Kulanka Soomaalida iyo Jaamacadaha Gobolka
Minnesota (Somali Education Night)
June 2, 2006
Jaamacadaha
gobolka Minnesota waxa ay u kala baxaan labo qaybood kuwo dad leeyahay
(Privet) iyo kuwo dadweynuhu ka wada dhexeeyaan (Public). Hadaba hadaanu ka
hadalno kuwa dadweynaha waxa ay u kala baxaan labo. Kuwo lagu magacaabo
University of Minnesota iyo kuwo lagu magacaabo Minnesota State College and
University. Warqadan waxa aynu ku qaadaa dhigeenaa kuwa la magac baxay
Minnesota State College and University oo marka la soo gaabiyana loogu yeero
MNSCU.
Haddii aan taariikhda dib ugu noqono MNSCU
waxa la aasaasey 1995, kadib markii ay isku yimaadeen 32 kuliyadood. Waagii
hore kuliyadaha iyo jaamacdaha mid walba iskeed ayey u madax banaanaayeen
intii aanla dhisin MNSCU. Xarunta laga xukumo MNSCU, waxa ay ku taala
caasimada gobolka Minnesota ee Saint Paul badhtamaha magaalada. Waxa laga
yaabaa in aad isweydiisaan, yaa madax ka ah, ama mas’uul ka ah. MNSCU, waxa
xukuma dad gudi ah oo ka kooban 13 qofood, waxana soo xula oo magacaaba
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota. Toban ka mid ah sedex iyo tobonkaas waxa laga
soo kala doortaa shaqooyin kala duwan, laakiin sedex ka mid ah waxa laga soo
xulaa ardeyda dhigta MNSCU gudaheeda. Ka dib marka la soo xulo gududaas ayey
waxa ay magacabaaan cidii wadi lahayd hawsha. Qofka hadaba jagadaas loo
dhiibo ayaa waxa lagu magacaabaa Chancellor. Ereygani waxa uu markii hore ka
yimid Engriiska, waxana ay u bixiyaan qofka madax ka ah Jaamcadaha.Hadaba,
Su’aasha taagan waa, xagey ku yaalaan kuliyadaha iyo jaamacadaha hoos
yimaada MNSCU.
Halkan
kuma wada soo koobi karno in aan ka wada hadalno 32 kuliyadood oo ku kala
yaala guud ahaan gobalka oo dhan, laakiin waxa aanu soo qaadan karnaa kuwa
ku yaala labada magaalo ee mataanaha ah iyo agagaarkooda. Waxa ku yaala 11
kuliyadood iyo hal jaamacad. Kuliyadahaas qaarkood waxa ay leeyihiin labo
xarumood (campus), qaarna hal campus oo kaliya. Maadaama aanu fahaney meesha
ay ku yaalaan, su’aasha waxa ay tahay waa kuwee kuwa ay Soomalidu dhigtaan.
Soomalidu waxa ay ugu badan yihiin kuwan: Metropolitan State University,
Minneapolis Community and Technical College, Normandale Community College,
iyo Saint Paul College. Markii aan weydiiyey kuliyadaha ama jaamacadaha
tirakaoobka Somaalida dhigata waxay igu yiraahdeen marka ay ardeydu
buuxinayaan formka waxay ku qoraan black ama minority ee kuma qoraan
Soomaali, sidaa daraadeed wey adag tahay in aanu ku siino inta ardey ee
Soomaali ah. Shaxda ku qoran Minnesota Higher Education buugeeda, waxa uu
dhigayaa sida tan: Tirada minority ee dhigata Minneapolis Community and
Technical College waa 47%. Tirada minority ee dhigata Normanadale Community
College waa 16%, tirade minority ee dhigata Saint Paul College waa 42%.
Soomalida
degan Minnesota waxa lagu qiyaasaa in ay ka badan yihiin 70,000 oo qof
hadana kama muuqdaan dhinaca waxbarashada kuliyadaha. Somalidu waxa ay ka
mid yihiin dadka la dhaliilo ee ugu numberka yar xaga waxbarashada, sababtu
macada aanu ugu badnaan weyney, balse dadka qaarkood ayaa waxa ay qabaan in
ay atahay: fahan waa ka jira habka ay jaamcaduhu u shaqeeyaan, luuqada oo ku
adag, dhaqaalo ay ku dhigtaan oon jirin, iyo gaadiid la’aan ay ku tagaaan
kuliyadaha fogfog. Si kastaba ha dhacdee, Soomaalidu waxa laga rabaa dadaal
dheeraad ah in ay la yimaadaan. Kuliyadahana waxa laga rabaa in ay
fahamsiiyaan sida ay u shaqeeyaan Soomaalida. Si hadaba arintaa looga baxo
ayaa waxa laqaban qaabiyey barnaamij weyn oo lagu soo bandhigayo sidii la
isugu xiri lahaa kuliyadaha, iyo Soomaalida degan gobolka Minnesota.
Barnaamijkaas waxa ka qayb qaadanaya 22 kuliyadood, waxana la qabanayaa
jimacahan bishu markey tahay 02/06/06, saacadu markey tahay 4:30PM intii
laga gaadho 8:00pm. Xarunta lagu qabanayaa waa Somali Education Center ee ku
taala 2200 Nicollet Ave South Minneapolis.
Fadlan haddii aad diyaar u tahay waxbarasho
soo gaadh barnaamijkan ay kuliyadahu diyaar ugu yihiin sidii ay Soomaalida
ula kulmi lahaayeen.
Abdimalik Askar
Abdimalik.askar@so.mnscu.edu
Xafladda habeenka
Waxbarashada Soomaaliyeed ee Minnesota
Sanadkii shanaad ayaa la
qabanayaa xafladdan 2006
Waa xaflad loogu talo galay in
lagu dhiiriyo ardada iyo waalidiinta Soomaaliyeed sidii ay u
kordhin lahaayeen dadaalkooda waxbarasho. Sida caadada noqotay
waxaa hebeenkaas dhici doona carwo jaamacadeed. Waxaa goobta
wada iman doona inta badan hay’adaha culuumta sare iyo
machadyadyada badan ee gobolka Minnesota. Waxaa halkaas
qudbado dhiirigelin ah iyo warbixin muhiim ah ka soo jeedin
doona waalidiin iyo xeeldheerayaal xagga waxbarashada iyo marti
sharaf badan.
Sanadkan qudbad gaarv ah waxaa soo
jeedin doona
James McCormick – Chancellor of
the Minnesota State Colleges and Universities - MNSCU
Goobtu waa:
Somali Education Center
2200 Nicolet Ave South
Minneapolis, MN 55404
Goorta:
Galabta Jimcaha oo ay bisha tahay
June 2, 2006 saacaduna tahay 4:30 galabnimo
Xiriirinta waxaa daadihinya
Abdimalik Askar: Metro Alliance
Outreach Coordinator – MNSCU
Xubnaha ka hadli doona waxaa ka
mid ah
Professor Ahmed Osman – Somali
Education Center, Minnesota
James McCormick- Chancellor of the
Minnesota state colleges and Universities-MNSCU
Phillip Davis – President of
Minneapolis Community and Technical College- MTCT
Director Whitney Harris, Diversity
and multicultural - MNSCU
Abdikarim Haile, President of
Minnesota Somali Students Union
Amina Duale – Somali Action
Alliance and a Somali Parent
Dr. Siad Gelle – Owatona Human
Rights Commissioner
Wixii xog ah oo ku saabsan
habeenka waxbarasha Soomaaliyeed ee 2006 kala xiriir Abdimalik
Askar 612-428-6963
Waxaa si wada jir ah u soo qaban
qaabiyey: Minneapolis Community and Technical College &
Somali Education Center
|

Ogeysiis ku jeeda
Soomaalida Minnesota (Midtown Exchange/ Global
Market)
Soomaalida Minnesota
waxaa la ogeysiinayaa in agagaarka Masaajidka cusub
ee la gaday ee Abubakar al sidiiq agtiisa laga
dhisay guryo la kireysto weliba dadka dan yarta ah
qayb loogu talo galay. Gurigaas oo aad u weyn
waxaa uu ku yaalaa 2929 Chicago Ave South
Minneapolis Gurigan waxaa uu ku yaalaa meel u
dhaxayso labo masaajid kuwaas oo kala ah Masji
Abubakar iyo Masjid al Iimaan. Waxaa kale oo
aan ka dheerayn masaajidyada Umatu Muxammad, Al-towxiid,
iyo masjid Cumar iyo labada suuq ee aadka u waaweyn
ee Soomaaliyeed Karmal Mall iyo Mallka 24ka.
Gurigan dib u habaynta
lagu sameeyay waxaa la yiraahdaa Midtown Exchange
Apartment. Ka dib markii la arkay horumarka
iyo soo noolaynta ay immigrants ku sameeyeen Lake
Street muhaajiriintaas oo u badan Latino iyo Somali
ayaa ganacsato kaashanaysa shirkadda weyn ee Allina
iyo madaxda magaalda Minneapolis iyo Congressmenka
Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Coleman,
Senator Dayton, Congressman Sabo waxaa suurtogal
noqotay in Midtown Echange dib loo dhiso weliba
Global Market uu noqon doona suuq caalami ah marka
la furo.
Global Market waxaa
talada lagu dhisay wax ka lahaa nin Soomaaliyeed oo
la yiraahdo Hussein Samatar oo ah madaxa hayada
African Development Center. Degaankan waa mid afka
Soomaaliga lagu qoray meelkasta maalinta furitaanka
Amiin Caamir ayaa ku soo bandhigi doonaa farshaxan
Soomaaliyeed. Waxaa kale oo ka soo qaybgeli doona
madaxda gobolka iyo dadweyne badan.
Xafladda furitaanka
Midtown Exchange
& Global Market.
June 3, 2006
saacada markay tahay 10:00 subaxnimo ilaa 4:00
galabnimo
Kala xiriir Guryaha
Midtown Echange 612-823-1104
Global Market business
African Development Center 612-333-4772
|