SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qandaraasyadii Dhimashada!!....

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Halkaan ka daawo Diifta iyo Darxumada Dagaalka .


Qandaraaska, lugooyada iyo dhimashada weli shacabkuu darafta ku dhegan yahay, Qandaraaskaan hadda ma uusan bilaaban waqti aad u fog ayuu isa soo taxnaa, 1993-dii ayaa qandaraas la yaab leh waxaa la soo hor dhigay shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii Ciidamadii uu Mareykanku hor kacayay ay Soomaali ka dhaadhiciyeen in Bahalka Dabacadeedaha la yiraahdo uu waxtar fara badan leeyahay, markiiba waxaa la geliyay qalabka warbaahinta taasoo lagu sheegayo in qofkii soo qabta Dabacadeeye la siin doono dhowr boqol oo Doolar, markiiba shacabkii iyagoo dheg la qabto lahayn ayay qandaraaskii hal haleel u ugu dhaqaaqeen, isma oran in qandaraaskaasi uu keeni karo dhimasho, maalin maalmaha ka mida ayaa nin Baakad soo dhex geliyay labo Dabacadeeye, waxa uu la soo raacay Gaari BL ah, intii jidka lagu soo jiray ayaa Dabacadeeyihii waxa uu ku dhex fakaday Gaarigii, markiiba waxaa Gaarigii si hal haleel ay uga booday labo gabdhood, mid Gaarigii ayaa jiiray midna dhaawac halis ah ayaa soo gaaray.

Waxaa xigay Qandaraas kale oo ah in ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya laga dhaadhiciyo in Eeyaha ku sugan Soomaaliya ay yihiin kuwo caqli badan oo waxtar leh, shacabka ayayna iyana ka adeejiyeen oo qofkii keena waxaa la yiri waxaa la siinayaa dhowr boqol oo Doolar, shacabkii ayaa bilaabay in baadi goobaan Eeyihii, waxaa dhacday in Eey la soo qabtay markii uu nafta u yaabay uu xaqiiniyo goostay ninkii watay, isagiina halkii ayuu ku dhintay, Alla Qandaraasyada mar kasta un maxay u keenaan dhimasho, maxaysanna shacabku u lahayn caqli duxa oo ka fiirsta waxa loo dirayo?.

Qandaraasyada shacabka loo diray ma yara, waxaa dhacday in labo Dhallinyaro ah oo sheekeysaneysa uu midkood yiraahday ”war heedhe qandaraas ayaan inoo hayaa ee Leenkaas ma soo xiri kartaa” ”Oo waa maxay” ayuu weydiiyay kii kale ”Gudniinka Fircooniga ah Caalamku ma ogola, sidaa darteed waa in aan waxoogaa Sunuud ah uga raadsanaa oo aan bilownaa wacyigelin dadka looga digayo gudniinkasi” ayuu ugu hadal celiyay.

Waxaa dhacday in Haweenay iyo gabdheeda oo isla socda ay tageen wadanka Jarmalka, gabadhii ayaa waxa ay ku calaacashay ”Hooyaday waxay ii guday gudniinka Fircooniga ah” markii gabadhii la baaray ayaa Habartii dib loogu soo celiyay dalka, markii laga soo dejiyay Garoonka Balli-Doogle ayaa markii ay mareyso agagaarka Afgooye, waxaa la rogmaday Habartii gaarigii, halkii ayayna ku dhimatay, waxaa yaab ah in mar kasta oo la fulinayo Qandaraas ay dhibaato ku lifaaqantay sida dhimasho iyo arrimo kale.

Laba Dhallinyaro ah ayaa midkood kii kale u soo jeediyay mashruuc cusub oo uu isagu si hoose u soo qaatay, ”oo muxuu yahay?” ”war haddii aan tirakoob ku sameyno dadka cudurka Aids-ka qaba ee dalkeena ka waran soo mashruuc na kaafin kara ma ahan?”, ”Saaxiibow waa runtaa” inta uu yiri ayay horey ugu dhaqaaqeen.

Labadii Dhallinyaro ayaa furtay Shaybaar si ay ugu baaraan dadka cudurka Aids-ka qaba, waxaa maalin u yimid nin Dhallinyaro ah oo doonaya in laga baaro cudurka, markiiba waxaa la yiri waxaad qabtaa cudurka Aids-ka, nasiib daro markii ninkii loo sheegay warkaasi naxdinta ah, waa uu dhacay, markii la gadgadiyayna waaba nin mayd ah.

labo ka mida qandaraas qaatayaasha waaweyn oo wada hadalya ayaa midkood isna goobta wada hadalka la yimid qandaraas uu wato, waxa uuna ku wargeliyay saaxiibkiisii in qandaraaskaani uu u baahan yahay Rag xaniyo leh oo hubeysan, ”oo waaba yaabe, muxuu ahaa qandaraaska noocaana armuuba baxar na geliyaa, muxuuse yahay?”, ”War fuleynimada waan kugu aqiine, intaad ka baxdo arrintaasi, horta qandaraasku waa mid ka duwan kuwii hore, oo waa mid keeni kara khasaaro fara badan dhimashaba ha ugu horeysee, laakiin dhinaca kale waxaa uu ku wataa nacfigiisa, oo Fuluus ayaa sabeynaya, ee marka saaxiib sidaa weeye ee maxaad ka leedahay?”, ”war waan yaabanahaye ee warka si fiican iigu faahfaahi” ayuu kii kale la kadaloobsaday. ”Horta war niyuu nab dheh, waxaad og tahay in baryahan dambe caalamku uu la dagaalamayo kooxo lagu sheegay Argagixiso, sidaa ooy tahay, maadaama argagixisada lagu sheegay in ay yihiin kuwo firdhad ah, dalkeena soow ma soo gaari karaan, soo sidaa uga faa’iideysan karno....” ”War jooji jooji, qandaraaska noocaan oo kale ah waxaa iska leh ragga hubeysan oo iyagaa arrimaha noocaa oo kale ah loola tagaaye orodoo la ag tag” Isku soo wada duuboo qandaraasyo bada oo dhimasho iyo halaag leh waan soo aragnay, Illaahayoow midka maanta socda naga badbaadi, dalkaan iyo dadkaan cid u naxariista ma jirto.

###

Mudane waa ku sidee....

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD