Xarbi ka dhexbilaabanaya Shacabka Xalaasha ah
iyo Xabashida iyo Xulufadeeda
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
July 25, 2006
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaan
horay u sheegay in Ilaahay Xamar dhaafiyey Xildhibaannadii, xubnihii la
dagaalanka argagixisada, xukuumaddii iyo Xabashidii. Waxaan kaloo xusay in
xumaantii Xamar taalay ay “Xukuumaddu” geysay Bay iyo Bakool. Soow Cabdi
Qeybdiid iyo Qanyare ma martiyin Baydhabo? Soow dagaaloogihii ugu weynaa,
korneyl C/hi iyo warasadiisii (xubnihii la dagaalanka argagixisada) isma helin?
Dadku waa ogaayeen in xubnaha la dagaalanka argagixisada iyo korneylku is
lahaayeen laakiin waxaa dad badan ka qarsoonaa in xildhibaannaduna xulufo la
yihiin. Ogaada maanta waxaa Baydhabo laga qaddariyaa Qanyare halka
xildhibaannada lagu quursado. Xildhibaannadu waa kuwii saxiixay in Xabashida soo
gasho Soomaaliya. Ilaah baa mahad leh haddiiba durbadiiba ay xildhibaannadii
sidaas u dullobeen. Mar dambe ma soo istaagidoonaan meel dad Soomaaliyeed
joogaan? Dabcan dhowrka qof oo diiday in ciidamo shisheeyaba la keeno kuma
jiraan.
Waxaa
sunada Ilaahay ka mid ah, markii xaqa iyo baadilku dagaalayaan in la kala baxo.
Soow maanta dagaalka socda oo Xabashidu hormuudka u tahay, xildhibaanno,
xukuumaddii, xubnihii la dagaalanka argagixisada, iyo shacab yar oon xilkas
ahayn lama safna cadowga u dhashay Itoobiya? Yaa jeclaan lahaa inuu maanta ku
dhinacdhinto Xabashi ama iyadoo Xabashi dhabarka ka taagantahay ooy ku leedahay
ku rid xabadda walaalkaa?
Xaalladaan oo kale maxaa
shacabka Xalaasha ah laga rabaa
-
Markey huwantaas oo kale arkaan iney dhahaan: Ilaahay baa nala jira,
Isagaana Wakiil ugu nimco badan. Waa hadalkii saxaabadu dhaheen markii la
yiri: dad badan baa idin ku soo baxay ee ka baqa. Laakiin arrintaasi waxaan
iimmaan ahayn uma kordhin saxaabadii.
-
Inaan la jeclaan oo xiiso loo qabin in dagaal dhaco maxaa yeelay nabiga (SCW)
ayaa yiri: ha tamaniyina dagaalka laakiin haddaad cadowga foodda is dartaan
sugnaada. Hadda waxaa la rabaa markey golaha maxaakimtu dadka ugu yeeraan
jihaadka in la maqlo lana sugnaado.
-
Is-maqalka. Sida madaxda maxaakimtuba sheegeen, xilligan oo kale waxaa loo
baahanyahay in la ismaqlo. Waxaa la rabaa in qofku waxyaalo badan ka
indhoqarsado. Madaxda maxkamaduhu waxay sheegeen inaan sheydaanku naga
faa’iideysan maaddaama arrinta qabiilku nagu weyntahay. Mid xasuusnaada,
dowladdii Mbagathi lagu soo dhisayba waxay addeeceysaa Xabashi marka qof
kasta waxaa laga rabaa inuu maqlo madaxdiisa xitaa hadduu yahay qof u
dhashay qabiil ay xurgufi ka dhaxaysay. Sidoo kale ha la ogaado dhibtii
muslimiinta ku dhacday dagaalkii Uxud markay fulinwaayeen amarradii nabiga (SCW).
-
Muslimiintu waa kuwa raaca nabiyaasha. “Milata Abiikum Ibraahima”.
Qur’aankaa saas yiri. Nabi Ibraahim (CS) labo jeer oo uu booqday wiilkiisii
Ismaaciil iyo labo xaas oo uu qabay. Labada xaas middii deyrsatay wuxuu si
sarbeeb ah ugu sheegay inuu furo laakiin tii Ilaahay ku mahadisay xaalladey
ku jirtay wuxuu dalbay in aan la furin ee bal gurigaas dhismihiisa la sii
adkeeyo. Haddaan nahay dadka dibadaha jira; waxaan raalli ka nahay in
shacabkii Soomaaliyeed khaasatan kuwii Xamar joogay ay is dhaafiyeen
dagaaloogayaashii laakiin waxaan kula talineynaa iney soo dhoweeyaan
maxkamadaha oo ay aad ula shaqeeyaan si nabadda Xamar iyo dhulka ku dhow
dhidibadda loogu adkeeyo.
- In
sirta Soomaaliya la dhowro. Waxaad arkeyaa idaacado iyo boggogga Internetka
ee Soomaaliyeed oo qaarkood beenta uga horreeyaan kuwa cadowgeenna. Dorraad
kuwaa qorayey waxaa dagaal dhexmaray maxkamadaha iyo huwanta Xabashidu
wadato. Cajaladihii been-abuurka ahaa qaar baa faafinayey. Ogaada,
idaacadaha gaaladu intaas waxay caay ka dhigayaan: maxkamaduhu waxay rabaan
iney isku xukumaan Islaamka! Gooruu Islaamku noqday wax la isku dacaayadeeyo?!
Boggagga internetka intooda badan waxaad ku arkeysaa cinwaanno ay qoreen
cadowgeenna oo na dacaayadeynaya. Nabigu markuu meel duullaan ugu socdo
wuxuu ka bixijiray jihadduu ku socdo mid aan ahayn. Laakiin hadda waxaad
maqleysaa bog qorayaa: maxkamadaha oo intaas oo ciidan ah wata baa meel
hebla ugu socda dagaal! Hadday run noqoto, sow Xabashidu kama faa’iideyso
arrintaas?
- In
shacabka iyo maxkamaduhu ka waantoobaan sheekooyinka la isku maaweeliyo ee
ah: Maraykan baa Itoobiya u digaya; beesha caalamkaa saas qabta. Yaan lagu
sifoobin sidii saxaabadii ka dhacday. Dagaalkii Badar hortiisa ayaa
saxaabada qaarkeed soo qabteen labo wiil oo Quraysh biyo u aroorayey.
Labadii wiil waxaa la horkeenay nabigoo (SCW) tukanaya. Wiilashii waxay
dhaheen waxaan biyo u raadineynay Qureysh. Intaas kaddib baa saxaabadii
garaaceen ilaa wiilashii loo dhibgelyo iney been sheegaan si ay garaaciddaas
uga badbaadaan waxayna dhaheen waxaan ka soconnaa Abuu Sufyaan iyo awrtii
badeecadda sidday. Markuu nabigu (SCW) salaaddii dhammeeyey buu yiri: Ilaah
baa weyn, oo hadday idiin run sheegaanna ma garaaceysaan; hadday idiin been
sheegaanna ma garaacaad ka deyneysaan?! Nabigu (SCW) wuxuu yiri: wiilashu
waxay ka yimaadeen ciidankii Qureysh, kamana fursaneyso dagaal. Marka golaha
maxkamadaha ha iska daayeen sheekaha ah: Maraykan baa saas yiri.
Yemen
iyo Kenya wafdi soo diraya. Ka warran Maraykanka ilaa hadda leh: ma heyno
caddeymo sheegaya in ciidamo Itoobiya ah galeen Soomaaliya. Marka wataas
Xabashidii horteenna fadhida.
- In
dadka qurbaha ku nool sameeyaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta
Soomaaliya. Taasi waxay tuseysaa in dadka dibadaha ku nool ay ka xunyihiin
waxa Xabashida iyo xulufadeedu ka wadaan Soomaaliya. Woodka Soomaali badan
waa lagu xisaabtami karaa haddey iyagu isa soo muujiyaan.
- In
shacabku ogaado in qof kasta laga rabo wuxuu ku fiicanyahay. Ma jiro qof aan
wax soo kordhin karin. Marka waxaa habboon in kii naftiisa geynkaraa geeyo;
kii maal bixinkaraa bixiyo. Sidoo kalana kii calqi keenikaraa keeno.
-
Maxkamaduhu waxay ku socdaan xawaarihii ugu fiicnaa. Dad badan baa mar mar
gaabis ku tilmaama laakiin arrintu sidaas maaha. Qofkii dibadaha jooga wuxuu
yaqaan in jidadka waaweyn oo afka qalaad lagu dhaho “motor way” ama “High
way” baabuurta lagu wado xawaare aan la dhaafin karin. Baabuurku wuu ku
soconkaraa xawaare intaas ka dheereeya laakiin iyadoo la eegayo nabadgelyada
guud ee waddada ayaa sidaas loo yeelay. Siday horay madaxdoodu u sheegeen,
maxkamaduhu waxay heystaan ruqso ah iney waxay rabaan soo dhisikaraan
laakiin iyagaa doortay iney sameeyaan la-tashiyo badan. Hadda Xabashidii
baaba u diidan fursad oo wa kuwaas weerarka nagu soo ah.
- In
sidii madaxda Xamar sheegeen, gacanna lagu nadiifiyo Xamar tan kalana lagu
qaato qoriga oo waddanka laga difaaco Amxaarada.
- In
shacabku ogaado in dadka marka hore la imtixaamo. Ilaahay nooma waayin awood
ee waxaa la rabaa markaan dagaalanno oon ku samirno in Ilaahay guusha na
siiyo. Marka aynu imtixaanka ku baasno. Ilaahay ballantiisa
kama baxo marka haddaan diyaarinno cududda yartaa ee aan
haysanno waxaa ku xiga ducada; waana la hubaa in gargaarka Ilaahay imaanayo
haddii Ilaah idmo.
- Jihaadku
waa fursad. Ka warrama haddii nabiga (SCW) oo dambigiisii hore iyo kii
dambaba la dhaafay uu lahaa: waxaan jeclahay in dar Ilaahay la igu dilo oo
la isoo nooleeyo oo haddana la igu dilo oo la isoo nooleeyo oo haddana la
igu dilo oo haddana la i soo nooleeyo. Maxaad ka filaysaa adi iyo ani oo
intaas qabiil, qurun iyo danuub kale dhexdabaalanjirnay? Marka dad badan oo
intaas oo dambiya soo galay bey u noqoneysaa dambi dhaaf.
- Waxaad
mooddaa in hadda arrintu ku foorarsatay culumada. Wax badan baad maqleysaa
ninkaas hebel ah waa caalim oo lagama dabo hadlo. Marka haddaa la ogaanayaa
inay jiraan dad culumo ah oo Soomaali ah. Wax badan baan arkey ducaad ama
kuwo culumo sheegta oo leh: Sheekh Xasan Daahir waa saas iyo saas laakiin
waxaan shaki lahayn in Sheekh Xasan fidradii iyo xaqii ku taaganyahay ee
dadkii dacaayadda wadoow, maanta maxaad ka leedihiin Xabashi? Mise waa la
jiifiyaana bannaan?
- Waxaad
mooddaa in hadda Soomaaliya laga soo galayo
Somaliland iyo Puntland. Shaki mal eh in shacabka halkaas degeni
aysan ka duwaneyn kuwa Xamar laakiin xagga siyaasadda ayaa laga heystaa oo
waxaa loo dhiibay madax u adeegta Xabashida; keliyana yaqaan iney
shacabkooda cabburiyaan. Marka taariikhdaa qoraysa gobolkii xaggiisa
Soomaaliya laga soo galo.
- Ogaada,
qofkii ka dhinacdagaalama Xabashida wuxuu u dhimmanayaa isagoo eey ah.
Aakhiro markii la tagana wixii isleh waa la israacshaa. Marka wixii ay
maanta Zenawi israacaan waxaan rajeyneynaa in aakhirana ay isku meel
gelidoonaan.
Waxaan
amminsanahay in haddaan qoddobadaas iyo kuwa kalaba la nimaadno in Ilaahay
guusha naga siindoono cadowgeenna Xabashida iyo xulufadooda; ayna sidii Axzaab
ay noqondoonto markii ugu dambeysay ee Xabashidu soo hunguriyeyso geyiga
Soomaaliyeed. Marka waxaaba dhicikarta inaan dabada uga dhacno ilaa Addis Ababa.
Marka yaan la quusan hadday dhacdo in golaha maxaakiimta iyo shacabka
Soomaaliyeed ay si uun dib ugu soo durkaan Xamar. Waxaan Ilaah ka beryeynaa
ineysan dhicin.
Waxaa la
ii sheegay in nin Soomaaliyeed uu ku riyooday riyo u eg waxa hadda taagan. Waxaa
laga sheegay inuu riyada ku arkey: iyadoo Xabashidu iyo xulafadeeda soo gaareen
meelahan hadda la isku horfadhiyo dabadeedna markey soo dhowaato hal mar lagu
jihaado oo laga saaro Soomaaliya ayna dhalatay dowlad Islaami ah oo sax ah.
Marka waxaan aamminsanahay haddii Ilaahay idmo in arrintu saas u dhacayso.
Guusaha
uga weyn ee la gaaray dagaalkoon bilaaban waa dadka Soomaaliyeed meel kasta ooy
joogaabna in intooda badan ay ka soo horjeedaan Xabashi iyo wixii soo raacay.
Marka hadda laga bilaabo waxaan isku dhaarsaneynaa difaaca dalka. Qofkii
xaggiisa laga soo galo Soomaaliya waxaa qoridoona taariikhda.
Haddii
dagaalkii labaad ay xukuumadda Britain iclaamisay dagaal iyadoon Jarmalku weli
soo weerarin Britain (markii Jarmalku qabsaday Poland) dabadeedna Churchill
lahaa: waxaan Jarmalka kula dagaaleynaa dhulka, magaalooyink, cirka iyo badda
maxaa loo arkeyaa dowladaha qaarkood ood mooddo iney u daneynayaan Xabashida? Ma
annagoo Xabashi waddankeenna soo gashay bey rabaan inaan gacmaha laabanno? Marka
yeysan cidna ku khasbin waxay iyagu diideen. Marka shacaboow waad aragtaan wixii
ay muslimiinta iyo gaaladuba ka qabaan difaaca dalka.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan