WARARKII JUNE 2, 2006
- Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan
Liibiya
- MAAMULAHA DUGSIGA MAKA AL MUKARAMA ” WAXAA INOO
SOCONAYO IMTIXAANKII SHAHAADADA DUGISGA DHEXE LOOGA BAXAAYEY .
- Wefdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo soo gaaray
Sweden
Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan
Liibiya Madaxweynaha dowlada federaalka kmg soomaaliya mudane
C/laahi yuusuf axmed iyo wafdigiisa ayaa Khamiistii ka
qeyb galay shirkii todobaad ee dowladaha siin-saad ama
saaxil-wasaxaraa oo ka dhacayey dalka libya, shirka
ayaa waxaa furay madaxweynaha dalka libya mucamar al
qadafi.
Waxuuna madaxweynaha libya ka hadlay wadamada
ka mid ah ururgoboleedkan ee dhibaatadu haysato
dalalkooda sida eretaria, daafuu,r soomaaliya, qaasatan
waxuu ka hadlay dalka soomaliya sidii looga qaban
lahaa amaan darida ka jirto iyo dhibaatada iyo
macluulsha, waxayna yabooheen dowladaha saaxil
wasaxaraa in ay soomaliya la garab tagan yihiin
cidamo iyo weliba taageero, waxaana loo saaray guddi ka
soo shaqeeyo arimahaas waxaana soomaaliya ugu jira
gudigaas ismaaciil maxamuud hurre buubaa oo ah raiisul
wasaare ku xigeenka ahna wasiirka iskaashiga gobolada
shirkan oo ku eg gebi ahaanba maalinta beri ah ayaa u
muuqdi mid ahmiyad iyo guul weyn ugu fadhiya dowlada
dalka soomaliya gaar ahan dowlada federaalka
soomaaliya
wafuudi ka soo qeybgashay shirka dhamaan waxaa xalay
loo sameeyey casho sharaf cashadaasi oo uu u sameeyey
madaxweynaha martida loo yahay waxaa dhanka soomaliya
ka qeyb galay ismaaciil maxamuud hure buuba, madane
salaad cali jeelle iyo xubno kale
.
Wafdiga ka soo qeybgalay shirka ayaa ka kooban
15 xubnood oo isgu jira safiiro iyo wasiiro, xildhibaan
iyo xoghayn la taliyeyaal shirkan oo Jimcada
xirmaya. Saciid anteno
saciidanteno@yahoo.com
MAAMULAHA DUGSIGA MAKA AL MUKARAMA ” WAXAA INOO
SOCONAYO IMTIXAANKII SHAHAADADA DUGISGA DHEXE LOOGA BAXAAYEY .

Dugsiga h/dhexe ee maka al mukarama wuxuu ku yaalaa degmada yaaqshiid ee
magalada muqdisho, Wuxuu hoostagaa dalladda FPENS waxaana iska kaashaday
hirgalintiisa dhalinyarada islaamka ah iyo bangiga horumarinta islaamka.

Waxqabadka dugsiga waxaa ka mid ah aqoon kororsi ,warfaafinta, caafimaadka,
sportiga

Wuxuuna qeyb ka yahay ilaa afar dugsi oo kale ah dugsiga h/dhexe iyo sare ee
macalin jaamac ,dugisga h/dhexe iyo sare ee janaraal daauud , dugsiga h/dhexe
iyo sare ee jaabir bin xayaam oo isagu waxbarasdhadiisu ay tahay luqada
englishka
Waxaana gacan ka geysta dhaqaalihiisa waalidiinta ardayda oo bixisa bishiiba
$10 dolar oo fii ah tan iyo markii la aasaasay waxaa ka qalin jabisey arday
gaareyso 450. arday wuxuu ku sheegay dhibaatooyinka ku soo noqnoqdo xabadaha
iyo dagaalada sokeeye oo uu ahaa kii ugu danbeeyey ee dib u dhac ku sameeyey
qabashada imtixaanaadka mudo todoba cisho ah.

Cabdulahi maxamed maxamuud ( QOSLAAYE ) oo Ah maamule ku xigeenka dugsiga h/dhexe
ee maka al mukarama ayaa ii sheegay in wax barashadu ay laba u qeybsan tahay
koorso degdeg ah iyo waxbarsho caadi maadooyinka la dhigo ayuu sidoo kale ku
sheegay qoslaaye in ay ka mid yihiin xisab, joqrafi, taariikh, seynis,
caafimaad, tarbiyo wadaniya = oo la mid ah muxaadirooyin.
Sidoo kale wuxuu maamule ku xigeenku intaa ku daray in dugsigu uu heysto
sadax shahaado sharaf oo uu ku helay howl Karnimo dheeraad ah waxeyna kala
yihiin shgaahaadooyinkaasu (1) mid uu ku helay ciyaaraha fudud (2) mid uu ku
helay baaskidka (3) iyo mid uu ku helay akhrinta quraanka kariimka ah

Maamulaha dugsiga h/dhexe ee maka al mukarama cabduqadir maxamed xasan ayaa
sheegay in ay u socdaan ardada dugsigaasi imtixaankii shahaadada dugsiga
dhexe looga baxaayey isaga oo sheegay in talaadada la soo gabagabeyndoono
wuxuuna xusey in dugsigaani uu ka mid yahay jimciyada maka al muka rama ee
ka tirsan dalada Fpens isaga oo xusey in ay waxka bartaan arday kor u
dhaafeyso 530 oo kala ah 390 arday oo lab ah iyo 140 dhedig ah labada
gelinba ayna wax ka dhigaan macalamiin gaareyso 15 oo jaamiciyiin ah .
Wuxuu sheegay maamuluhu in dugsiga maka al mukarama oo la furey sanad
dugsiyeedkii 2003/2004 uu sanadka danbe ku soo biiri doono qeybta dugsiga
sare oo hada ardada dhameysatey ay waxbarashada dugsiga sare ku qaataan
dugsiga h/dhexe iyo sare ee macalin jaamac oo ay ka wada tirsan yihiin
jimciyeda maka al mukarama .
Cabduqadir maxamed xasan wuxuu sheegay in wada shaqeyn wanaagsan ay kala
dhaxeyso dadka deegaanka degmada yaashiid ee uu dugsigu ku yaalo wuxuuna
xusey in ay ka xun yihiin iyaga iyo waalidiintuba dagaalada ka soo
cusboonaaday deegaanka sii sii ee hakadka geliyey howlihii imtixaanaadka
dugsigaasi .
dugsiga maka al mukarama ayaa ka kooban 13 fasal waxaana la dhigtaa 5 cisho
todobaadkii iyada oo ardayduna ay ku qaataan maadooyinka tarbiyada islaamka,
luqada carabiga, somaliga. Juqrafiga, xisaabta , taariikhda ,iyo sayniska
wuxuuna u rajeeyey ardayda ka qeybgalaysa imtixaanka shahaadada dugiga dhexe
guul iyo natiijo wanaagsan

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Mogadishu – Somalia
002521576666
002521653623
Wefdi
ka socda Dowlada Soomaaliya oo soo gaaray Sweden
Ikraam Cali-kaar
Wefdi uu hogaaminayo wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee
dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/risaaq Cismaan Jurile iyo xubno kale oo ka
tirsan dowlada ayaa habeenkii xalay ahaa waxey soo gaareen magaalada
Stockholm ee caasimada Sweden, halkaasoo maanta uga bilowday booqasho
qaadaneysa labo cisho.
Ujeeda wefdigan ayaa la sheegay iney
dowlada Sweden ay kala tashanayaan shirka loogaga hadlayo arrimaha
Soomaaliya ee ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka, Qaramada Midoobay iyo
Midowga Yurub kaasoo lugu wado inuu qabsoomo dabayaaqada sanadkan aynu ku
jirno.
"Waa wax aad u wanaagsan inaan hada helno
fursad suurtagal ah oo aan kaga doodno xaalada iyo isbadalada siyaasadeed ee
haatan Soomaaliya lugaha la gashay si deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay gar
gaarka u gaarsiiyaan" ayey tiri Annika Bjuner Söder oo ah afhayeenka dowlada
Sweden islamarkaasina u xil saaran soo dhaweynta wefdiyada soomaalida ah ee
dalkan imanaya.
Maalinta berito ah ayaa lugu wadaa in Annika Söder iyo wasiirka iskaashiga
caalamiga ah shir jaraa'id ku qabtaan wasaarada arrimaha dibada Sweden
halkaasoo ay kaga wadahadli doonaan waxyaabihii kasoo baxay kulanka ay
madaxda Soomaalida la yeesheen mas'uuliyiinta dowlada Sweden.
Faafin:
SomaliTalk.com | June 2, 2006
Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah oo dagaal kula wareegay Suuqa Xoolaha
»Gudoomiyaha
Hay’adda INXA oo welina ku Xiran Bosaaso..
»Madaxweyne C/llaahi
Yusuf oo Mareykanka ka dhaadhiciyay
»Max’ed Dheere oo ay
la socdaan dhowr Tikniko ah oo soo..
»Colaado baryahan ka
jiray Gobalka Hiiraan …
»Dalladda Culumada
Soomaaliyeed oo u soo jeediyay in..
Wararka oo dhan
ka akhri... Guji... Jun 1
Warar GooGoos ah:
May 31
»Ugaas Max’edWali "Bashiir
markii laga awood roonaaday..
»Aqoonyahano
Soomaaliyeed oo Sawiro iyo Warbixino u...
»Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf oo ka qaybgalaya Kulan ay ..
»Hay’adda ICRC oo ka
dalbatay Muuse Suudi in uu...
»Guddoomiyaha G/Banaadir
oo shalay soo gebgabeeyay..
»Max’ed Dheere oo lagu
eedeeyay in uu ku lug leeyahay..
»Hay’adda Xaquuqda
Aadanaha ee Gaashaan oo...
»Xubnihii Golaha
Deegaanka ee Baydhabo oo...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... May 31
Minneapolis/St. Paul: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho lagu Diley
|