SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

 


Dowladdu ma iney Dadkeeda Difaacdey Ahayd Mise in Iyada Dadkeeda laga Difaaco

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

July 21, 2006  

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

“Yaabnaye ma yaabteen!” Marka arrintu halkaas gaarto waxaa lasoo gurtaa kitaabbada oo loo noqdaa diinta Ilaahay. Waa caadi in dowladuhu ay dadkooda ka difaacaan cadowga. Weligay ma maqal dowlad laga difaacayo dadkeeda oo ay ka difaacayaan cadowgoodii koowaad ee qarankaas. Ka warran haddii la maqlo Zenawi oo raba inuu xukumo qabiilka Tigree dabadeedna si uu taas u gaaro raba inuu la xiriiro madaxweynaha Eritereeya si uu u siiyo ciidan uu ku qabsado gobollada Tigreegu degaan?! Waxaa la mid ah sheekada ka soo yeereysa labada mas’uul ee Soomaaliya u sarreeya. 

Ka warran haddii madaxweynaha iyo maleeshiyo uu kala yimid Puntland leeyihiin waxaan Bay iyo Bakool ka difaacaynaa Maxamed Ibraahim Bilaal, Mukhtaar Rooboow, Abuu Mansuur iyo Drs Fowsiya Maxamed Sheekh? Geeddi wuxuu dadkaas ku sheegay iney Eritereeya u dhasheen? Ma dadka degaankaas ka soo jeeda loogu yeerayaa Amxaaro si ay Bay iyo Bakool uga difaacaan? 

Diintu waxay sheegtaa in arrintaas dabo-geddisan ay ka suurtoobi karto oo keliya munaafiqiinta. Sida la ogsoonyahay, inta badan gaalada nacaybkeedu waa cad yahay. Qur’aanku wuxuu sheegaa in gaaladu ay ka naxdo guulaheenna sidoo kalana ku farxaan wanaaga aan gaarno. Laakiin munaafiqiinta waxaa iskaga qasma arrimaha. Qur’aanku wuxuu leeyahay: Ragga munaafiqiinta ah iyo dumarka munaafaqaadka ah qaarba waa qaarka kale; waxay faraan munkarka waxayna reebaan wanaaga. Ka warran haddii madaxweynihii iyo ra’iisulwasaarihii  leeyihiin waxaan Baydhabo u diideynaa Sheekh Mukhtaar Rooboow, Bilaal, Xaabsade iyo Aadan Saransoor? Ka warran hadday ciidanka maxkamadaha ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ku sheegeen dad ajnabi ah oo Eriteriya u dhashay? 

Hadalkii ka gadmay labadaas nin waxaa haleelay halyeeyad Drs. Fowsiya Maxamed Sheekh, Wasiirka horumarinta haweenka iyo daryeelka Qoyska. Waxay sheegtay inaan Buur Xakabo aysan dad ajnabi ahi imaan ee ay yimaadeen dadkii deegaankaas u dhashay. Haddii dadkii Digil iyo Mirifle u dhashay noqdeen kuwo u dhashay Eritereeya maxay noqonayaan kuwa u dhashay Puntland? 

Golayaashii maxkamaduhu waxay bilaabeen iney qashinka ka aruurshaan Tarabuunkii, dekeddii iyo garoonkii diyaaradaha ee Xamar halka “dowladddii” ay ciidamo Tigree ah kusoo waddo Soomaaliya. Maxkamaduhu waxay tolayaan kabahii Soomaaliya halka “dowladdu” toloyso kafanteennii marba hadday Tigree noo soo wadaan. 

Nin Sheekh ah ayaa mar culumo kale ka codsatay inuu si fiican u barto naxwaha si uusan mar dambe u sheegin hadal laxni ah isna waa ka yeelay. Dabadeed waxay u qoreen tusaalaha caanka ah ee ah: Zeyd baa garaacay Camri (daraba Zeydun camran). Odaygii wuxuu yiri: oo muxuu u garaacay? Markaasay dhaheen run maaha ee waa iska tusaale. Odaygii wuxuu yiri: wax been lagu bilaabayo anigu dan kama lihi! Waxaan uga danleeyahay, madaxweyne iyo ra’iisulwasaare ku sheegay Digil iyo Mirifle dad u dhashay Eritereeya ama leh waxaan soo wadaneynaa Xabashi si aan Bay iyo Bakool uga horistaagno Sheekh Mukhtaar iyo Bilaal dan kama lihi. 

Marka hadda waxaan ka codsanayaa saxaafadda in cinwaanka maqaalkaas laga furo doodo ah: dowladdu ma iney dadkeeda difaacdey ahayd mise in cadowgeennu iyada ka difaaco dadkeeda? Marka waxaa laga rabaa in shacabka reer Bay iyo Bakool ka dhiidhiyaan arrintaas. Waad ogtihiin in dagaaloogayaashii Xamar joogay ay damceen iney iibsadaan culumadii iyaga ka soo jeedday marka la yaab ma leh in kuwaas ka yimid Puntland sidoo kale rabaan iney iibsadaan culumada reer Bay iyo Bakool. Soo ma aragno calaamadihii iyo astaamihii ay ku dhajinayeen culumada marba haddii Abuu Mansuur iyo Bilaalba noqdeen kuwo u dhashay Eritereeya. 

Waxaan maxkamadaha ka codsanaynaa iney qabsadaan shaqadooda. Waxaa loo baahanyahay in Drs Fowsiya matesho haweenka Xamar. Qofka waxaa loo baxsadaa markuu ka soo baxo mowqif adag. Miyaydaan arag in markii ra’iisulwasaaruhu Baydhabo waxaas kaga hadlay in intaas oo xildhibaan oo joogta iney keligeed radisay hadalkii “ra’iisulwasaaraha?” Marka Drs wasiir Fowsiya oo kale ma ahayn iney joogto Baydhabo ee waxay ahayd iney tagto Xamar. Sidoo kale dhowrkii xildhibaan ee diiday ciidamo shisheeye oo dhan iyo Boqorre iyo Jinni-boqor waxay ahayd iney iska xaadiriyaan Xamar. 

Waxaan u rajaynayaa in shacabka Bay iyo Bakool ay gelidoonaan kaalinta labaad ee kacdoonka shacabka Soomaaliya. Reer Xamar baa koow galay. Marka ma ogi qolada seddex gelidoonta. Ma qolyahayaga reer Puntland mise Somaliland? 

Haddii Maxamed Cabdulle Xalane Allaha u naxariistee qabriga loogu sheego in la hayo “madaxweyne” Soomaaliyeed oo soo wadanaya Xabashi si ay dadkiisa uga difaacdo; muxuu oranlahaa? Xalane wuxuu yiri:

  • cadowgu (Itoobiya) bir maahee burburiya
  • ciiddeyda u diida cadaawaha (Xabashida)

Halka Geeddi iyo C/hi leeyihiin: 

  • wayaanuhu wedeygeen weeyee weyneeya
  • ka wareega hanaga waabiyeen waddaniyiinta Soomaaliyeede

Ilaahay wuxuu Xamar u soo saaray rag raacay Maxamed Cabdille Xalane sida Abuu Cuteyba oo weliba diin ku sii darsaday. Reer Bay iyo Bakoolna waxaa usoo baxay Abuu Mansuur iyo Fowsiya. Anigu waxaan ahay dadka tafaa’ulka jecel marka magacyada Mansuur iyo Fowsiya waxaa iiga baxay guul shacab oo dhaqso ah haddii Ilaah idmo.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD