseeya, waxaana u sii gogol xaarayey Wafdi uu
hogaaminayo Raiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Iskaashiga Gobolka
Ismaaciil Hure Buubaa, hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray Xildhibaanku
safarka Raiisul Wasaaruhuna wuxuu ahaa mid Caafimaad,
Mar uu ka hadlaayey Xildhibaanku Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho iyo in
wax diiwaan gelin ay ku sameeyeen dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay iyo
Hantida ku Burburtay ayaa wuxuu ku sheegay “In diinteenu aysan ogolayn in lagu
dhex dagaalamo Haweenka, Caruurta iyo dadka Waayeelka ah ee jilicsan, Caqliga
Bani’aadamkuna magalayo arinkaas, waxaana soo jeedinayaa Qolada Dowlada ku jirta
ee samaystay Xizbiyada inay joojiyaan dagaalka, halka kooxaha Culumaa’udiinka uu
iyaguna uu u soo jeediyey in ay qaataan waanada iyo maslaxada” “Dowladu waa ay
jirtaa laakiin awood buuxda malaha,sidaas darteed wax walba waqtigeeda ayaa laga
hadlayaa, laakiin cafin malaha iyo sii daysmo”.
Sidoo kale Mar uu ka hadlaayey Xildhibaanku waxa uu ku soo kordhin karo
siyaasada murugsan ee Soomaaliya ayaa wuxuu yiri”Marka hore waxaan ku
faraxsanahay inaan ku biiro Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana aan ku jiro
gudiga Haweenka, Caruurta iyo Xuquuqul insaanka, ahayna xoghayaha guud ee
gudigaas ayaa waxaan ku dadaali doonaa sidii laysugu soo jiidi lahaa Dowlada iyo
Xildhibaanada hawsha ay wadaan intii karaan kayga ah, intii aan xubinta noqdayna
shaqooyin badan oo uu Baarlamaanku qabtay ayaan goob joog ka ahaa”.
Ugu dambeyn eedayntii dowlada Yeman waxaa uu ka yiri “DFKMG horey waxay u kala
joogtay Magaalada Jowhar iyo Muqdisho, hadaadan is yeelyeelaynina waad ogtahay,
waxa laysku hayeyna waxay ahaayeen Siyaasad , wax cadna way ahayd waxaana jiray
dad la gubay,la garaacay iyo la xirayba, Xad gudubyadii ay geysteen ciidamada
Yeman iyo Hay’ada UNCHR, ilaa iyo hadana loogama haraayo ilaa meel ay saarto,
wixii wanaag ay qabatayna faa’iidadeeda waanu sheegaynaa”ayuu hadalkiisa ku soo
gunaanaday Xildhibaan Cabdi dheeg.
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Jabhada wadaniga Xoraynta
Ogaadeenya Garabka Badbaadinta ( JWXO-GB)
Xudunta Xidhiidhka
Caalamiga ah Warsaxaafadeed ku saabsan Alliance for Freedom and Democracy
Waxaa 22/05/06 lagaga
dhawaaqay wadanka Holand Isbahaysi loogu magacdaray Alliance for Freedom and
Democracy. Jabhadahan iyo Xisbiyadan ayaa ku midoobay, kuna heshiiyey in la
ilaaliyo midnimada Itoobiya, xukunkana lawadaago, wadajira loobadalo xukunka
TPLF/EPRDF (Wayaanaha) ee talada haysta hada. Isbahaysigan oo ay ku midoobeen
Jabhado gobanimodoon ahaa iyo Xisbiyada ka jira Adis Ababa oo doorashadii oogu
dambaysay ka qeybgalay ayaa ka kooban ururadan:
-
1-Ogaden National
Liberation Front (ONLF)
-
2- Ethiopian People's
Patriotic Front (EPPF)
-
3- Oromo Liberation
Front (OLF)
-
4-Coalition for Unity
and Democracy Party (CUDP)
-
5-Sidama Liberation
Front (SLF)
-
6-South Ethiopian
Peoples Justice & Equality Front (SEPJE)
Inta badan xisbiyada iyo
jabhadaha ka jira Itoobiya gaar ahaan CUDP iyo EPPF oo ka soo jeeda qoomiyada
Axmaarada ayaan aqoonsanayn inay Soomaalida Ogaadeenya aayaheeda ka tashato iyo
inay noqoto Qowmiyad Itoobiyaan ah oo la xuquuq ah qoomiyadaha kale ee Itoobiya.
waxaa kalooyna aqoonsanayn xisbiyada Axmaaradu inay Qoomiyadii rabtaa aayaheeda
ka tashato, waxayna aaminsan yihiin inay Iyagu (Axmaaradu) yihiin qoomiyada
Itoobiya samaysatay, iskuna haynkarta ee xukumikarta, Qoomiyadaha kalana ay
yihiin dadyow raaciyad u ah Iyaga oo aan Xoriyad iyo Xukunka Itoobiya midnaba
Gayin.
Sida runtii ah Inaan
Itoobiyaan noqono oo qofka Itoobiyaanka ahi aqbalo inaan muwaadin la siman nahay
ayaa waxaa ka dhibyar inaan ka xorowno Itoobiya oo aynu ka Go’ono. sababtoo ah
waxay dhamaan qoomiyadaha Itoobiya iska raacsan tihiin inay Soomaalida
Ogaadeenya tahay Cadogooda koobaad xoogna ay ku haystaan.taasina ma aha mid
Isbahaysi aan galo ama isbadal xukun (dowladeed) ay wax ka badali karto, ee waa
aaminsanaan ku salaysan taariikh jirta iyo waxa inoo dhaxeeya Inaga iyo
Xabashida (Abasiiniyaanka).
Hadaba waxaan ilaa 1898 ku
soo jiray halgan hubaysan oo aan ku raadinayno xoriyada Soomaaliweyn iyo mida
Soomaalida Ogaadeenya, ilaa wakhtigaasna waxay xukuumadihii kala duduwanaa ee
Gumaysiga Itoobiya inoogu yaboohayeen inaan qaadano ismaamul hoosaad oo aan ka
tanaasulo Xoriyaddoonimada, taasoo aan diidanayn. Halgankan iyo Raadinta
Xoriyadaas oo ay kumanyaal wiil ku naf waayeen, kumanyaal kalana ku agoontoobeen,
kumanyaal marwo ku Asay qaadeen oo ay ku ninwaayeen, Malaayiina oogu qaxeen caro
shisheeye oo ayna wadankoodii hooyo dib oogu laabanin Halganka dartii, Xoriyadii
Raadinteeda intaas iyo in ka badan loo soo mutay inaan kaga tanaasulo maanta
Isbahaysi afka Baarkiisa ah oo Axmaaro maamulka itoobiya loogu barbaarinayo, waa
mid aan suuragal ahayn oo aan la aqbali karaynin marnaba.
Markuu Garabka Badbaadinta
JWXO shirar kala duwan ka yeeshay Faaiidada iyo Khasaaraha oogu jira Soomaalida
Ogaadeenya ka midnoqoshada Isbahaysiga Alliance for Freedom and Democracy, Isla
markaana aan dib oogu noqonay Xeerkii Jabhada, wuxuu heshiiska lagu aas-aasay
Isbahaysiga cusub ka hor imanayaa, si cadna u burinayaa Qodobka 39aad ee Xeerka
Jabhadda, kaa soo ay ku cadahay in shirweynaha Jabhada oo kaliya uu awood u
leeyahay ama ka go’aan gaadhi karo qodobada 1;2;3;4;5;6;7;8 ee xeerka Jabhada,
kuwaasoo aas-aas iyo laf-dhabarta u ah Halganka Shacabka Soomaalida Ogaadeenya
ay ku hiigsanayaan inay kaga hoosbaxaan Gumaysiga Itoobiya.
Hadaba Iyadoo laga
tixraacayo qodobada 1 ilaa 8 ee xeerka jabhada iyo Go'aankii 1994 ee Kalfadhigii
sadexaad ee Baarlamaanka Soomaalida Ogaadeenya ay ku gudoonsadeen magaalada Jig-Jiga
in Afti-Aayo katalineed laga qaado Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ayaa waxaa cad
inuu Isbahaysigani dhabarjab iyo marin habaabinba uu ku yahay Halganka aynu oogu
jiro Gobanimadeena.waxaanuna oogu baaqaynaa Shacabka Soomaalida Ogaadeenya inay
ka feejignaadaan Dabinka ay u qoolayaan kuwa dibin-daabyeynaya Halganka ee
Khaainul Wadhaniinta ah iyo kuwa ku dulhaya Gumaysiga Abasiiniya iyo kuwa raba
inay sii gumaystaan intaba.
Oogu dambayntii Garabka
Badbaadinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya wuxuu la socodsiinaynaa,
Isbahaysiga Alliance for Freedom and Democracy, Shacabka Soomaalida Ogaadeenya
iyo Bulshoweynta Caalamkuba gaar ahaan USA, EU iyo African union inuusan
khusaynin Isbahaysigaasi Garabka Badbaadinta JWXO iyo Shacabka Soomaalida
Ogaadeenya ee Gobanimodoonka ah. islamarkaana aanaan Aqoonsanaynin heshiiskasta
oo ay gaadheen ururada ku midoobay Holand hadayna ku cadayn inay Soomaalida
Ogaadeenya tahay qoowmiyad Itoobiya gumaysato oo xaq u leh inay aayaheeda ka
tashato.
Halganka Shacabka
Soomaalida Ogaadeenya wuu socon ilaa Xoriyad.
Jabhada wadaniga Xoraynta
Ogaadeenya Garabka Badbaadinta ( JWXO-GB)
Xudunta Xidhiidhka Caalamiga ah.
Warsaxaafadeed
29 may 2006
Email:BadbaadintaJWXO@yahoo.ca
Booqo: www.ogadensun.com
Barnaamijkii Radio Xoriyo
02 Jun 2006
Gumaysiga iyo taageerayaashiisa oo kordhiyay cadaadiska dadwaynaha.
Jigjiga: Shir ay jannaraalo Itaabiyaan ahi u qabteen maamulka iyo Shaqaalaha
Kililka.
Washington: Kulan lagu soo bandhigayay isbahaysiga AFD oo JWXO ka qayb
gashay.
Ogaadeenya: Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay.
Ururka saxaafadda adduunka oo Itoobiya canbaareeyay.
======================
Tan iyo
intii ay xukuumadda gumaysatada Itoobiya hawlgalka millatari ka billowday
dalka Ogaadeenya waxaa si wayn u kordhay cadaadiskii uu ku hayay dadwaynaha
rayadka ah, waxaana muddo kooban gudeheed lagu laayay dad fara badan meelo
kala badan oo Ogaadeenya ka mid ah. Waxay sidoo kale ciidammada gumaysatadu
dadwyanaha u gaystaan dhibaatooyinka ay ka midka yihiin kufsi, jidhdil,
caga-juglayn iyo hantida oo ay ka boobaan.
Wararka
naga soo gaadhaya magaalada Awaare ayaa sheegaya in labadii todobaad ee u
denbeeyay dadwaynaha magaalada deggan lagu hayay hanjabaad iyo caga-juglayn
aad u daran, iyadoo lagu eedaynayay inay taageeraan JWXO.
Xadgudubyadan dadwaynaha loo gaysanayo iyo caga-juglaynta lagu hayo ee
magaalada Awaare waxaa ka qayb qaadanaya ninka lagu magacaabo Cabdi
Ismaaciil (Cabdi Gannaf) oo ka tirsan maamul ku sheegga Kililka, kaasoo
dadwyanaha magaalada ugu hanjabay inuu isagu farta ku fiiqi doono cidda
taageerta JWXO haddii ayna iyagu isa sheegin. Ninkan ayaa dadwaynaha ugu
hanjabay in ciqaab adag la marin doono qofka lagu ogaado inuu JWXO taageero.
Dadwaynaha ayaa hanjabaaddaas aad uga gilgishay, isla markaana ka xumaaday
sida bani’aadamnimada ka baxsan ee loogu hanjabayo iyagoon waxba bi’inin.
Arrintaas ayaa keentay in dadwayne badani ay magaalada ka qaxaan dhawrkii
maalmood ee u denbeeyay, iyagoo bar-tilmaameedkoodu yahay meel kastoo ay ku
badbaadi karaan.
Wararka
ka imanaya magaalada Dhagaxbuur ayaa iyaguna sheegaya in cabsi middaas la
mid ah ay dadwaynaha hayso, isla markaana laga walwalsan yahay
tallaabooyinka bahalnimada ah ee ciidammada gumaystada Itoobiya kula
kacayaan dadwaynaha rayadka ah.
Waxaa
wali jeelka magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidhan odayaal 18 ah oo dhawaan laga
soo qaqabtay tuulada lagu magacaabo Gob-caayeed, waxaana la soo qaqabtay
odayaashaas, ka dib markii dagaal deegaankooda ka dhacay lagu jabiyay
ciidammada gumaysiga.
Jigjiga: Shir ay jannaraalo Itaabiyaan ahi u qabteen maamulka iyo Shaqaalaha
Kililka.
Badhtamihii toddobaadkan waxaa magaalada Jigjiga shir degdeg ah ku qabtay
jannaraalo ka tirsan ciidammada gumaystada Itoobiya, kuwaasoo shiriyay
madaxda iyo shaqaalaha maamul ku-sheegga Kililka.
C/llaahi
Lugbuur, oo shirka furay, ayaa sheegay in horumarka deegaanka soomaalida ay
JWXO hortaagan tahay, sidaas darteed loo baahan yahay in
deegaanka laga tirtiro, wuxuuna markuu intaas yidhi hadalka ku wareejiyay
Jannaraal Haile Salasse iyo Jannaraal Mulugetu, oo u dhashay qowmiyada
Tigreega, isla markaana hooggaaminaya hawlgallada millatari ee lagu
xasuuqayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ee hadda dalka ka socda.
Jannaraal Haile Salasse ayaa si wayn ugu hanjabay dadkii shirkaas la keenay,
wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sida ay dawladu uga warhayso in cidda taageerta
JWXO ay tahay intan horfadhida iyo guud ahaanba Kililka. Wuxuuna si gaar ah
u carrab-baabay xafiisyada caafimaadka, la dagaallanka AIDS-ka iyo
maaliyada, oo uu sheegay inay si toos dawooyin iyo maaliyadaba ugu
qoondeeyaan JWXO iyagoo isticmaalaya caddaymo been-abuur ah.
Jannaraal Mulugetu oon isagu hadalka ku dheeraanin, wuxuu shirkaas ka yidhi
hadal kooban oo macnihiisu ahaa “ama nala jir ama naga jir”.
Washington: Kulan lagu soo bandhigayay
isbahaysiga AFD oo JWXO ka qayb gashay.
Maalintii axadda ahayd ayaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka lagu
qabtay shir si wayn looga soo qayb galay, kaasoo lagu soo bandhigay
isbahaysiga cusub ee lagu magacaabo “Isbahaysiga Xorriyada iyo
Dimuqraadiyada”, oo dhawaan ay dalka Holland ku asaaseen ururro ka soo
horjeeda xukuumadda Itoobiya oo JWXO ka mid tahay.
Shirkan
Washington ka dhacay waxaa ka soo qayb galay madax sarsare oo ka socda
ururrada JWXO, OLF, EPPF iyo CUDP, waxayna dadwaynihii iyo warfidiyeennadii
halkaas isugu yimid u sharaxeen ujeeddada loo asaasay isbahaysigan, qaabkuu
u shaqayn doono iyo rajada laga sugayo.
Wakiilkii JWXO matalayay oo hadal dheer halkaas ka jeediyay ayaa sheegay in
ujeeddada isbahaysigan loo asaasay ay tahay mid loogu danaynayo qowmiyadaha
ay ururrada isbahaysigu matalaan, si looga hoos bixiyo xukuumadda macangaga
ah ee kaligii taliye Meles Zenawi oon iyadu haba yaraatee ayna jirin wax ay
xeerinayso oon ka ahayn inay xukunka sii haysato.
Wakiilka
JWXO wuxuu sidoo kale ka qayb galayaasha shirka uga warramay xaaladda
Ogaadeenya hadda ka jirta iyo weerarrada millatari ee xukuumadda Itoobiya ku
hayso, isagoo faahfaahiyay in magaalooyinka Ogaadeenya oo dhan ay hadda
go’doon ku jiraan, ka dib markii ay ciidammada Itoobiya mamnuuceen in wax
gaadiid ahi galaan ama ka baxaan.
Isbahaysiga Xorriyada iyo Dimuqraadiyada waxaa daba-yaaqadii bishii May
lagu asaasay dalka Holland, waxaana ku bahoobay lix urur oo ka soo horjeeda
xukuumadda Itoobiya, oo kala ah JWXO, OLF, SLF, CUDP, EPPF iyo UEDF.
Mabaadii’da ugu muhiimsan ee saldhigga u ah asaaska isbahaysigan waxaa ka
mid ah inaan ururna lagu faragalinin mabaadii’diidsa iyo barnaamijkiisa
siyaasadeed iyo qaabka uu u fulinayo, arrintaasoo ahayd shuruudihii ay JWXO
isbahaysiga kaga qayb gashay. Sidaas darteed ka qayb galka ay JWXO
isbahaysigan ka qayb gashay kama leexin doono hadafkeedii asaasiga ahaa ee
ahaa in loo halgamo sidii aaya-ka-tashi buuxa loo gaadhsiin lahaa dadwyanaha
Soomaalida Ogaadeenya.
Ogaadeenya: Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay.
Wariyaha RX uga soo
warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo
sheegay dagaallo badan oo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa
gumasatada Itoobiya oo waxyeellooyin ba’an loogu gaystay ciidammada
caga-jiidka ah ee Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
05/05/06 dagaal mir ah
oo lagu qaaday ciidammada cadowga ee fadhigoodu yahay tuulada Qorile, oo ka
tirsan degmada Dannood, waxaa lagaga dilay 12 askari, 8 kalana waa lagaga
dhaawacay.
10/05/06 dagaal mir ah
oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Awaare waxaa lagaga
dilay 4 askari inta la ogyahay, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
16/05/06 dagaal ka
dhacay balliga Daratoole, oo gobolka Doollo ka tirsan, waxaa cadowga lagaga
dilay 12 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa halkaas sidoo kale
lagu gubay baabuur ay saarnaayeen ciidammo gurmad ah, waxaana halkaas ku
bas-beelay baabuurkaas iyo wixii saarnaa oo dhan.
18/05/06 dagaal ka
dhacay Dawacaley, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidamada cadowga lagaga
dilay 4 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
20/05/06 Dharkaynley, oo
u dhaxaysa Dhagaxbuur iyo Dhagaxmadow, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada
cadowga lagaga dilay 10 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
21/05/06 dagaal ka
dhacay Dhuurre, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa ciidammada
maxaysatada ah ee Itoobiya lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga
dhaawacay.
25/05/06 dagaal ka
dhacay Barraajisaale waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 8 askari, 11
kalana waa lagaga dhaawacay.
22/05/06 dagaal mir ah
oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Nusdariiqa
waxaa cadowga loogu gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
26/05/06 dagaal ka
dhacay Karin-barkhadle, oo u dhexeeya Sagag iyo Dhagaxmadow, waxaa
ciidammada cadowga lagaga dilay 6 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
Ururka saxaafadda adduunka oo Itoobiya canbaareeyay.
Ururka
Suxufiyiinta aan soohdinta lahayn, oo ah urur caalami ah oo u daneeya
xorriyada saxaafadda, ayaa xukuumadda Itoobiya si wayn ugu canbaareeyay
xayiraadda ay ku soo rogtay bogagga internetka ee mucaaradka ka soo
horjeeda, oo dhawrkii toddobaad ee u denbeeyay ay xukuumaddu xayiraad ku soo
rogtay, sidaas darteed aan laga gali Karin Itoobiya gudeheeda.
Ururku
wuxuu wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka ee xukuumadda kaligii taliye Meles
Zenawi ka codsaday inuu sharraxaad ka bixiyo sababta aan Itoobiya looga gali
Karin bogagga internetka ee lagu soo qoro waxyaabaha xukuumadda lagu
dhalliilayo, oo tan iyo 17-kii May ayna suuragal ahayn in la akhristo ama la
booqdaba.
Ururkan
ayaa warqad uu wasiirka u qoray wuxuu ku yidhi; Waxaan rabnaa inaan ogaano
in xukuumadda dalkaagu ay xayirtay bogagga internetka ee mucaaradka ku ah
siyaasada xukuumadda. Wuxuu kaloo ururku warqaddiisa ku sheegay in
xukuumadda xil ka saran yahay in qof kasta oo dadwaynaha ka mid ah fursad
loo siiyo inuu ra'yigiisa sheego oon la cabudhinin.
Dhinaca
kale, goobaha Internet-ka ee Magaalada Jigjiga ayaa waxay sirdoonka Itoobiya
geeyeen dad ka shaqeeya oo eegaya meelaha ama shabakada ay dadku galayaan.
Waxaana na soo gaadhaya in shalay xabsiga loo taxaabey laba wiil oo
dhalinyaro ah oo lagu qabtey iyaga oo akhrisanaya Shabakada Radio Xoriyo,
http://www.radioxoriyo.com
Shabaka
Ogaden Online iyo kuwo kale oo badan ayey dawladda Itoobiya hore dadka uga
mamuucdey in la galo ama la akhristo.
Hadaba shabakada maamulka Shabakada Online ayaa wuxuu ogeysiinayaa
akhristayaasha, in ay si deg-deg ula soo xiriiraan Maamulka shabakada oo u
fududeyn doona, qabaka ay u geli karaan shakada….la soo xiriir: ciwaanada
kala ah:
Securiy@ogaden.com
ama
Wemaster@ogaden.com
General Mulugeta iyo General Haile
oo maanta shiriyey Odey dhaqameedyada Magaalada Jigjiga.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in labada General
ee Tigreaga ee lagu kala Magacaabo General Mulugeta iyo General Haile ay
weli wadaan hanjabadii ay shirarka ugu qabanayeen qaybaha bulshada ee
Magaalada Jigjiga.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay
maanta shir u qabteen Odey dhaqameedyada Magalaada Jigjiga, halka ay shalay
kala kulmeen ganacsatada Magaalada Jigjiga. Sido kale waxay beri la kulmi
doonaan Xafiisyada Maamul ku sheega, sida xafiiska Garsoorka iyo Xeer
ilaalinta.
Kulamadan oo socdey intii mudo ah ayey labada General ee ka socda Gumeysiga
Itoobiya dadka shacabka ah ugu hanjabayaan, iyaga oo ku eedeynaya in ay
dadku yhiin ama taageersanyihiin ururka ONLF.
02 Jun 2006.
C/nuur Sh. Maxamed
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio
Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865
KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada BariFaafin:
SomaliTalk.com | June 3, 2006

Ogeysiis ku jeeda
Soomaalida Minnesota (Midtown Exchange/ Global
Market)
Soomaalida Minnesota
waxaa la ogeysiinayaa in agagaarka Masaajidka cusub
ee la gaday ee Abubakar al sidiiq agtiisa laga
dhisay guryo la kireysto weliba dadka dan yarta ah
qayb loogu talo galay. Gurigaas oo aad u weyn
waxaa uu ku yaalaa 2929 Chicago Ave South
Minneapolis Gurigan waxaa uu ku yaalaa meel u
dhaxayso labo masaajid kuwaas oo kala ah Masji
Abubakar iyo Masjid al Iimaan. Waxaa kale oo
aan ka dheerayn masaajidyada Umatu Muxammad, Al-towxiid,
iyo masjid Cumar iyo labada suuq ee aadka u waaweyn
ee Soomaaliyeed Karmal Mall iyo Mallka 24ka.
Gurigan dib u habaynta
lagu sameeyay waxaa la yiraahdaa Midtown Exchange
Apartment. Ka dib markii la arkay horumarka
iyo soo noolaynta ay immigrants ku sameeyeen Lake
Street muhaajiriintaas oo u badan Latino iyo Somali
ayaa ganacsato kaashanaysa shirkadda weyn ee Allina
iyo madaxda magaalda Minneapolis iyo Congressmenka
Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Coleman,
Senator Dayton, Congressman Sabo waxaa suurtogal
noqotay in Midtown Echange dib loo dhiso weliba
Global Market uu noqon doona suuq caalami ah marka
la furo.
Global Market waxaa
talada lagu dhisay wax ka lahaa nin Soomaaliyeed oo
la yiraahdo Hussein Samatar oo ah madaxa hayada
African Development Center. Degaankan waa mid afka
Soomaaliga lagu qoray meelkasta maalinta furitaanka
Amiin Caamir ayaa ku soo bandhigi doonaa farshaxan
Soomaaliyeed. Waxaa kale oo ka soo qaybgeli doona
madaxda gobolka iyo dadweyne badan.
Xafladda furitaanka
Midtown Exchange
& Global Market.
June 3, 2006
saacada markay tahay 10:00 subaxnimo ilaa 4:00
galabnimo
Kala xiriir Guryaha
Midtown Echange 612-823-1104
Global Market business
African Development Center 612-333-4772
|
Dowladda FKMG oo
Sharci u Samaynta Shidaalka kala Tashaneysa Qareeno reer Canada ah...
Lataliyayaal ka socda madaxweyne C/laahi
Yuusuf iyo Qareeno reer Canad ah ayaa ku kulmay magaalada...
Guji....
Madaxweynaha
Soomaaliya oo Shir kaga Qayb galay Liibiya
»Wefdi
ka socda Dowlada Soomaaliya oo soo gaaray Sweden
»Dugsiga
Maka Almukarama oo ay ka socdaan Imtixaanadii..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... June 2
Kulanka
Soomaalida iyo Jaamacadaha Gobolka Minnesota (Somali Education Night)
Soomalida degan Minnesota waxa lagu
qiyaasaa in ay ka badan yihiin 70,000 oo qof hadana kama ...
Guji...
Jun 2 |