Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waa
war nabadaheey! War maxkamaduhu ma Maraykan bey lacag ka qaateen! Waxaa
dhicikarta in dadka aan wax hubsani markey cinwaankaas arkaan dhahaan:
maxkamadaha waxaa lacag siiyey Maraykan maxaa yeelay magacaas baa lagu
sheegay; waxaana ku sheegay nin ka soo horjeedijiray dagaaloogayaasha.
Akhristayaal sidii Fircoon inta shir jaraa’id u qabto uu dadka ugu
sheegijiray in Nabi Muuse (CS) uu u yimid inuu dadka diinta ka beddelo sidoo
kalana uu dhulka fasaad ka wado ayaa si la mid ah, dagaaloogayaashuna ku
sheegeen in maxkamaduhu khatar ku yihiin diinta iyo dadkeeda. Laakiin dadka
wanaaga waday waa Nabi Muuse (CS) iyo maxkamadaha oo iyagu raba iney raacaan
waddadii nabiyaasha (CS).
Ma loo Baahanyahan in Ciidan Shisheeye la
Keeno
Akhristayaal shacabka Soomaaliyeed iyo maxkamaduhu waxay u dagaalamayaan si
ay u suuliyaan fidnada sidoo kalana diinta Ilaahay kor u ahaato. Waa sidii
Ilaahay faray. Hadda, magaaladii caasumadda ahayd oo Soomaaliya ugu dhibka
badneyd waxaa Ilaahay ku nabadeeyey gacmaha shacabka ooy garwadeen u yihiin
maxkamaduhu. Marka dagaal-oogihii ugu dambeeyey wakaas Ilaahay hoojiyey.
Hadda carradu waa nabad. Mar haddii Xamar la xalliyey maxay “dowladdu” u
rabtaa in ay dagaal abuurto si fidnadii iyo shisheeye Soomaaliya ugu soo
noqdo?!
Hadalkii Ilaahay hala maqlo. Qur’aanku wuxuu sheegay in marka aan wanaag
helno uu cadowgeennu dhibsanayo laakiin markii xumaan nagu dhacdo ay ku
farxaan. Haddii aan samirnana uusan dhibkoodu wax na yeeleyn. Maxaa markii
Xamar nabad noqotay ay reer Galbeedka iyo Itoobiya lakala ordayaan? Maxaa
hubkii ay shacabka ku qaadatay iney ururiyaan in ka badan 4 bilood hadda loo
leeyahay haloo fasaxo si hub kale usoo galo? Haddii UN-ku qaado
cunaqabateynta hubka waxay la micnotahay ineysan Soomaaliya nabad la rabin.
Taasi waxay keeneysaa in maamulka Baydhabo jooga ay ku sifoobidoonaan iney u
adeegayaan danta cadowga Soomaaliyeed sidaas darteedna ay waajib ku tahay
qof kasta oo Soomaaliya inuu ku jihaado dowladdaas iyo cadowga dabada ka
wada.
Waxaan Beesha Caalamka kula talinlahaa iney shacabka Soomaaliyeed u daayaan
dantiisa. Intaas oo jeer bey wax isku dayeen waana ku guuldarreysteen. Hadda
shacabkii Soomaaliyeed waa tashaday marka yaan laga dhabqin dantooda.
Shirka Khartuum
Ilaahay wuxuu noo sheegay in haddaan ku shukrinno uu nimcada noo
siyaadindoono laakiin haddaan ku gaaloowno inuu cadaabkiisu daranyahay.
Sidaan la soconno, kacdoonkii shacabka waxaa u soo hambalyeeyey Soomaalidii
meel kasta joogtay – Raas-caseyr ilaa Raas-kaambooni. Marka, shukrigaas
kaddib waxaa shacabkii iyo maxkamadihii usii kordhey guulo iyo kheyr. Haddii
Ilaahay idmo waxay Khartuum ku noqonayaan iyadoo Xamar nabad tahay kana
wadataliyaan. Hadalka kasoo yeeraya wasiirka koowaad iyo
kan
arrimaha gudaha ee ah ineysan la hadleyn maxkamadaha waa micno-darro weliba
iyagoo intaas raaciyey in kacdoonka shacbiga Xamar uu yahay mid Al-Qaacida
ka dambeyso!
Horta markii dimuqraaddi laga hadlayo, dadka waxaa laga soo doortaa xaafad
(constituency). Hadda oo Soomaali qabiil wax ku qeybsateyna waxaa la dhahaa
wuxuu qof kasta metelaa qabiilkiis. Soomaaliyeey, ma ii sheegikartaan cid
Geeddi iyo Xuseen Caydiid ay matalaan iyo magaalo Soomaaliyeed oo ay
tegikaraan iney C/hi ku hoosnabanyihiin maahee? Maanta kama duwana labo qof
oo caadi ah oo Soomaaliyeed. Waxaa intaas u dheer waa labo nin oo
dambiilayaal ah. Marka qiyaasa saameynta ay Soomaali ku leeyihiin labo nin
oo xabsi ku jira oo dambi ka dhan ah qaranka Soomaaliyeed lagu soo oogay?
Sida
warar lagu kalsoonyahay sheegayaan waxaa la filayaa in wafdiga maxaakimtu uu
kasii ballaarnaandoono kii hore oo laftiisu ahaa mid aad xul u ah. Kan waxaa
ku jiridoona qeybaha bulshada oo dhan oo xitaa laga yaabo iney ku jiraan
ciidamada qalabka sida. Booqashadii wafdigii xaqiiqo-raadiska ahayd ku
yimaadeen Xamar ayaa weli lala fajacsanyahay. Meeshii lagu shirayey
kama muuqan hal qof oo qori wata halka meelaha ay
madaxdku ka degenyihiin reer Galbeedka aad ku arkeyso askar hubeysan iska
daa waddamada ay xukumaan keligi-taliyaashee! Marka waxaa halkaas ka dhacay
waxaan taariikhda lagu arag.
Golaha maxkamaduhu wuxuu isticmaalay xikmad iyo sidii la rabay.
Dagaaloogayaashii macquulka ahaa waxay kula dhaqmeen qaab nabadeed; kuwii
macangagga ahaana waxay kula dhaqmeen luuqad ay fahmikaraan. Marka waxay
maxkamaduhu u tallaabsadeen sidii la rabay. Dad badan oo degdegayey baa
jiray laakiin haddaa laga hadlikaraa maamul-dhis iyo ilo-dhaqaale furidood.
Waxaan shacabka kula talinayaa inuusan is dhigan. Weli geeddigii waa biloow.
Waxaa noo yaal howl aad u culus ooy dhicikarto iney ka mid tahay
qaran-difaac. Waa siduu Carays Ciise Allaha u naxariistee u lahaa:
-
howl kama
daalooyinoow
-
beeshii weli waa
hayaan
Waxaa mahad leh Ilaaheennii guusha siiyey shacabka iyo maxkamadaha; waxaanna
ka beryeynaa inuu noo sii badiyo guulahaas iyo kheyrkaas. Waxaan sidoo kale
maxkamadaha uga mahadcelinayaa iney ka jawaabeen gabay uu lahaa Khaliif
Sheekh Maxamuud oon maqaal ahaan ugu soo diray kacdoonka bilowgiisii. Waxaa
ka mid ahaa:
-
·
idinkaa
dantiinnii u huray dal aad xoreysaane
-
·
idinkaan u daaleyn sidii duul Malaa’igahe
-
·
idinkaa halkaad dooneysaan degeya goor dhow’e
-
·
idinkaa dariiqii Alliyo diinta aaminaye
-
·
idinkaa
siduu Daa’in yiri dowga kheyr maraye
-
·
idinkaa Rasuulkii dugsaday daahirka ahaaye
-
·
idinkaa diyaarsaday hubkii diiradda lahaaye
-
·
idinkaa daruuraha cirkiyo daafigaa maraye
-
·
idinkaa cadowgii idin dayaa dabada taagaaye
-
·
darajada Ilaahay ka badan doogga geedaha’e
-
·
nimuu
doortay iyo baa ka hela deeqsi geesi ahe
-
·
darsigiina xaqa daalibaa laga duceystaaye
-
·
doorroonayaaloow Jihaad waad u dareerteene
-
·
xargihii la daahiyo haddaan derykii laga boodin
-
·
oo
aan duqii weli la qaban waan dayeysnahaye
-
·
inkastood dadaal iyo waddaan doorar sharaf weyn leh
-
·
darar
saa’idiyo waan jeclahay ………………….
-
·
durkiyoo kusii dara ma foga dowladnimadiiye
-
·
ninna
looma duurxulo halkuu doog ku leeyahaye
-
·
dhakharrada ninkii geystayoo ina dubaaqeeyey
-
·
oo
dibadda idiin soo tubaa daakhilkii jira’e
-
·
dumaal seege naagihii hadday da’i ku laabneyde
-
·
sidii
bey agoon daacufaa ula dareeraane
-
·
sidii
bey ilmada dililiqlihi uga da’eysaaye
-
·
sidii
Doollo dhaan loo direy ina dayaayaane
-
·
dabka
wax uma saaraan ilmaha waaga daalacaye
-
·
degdeg nooga soo gaaraya iyo dooddu waa innaga’e
-
·
haddaan diilalyada haysa iyo diifta laga baanan
-
·
dayaceey qabaanniin haddaan laga daweyneynin
-
·
Wallee labada doolaqoo lushiyo dalowgu waa beene