SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...


Wararka:: July 4, 2006

  • Madaxwaynaha Puntland oo ku soo laabtay Boosaaso bil kaddib
  • Gudoomiyaha golaha degaanka degmeda Galdogob oo soo gaaray magaalda Garowe..
  • Ciidanka amniga magaalada Bosaso ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay 79 'danbiilayaal' ah.

Madaxwaynaha Puntland oo ku Soo Laabtay Boosaaso bil kaddib

Madaxwayanaha DGPL ayaa  galabta (June 4, 2006) ka soo dagay garoonka diyaarahada ee magaalda Bosaso kadib markii uu ku maqnaa safaro dibeda ah  oo inta badan la xiriira caafimaadkiisa.

Madaxwaynaha puntland oo mudo bil ah ka maqnaa dalka ayaa hada dib ugu soo laabtay isaga oo ka soo kici timay emaaraadka carabta, safarka madaxwaynaha ayaan cidina ku wehelin sida looga bartay madaxda Puntland.

Madaxwayana ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax aad u badan oo isugu jira wasiiro iyo kuxigeeno sidoo kalena waxaa ka qaybqaatay soo dhawaynta madaxwaynaha shacab aad u badan.

Cadde Muuse, madaxwaynaha DGPL, ayaa ka dhoofay dalka bishii hore (June 4, 2006) isaga uu u duulay dalka Jarmalka, waxana uu safarkaasi la xiriiray caafimaadkiisa, sidoo kale madaxwaynuhu waxa uu maray wadamo kale duwan oo ay ka mid ahaayeen Holland, Belgium, emaaraadka carabta iyo waliba dalka Ethiopia oo safar aan la qorshayn si wayna looga hadlin ku tagay dalkaasi Ethiopia ilaa iyo hadana lama garanayo  waxa ka soo baxay safaradaas uu madaxwaynuhu soo maray.

Dalka Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka gacansaarka laleh Puntland, waxana uu madaxwaynuha DGPL uu Addis-Ababa tegey xili uu ka soo duulay dalka emaaraadka carabta oo habeenimo ah, ilaa iyo hadana macadda sababaha dhabta ah ee uu madaxwaynuhu u tegey dalkaasi Ethiopia loomana ogolaan saxaafada in ay wax ka ogaato safarka Ethiopia ee Cadde Muuse uu ku tagay.

Cadde Muuse mar uu maanta ka hadlayay Boosaaso waxa  uu shegay in garoonka diyaaradaha ee Bosaso loo dhisi doono runway-ga ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo loo dhisi doono si casri ah, dhismahaasna uu bilaaban doono labaatan casho kadib.


Madaxewynaha oo Kormeeraya Dhismaha Airoport Boosaaso June 10, 2005

Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Nin Austaralian ah_oo sheegay in  uu maalgashi ku sameeyo Puntland. Akhri

PUNTLAND vs TERRY::  01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 |


Dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa waxa uu hadda marayaa meel aad u xasaasi ah waxana uu dhismahaasi socdaaa in ka badan sanad iyo bar, waxana markii la bilaaabayay Cadde Muuse uu sheegay in uu socon  doono mudo 6bilood ah taasina sida muuqata sadex laab ayuu dhaafay, waxaana xiligii la bilaabayay la qorsheeyaya in ay ku bixi doonto lacag dhan 600,000,000$ waxana uu hada marayaa in ka badan hal billyan, waxana aad moodaa in uu yahay mashruuc u furan madaxda dawlada oo kaga gabanaysa wax u qabadka dadka. Garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa ah il furan oo aan dhamaad lahayn, waa sida dad badan ay is waydiinayaan waxa dhismihiisa loo soo afjari la'yahay.

Madaxda Puntland sida caadiyan ah intabadan waa ay dhoofta iyaga oo kali ah waxayna soo laabtaan iyaga oo kali ah, waase la arki doonaa Cadde waxa uu safar bil ka dib soo kordhiyo.

Marar badan ayaa loogu baaqay in uu Cade Muuse is casilo kadib markii uu fulin waayay balanqaad yadiisii uu ku galay doorashadii uu xukunka kula wareegay.

Bayaano badan ayaa waxaaa soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas Political Party kaasi oo uu ku dalbanayo in  dawaladu iscasisho maadaama ay ka soo bixi wayday ballan qaadyadeedii, sidoo kalena dadbadan ayaa u arka xukunka Cadde in uu yahay mid uu caafimaadkiisa ku illaashanayo waayo tan iyo markii uu xukunka Cadde Muuse la wareegay wali wax muuqda oo la taaban karo lama qaban waxaana la orankaraa waaba ay ka sii dartay Puntland, waxaana hadda ka jira Puntland musuq maasuq aad u baahsan oo xataa gaaray heer uu shacabku ogaaday iyo waliba wax qabad la'aan aad u wayn taas ayaana keentay in loogu baaqo in uu iscasilo madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse.

»»Akhri: Marunbaa mise waa Rati ku kacsi Khudbadii Madaxwayne Cade (Jun 2005)

»» "Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Xilkii Laga Qaaday oo lagu Maslaxay 100,000,000 sh.so ($80,000) iyo Gaarigii...."

»»Cadde Muuse intii uu dalka ka maqnaa waxaa Xilkii Laga Qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland

»»Madaxweynaha Puntland intii uu joogey Dubai waxa uu Markii Ugu Horeysey Sheegay In Shirkado Kale Imaan Karaan Puntland - Hadalkaas oo Khilaafsan Heshiiskii ay Puntland La Gashay Shirkadda "Consort ltd".

»»Halkan ka dhegeyso Hadalkii uu Cadde Muuse ka jeediyey kulankii Jaaliyada Holland...

Gudoomiyaha golaha degaanka degmeda Galdogob oo soo gaaray magaalda Garowe.

Wafdi ka socda degmada Galdogob oo uu horkacayo duqa cusub ee degmada Goldogob Cabdullaahi Yuusuf Xaaji, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmadaas oo maalmahaanba ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland ayaa kulamo la yeeshay madaxda sarsare ee dawlada Puntland oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland Xasan Daahir Afqurac.

Waftigan ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wayn la sikula shaqeeyo  islamarkaaana la iska ilalaiyo dacaayadaha beenta ah sidoo kalena loo baahan yahay in la taageero maamulka cusub ee degmedu ay yeelatay madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir ayaa sheegay in dawladda ay mar walba tixgalineyso rabitaanka dadka cidkasta oo ay soo doortaana ay la shaqeynayaan waxa uu ugu danbayntii Xasan Daahir Afqurac cadeeyay in ay aqbaleen doorashidii ka dhacday galdogob isla markaasna ay la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee degmada Galdogob, sidoo kale wuxuu madaxweyne ku xigeenka u sheegay maamulka cusub ee degmadu yeelatay in ay looga baahan yahay inay wax u qabtaan sidii loo soo doortay dadkuna aysan maamulka kaliya wax ka sugine ee loo baahan yahay in la is kaashado oo wax lawada qabsado.

Doorashooyinka dhanka deegaanaka oo xiliyadaa ku jira dardar cusb ayaa ah dimuquraadiyad  ay puntland uga bixi karto soo magaacib shaqsi samayn jiray hadii ay soo afjarmaana dhamaan  golayaasha xildhibaanada deegaanka waxaan shaki ku  jirin in  la samayn doono doorashooyin madaxwayne, baarlamaan iyo mid dastuurb say doonaanba ha u kala hormareene. 

Ciidanka amniga magaalada Bosaso ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay 79 'danbiilayaal' ah.

Hawlgal ballaaran oo ay wada jir u qaadeen ciidammada Booliiska iyo Asluubta ee magaalada Boosaaso habeenkii xalay ayaa lagu
soo qabqabtay 79 dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyey in ay gacanta kula jireen falal burcadnimo ah.

Dhallinyaradan ayaa inta badan lagu soo qabqabtay iyaga oo dadweynaha ka ugaarsanaya agagaarka shirkadda isgaarsiinta ee Golis, waxana saaka bilowday baaritaan lagu kala saarayo dadkaas si loo sii daayo kuwa aan iyagu dembiga lahayn.

34 kamid ah dhallinyaradaas ayaa ciidamada ammaanku ay u gudbiyeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso kuwaas oo wadey falal burcadnimo iyo isticmaal maandooriye ah iyadoo intii kalena la sii daayey.

Ugaarsiga dhallinayarada loo yaqaan ciyaal Faay Caliga ayaa ay ciidamada kala duwan ee amniga Boosaaso ay haatan dib u soo cusboonaysiiyeen kadib markii ay dhallinyaradaasi ay soo laba kacleeyeen, kuwaas oo inta badan dadka ku baarta dariiqyada magaalada Bosaso.

Dhalinyaradaan hada la soo xir xiray qaar kood ayaa ah kuwo marar badan la xir xiray loona xir xiray falkan iminka lagu soo qabtay ilaa iyo hadana macada waxa laga yeeli doono maadaama ay u barteen xukun dabacsan oo lacag lagu furto ama la siidaayo markay maalmo ku jiraan xabsiga bosaso. 

C/risak koronto
Garowe Puntland
koronto_65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
04 July 2006
 
Dagaallo ciidammada Itoobiya lagu jabiyay.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu dileen iyo kuwa ay xidhxidheen.
 
Maxkamadaha Islaamiga ah oo Itoobiya u digay.
 
 
======================   
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo ciidammada Itoobiya waxyeello aad u ba’an loogu gaystay, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
Wariyuhu wuxuu noo soo sheegay in muddadii u dhaxaysay 21/06 – 01/07/2006 dagaallo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya in ciidammada gumasatada lagaga dilay 28 askari. Waxaa sidoo kale dagaalladaas lagaga dhaawacay inta la ogyahay 33 askari.
 
Waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya laga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo wixii saarnaa oo dhan ayna waxba ka bixin. Ciidammada gumaysiga baabuurkaas kaga dhintay ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan 40 askari.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu dileen iyo kuwa ay xidhxidheen.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysatada Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin, qaar kalana ku xidhxidhay.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 16/06/06 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen magaalada Garigo’an haweenay 70 jir ah oo lagu magacaabi jiray Cadar Maxamuud Aaden. Haweenayda da’da ah ayaa la sheegayaa in ciidammada gumaysigu kufsadeen ka hor intii ayna dilin, ka dibna ay meel xas ah ku tuureen. Haweenaydani waxay deegaanka Garigo’an ku ahayd socoto, waxayna u socotay dad ehelkeeda ah oo deegaankaas ka daggan markii ay ka soo dul-dhacday meel ay ciidammada gumaysigu dageen.
 
Isla 16/06/06 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Miir-khaliif, oo gobolka Doollo ka tirsan, gabadh lagu magacaabi jiray Shiino Maxamed.
 
11/06/06 magaalada Ceelwayne waxay ciidammada gumaysigu ku dileen C/llaahi Maxamed Caafi.
 
24/06/06 magaalada Yoocaale waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku laayeen dadka kala ah:
Faadumo Aw-Siciid
Maxamuud Muxumed Oomaar
Iyo Ibraahim Muxumed Aw-Nuur
 
Duleedka Qabridaharre waxaa maydkooda laga helay seddex nin oo dhalinyaro ah oo ciidammada gumaysigu mirrijiyeen. Dhalinyaradan ayaa lagu xabaalay magaalada Qabridaharre, iyagoon la aqoonsanin.
 
Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidheen dad rayad ah oon waxba galabsanin. Dadka la xidhxidhay inta aan magacyadooda helnay waxay akla yihiin:
 
Magaalada Maraacaato waxaa markii ay taariikhdu ahayd 09/06/06 lagu xidhxidhay dadka kala ah;
1-    Haybe Kilaas Xuseen
2-    Maxamuud Taani C/naasir
3-    Sh Faysal Aaden
4-    Deeq Qoofal Saahid
5-    Saafi Faarax Dhaabe
6-    Tiriig Qoofal Saahid
7-    C/llaahi Nuur Aabi iyo
8-    Ayaan Nuur Halab
 
Markii ay taariikhdu ahayd 19/06/06 waxaa raashiin gargaar ahaa oo yaallay magaalada Maraacaato dadwaynaha u qabiyay odayaal deegaanka ah. Raashiinkan ayaa dadwaynaha loo diiday, isla markaana lagu hayay meelo ay ciidammada gumaysigu ku ilaashadaan.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa markaas ka dib xabsiga u taxaabay odayaashii raashiinkan dadwyanaha u qaybiyay oo kala ah;
1-    Haraami Muxumed Cadwaan
2-    Cabdi Cumar Barre
3-    C/llaahi Cabdi Ciilmooge iyo
4-    C/qaadir Nuur Badhi-cadde
 
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale qaar ka mid ah dadwyanaha halkaas deggan ka boobeen raashiin ay dadwaynahaasi lahaayeen. Dadka raashiinka laga boobay waxaa ka mid ah;
1-    Xuseen Gadh-cadde
2-    C/wahaab Xasan Nuur
3-    Anfi Maxamed Hirmaame
4-    Qoolaf Saahid
5-    Suleeqa Faarax Madoobe iyo
6-    Haweenay lagu magacaabo Ceebla’ oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin. Raashiinka dadkan laga dhacay wuxuu isu gayn gaadhayaa 45 Kiish.
 
Maxkamadaha Islaamiga ah oo Itoobiya u digay.
 
Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in xukuumadda Itoobiya ay faragalin ku heyso dalka Soomaaliya, isla markaana ay magaalada Baydhabo ku sugan yihiin ciidammo Itoobiyaan ah.

Sheekhu wuxuu xukuumadda Itoobiya uga digay inay sii waddo faragalinta ay Soomaaliya ku hayso, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay arrintaasi ka dhiidhiyi doonaan.
Sh Shariif ayaa digniintan bixiyay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.
 
Digniinta Sh Shariif ayaa ka danabaysay markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidammo Itoobiyaan ahi ay galeen magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dawlada ku meelgaadhk ah ee Soomaaliya. Ciidammadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa inay ka yimaadeen dhinaca gobolka Gedo, isla markaana ay yihiin ciidammo badan oo wata dhawr baabuur oo kuwa ciidammada ciidammada ah.
 
Qaybo ka mid ah ciidamada Itoobiya ee galay dalak Soomaaliya ayaa ku hadhay oo wali fadhiya tuulada Bardaale, waxayna ciidammadani qayb ka yihiin ciidammo Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay galay gudaha dalka Soomaaliya. Ciidammadan ayaa soo fadhiistay dhawr meelood oo dalka Soomaaliya ka mid ah, waxaana meelahaas ka mid ah degmada Buulaxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo, taasoo ay tegeen ciidammo Itoobiyaan ah oo toban gaadhi wata.
 
04 July 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Wararka Kale ee Soomaaliya:::
3 Qof oo ku dhintay Rasaas La isku Weydaarsadey Magaalada Kismaayo
»Wafti uu hoggaaminayo Barre Hiiraale oo soo gaaray..
»Wafdi Qaramada Midoobey oo la kulmey Maxkamadaha...
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu arkay gudaha Baydhabo..
»Shariif Xasan oo ku soo jeeda Magaalada Muqdisho...
»HOWLIHII GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA MUDDADA 5 BILOOD AH
»Koobkii Jaaliyada Finland ee Xagaaga ku Guulaysatay..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Guji... July 4

Xisbiga Ramaas oo Bayaan ka soo Saaray Garoowe
Waxana uu xisbiga Ramaas shaaca ka qaaday in...
Guji....

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD