Hooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane,
Qiil gargaar ma ii haray” Axmedey
Abshir Maxamed waa 8-jir dhibane ah, kana soo jeeda qoys sabool ah,
xaaladooda dhaqaale Alle og yahay, sidaa oo ay tahay Axmed, sida
Takhaatiirtu caddeeyeen maskaxdiisu waa mid u shaqeyneysa sidii dhallaan
jira 6 bilood, iyadoo da’diisu tahay 8-jir.
Hooyo Faadumo Xuseen oo dhaqaalaheedu
aad u liito ayay wiilkeeda gaysay goobo caafimaad si ay xal ugu hesho,
nasiib daro, Dhakhaatiirta Dhimirka iyo Xidida waxay sheegeen in
wiilkaan aan dalka waxba looga qaban kari, balse ay fududdahay
xaaladdiisa caafimaad haddii dibadda loo qaado, sidaa darteed Hooyo
Faadumo ayaa iyadoo tiiraanyeysan ka hadashay sida ay u badbaadsan
lahayd wiilkeeda bukaanka ah, isla markaana uga heli lahayd gargaar
Bini’aadannimo Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Caalamiga ah, Hooyo
Faadumo iyadoo wiilkeeda Gabanka ah dhabta ku haysa waxay tiri, ”waxaan
ah ay cayr fara maran, Wiilkeygana uma awoodo in aan la tacaalo, sidaa
darteed, dadka Soomaaliyeedow wax I tara in Illaah wax idin taro
Haddii aad u gargaareysid ka soo xiriir
Faadumo Xuseen Maxamed
Tel 2521-516057
ama kala soo xiriir
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
ama
amiinkhasaaro@yahoo.com
Tel 2521-532494
|