Marxuum Deeroow Xabaal Galyaye, Xukuumadda Geeddi ma ka
Dabo Geleysaa
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
July 29, 2006
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis
nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu naxariistiisii
janno geliyo wasiirkii dastuurka,
Cabdalla Deeroow
Isaaq. Ehelladii, qaraabadii iyo dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimmaan ka
siiyo.
Waxaa geesinimo ugu filin in raggii dowladda
ugu sarreeyey oo aashuun ku addima Jowhar markuu Maxamed-dheere heystay in
marxuum Cabdalla uu afkiisa furtay mar uu qoonsaday siyaasadda Maxamed-dheere
khaasatan markii Maxamed-dheere heshiis aan taabbogelin la galay Indho-cadde.
Waxaan marxuumka ku leennahay sidii nin gabyaa ahi uu gabyaa kale ugu duceynayey
wuxuu yiri:
- Doorroone mawdkii hadduu,
dunida kaa dheelmay
- Malag Eebbe soo diray
hadduu, maradii kaa diiray
- Gegi ay dillaacsheen
haddii, lagugu hoos duugey
- Rabbi kuu dallaayadi
qabriga, labada daamoode
- Oo derejo dheer iyo ku
saar, dadab sariireede
- Ku dangiigso meel roon
adaan, diinta caasiyine
- Denbidhaaf lagaa yeel
wadaad, daahiraad tahaye
- Durdurkii firdowsiyo ku
waar, daar naciimo ahe
- Duddadii Rasuulkiyo la
showr, duul malaa’ig ahe
- Dulinkii cadaabeed Ilaah,
kaaga derejeeye
- Jahannamo ka durug
waadigii, daacadda ahaaye
- Dahrigaaga naartii Allow,
aanay ku doobbayne
- Dulmi nimaan aqoon
Aakhiraa, dabaq la seexshaaye
- Nin dallacay ahaw oo
waxaad, doontaba ha waayin
- Dunji xuuralcayn ihi
Jannada, kuu dabbaaldega’e
- Afartaas midaan kuu
dalboo, kuu durraansaday dheh
- Kalgacayl dun weyn oo
qalbiga, igu dahaarraa dheh
- Ducadayda aammiin in uu,
Daayin kuu qoro’e
Horta dhowr jeer baan maqalnay dad masaajid ka
soo baxay oo dariiqa lagu dilay laakiin intooda badan waxay dhaceen qorraxda oon
soo jeedin sida salaadda Maqrib kaddib ama Cishaha ama Subxiga. Sidaan la
soconno, Xamar dadka dhibta ugu badan ku qabay waxay ahaayeen dadka aan
hubeysneyn ama danyarta ah. Lama sheegin cabsi ay qabeen dagaaloogayaashii ay ka
mid ahaayeen kuwii la dagaalanka argagixisida laakiin iyagaaba laga baqijiray.
Hadda arrinta Baydhabo waa ka duwantahay. Waxaa la dhaawacayaa ama la dilayaa
xildhibaannada ama dadkii ugu caansanaa ee ka soo jeeday gobollada Baay iyo
Bakool!
Sidaan la soconno, Jimcuhu waa ciidda
toddobaadka ee muslimiinta. Marka yaa ku dhiirrankara in maalintaas iyo salaadda
sidaas loo weyneeyo qof mas’uulkaas oo kale ah lagu dilo duhur cad dhulkuu ka
soo jeeday? Horta sidaan marar badan xusay, hadda Ilaahay Xamar waa uga raayey
dilalkii noocaas ahaa. Anigu waxaan qabaa sida Soomaali badan qabto in arrintaas
ay ka dambeeyeen cadowga Soomaaliya oo Itoobiya u horreyso. Arrintaas waxaa
shalay ka dhawaajiyey guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha. Marka haddiiba ay
Xabashidu hadda Baay iyo Bakool heysato ma dhicikartaa iney sii wadato howlihii
lagu tuhunsanaa?
Dhowr qof baa i tiri maxaad diinta u
daliishataa markaan maqaallada qorayo?! Waxaan ku iri oo haddaan muslim ahay
maxaa ka fiican inaan diinta Ilaahay daliishado? Maxase kale oon daliishadaa?!
Bal hadda aan suugaanta Soomaalida dib ugu noqdo. Oo iyada lafteedu diin maka
dhammaaneysaa? Hal-abuurro Soomaaliyeed oo ka hadlaya dambiga kala geynkara rag
iyo dumar is raba. Midkood wuxuu yiri:
- sidaan ahay nin gaaloo
- Xarameynkii galayoo
- gubey maalin ciideed
- lagu soo gurmaday baad
- gebi dheer i saartood
- igu gooni baartee
- guur ha iga filanine
- gurigeyga ii dhaaf
Mid kale wuxuu yiri:
- ma deyrkii Makaan gubay
- dunidaaba olashee
Labada hal-abuur (ma hubo inuu isku hal-abuur
tiriyey) waxay wax u cabbireen sidii la rabay. Ma filayo in la helikaro qof
sidaas si ka sarreysa wax u cabbirikara. Maaddaama Ilaahay yiri: (WALKAAFIRUUNA
HUMUDDAALIMUUN) oo ah gaalada uun baa daalimiin ah. Haddii sida culumadu
sheegtay Ilaahay oranlahaa (WADDAALUMUUNA HUMULKAAFIRUUN) qof kastoo dulmi
sameeya wuxuu ahaan lahaa gaal. Marka naxariista Ilaahay baa wax kasta ka weyn.
Labada hal-abuur waxay soo qaateen qaar ka mid ah Shacaa’irta Islaamka kuwooda
ugu waaweyn sida iyadoo maalintii weyneyd ee Xajka la joogo oo dadkii Ilaahay
ciidayaan inta qof weerar ku soo qaado Masidka Xaramka uu gubo. Weliba bishii
Xajka iyo magaaladii Maka.
Waxaan aamminsanahay in falkii shalay lagu
dilay Cabdalla Deeroowna ay ka dambeeyeen gaalo iyo gaalo-raacyo maxaa yeelay ma
filayo in qof kale waxaas ka suurtoobikaraan. Marka dadka Soomaaliyeed ha arkeen
sida labada hal-abuur noo barayaan gaalada iyo ficilladooda. Waxaa shacabka
Soomaaliyeed laga rabaa khaasatan kuwa Xamar degen iney ka digtoonaadaan in mar
dambe ay soo noqoto dilalkii noocaas ahaa. Sida Sheekh Shariif idiin sheegeyna
aad feejignaataan oo qof walba ishii Soomaaliyeed noqdo oo naga jiraan
nacabkeenna. Haddii taasi dhacdo lama helayo qof nagu soo dhexdhuunta oo
diinteenna iyo dadkeenna wax gaarsiiya.
Xukuumadda Geeddi mala ridi doonaa? Horta anigu
jawaab uma hayo maxaa yeelay siyaasiyiinta Soomaaliyeed la iskuma halleynkaro.
Midkood maanta mabda’ iyo qof buu aamminsanyahay; berrina mabda’ iyo qof kaluu
jeebka kala soo baxaa sidii isagoo qof kale noqday. Laakiin haddii maanta oo
Sabti ah uu dhici lahaa waxaan is oranlahaa waxaa badnaa xildhibaannada ka soo
horjeedda Geeddi. Run ahaantii, sida ay siyaasiyiinta iyo xildhibaannadu
sheegeenba ma jirto wax loo sii hayo Geeddi. Waxba ma soo kordhin aan ka ahayn
soo gelidda ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya. Arrintaasi waxay dadka qaarkiis ula
muuqan kartaa guul!
Waxaan aamminsanahay inay tahay fursaddii ugu
dambeysay ee korneylka. Waxaa fiican in inta uu ceyrsho Geeddi uu tago shirka
Khartuum oo yiraahdo: waryaaya maxaa noo dan ah. Kolley Shariif Xasan iyo isaga
cidna jago uma diidana. Hadday taas diidaan waxaa dhicikarta in wasiirro iyo
xildhibaanno badan ay Xamar aadidoonaan. Haddeerba dadka Soomaaliyeed waxay ka
soo horjeesteen farogelinta ciidanka Itoobiya. Dad badan oo si uun ku soo
dhoweynjiray dowladda ayaa hadda ka gows adeygaya taageradeeda waxaana u soo
baxday inaan dowladdu tixgeliney rabitaanka shacabka marba haddey rabto inay
ciidan Xabashiyeed kala dhexdhigto iyada iyo shacabkeeda. Haddii korneylku ka
faa’iideysanwaayo fursaddaas waxaa dhicikarta in shacabka Baay iyo Bakool ay
sameeyaan kacdoon la mid ah kii Xamar. Ileyn shacabka gobolladaas waxay u
jeedaan sida Ilaahay maxkamadaha ugu soo diray Xamar. Waxay sidoo kale arkaan
sida markey Baydhabo soo galeen dagaaloogayaasha oon la kala saarin ay nabaddii
faraha uga baxday. Marka nasiibkey shacabka Baydhabo ka haleen dowladda waa
iyagoo waayey malaaqyo iyo xildhibaanno ay xushmeynjireen sidoo kalana laga
dhaawacay xildhibaanno iyo madax kale.
Waxaa maxkamadaha laga rabaa ineysan dayacin
ammaanadaas Ilaahay. Ilaahay guushaas nooma siiseen inaan ku raalligelino
shisheeye iyo cilmaaniyeen ee waxaa la rabaa inaan Ilaahay raalligelinno oo
kusii shukrinno. Waa loo baahanyahay in la soo dhoweysto odayaasha iyo qeybaha
bulshada oo dhan laakiin waa in mar walba arrinta Soomaaliya ay ka taliyaan
dadka waxna guntikara waxna ka go’aan oo caqliga u saaxiibkaa.
Maaddaama uu Cabdalla Deeroow maalin Jimce
go’ay waxaa fiicnaanlahayd in xukuumadda Geeddina go’do oo god gasho maalin Axad
ah ileyn waa maalin ku weyn Meles Zenawi iyo wixii raacsane.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan