SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

July 27, 2006
Tarjumadii SomaliTalk.com

  • Soomaalida haysta Sharciga Kumeel Gaarka ah oo 18-bilood loo Kordhiyey in ay sii Joogi Karaan Maraykanka...
  • Minnesota: Nin Xabsiga Loo Taxaabay kadib Markii uu Dhaawac Halis ah Gaarsiiyey Qof Dumar ah oo Hooyo u ah Canugiisa...
  • 20 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanak DFKMG oo is casiley

Soomaalida haysta Sharciga Kumeel Gaarka ah oo 18-bilood loo Kordhiyey in ay sii Joogi Karaan Maraykanka...

WASHINGTON: Soomaalida Maraykanka ku jooga sharciga kumeel gaarka ah waxa ay sii joogi karaan dalka muddo dheeraad ah oo ah 18 bilood, sidaas waxaa Khamiis July 27, 2006 sheegay waaxda USA u qaabilsan ammaanka ee loo yaqaan Department of Homeland Security (DHS), sida ay soo werisey wakaalada wararka ee AP.

"Iskama taagnaan karno annagoo aan waxba qaban, mana ogolaan karno in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo daafada dalka Maraykanka in loo celiyo gobol ay ka jiraan colaad iyo rabshado," sidaas waxaa yiri Sen. Norm Coleman, oo DHS kala shaqeeyey arrimaha la xiriira kordhinta waqtiga.

Waxaa la rumaysan yahay in Minnesota ay ku dhaan yihiin Soomaalida ugu badan ee dagan USA.

Sida ay sheegtay DHS, qiyaastii 250 qof ayaa sharcigan ah dib u cudboonaysiinta ka faa'iidaysan doona.

DHS waxa ay arrintan ku dhaqaaqday isla maanta (July 27, 2006) oo ay 20 ka tirsan Baarlamaanka (wasiiro) dowladda Soomaaliya ay is casileen ayagoo dowlada (Soomaaliya) ee aan awooda lahayn ku eedaynaha in ay ku guul daraysatay in ay dalka nabad ka dhigto, waa sida warka (AP) u dhigaye.


Minnesota: Nin Xabsiga Loo Taxaabay kadib Markii uu Dhaawac Halis ah Gaarsiiyey Qof Dumar ah oo Hooyo u ah Canugiisa...


Afif Abdiaziz Ahmed, 26-jir
 isha Sawirka: KSTP

Booliska magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa xabsiga u taxaabay nin lagu soo eedeeyey in uu dhaawac aad u daran garsiiyey ilaa ay suuxday qof dumar ah oo hooyo u ah canugiisa (ama isaga canug u dhashay).

Booliska ayaa waxaa telefoon 911 ah loo soo diray qiyaastii 3 a.m oo ah waaberi-soo-dhowaadkii Talaadada, waxaana booliska loo sheegay in Afif Abdiaziz Ahmed, oo 26-jir ah, uu aad u garaacay qof dumar ah. Qofka booliska soo wacay waxa uu sheegay in ay ilmo-adeer yihiin Afif Ahmed, waxaana la sheegay in Afif Ahmed uu qirtay in uu falkaas geystey.

Markii boolisku yimaadeen meeshii loogu tilmaamay in arrintu ka dhacday (oo ah guri ku yaal 1247 St. Anthony Ave.), waxa ay heleen qof dumar ah oo taal sagxadda qolka hurdada taas oo dhiig badani ka baxay. Sida ku cad faldembiyeedka la soo oogey, boolisku waxa uu sheegay in "Madaxeeda dhaawac aad u badan loo geystey, oo dhiig aad u badani ka baxay, wajigeedu waxa uu noqday mid aan loo garan karin in uu yahay mid bini-aadam sida loo garaacay awgeed."

Boolisku waxa ay heleen mindi iyo ul yaal sagxada qolka, oo labaduba leh dhiig.

Dacwad-oogayaashu waxa ay sheegeen in aalada video-ga gurigu ay duubtay Afif Ahmed oo xilli ah fiid-dambe oo Isniintii ah uu galay qolka ay dhibanuhu deganeyd. Gurigaas oo hore looga mamnuucay Afif Ahmed, karin kaddib markii lagu soo ogey dacwad dhan ka ah April 17.

Markii qofta dumarka ah ee la dhaawacay loo sii wadey dhakhtarka ayaa sarkaal boolis ah waxa uu arkay gaari madow oo soo gelaya meesha gawaarida la dhigto (Parking) oo uu saaran yahay qof leh tilmaanta Afif Ahmed.

Markii boolisku joojiyey gaarigii, Afif Ahmed waxa uu booliska u sheegay magac kale, laakiin waxa uu booliska u dhiibey teesare (ID) uu ku qoran yahay Afif Abdiaziz Ahmed. Waxaana laga helay in uu watey $520 iyo teesaraha loo yaqaan (social security card) oo ay leedahay qofta dumarka ah ee uu dhaawaca gaarsiiyey. Waxana boolisku arkeen dhibco casaan ah oo ka muuqata shaarkiisa iyo wax u muuqda dhiig qalalay oo ku yaal gacmihiisa.

Qof kale oo gaariga saarnaa waxa uu sheegay in uu yahay Afif Ahmed ina-adeerkiis, waxana uu qirtay in uu yahay kii booliska u soo diray telefoonka 911 qarsoodiga ahaa kaddib markii uu Afif Ahmed isaga u qirtay in uu falkaas soo geystey, waxana uu sheegay sababta uu telefoonka u soo diray in ay ahayd isagoo ka welwelsanaa dhibanaha dhaawaca loo geystey, waxa kale oo uu sheegay in Afif Ahmed uu isaga weydiistey in uu u soo raaco guriga si uu u soo qaato canugiisa yar.


Afif Ahmed,
isha Sawirka: WCCO

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in ay qaliin ku sameeyey dhibanaha dhaawaca loo geystey, waxana ay sheegeen in ay filayan in ay badbaado, waxaana laga yaabaa in dhaawac ka soo gaarey maskaxda, waxaana dhici karta in ay beesho indhaheeda.

Sida ay sheegtay jariidada Pioneer Press, dhakhaatirta cisbitaalka Regions Hospital waxa ay booliska u sheegeen in ay dhici karto dhibanuhu in ay beesho isheeda midig, ayna yeelan doonto nabarro jirkeeda ka muuqan doona oo aad u farabadan.

Markii ay boolisku waraysteen, Afif  Ahmed waa uu qirtay falkaas, sida warku sheegay, isagoo turjumaan Soomaali ah adeegsanaya, waxa uu yiri waxaan mindi u adeegsadey farjiga dhibanaha si aan u xaqiijiyo "in aysan weligeed ku laban nin kale abidkeed".

Calasey “Ninkaygii oo Kawaanle ahaa baa sidaan ii galay oo aan ku waayey labadeydii Gacmood” Guji...

Dhibaatooyinka ka dhalata biyaha kulul ee loo adeegsado ragga marka ay dumarku masayraan... Guji...

Jariidada Pioneer Press waxa ay qortay in Afif Abdiaziz Ahmed oo adeegsanaya turjumaan Soomaali ah uu dimbi baarayaasha u sheegay in uu saaxibadiis garaacay ilaa ay miyir beeshay kaddib markii ay murmeen. Waxa uu booliska u sheegay in uu adeegsatey feer, laad iyo xaaqin ka samaysan bir markii uu arintan geysaneyey, markii dambena uu mindi ku jaray wajigeeda iyo ferjigeeda, markii ay suuxday oo ay ku dhex taaley dhiigeeda, waxa uu yiri waxaan ku istaagey korkeeda si aan cunto u siiyo canaga oo ooyayey, uguna qubeeyo canuga. Waxana uu qirtay, sida boolisku sheegay, in uu isku deyey in uu dhiiga ka tirtiro kabixihiisa, markii uu ku guulaysan waayeyna waxa uu iska bedeley kabihii isagoo kuwii dhiiga lahaa uga tegey qolka.

Shabakada Channel 5-TV waxa ay qortay in Afif Abdiaziz Ahmed la xiray kaddib markii uu xoogey saaxibadiis, uuna garaacay ilaa ay miyir beeshay, markaasna uu mindi ku jarjaray wajigeeda iyo farjigeeda, sida ku cad dacwada Ramsey County oo ka tirsan magaalada St. Paul, Minnesota.

Afif Ahmed waxa uu ku jiraa xabsiga, damanadiisuna waa $500,000.

Tarjumadii: SomaliTalk.com | July 27, 2006 | Isha: Channel-5.TV, Pioneer Press, Fox News.

44 Qof oo Lagu Eedeeyey in ay Qaad Soo Geliyeen Maraykanka
Afar iyo Toban qof oo reer Minnesota ah ayaa ka mid ah dad lasheegay in USA soo geliyeen 25 ton oo Qaad ah oo... Akhri...


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD