Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ilaahay
wuxuu Qur’aanka ku leeyahay haddaan Afsoomaali ahaan ku cabbirno: Dheh
Ilaahayoow waxaad tahay Mulkiilaha mulkiga; waxaad mulkiga siisaa ciddaad
doontoo; waxaad ka qaaddaa ciddaad doonto; waxaad ciseysaa ciddaad doontoo;
waxaad dulleysaa ciddaad doonto; kheyrku gacantaaduu ku jiraa; Adiguna wax kasta
waad awooddaa. Ileyn Mele Zenawi awood ma lahee waxaa maanta indhaheennu qabteen
in Ilaahay Xamar gacanta u gashay dad aan laga fileyn halka madaxweynihii ay soo
dhoodhoobeen cadowgii Soomaaliya uu Mudug ka degay isagoo gacantiisa midig uu
socdo Cabdi Qeybdiid! Sidoo kale waxaa weheliyey Xuseen Caydiid. Cabdi Qeybdiid
waa ninkii boqollaal qof ku dilay Gaalkacyo kuna guray ceelasha. Sidoo kale
wuxuu dad deegaankaas u dhashay kusoo xasuuqay Kismaayo. Wuxuu dad badan ku
laayey Waqooyiga Xamar. Xitaa waxaa loo heystaa dilkii janankii Ceydiid. Sidee
ku dhicikartaa in dumarkii uu raggoodii laayey iyo carruurtii uu aabbahood dilay
ay Waqooyiga Gaalkacyo ku soo dhoweeyaan? Haddayba Gaalkacyo kusoo dhoweynayaan,
maxay jaaliyadda Waqooyiga Gaalkacyo ka soo jeedda ay dacwadda ugu soo oogeysay
Cabdi Qeybdiid markuu
Sweden
tagay? Mise mar haddii dilaa C/hi hoosta ku wato lalama hadlikaro? Marka ninkaad
Sweden ka raadineyseen hadduu Gaalkacyo iyo Garoowe idiin tagay. Waxaanan la
yaabeyn waxaaba dhicikarta in kuwii shalay dacwadda ku furayey ayba lacag u
diraan Cabdi Qeybdiid iyagoo leh: wuxuu la dagaalayaa Cayr iyo Cabdi-qaasim!
Sidee suurtogal ku tahay iney soo dhoweeyaan qabiilkiisii uu intaas oo dhib
geshay inuu maanta ku dhaho kaalaya aan la dagaalno qabiilka Cayr?
Korneyl
C/hi wuxuu horay usoo laayey wiilashii mutacallimiinta ahaa ee maanta u
istaagilahaa Puntland. Dilkaas dartiis ayaa darajo lagu siiyey oo uu noqday
madaxweynaha Puntland. Markii seddexdii sano u dhammaatay ayaa waxaa xukunkii ku
qabsaday kuwii awal ku caawiyey iney wiilashooda laayaan. Laakiin iyagiina wuxuu
ka laayey wiilashooda. Imisa nin baa Qardho, Qayaadsame iyo Dhuudo lagu laayey?
Markuu mar labaad xasuuq sameeyey ayaa dad badan oo reer Puntland ah waxaa caado
u ah in qofkii wax dila, abaalmarin la siiyo. Markii dambe waxay ugu abaalgudeen
in isaga keligiis soo xulo ergada Puntland uga qeybgaleysay shirkii Mbagathi
sidoo kalna uu xulo xildhibaannada ka soo gelaya degaankaas. Waxay gaareen heer
aan laga dabohadlin go’aan kuu gaaro. Waxaan mar hore shacbka Puntand u sheegay
iney ka reebtaan wiilashooda Bay iyo Bakool loo soo wado. Waxaan uga digay in
wiilashaas lagu soo khalday waxaad waardiyeyndoontaan madaxtooyada, dekedda iyo
garoonka weyn markuu korneylku Xamar qabsado runta loo sheego! Marka wiilashu ma
hayaan wixii lagu yiri?
Waxaa la
sheegaa in wax walba wareegaan oo marka dambe ku noqdaan meeshay ka soo
bilaabmeen. Sidaad la socotaan, mar horana aan wax ka iri, Baydhabo waxay
leedahay taariikh caan ah. Waa meeshii korneyl C/hi isagoo heysta ciidan ka
badan kii Xamar markaas joogay uu ka cararay oo uu Kenya iyo Itoobiya u galay.
Markaas wuxuu ku jiray madaxdii qeybtii 60-naad ee ciidanka Xoogga dalka
Soomaaliyeed. Maalintaas wuxuu heystay ciidan ka badan inta Xamar joogta. Xitaa
korneyl Cirro oo inqilaabka horboodayey wuxuu askartii ku dagaalgeshay waxaa
nasoo weeraray ciidamo Itoobiya iyo Ruush leeyihiin. Cirro, ugu yaraan wuxuu
gartay in Soomaalidu necebtahay cadowga Itoobiya halka uu korneylku weli fahmi
la’yahay qaddiyadaas; wuxuuba na barayaa in Itoobiya ay Soomaaliya xal iyo
wanaag la rabto!
Qabsashada Baydhabo waxaaa eersaday Maxamed Siyaad Barre. Sida lala socdo,
Maxamed Siyaad wuxuu qabsaday Baydhabo maalmo ka hor intaan ciidankii Caydiid
watay eysan gelin Kenya isagoo Maxamed Siyaad markaas ka soo tegay gobolkii uu
degaan ahaan ka soo jeeday, Gedo. Waxaa la mid ah sidaan Ilaah ka rajeynayo in
Korneylkuna halkaas maridoono kaddib markuu Baydhabo qabsaday isagoo kasoo
socdaalay geyiguu ka soo jeedo. Marka waa dhicikarta in shacabka Soomaaliyeed
mar kale geliyaan Itoobiya ama Kenya.
Maxaa la gubdoon shacabka Puntland
Waxaan
reer Puntland kula talinayaa ineynaan khaladkaas mar kale ku celin. Waxaan
Soomaali u horseednay in qofkii ay qof is qabtaanba uu Itoobiya galo. Dambiga
kaalmadey Itoobiya ka raadsadeen SNM, USC, SPM, Qanyare, Muuse Suudi,
Maxamed-dheere, Yuusuf-dabogeed, Shaatiguduud, Aadan-madoobe iyo kuwo kale
waxbaan ku leenahay ileyn innagaa jidkaas jideynaye. Waxaa intaas dheer,
canshuurta laga qaado dekedda Boosaaso oo la rabay in shacabka wax loogu qabto
waxay u xirneyd nimankaas. Mar waxaa kumannaan doolar laga siinjiray
Shaatiguduud markuu Xuseen Caydiid la dagaalayey. Marna Muuse Suudi iyo
Maxamed-dheere markey Cabdi-qaasin is hayeen. Waxaa mar Garoowe ka degay
Cusmaan-caato iyo Xuseen Caydiid. Labadii sano oo Mbagathi la fadhiyey, dekedda
Boosaaso iyagay u xirneyd. Markii dadkii reer Puntland ay islahaayeen korneylku
hadduu Soomaali idin ka aadayaa oo canshuurtiinnu idiin baaqaneysaa ayaa taasi
run noqonweyday. Ilaa hadda waxaa la sheegaa sida Cadde Muuse laga soo xigtay in
lacagta ka soo xaroota Boosaaso, 80% la geeyo Baydhabo!
Marka
maxaynu ka faa’iideynaa ninkaas iyo dowladdiisa. Ma sidii Fircoon buu ninku idin
fududeystay markaasaad idinku iska dabogasheen? Sidee ku dhicikartaa in Cabdi
Qeybdiid oo intaas oo dhib u geystay shacabkii Soomaaliyeed; bilo ka horna usoo
dhigtay diinta Islaamka iyo dadkeeda in Gaalkacyo lagu soo dhoweeyo?
Baaq ku Socda Shacabka
Puntland iyo Wiilasha Baydhabo la Keenay
Waajib
baa idin ka saaran inaad maqashaan dadka caqliga leh. Waa in shacabku ogaadaan
in diintaan Ilaahay iyo dadkeeda lala dagaalikarin. Waa in indhaha la furaa oo
la fiirshaa meeshay ku dambeeyeen dagaaloogayaashi Xamar. Ma u maleyneysaan in
dagaaloogaheennu ka kheyr badan yahay kuwaas jabay? Maya, WALLAAHI, dhulka
innagaa Ilaahay uga khaliif ah. Waxaan markhaati ka nahay in isagu uu caan ka
dhigay in badan oo ka mid ah markuu dhaqaale iyo masrax siyaasadeed siiyey.
Waxaan shaki lahayn inuu is baray qaarkood iyo Zenawi. Waad aragtaan meesha
dagaaloogayaal kale oon lahayn la mareen siyaasaddii Kismaayo. Waad aragteen
halka qabiil kale oo aan isku hal wax ku qeybsanno ka dhigeen Gedo markay
Xabashi ugu yeereen? Maxaa maanta halkaas yaal? Ma waxaad rabtaan inaad Boosaaso,
Garoowe iyo Gaalkacyo ka dhigtaan Balad Xaawo, Luuq iyo Dooloow oo kale?
Arrintaasi macquul maaha.
Horta
wiilasha hubka ku heysta
Bay
iyo Bakool waa iney hubka kusoo ceshaan kacdoonka shacabka. Haddey la aadaan
golaha maxkamadaha waxaa u furan in lacag xoogaaya laga siiyo tiknikada ay
keenaan amaba ay ku biiraan maxkamadaha iyagoo hubkooda wata oo loo furidoono
maxkamad. Waxaa kusoo biiraya oo madax u noqonaya culumadoodii Puntland jira ee
ay kheyrka ku yaqaaneen. Marka waxaa idin ku waajib ah inaad luggoysaan ninkii
idin soo luggooyey. Haddaad taladaas diidaan waxaad maraysaan meeshuu Cabdi
Qeydiid maray.
Waxaa
shacabka Puntland looga baahanyahay iney kacdoon sameeyaan sidii ay mar C/hi
Boosaaso uga ceyrsheen. Ma ahan arrin nagu cusub. Waad aragteen ineysan jirin
cid shacab iska celinkarta. Waxba yey idin khaldin dhowrka tikniko ooy wataan
C/hi iyo Cadde. Taasi waxay dhabarjab ku noqodoontaa cadowga Itoobiya. Haddii
reer Puntland iska xoreeyo nimankaas waxaan aamminsanahay inaan hadal dambe laga
maqlidoonin Zenawi ileyn wuxuu hadda u heystaa inuu gacanta ku hayo Puntland.
Waxaa Puntland sii xukumaya isla dadka degaanka u dhashay ee aad kheyrka ku
taqaannaan. Keliya waxay la middoobaayaan golaha maxkamadaha inta Soomaaliya
looga sameynayo madax. Waxaa idiin baaqanaya canshuurtiinna oo lagu
horumarindoono adeega dadweynaha haddii Ilaah idmo. Hala kaftamee, wadaadada
Koonfureed ood qaarkood ku sheegtaan iney dambiilayaal yihiin ayaa Xamar sidaas
ka dhigaye marka ka warrama kuwiina ood ku sheegtaan ineysan cidna wax u dhimin?
Miyeydaan arag sida Siilaanyo iyo Feysal Waraabe uga hadlay arrinta
cuno-qabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya? Ogaada, xiriirka ay Itoobiya la
leedahay Somaliland kama dhaco key Puntland la leedahay hadduusanba ka sidan.
Marka macquul ma tahay siyaasiyiintii reer Somaliland oo saas u hadleysa in
dadka reer Puntland ay u hogtaan dhibka C/hi soo wado?
Anigoo u
hadlaya kacdoonka shacabka reer Puntland ayaan waxaan u sheegayaa C/hi iyo Cadde
haddaysan dadweynaha faraha ka qaadin in meesha loogu imaandoono. Waxaan ku
leeyahay sidii Nabi Suleymaan uu Balqiisa iyo qoomkeedii ku yiri. Soomaali
ahaanna noqoneysa: Haddii boqorradu soo galaan magaalo wey baabi’iyaan; waxayna
ka yeelaan dadkeeda laga dambeeyo kuwo dulli ah. Marka waxaa boqorro ah cidda
Ilaahay taqaan oo ah shacabka Puntand. Haddii taladaas la diido, waxaa dhaceysa
in labada askari laga jiido Puntland haddii Ilaah idmo.
Ma la
joogaa waqti ay shacabka Puntland soo dhoweeyaan Cabdi Qeybdiid iyo wax la mid
ah si hadda dib loo bilaabo meeshaan joognay 1990-kii? Waxaad meelaha ka
maqleysaa reer Puntland oo leh sheekh hebel oo reer hebel ah ma rabno! War
waxaan idin leeyahay ma jiro qof Soomaali ah oo reer Puntland u geystay waxa
Cabdi Qeybdiid u geystay. Marka waxaad mooddaa in korneylku leeyahay: reer
Puntlandoow, aniga waxaad iiga dambeysaan waa dilkaan idin dilo; marka waxaan
maanta idiin hayaa niman horay idiin dilay marka waa inaad iyagana ka dambeysaan
ood u uruurisaan lacag uu kula dagaalo qolada Cayr si aan Soomaaliya innagu ugu
soo harno.
Marka
arrinta Xabishadu waa mid kale. Daaya haku soo dhowaato Xamare. Ilaahay idinki
waad arkidoontaan iyadoo laga furtay hubkey wadato. Markaas waxaa furmidoonta
waddo lagu galo Jigjiga iyo Diradhaba.