SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 13, 125


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...


Wararkii July 5, 2006

  • Ugaas Max’ed Wali “Barre Hiiraale wuxuu wadaa Barnaamij Daaroodiisam ah oo loo soo dhiibay..”

  • Ciidamadii Itoobiya ee soo galay Buulo-Xaawo oo qaarkood..

  • C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay dib ugu soo laabtey Magaalada..

  • Dowladda Itoobiya oo wada Qorsha ah in ay heshiisiiso Kooxohii.

  • Kulan dhex maray Max’ed Jaamac Furux iyo. Gudoomiyaha maxkamada.

  • Xafladii loogu dabaal dagayey Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ee 46aad oo ka dhacday Minnesota...

  • Dagaallo ciidammada Itoobiya lagu jabiyay.


Kismaayo: Xafladda Xiritaanka Xilli Jaamacadeedka....

 Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen dad weyne aad u fara badan oo lagu soo gaba gabaynayay xili jaamacadeedka kismaayo university ayaa shalay galinkii danbe ka dhacday hotel tawakal ee magaalada kismaayo.

Munaasabadaan oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin fara badan oo ka kala socda maamulka degmada kan dooxada jubba iyo waliba kan jaamacada kismaayo ayaa waxaa ay ahayd mid lagu loogu soo gaba gabeynayay xilli dugsiyeedka ardeyda jaamacada xiligan ayagoo haatan ardeydu ay fasax galayaan.


Intii ay munaasabadaas socotay ayaa waxaa halkaas khudbado kala duwan ka soo jeediayay masuuliyintii halkaas isugu timid oo uu ugu horeeyay madaxda jaamacada kismaayo ayagoo dhamanaba carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay waxbarashada islamrkaana ka war bixiyay waxyaabaha ay kala kulmeen furitaanka jaamacada kismayo, haddana ay ardeyda jaamacada oo ah kuwo aanan horey u helin jaamacad ku taala degaankooda ay hadda heleen. Prof. Cabdi Raxmaan sahal oo ah gudoomiye ku xigeenka jaamacada ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday micnaha loo aas aasay jaamacada kismaayo iyo sida ay oga faaiideysteen bulshada ku dhaqan gobolka oo uu sheegay in ay baahi weyn u qabeen helitaanka jaamacadka hirgasha gobolka.



Sidoo kale waxaa halkaas khudbado ka soo jeediyay qaar ka mid ah ardeyda xiligaan loo xirayo jaamacada ayagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyahiin aqoonta ay ka heleen jaamacada waxaana ay aad ugu mahad celiyeen macalimiinta waqtigooda ay u hureen in ay u faaiideeyaan.

cabdi khadar Nuur  | SomaliTalk Kismaayo | cabdiqadar84@hotmail.com


Ugaas Max’ed Wali “Barre Hiiraale wuxuu wadaa Barnaamij Daaroodiisam ah oo loo soo dhiibay..”

Ugaas Max’ed Wali Ugaas Axmed Nuur oo ah Ugaaska Beesha Sade ahna Afhayeenka Beelaha Daarood ayaa mar uu xalay na soo xiriiray waxa uu ka hadlay arrimo maalmahan u dhexeeyay Barre Hiiraale iyo rag kale, waxa uun yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya. “Soomaalidu waxba kalama qarsan karaan, marka laga reebo waxa jeebkooda ku jira, waxaan og nahay in Barre Hiiraale uu waday Barnaamuj Daaroodiisim ah oo la doonayo in lagu abuuro magac qabiil si loogu adeegsado arimo fool xun”. Ugaasku waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan ayaandaro ah in Barre Hiiraale meel todoban sano laga soo gudbay uu maanta dib ugu laabto”.

Ugaas Max’ed Wali waxaa kaloo uu yiri “Walaalkey Barrow waan kuu nasteyxay-nayaa, waa in aad faraha kala baxdaa arrimaha laguu soo dhiibay oo aysan faa’idada ugu jirin Diinta iyo Dalkaba, xaaladda Maanta taagan waa inaad ka faa’iideysataa, haddii aad rabtid Liibaan Adduun iyo mid Aakhiro”.

Ugaas Max’ed Wali ugu dambeyntii waxa uu yiri Xikmad Soomaaliyeed ayaa oroneysa “Nin rag ah abaal waa gudaa, Doqonina waa garataa, haddii wax kugu dambeeyaan Barrow wixii abaal kuu guday”.

Ciidamadii Itoobiya ee soo galay Buulo-Xaawo oo qaarkood..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buula Xaawo ee Gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee labadii maalmood halkaasi ku sugnaa ay maalintii shalay ahayd isaga dhaqaaqeen.

Lama garanayo sababa-ha ay ciidamada itoobiya uga baxeen halkaasi hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay soo aadeen magaalada Baydhabo.

Wararka kale ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya sababaha ay halkaasi uga baxeen ay tahay iyadoo uu cadaadi uga yimid dadweynaha Deegaanka oo u sheegay in aysan ogolaaneyn in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugnaadaan deegaankooda.

Dowladda Itoobiya wali waxay beenineysaa in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen guda dalka Soomaaliya, Dhinaca kale warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen mar kale deegaanka Jawiil oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay dib ugu soo laabtey Magaalada..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalay shirkii Wadamada Afrika ee lagu soo gebagabeeyay wadanka Gaambiya ayaa maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo, waxaana, ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in uu maanta warbixin siiyo Xubnaha labada Gole oo uu ku faahfaahinayo waxyaabihii ugu soo qabsoomay shirkii Gaambiya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu madaxdii shirkaasi ka qayb-gashay hor dhigay in Soomaaliya loo soo diro ciidamo nabad ilaalin ah, arrintaasi si weyn uga guuxeen madaxdii halkaasi fadhiday, waxayna ogolaadeen in soomaaliya ay u dir doonaan ciidamo nabad ilaalin ah oo Dowladda Federaalka kala qayb-qaata dhinaca amniga iyo waliba hub ka dhigista kooxa Maleeshiyooyinka.

Dowladda Itoobiya oo wada Qorsha ah in ay heshiisiiso Kooxohii.

Warar hoose oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Dowlada Itoobiya ay wado qorshe ah in ay heshiisiiso Xubnihii Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ee looga adkaaday dagaalkii Muqdisho.

Heshiiskaan oo ay wadaan saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa Dowladda Itoobiya waxay dooneysaa in xubnahaasi dib loogu celiyo jagooyinkoodii, kadib markii Ra’isul Wasaare Geeddi uu ka qaaday xilkii. Warar ayaa waxay sheegayaan in Max’ed Dheere oo ay la socdaan Saraakiil Itoobiyaan ah ay soo gaareen Magaalada Baydhabo, isla markaana uu kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo uu ku jiray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.

Dowladda Itoobiya ayaa iyagu si aad ah uga soo horjeeda guusha ay Midowga Maxaakiimtu ka gaareen qabqablayaasha dagaalka oo mudo 15 sano ah dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu waramay in Ciidamo Itoobiyaan ah lagu arkay xarunta uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, ciidamadaas oo la sheegay in halkaasi loo keenay in ay sugaan ammaanka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxayna ka kooban yihiin ilaa iyo 300 oo askari.

Kulan dhex maray Max’ed Jaamac Furux iyo. Gudoomiyaha maxkamada.

Kulan ayaa waxaa wada yeeshay wasiir ku xigeenka Badda iyo Dekedaha Max’ed Jaamac Furux , Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah C/qaadir Cali Cumar, Suldaanka Beesha Reer Xaaji Suleymaan Suldaan Cali Axmed Nuur Guuleed, kulankaan waxaa kaloo ka qaybgalay xubnaha ka socday Jaaliyadda Beesha ee Yurub, Ameerika iyo Kanada, waxaana looga hadlay sidii ay beeshu u yeelan lahayd midnimo guud.

Xubnahaasi waxay si weyn u soo dhaweeyeen Guusha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ka gaareen Xaaladdii Cakirneyd ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxka-madda Sheekh C/qaadir ayaa waxa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in la mideeyo Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Culuma’udiinka beesha si ay ula jaan qaadaan is bedelka cusub ee ka dhacay dalka.

Bashiir Salaad Dhool Yare oo ku hadlayay magaca Jaaliyadda ee Dibadaha ayaa waxa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in la sameeyo barnaamij qaabeysan oo lagula socdo xaaladda Beesha iyo deegaanada ay degan tahay, waxaana qoraalkaan na soo gaarsiiyay Mahad Daahir Muuse, wuxuuna kulankaasi ku dhamaaday Jawi is af garasho .


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Xafladii loogu dabaal dagayey Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ee 46aad oo ka dhacday Minnesota...

 

 

Minnesota (U.S.A)

Waxaa isugu yimi dad aad u fara badan oo watay dhar bilicsan oo calanka Soomaalida shabaha. Dadkaas oo Soomaali, Oromo, Mareeykanka cad iyo kuwa madoowba isugu jira waxay u dabaaldagayeen Xoriyadii 46aad ee dhulka Soomaalida. Xafladan waxaa agaasimay iskuna duba riday Confederation of Somali Communties in Minnesota (CSCM), waxaana qeeyb libaax warbixinta iyo taswiirta ka geeystay Somali American Media Association (SAMA). Xaflada waxaa kalo qeeyb weeyn ka qaatay Fanaaniinta Soomaaliyeed ha ugu horeeyo Abwaan Sangub, Abwaanad Luul Jeeylaani, Abwaanad Saada Cali iyo Abwaan Shariif Jeeg. Waxaa xiriiriye ka haa Cabdirisaaq Maxamad Dirir (Duceeysane).

Waxaa maalintaas halkaa khudbad xaga taleefoonka ah ka jeediyay Madaxweeyne Yusuf isagoo jooga Wadanka Gaboon ee Galeedka Afrika. Madaxweeyne Yusuf waxuu dadka halkaa isugu yimid ku guubaabiyay inay dalka iyaga ay u maqan yihiin, waxna soo taraan dadkooda iyo dalkoodaba.

HAMBALYO AYAAN LEENAHAY UMMADDA SOOMAALIYEED IYO DADKII QABANQAABIYAY XAFLADAN QIIMAHA LEH OO KA DHACADAY XAAFADA CEDAR-RIVERSIDE WEST BANK EE MAGAALADA MINNEAPOLIS EE GOBOLKA MINNESOTA.

 

M.Ciise
Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2006

Madaxwaynaha Puntland oo ku Soo Laabtay Boosaaso bil kaddib
MDGPL, Cadde Muuse, oo mudadii bisha ahayd ee uu dalka ka maqnaa safar qarsoodi ah ku tegey Ethiopia ayaa.. Guji...

3 Qof oo ku dhintay Rasaas La isku Weydaarsadey Magaalada Kismaayo
»Wafti uu hoggaaminayo Barre Hiiraale oo soo gaaray..
»Wafdi Qaramada Midoobey oo la kulmey Maxkamadaha...
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu arkay gudaha Baydhabo..
»Shariif Xasan oo ku soo jeeda Magaalada Muqdisho...
»HOWLIHII GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA MUDDADA 5 BILOOD AH
»Koobkii Jaaliyada Finland ee Xagaaga ku Guulaysatay..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Guji... July 4


Barnaamijkii Radio Xoriyo
04 July 2006
 
Dagaallo ciidammada Itoobiya lagu jabiyay.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu dileen iyo kuwa ay xidhxidheen.
 
Maxkamadaha Islaamiga ah oo Itoobiya u digay.
 
 
======================   
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo ciidammada Itoobiya waxyeello aad u ba’an loogu gaystay, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
Wariyuhu wuxuu noo soo sheegay in muddadii u dhaxaysay 21/06 – 01/07/2006 dagaallo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya in ciidammada gumasatada lagaga dilay 28 askari. Waxaa sidoo kale dagaalladaas lagaga dhaawacay inta la ogyahay 33 askari.
 
Waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya laga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo wixii saarnaa oo dhan ayna waxba ka bixin. Ciidammada gumaysiga baabuurkaas kaga dhintay ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan 40 askari.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu dileen iyo kuwa ay xidhxidheen.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysatada Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin, qaar kalana ku xidhxidhay.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 16/06/06 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen magaalada Garigo’an haweenay 70 jir ah oo lagu magacaabi jiray Cadar Maxamuud Aaden. Haweenayda da’da ah ayaa la sheegayaa in ciidammada gumaysigu kufsadeen ka hor intii ayna dilin, ka dibna ay meel xas ah ku tuureen. Haweenaydani waxay deegaanka Garigo’an ku ahayd socoto, waxayna u socotay dad ehelkeeda ah oo deegaankaas ka daggan markii ay ka soo dul-dhacday meel ay ciidammada gumaysigu dageen.
 
Isla 16/06/06 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Miir-khaliif, oo gobolka Doollo ka tirsan, gabadh lagu magacaabi jiray Shiino Maxamed.
 
11/06/06 magaalada Ceelwayne waxay ciidammada gumaysigu ku dileen C/llaahi Maxamed Caafi.
 
24/06/06 magaalada Yoocaale waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku laayeen dadka kala ah:
Faadumo Aw-Siciid
Maxamuud Muxumed Oomaar
Iyo Ibraahim Muxumed Aw-Nuur
 
Duleedka Qabridaharre waxaa maydkooda laga helay seddex nin oo dhalinyaro ah oo ciidammada gumaysigu mirrijiyeen. Dhalinyaradan ayaa lagu xabaalay magaalada Qabridaharre, iyagoon la aqoonsanin.
 
Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidheen dad rayad ah oon waxba galabsanin. Dadka la xidhxidhay inta aan magacyadooda helnay waxay akla yihiin:
 
Magaalada Maraacaato waxaa markii ay taariikhdu ahayd 09/06/06 lagu xidhxidhay dadka kala ah;
1-    Haybe Kilaas Xuseen
2-    Maxamuud Taani C/naasir
3-    Sh Faysal Aaden
4-    Deeq Qoofal Saahid
5-    Saafi Faarax Dhaabe
6-    Tiriig Qoofal Saahid
7-    C/llaahi Nuur Aabi iyo
8-    Ayaan Nuur Halab
 
Markii ay taariikhdu ahayd 19/06/06 waxaa raashiin gargaar ahaa oo yaallay magaalada Maraacaato dadwaynaha u qabiyay odayaal deegaanka ah. Raashiinkan ayaa dadwaynaha loo diiday, isla markaana lagu hayay meelo ay ciidammada gumaysigu ku ilaashadaan.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa markaas ka dib xabsiga u taxaabay odayaashii raashiinkan dadwyanaha u qaybiyay oo kala ah;
1-    Haraami Muxumed Cadwaan
2-    Cabdi Cumar Barre
3-    C/llaahi Cabdi Ciilmooge iyo
4-    C/qaadir Nuur Badhi-cadde
 
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale qaar ka mid ah dadwyanaha halkaas deggan ka boobeen raashiin ay dadwaynahaasi lahaayeen. Dadka raashiinka laga boobay waxaa ka mid ah;
1-    Xuseen Gadh-cadde
2-    C/wahaab Xasan Nuur
3-    Anfi Maxamed Hirmaame
4-    Qoolaf Saahid
5-    Suleeqa Faarax Madoobe iyo
6-    Haweenay lagu magacaabo Ceebla’ oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin. Raashiinka dadkan laga dhacay wuxuu isu gayn gaadhayaa 45 Kiish.
 
Maxkamadaha Islaamiga ah oo Itoobiya u digay.
 
Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in xukuumadda Itoobiya ay faragalin ku heyso dalka Soomaaliya, isla markaana ay magaalada Baydhabo ku sugan yihiin ciidammo Itoobiyaan ah.

Sheekhu wuxuu xukuumadda Itoobiya uga digay inay sii waddo faragalinta ay Soomaaliya ku hayso, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay arrintaasi ka dhiidhiyi doonaan.
Sh Shariif ayaa digniintan bixiyay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.
 
Digniinta Sh Shariif ayaa ka danabaysay markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidammo Itoobiyaan ahi ay galeen magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dawlada ku meelgaadhk ah ee Soomaaliya. Ciidammadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa inay ka yimaadeen dhinaca gobolka Gedo, isla markaana ay yihiin ciidammo badan oo wata dhawr baabuur oo kuwa ciidammada ciidammada ah.
 
Qaybo ka mid ah ciidamada Itoobiya ee galay dalak Soomaaliya ayaa ku hadhay oo wali fadhiya tuulada Bardaale, waxayna ciidammadani qayb ka yihiin ciidammo Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay galay gudaha dalka Soomaaliya. Ciidammadan ayaa soo fadhiistay dhawr meelood oo dalka Soomaaliya ka mid ah, waxaana meelahaas ka mid ah degmada Buulaxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo, taasoo ay tegeen ciidammo Itoobiyaan ah oo toban gaadhi wata.
 
04 July 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Wararka Kale ee Soomaaliya:::
3 Qof oo ku dhintay Rasaas La isku Weydaarsadey Magaalada Kismaayo
»Wafti uu hoggaaminayo Barre Hiiraale oo soo gaaray..
»Wafdi Qaramada Midoobey oo la kulmey Maxkamadaha...
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu arkay gudaha Baydhabo..
»Shariif Xasan oo ku soo jeeda Magaalada Muqdisho...
»HOWLIHII GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA MUDDADA 5 BILOOD AH
»Koobkii Jaaliyada Finland ee Xagaaga ku Guulaysatay..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Guji... July 4

Xisbiga Ramaas oo Bayaan ka soo Saaray Garoowe
Waxana uu xisbiga Ramaas shaaca ka qaaday in...
Guji....

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.