SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII JULY 31, 2006

  • Diyaarada Jubba Air-ways oo noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano kaddib  ka soo degtey Goroonka Diyaaradaha Muqdisho..
  • C/llaahi Yuusuf oo soo dhaweeyay Kalsoonidii uu ka helay Baarlamaanka..
  • Ma dhabbaa in Ciidamada itoobiya ay ka Bexeen Qaybo ka mid ah..
  • Banaanbax lagu taageerayo Geeddi oo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.. 
  • Mudaaharaad ka Dhici Doona London kaasoo looga soo Horjeedo Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya
  • Garaad Jaamac iyo safarkiisii beerta nabada








Waxaa wararka isku soo dubaridey
Amiin Yuusuf Khasaaro | Muqdisho, Soomaaliya
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Diyaarada Jubba Air-ways oo noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano kaddib  ka soo degtey Goroonka Diyaaradaha Muqdisho..

Maalintii shalay ahayd ayaa diyaar ay leedahay shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways ku soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waana diyaaraddii ugu horeysay oo ganacsi ah oo 11-sano kaddib ka soo degta Garoonkaasi.

Diyaaraddaani oo gelinkii hore iyo kii dambaba shalay soo kaca dhigatay ayaa markii hore waxay keentay Xamuul, Markii dambana waxay keentay dad rakaab ah oo ka yimid Yurub iyo Carabta.

Haweenay ka soo degtay Garoonka ayaa farxad darteed la ilmeysay, iyadoo dhunkatay ciidanka Garoonka, waxayna ku hadaaqday  “Waa Illaahii mahaddii maanta, arrintaani waxay nooga timid xag Alle”.

Nin kale oo isna ka soo degay garoonkaasi ayaa waxa uu yiri “Afar bilood ka hore waxaan ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Belidoogle, waa safar dheer, diyaaradda oo aan ka soo raacay Dubai iyo inta aan u soo socday Muqdisho, waxaa dhawaa intii aan ka soo socday Dalka Imaaraadka Carabta.

Diyaaraddaan ayaa imaanshaheeda waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda in diyaarado kale oo ganacsi ah ay ka soo degaan garoonkaasi, iyadoo garoonku uu weli u baahan yahay xoogaa dayactir ah.

C/llaahi Yuusuf oo soo dhaweeyay Kalsoonidii uu ka helay Baarlamaanka..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa si weyn u soo dhaweeyay kalsoonidii Cali Max’ed Geddi uu ka helay Golaha Baarlamaanka, waxa uuna sheegay in taasi ay muujineyso in shacabka   Soomaaliyeed ay heleen Dowlad, C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in dad yar oo ka tirsan Baarlamaanka ay fahamsan yihiin wax la yiraahdo dowladnimada, kuwa kalana ay yihiin kuwo doonaya inay burburiyaan Dowladda Federaalka.

Markii uu Geeddi codka kalsoonida ka helay Golaha Baarlamaanka, waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxayna isla soo qaadeen sidii Xubnaha Dowladda loo balaarin lahaa waxna looga bedeli lahaa qorshayasha Dowladda ee dhinaca dib u heshiisiinta iyo dib nabadeynta, sidoo kale waxa uu Ra’isul Wasaare Geeddi kula la yeeshay Golihiisa Wasiirada, waxa uuna u sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacaabi doono xubnaha ka maqan Dowladda. 

Ma dhabbaa in Ciidamada itoobiya ay ka Bexeen Qaybo ka mid ah..

Ciidamada Itoobiya oo todobaadyadii la soo dhaafay si aad ah u soo buuxiyay gobolo ka mid ah dalka, gaar ahaan  Gobalada Gedo, Bakool iyo Bay ayaa wararkii ugu dambeeyay waxay sheeayaan in ciidamadii Itoobiya xoogoodii ay ka baxeen gobaladaasi, waxaana ku haray ciidamo aan sidaasi u badneyn.

Sababaha ay ciidamada Itoobiya u baxeena ayaa lagu sheegay in ay tahay markii uu cadaadis uga yimid qaar ka mid ah Wadamada IGAD, Mareykanka, iyo xisbiyada ka dhisan Dalka Itoobiya, kuwaas oo sheegay in Itoobiya ay faragelinta ka dhaafto arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa ciidamadaasi isaga baxeen dalka kaddib markii Ereteriya ay iyana la safatay dhanka Maxaakiimta. 

Banaanbax lagu taageerayo Geeddi oo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.. 

Banaanbaxyadaas oo dadkii ka qaybgalay ay ku dhawaaqayeen “Dowlad diid doonimeyno, Doolar qaate doonimeyo” iyo ereyo kale oo la mid ah, sidoo kale Banaanbax kuwaan la mid ah waxay ka dhaceen Magaalada Baydhabo oo xarun ah Dowladda Federaalka, waxayna ku dhawaaqayeen “Soo Dhawoow geeddi” “Weligeen waan ku garab taagnaaneynaa, Dowlad diid ha dhaco”.

Geeddi ayaa u mahadceliyay intii gacanta ku siisay in uu mar kale dib u hogaamiyo Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in haddii uusan shacabka ka helin taageero uusan wadi Karin dowladiisa, waxa uuna u soo jeediyay shacabka in ay gacan ku siiyaan howlaha Dowladda, waxayna banaanbaxyadaas ku dhamaadeen sidii loogu talagalay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Mudaaharaad ka Dhici Doona London kaasoo looga soo Horjeedo Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya


Tilmaanta Safaarada

Maalinta Jumcaha Taariikhda; 04/08/06 Saacada; 02:00 pm ilaa 05:00pm Goobta: Safaarada Itoobiya ee UK: Cinwaanka: 17 Princes Gate, London SW7 1PZ, UK

Codkaada ku Difaac Dalkaada

 "Waxa ugu yar ee aad Munkarka ku reebi kartaa waa in codkaada ku diido"

Waxaa dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska loogu baaqaya in ay kasoo qaybgalaan Banaanbax wayn oo ka dhici doona Safaarada Itoobiya ee UK. Banaanbax oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa looga soo horjeeda ciidanka Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo faragelinta arrimaha siyaasada soomaaliya.

Sida aad la socotaan Itoobiya iyadaa hortaaga wadahadalka dawlada iyo Maxkamadaha.

Diidmadaada ku cabir wado sharci ah, yuu walaalkaa u ciiloon codkaada, yeysan cabashadeenu ciil ku ekaan ee codkaada banaanka keen.

Raggii hibada loo dhiibey, iyagaysku haysta'e
Wixii shicibku ku hadlaayey, hoos looma eegine
Haaraha wax noo yeelay, halaskaannu jiidhnaye
Dibjirkii ku hawshooday, waakaa harraadaye
Habka maanta ii muuqday, kii hore ma dhaamo'e
Intaan Xabashi hibanaayo, Dalkanaa Hayaay lehe
Hubka debedda laga keenay, mid hagaagsan maaha'e
Inagoo u wada heegan, hadh-galuu na dhaafaye
Dar uunbaa hareertooda, Halla-daadinaayaye
Ninka ceebta hurinaaya, ku hullaabi mayno'e
War yaan laysu hoosaain, Halaqyaa gudaaya'e
  (Dhoodaan)

Laxiriir: somali@somaliconcern.org


Range Resources oo si Qarsoodi ah dad ugu dirsatay Degaanka Buruc, Shacabkuna ay Arrintaas ka digeen...

(SomaliTalk.com, Boosaaso: July 30, 2006):- Warar ka imanaya degaanka Buruc ayaa sheegay in dad ay dirsatay shirkadda Range Resources ay si qarsoodi ah ku tageen inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qandala, gaar ahaan waxaa warku sheegay in ay tageen agagaarka magaalada Buruc xagga xeebta oo dhanka Bari ka xigta Boosaaso, magaaladaas oo shacabka deggani ay hore ugu digeen una sheegeen in shirkadaasi aysan imaan degaankaas.... Warka oo dhan


TAHNIYAD AROOS

Arooska C/weli Salaad Cali (hogato) iyo aroosada Muna Jaamac Xirsi

  • 1 Eng mohamed abdi said (sagac)
  • 2 ENG issa osman farah
  • 3Mohamed salad said (bidhii)
  • 4 yusuf aman shire
  • 5 c/rashiid omar ismail (ismalure)
  • 6omar shire yusuf
  • 7 jamac omar mhamud (xanaano)
  • 8 mohamud mire jaamac yusuf (xaaji khyr)
  • 9 c/kaafi mire adan (cobol)
  • 10 yusuf mohamud said (xanaf)
  • 11 mohamed sujuur
  • 12 idle mahamed shire (alkha)
  • 13 c/risaaq ugaaska (ugaaska)

dhamaan ardayda wax ka barata wadanka india iyo dadka aan kor kusoo xusnay waxay tahniyad iyo bogaadin u dirayaan arooska c/weli salaad cali (hogato) iyo aroosada muna jaamac xirsi oo arooskoodu ka dhacay caasumada wadanka ethopia waxaanu haddaanu nahay bahdi reer india noqda kuwii isku waara ubad kheyrna ka laha hela

by : ENG MOHAMED ABDI SAID (SAGAC)
HYRABAD INDIA
sadaam1991@hotmail.com


Garaad Jaamac iyo safarkiisii beerta nabada""

Waxaa bilowday socdaalkii aan ugu magac daray safarkii beerta nabada ee Garaad jaamac hada socdaalka garaadka iyo cuqaal badan ayaa wuxuu ka bilowday deegaanka boocame iyo karan karfood socdaalkaakiina wuxuu kubilowday sidan Subaxnimadii Isniintii aynu ka soo gudubnay , ayaa waxaa magaalada laascaanood ka anbabaxay wafti balaadhn oo uu hoggaaminayey Garaad Jaamac garaaad cali , waftidan ayaa ka koobnaa , Garaaddo Cuqaal . iyo Odoyaal dhaqameed,Wafdidan ayaa u jeedada socdaalkoodu ahaaa sidii ay u gaadhsiin lahaayeen dhammaan deegaanada SSC , dhawaan baq ay soo saareen Cuqaasha gobolada Sool Sanaag iyo Cayn , Baaqan ayaa ka hadlayey kuna saabsanaaa Adkaynta Nabad galyada , iyo Ilaalinta Deegaanka

Hadaba waftigan ayaa socdaalkooda ka bilaabay oo ugu horaystiiba booqday Tuulada Karin dabayl wayn , waxayna judhiiba bilaabeen in ay gaadhsiiyaan baaqii socdaalkoodu ku yoolayey .

Ka dibna waxay u gudbeen dhanka Hawdka bari oo ay ka mareen deegaanada kala ah , Qorilay , Karin karfood – halkan waftidu way ku nasatay waana lagu sooryeeyay iyaga oo habeenimadiina u hoyday - , Boocame – oo ay ku waabariisteen jiirtii hore ee subaxnimadii Talaadada - .

Markii ay waftidu soo dhammeeyeen goobihii ay ugu tala galeen in ay ka booqdaan deegaanka Hawd bari , waxay u jihaysteen dhanka Nugaasha .

Horaantii socdaalka Nugaasha waxay waftidu abaaro 9 kii barqanimo ee subaxnimadii talaadad ku gaadheen Tuulada Caroolay , halkaas oo waftidu isugu wacday dhammaan dadwaynaha degen halkaas oo geed hadhkiis loogu bayaanshay u jeeedka socdalka , looguna gudbiyey Baaqii Nabadda .

Abaare 11 :30 isla subaxnimadii Talaadada ayay ahayd , markii uu waftigu Caleemo qoyan ,sacabtum iyo faantaastiye balaadhan lagaga soo dhaweeyey Degmada Taleex .

Galitaanka degmada taleex ee waftidu waxa uu ahaa mid aaad u xiisaleh labada dhanba , waftiga qaar kamid ah ayaa aaad ugu faraxsanaa in ay manta arkaaan degmada taariikhiga ah ee Taleeex , iyaga oo waliba nabad kala hadlaya .

May nasan waftidii , markiiba waxay baraysteen geedka loo yaqaan Geedka Gadafta leh oo loo sii goglay ‘.

Waxay bilaabeen waftidii , in ay u akhriyaan baaqii ay wadeen ee Nabadda iyo ilaalinta deegaanka , dhamaanba dad waynihii isugu soo banbaxay Magalada taleex .

Waxaa dhanka waftida u hadlay , ugu horayn Garaad Maxamuud Mashaqare , Garaad C/salaaan xasan Maxamed , iyo 5 caaqil , waxaa kaloo isna geedkaas ka hadlay Axmed Maxamed Kaarshe oo ahaa oday ka socday Jaaliyadda dibadda .

Markii waftigaasi u soo gudbiyeeen wax garadka degmada taleex Baaqii nabadda , waxaa hadalkii lawareegay odayaashii iyo kasmoolaydii reer taleex , oo si buuxda u taageeray baaqaas ku saabsan Nabadda iyo deegaanka ,waxayna Guddoonsiiyeen Geenyo Garaad jaamac G cali , ugu danbaystiina waxaa hadalkii soo gunaanaday Garaad Jaamac Garaaad Cali .

Shirkii markii uu dhammaaday , waxay dhammaanba waftidii booqdeen Xarumihii Daraawiisheeed .

Casar liiqii isla maalintaas waxay waftidu gaadheen tuulada Godaalo , - habeenkii ayay u hoyden oo lagu sooryeeyay - , waxaa markii uu waagu baryay geed hoostii la isgu yeedhay dadka deggan tuulada Godaalo , waxaana loo soo badhigay Baaqii Nabadda iyo ilaalinta deegaanka , si buuxda ayayna u soo dhaweeyeen reer godaaalo baaqaas , waxayna goobtii ku guddoonsiiyeen Garaad jaamac G cali Gabadh iyo Faras

12 : 30 duhurnimadii maalintii arbacada ayay gaadheen waftidii Degmada Xuddun , halkaas oo ay shirk u qabteen geedka looyaqaan Halleeye , halkaas ayaana reer xuddun loogu soo bandhigay Baaqii Nabadda iyo ilaalinta amniga , markii u waftidu hawshoodii guteen ayaa hadalkii u gudbay dhanka odayaasha degmada xuddun , waxayna sheegeen in ay aqbaleen oo taageereen Baaqaas . goobtiibayna garaad Jaamac G cali ku gudoonsiiyeen , Faras .

Goordanbe Oo casar gaaban ah ayaa waftidii Garaadadda Cuqaasha Iyo Duqaytida Ka koobnaa Soo gaadheen magaalada Hol hol , Waxa uu markiiba waftigu bilaabay hawlihiisii iyo fidinta barnaamijkii nabadda , si gaar ah deegaan holhol oo dhawaanahan Xaalado kacsan ka jireen ayaa waftidu si ay wax uga taraan hawlaha ku soo biiray deegan Hodman ee holhol ay ka bilaabeen barnaamijyo dheeri ah oo dhanka nabadda ah

halkan ka daawo sawiradii garaadada iyo cuqaasha socdaalkii nabada iyo deegaanada ay soomareen

Sawirada Halkan ka Daawo.... GUJI...

Waxaa Somalitalk soo gaarsiiyey
abdirizak adam ali kaneec kaneec1@hotmail.com  
 


Ra'iisul Wasaare Geedi oo ka Badbaadey in Xilka laga qaado kadib markii …
88 xildhibaan ayaa u codeyey in xilka loo daayo, halka 126 xildhibaan u codeeyeen in xilka laga qaado...
AKhri

Ra'iisul wasaare Geeddi oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan...
»
Cabdalla Deerow muxuu aaminsanaa intii aan la dilin..
»Ma dhabaa in Madaxweyne C/llahi uu habeen ku soo baryey
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo u digay dadka ku ganacsada..
»Cali Max’ed Geeddi oo kulamo gooni gooni aha la leh.
»Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada Byadhabo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... July 30

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD