|
Miless
Zanawi: Ilinta Iska Tir
Ra'iisul wasaaraha Ethiopian
Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd
arrimaha Afrikaanka, taas oo uu
July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga
socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood
soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee
dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...
|
|
Nin
aan Xildhibinow, Xildhibaan!!
W/D: Imaan Max’ed Jimcaale
E-mail:
iimaan123@hotmail.com
Shirkii dibuheshiisiinta
Soomaalida ee lagu qabtay Eldoreed kuna soo gabagaboobay Imbagati, isla
markaana ergadii ka qaybgalay shirkaasi ay is hor fadhiyeen mudo labo sano
ah, waxaana ugu horeyntii lagu guuleystay in heshiis xabad joojin ah la kala
saxiixdo taasoo aysan hirgelin qolyihii kala saxiixday heshiiskaasi.
Talaabadii xigtay ayaa iyana ahayd in la dhiso xubnaha Baarlamaanka oo iyagu
doortay Madaxweyne isna uu magacaabay Ra’isul Wasaare kaasoo dhisay
golihiisa Wasiirada, waxaana sidaa lagu soo gebagabeeyay dhismihii Hay’adda
ugu weyn ee sharci dejinta iyo waliba Xukuumadda Federaalka, kuwaasoo
dhamaantood lagu saleeyay qaab beeleed huwan magac loo baadi goobay si loo
qurxiyo oo ah 4.5.
Intaa oo dhan marka laga
soo tago waxaa xusid mudan in shirkaasi lagu sameeyay Dastuur, kaasoo aan
wax is qabqabsi ah xiligaasi ka imaan, balse ay goor dambe yimaadeen murana
la xiriira wixii ay ku heshiiyeen, Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa kala
qaybsanaantii labada gole ee Xamar iyo Jowhar taasoo dhinac waliba uu
sheeganayay in dastuurka ay ku qoran tahay in magaalada ay joogaan la
yimaado, laakiin Cali Cabdala Saalax oo isugu yeeray Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan, ayaa isla gartay in laga talo baxo
Jowhar iyo Xamar oo Baydhabo in lagu wada furto ayay go’aamiyeen.
Haddii aynu wax iska
weydiino dastuurkaa muranku ka dhashay, ma yahay mid afti dadweyne lagu
ansixiyay?.
Waxaa kaloo jirta in
Xubnaha Baarlamaanka ay yihiin kuwo matala sida ay sheegeen shacabka
Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibaddiisaba ku sugan, iyadoo taasi jirto
ayaysan Xildhibaanada qaarkood garaneyn waxa ay matalaan iyo waxa shaqadoodu
tahay.
Sida aynu ka warqabno
Sanaddii 1977-kii waxaa Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowladdii Wayaanaha ee
Itoobiya dhex maray dagaal qaraar oo Soomaali badani ay ku shahiideen halka
ay Dowlada Wayaanaha (Itoobiya) kumanaan ciidamadeeda ku weyday, dagaalkaasi
markii uu gabagoobay ma aanay jirin heshiis dhex maray mas’uuliyiintii
labada dhinac, inkastoo wixii xiligaas ka dambeeyay aysan jirin wax weerar
labada dhinac u dhexeeyay ilaa iyo xiligaas, marka laga reebo Itoobiya oo
ilaa sanadii 1992-dii xiligii Burburka Soomaalida ku dadaaleysay in mar
dambe aysan dib u midoobin oo ay kala daadsanaanto. Hadaba inagoo sidaa u
wada og in Itoobiya ay tahay cadowga 1-aad ee Soomaaliya ayaa dad badan oo u
adeega nacabkayaga waxa ay doonayaan inay Soomaalida ka dhaadhacsiiyaan in
Itoobiya ay tahay Dowlad daris ah oo aan wax colaada haba yaraatee u qabin
dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, si arrintaas loo fuliyana waxay ay dowladu
Wayaanaha (Itoobiya) u wakiilatay kuwa damiirlaawayaasha, ah ee aan ciidooda
iyo calankooduba aan difaacin.
Cirbadooda sunta ah waxay
qaadsiiyeen Shariif Xasan sh. Aadan, oo asagu qabay fakradda ah in aan
dowladdaha safka hore aan la keenin dalka Soomaaliya, si gaarna waxaa uu
farta ku fiiqay Dowlada (Itoobiya) oo uu sheegay in ay Dowlada Itoobiya dan
gaar ah ka leedahay Soomaaliya, taasuna waxay sababtay in 17-Maarso laysku u
leeyo fadhigii golaha Baarlamaanka ee maalintaasi.
Ha yeeshee waxa la
istashkiilayaba waxaa is badalay dareenkii iyo wadaninimadii qaar badan ka
mid ah xubnihii golaha Baarlamaanka, ee aamin sanaa Dowlada ee tahay cadow
Soomaaliyeed, waxaana 14-kii bishii lixaad 2006 golaha Baarlamaanka
ansixiyey in dalka la keeno ciidamo shiysheeye oo nabad suga, kuwaasoo aan
loo eegin safka hore iyo saf dhexe iyo safka danbe toona, waxaana fikradaas
qabay Madaxweynaha Soomaaliyeed oo isago la sheego inuu gacan saar wanaagsan
kala dhexeeyo Dowlada Wayaanaha (Itoobiya) oo uu ku tilmaamay Madxweynaha
Eriteriya, Itoobiya si kastaba ay ahaataba Dowladda Itoobiya waxay haatan u
faruur qaniinsanaysaa in ay carabka mariso dalka Soomaaliya, gabi haantiiba
taana waxaa sababay ayadoo iyadoo daba gambaneysa qaar daba-dhilifiin ah oo
u adeega oo ay qarash ku maasheysay, waxa uuna hamigeedu yahay sidii ay
Soomaaliya uga dhigi lahayd qayb ka tirsan Itoobiya, waxaase hor taagan
muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan marnaba ogoleyn in Cadowga uusan libinta
helin had iyo goorna waxa ay heegan ugu jiraan sidii ay isaga dhicin
lahaayeen nacabka iyo kaaliyihiisan, waxaana war soo baxay sheegeen in
ciidamada Itoobiya soo galeen qaybo ka tirsan Dhulka Soomaaliyeed, balse
taasi in aysan dhici doonin ayay wacad ku ku galeen halyeeyo Soomaaliyeed ka
xumaaday waxa Baarlamaanka yiri shacabkaan matalaa ka soo yeeray, taasoo ah
wax laga xumaado in mas’uuliyiin la mooday ay soo galbiyaan cadow kuna soo
hogaamiyaan dadkooda, Abwaan isagu Muujinaya in uu san marnaba ogolaan
inItoonbiya ay Gumeysato ayaa waxa uu yiri “Hashaan Gaada weynow Libaax uga
gamboon waayay, in aan Goronyo Cawl uga tagaa waa wax soo gurayee” , isago
ummadda ku boorinaya in caddowga wadanka Doonaya in sharafta Soomaaliyeed
dhaco laga hortago oo laga dhigto tiisa.
W/D: Imaan Max’ed Jimcaale
E-mail:
iimaan123@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2006
Madaxwaynaha
Puntland oo ku Soo Laabtay Boosaaso bil kaddib
MDGPL, Cadde Muuse, oo mudadii bisha ahayd ee uu dalka ka
maqnaa safar qarsoodi ah ku tegey Ethiopia ayaa..
Guji...
3 Qof oo ku dhintay Rasaas La isku Weydaarsadey
Magaalada Kismaayo
»Wafti
uu hoggaaminayo Barre Hiiraale oo soo gaaray..
»Wafdi
Qaramada Midoobey oo la kulmey Maxkamadaha...
»Ciidamo
Itoobiyaan ah oo lagu arkay gudaha Baydhabo..
»Shariif
Xasan oo ku soo jeeda Magaalada Muqdisho...
»HOWLIHII GUDDIGA GURMADKA
ABAARAHA MUDDADA 5 BILOOD AH
»Koobkii
Jaaliyada Finland ee Xagaaga ku Guulaysatay..
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan... Guji... July 4
|