SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii July 4, 2006
  • Wafti uu hoggaaminayo Barre Hiiraale oo soo gaaray kismaayo..
  • 3 Qof oo ku dhintay israsaaseyn ka dhacday Kismaayo...
  • Wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo la kulmey Maxkamadaha...
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu arkay gudaha Magaalada..
  • Hadalkii Usaama oo ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen Dadweynha Muqdisho...
  • Shariif Xasan oo ku soo jeeda Magaalada Muqdisho...
  • HOWLIHII GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA MUDDADA SHANTA BILOOD AH
  • Fc-Golis oo Koobkii Jaaliyada Finland ee Xagaaga ku Guulaysatay..

Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta oo xalay soo gaaray magalada kismaayo

Wafdigaan soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FKM Somaliya xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre hiraale) ayagoo wafdigana ka soo abanbabaxay magaalada Baardheere oo ay ku sugnaayeen mudo dhowr cisho ah halkaasoo ay kulamo kula lahayeen masuuliyiinta iyo wax garadka ku dhaqan deegaanka Baardheere.


Waftiga Barre Hiiraale oo la soo dhoweynayo...

Intii uusan soo gaarin wasiirka magaalada Baardheere ayaa waxaa ay soo dhameeyeen wada hadalo in mudo ah u socday beelaha Sade iyo Gare oo in mudo ah uu qilaaf ugu dhexeeyay degmada Ceelwaq ee gobolka Gedo ayadoo ay wada hadaladaas ka qeyb qaadanyeen wax garad iyo masuuliyiin ka kala socda labada dhan ee deegaankaasi wada daga .

Wasiirka oo subaxnimadii saakay soo gaaray magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay bulshada iyo maamulka deegaanka jilib ayagoo halkaasna ay qado sharaf ugu sameeyeen wasiirka iyo wafdigii uu hogaaminayay maamulka degmada Jilib.

Gallinkii danbe ee shalay ayaa waxaa uga hortagay wasiirka deegaanka Jilib qeybaha ururada bulshda rayidka ah masuuliyiin iyo kooxaha baando oo uu horkacayay taliyaha ciidamada isbahaysiga dooxada jubba maxamed rooble jimcaale(goobaale) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Dooxada Jubba.

Wasiirka ayaa markii uu soo gaaray magaalada Kismaayo waxaaa uu u mahad ceshay dadweynahii soo dhaweeyay isagoo sheegay in Talaadada (maanta) ah uu meel fagaare ah uu kula hadli doono islamarkaana uu u soo bandhigo doono waxyaabahii uu kula soo kulmay safarkii uu mudada 37 casho ahayd kaga maqanaa magaalada Kismaayo.

3 Qof oo ku dhintay israsaaseyn ka dhacday Kismaayo...

  • Waxaana dadkaas dhintay kamid ahaa wiil arday ah oo u socdey iskuul...

Sadex qof ayaa Isniintii (July 3) dhintay kadib markii ay tacshiirad is weydaarasadeen labo maleeshiyo oo ay midi ahayd ilaalada shirkada xawaalada Dahabshiil ayadoo uu isku dhacaasna ka dhacay agagaarka xarunta shirkada xawaalada Dahabshiil ee magaalada Kismaayo.

Isku dhacaan labada maleeshiyo ku dhex maray agagaarka shirkada xawaalada Dahabshiil ee xaafada Calanleey ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay maleeshiyada banaanka ka timid uu muran xoogan oo ku saasban dhismo ay leedahay shirkada xawaalada Dahabshiil dhex maray ayaga iyo rag Dahabshiil u qaabilsanaa dhismahaasi ayadoo ay maleeshiyada dooneysay in ay qaataan qandaraaska dhismaha ay shirkadu leedahay halka raga Dahabshiilna ay arintaas ku gacanseyreen, waa sida wararku sheegeene'.

Maleeshiyadaan oo ay jifo wadaagaan agaasimaha Dahabshiil Kismaayo ayaa diidmadaas kadib waxaa ay halkaas ka bilaabeen rasaas ayadoo rasaastaasna ay dhalisay isku dhaca halkaas ka bilowday oo u dhaxeeyay ilaalada shirkada Dahabshiil iyo maleeshiyadii fowdada waday.

Sadexda qof ee saakay ku dhimatay israsaaseyntaas ayaa waxaa ay ahaayeen dad shacab ah oo halkaasi ka agdhawaaa marka labada maleeshiyo israsaaseynaysay ayadoo mid ka mid ah sadexdaas qofna uu ahaa wiil yar oo 14 jir ah una socday iskuul.


rasaasta la is weydaarsanayay ayaa haleeshay...

Falkaas israsaaseynta ah kadib ayaa waxaa halkaas yimid ciidanka amaanka ee maamkulka Isbahaysiga Dooxada Jubba ayagoo bilaabay baadi goobka ragii falkaasi geyestay inkastoo ilaa iyo hada aanan gacanta lagu dhigin ragii falkaasi gayestay balse lagu baadi goob jiro sida uu sheegay taliyaha ciidanka amaanka Maxamed Cabdulaahi Aar.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Geedi
Jawaabtii Geeddi ee hadalkii Bin Ladin Halkan ka dhegeyso
Osama bin Laden in 1998 somewhere in Afghanistan.  (Associated Press)
Halkaan ka dhagayso Hadalkii Osama Bin Ladin uu kaga hadlay Soomaaliya....
Sawirka: TV Canada www.cbc.ca

Dhegeyso: Sheikh Shariif oo sheegay in lagu soo xad gudbey Soomaaliya, oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Magaalada Baydhabo... Waxa kale oo uu sheegay in kacdoonka ka dhacay Muqdisho uu yahay kacdoon shacab....

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

Koffi Annan oo hor-taagan in Soomaaliya laga qaado Cunaqabteynta..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mudane Kofi Annan ayaa si weyn u hortaagan in soomaaliya laga qaado cunaqabteynta hubka, waxa uuna arrintaan ka hor caddeeyay shirkii Midowga Afrika ee lagu soo gebagabeeyay Gaambiya. “haddii cunaqabateynta Soomaaliya laga qaado waxaa hubaal ah in hub fara badani uu ku qulquli doono Soomaaliya, taasina waxay keeneysaa in wadamada Geeska Afrika uu saameyn ku yeesho, isla markaana xaaladda nabadgelyada Gobalka ay cirka isku shareerto” ayuu yiri Kofi Annan oo sheegay in arrimaha Soomaaliya lagu xalin karo wada hadal iyo is afgarad, taas oo uu sheegay in Soomaaliya ay kaga bixi karto dhibaatada iyo fawdada.

Hadalka Kofi Annan waxaa si weyn uga careysay Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya oo iyagu doonaya in Qaramada Midoobey ay cunaqabateynta hubka ka qaado Soomaaliya, si ay soo galaan ciidamo Nabad ilaalin ah, sidoo kale Jaamacadda Carabta ayaa la sheegay in iyana si weyn uga soo horjeedo in Soomaaliya laga qaado cunabaqateynta hubka , waxaa kaloo ka soo horjeeda qaar ka mid ah wadamada IGAD oo sheegay in cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay saameyn ku yeelan karto wamadooda.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu wadamo fara badan ka dhaadhiciyay in ay gacan ka gaystaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, waxa uuna codsiyo arrintaasi ku saabsan u diray ururada caalamiga ah, sida Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Midowga Yururb. Shirkii lagu soo gebagabeeyay Gaambiya ayaa madaxdii ka qaybgashay waxay isku raaceen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka si loo geeyo ciidamo ka socda wadamada Qaaradda Afrika oo ay ugu horeeyaan kuwa IGAD.

Wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo la kulmey Maxkamadaha...

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday Qaramada Midoobey kuwaas oo ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Cisaley.

Ujeedada uu u yimid Wafdigaani Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu indha-indheyn lahaa xaaladda Nabadgelyo ee magaalada Muqdisho, waxa uuna wafdigaasi shalay soo kormeeray Goobo ay ka mid yihiin garoonka weyn ee Magaalada Muqdisho, dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho iyo Goobo kale.

Wafdigaasi ayaa waxa uu markii dambe kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socotay golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna isla soo qaadeen xaaladda Magaalada Muqdisho, waxa uuna goluhu u sheegay wafdigaasi in Magaalada Muqdisho haatan ay tahay magaalo aad u nabdoon oo laga soo dejin karo gargaarka bini’aadanimada.

Wafdiga Qaramada Midoobey oo isagu uruursaday warbixino fara badan ayaa isagu shalay dib ugu laabtay magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya, waxaana la filayaa in wafdigaasi uu maanta tago Magaalada Baydhabo si halkaasi uu kulamo ugula yeesho Mas’uuliyiinta Dowladda ee halkaasi ku sugan.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu arkay gudaha Magaalada..

Dad war-gal ah oo shalay ka yimid Magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyay in ciidamo Itoobiyaan ah lagu arkay Magaalada Baydhabo, gaar ahaan xarunta uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Ciidamadaasi ayaa waxaa la sheegay in ay keeneen dhowr gaari oo tikniko ah, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay wehliyeen kuwo kale oo Soomaali ah oo ka soo raacay deegaanka Ceel-Barde.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in Magaalada Baydhabo ay u yimaadeen sidii ay u indha-indheyn lahaayeen xaaladda Magaalada, isla markaana ay u qorsheyn lahaayeen sidii Magaalada Baydhabo u soo gaari lahaayeen ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Itoobiya, Dadweynaha Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay ku kala qaybsan yihiin imaanshaha Ciidamada Itoobiya, qaarkood waxay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin in Ciidamo Itoobiyaan ah dhulkooda soo galaan, halka kuwo kalana ay qabaan in ciidamadaasi ay yihiin kuwo la shaqeynaya Dowladda Federaalka.

Hadalkii Usaama oo ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen Dadweynha Muqdisho...

Aragtiyo kala duwan ayay dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ka bixiyeen hadalkii Usaama Bin laadin uu kaga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Nin Odey ah oo lagu magacaabo Xasan Cali ayaa waxa uu yiri “waxaan qiyaasayaa in canjaladaasi ay tahay mid la been abuuray, waayo weligeed ma dhicin Usaama Bin Laadin oo 24 saacadood guduhood labo Canjal ku soo dira, waxaa kaloo inaa dheer markii uu C/laahi Yuusuf ka dalbanaya wadamada Midowga Afrika in ciidamo la keeno Soomaaliya ayaa iyana lagu soo beegay canjaladaasi”.

Nin kale oo fikrad duwan ayaa waxa uu yiri “waa dhici kartaa in Canjaladu tahay mid dhab ah, laakiinse looma baahneyn in Usaama waqtigaan ku soo beego”.

Nin si aad ah ula socda siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “Saxaafadda Reer Galbeedka si aad ah ayay nooga dheerayaan markii ay doonayaan in ay wax taabtaan waxay si aad ah uga hadlaan arrimahaasi, waana midda keentay in hadalka Usaama la buunbuuniyo”.

Wiil Dhallinyaro ah ayaa isna waxa uu yiri “Markii uu Usaama hadlay, durbadiiba waxaa hadlay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo yiri ‘hadalka Usaama Bin Laadin waxa uu ku tusinayaa in Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah”.

Canjaladda Usaama Bin laadin nin si aad ah u dhageystay ayaa waxa uu sheegay weli horey looma arag Usaama oo shaqsi weerar, waxa uuna sheegay in Canjaldu ku jirtay hadal uu si kulul ugu weerarayo C/llaahi Yuusuf Axmed, isku soo duuboo canjaladda Usaama Bin Laadin waxay dadka qaarkii u fasirteen in ay tahay mid Soomaaliya loogu marmarsi-yoonayo sidii loo soo weerari lahaa, Canjaladaas waxay ahayd mid si toos ah looga soo duubay Internet-ka balse ma ahayn Canjalad si toos loogu faafiyay warfaafinta.

Shariif Xasan oo ku soo jeeda Magaalada...

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay wafdiga Guddoomiyaha uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Caydiid.

Sababaha ay u imaana-yaan Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamka, isla markaasna wafdigaasi waxa uu doonayaa sidii looga mira dhalin lahaa kulanka 15-ka bishan lagu wado in uu Khartuum ku dhex maro Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2006


HOWLIHII GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA MUDDADA SHANTA BILOOD AH

Iyadoo muddo shan bilood iyo wax ka badana ay socdeen howlihii kala geddisnaa ee gurmadka abaaraha Soomaliya ee ku dhuftay goobllada dalka Soomaaliya qaarkood, isla markaana masuuliyiin iyo shaqsi-yaad fara badan ay gurmadkaasi ka qeyb qaateen, lana badbaadiyay wax badan oo dad ah iyo duunyaba ayaa waxaa shalay oo ku beegneyd 02/07/06 waxaa xaflad ay soo qaban-qaabiyeen howl wadeenada guddigaasi ka dhacday magaalada Muqdisho, taasi oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada sida shirkadaha ganac-siga, ganacsatada gobolka Banaa-dir, culimaa'udiin iyo shaqsiyaadkii sida tooska ah uga qeyb qaatay intii uu socday gurmadkaas, ayaa waxaa laga soo jeediyay gabagabada xafladdaas warbixintii guddiga gurmadka ee shantii bilood oo uu soo jiray oo u qorneyd sidan: 

Sida la ogsoon yahay waxaa umm-adda Soomaaliyeed soo daash-aday in muddo ah dhibaatoyin iyo musiibooyin kala duwan, kuwaasoo rabbi ku asiibay kollkey dunuub waaweyn iyo macaasibo samee-yeen, waxay kaloo ummaddu tarju-beysay oo wax badan soo joogtay in aan gacan shisheeye ku tiirsan-aanteeda wax looga qaban kareyn xallinta mashaakilaadkiina, ummad-duna hadday dooneyso jiritaan iyo sharaf waa inay wax qabsato oo danteeda iyadu ka shaqeyso, is caawiso, is garabsato, iskuna grab siiso shayga xaqa ah sida diinteenu na fareyso.  

Haddaba markii meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya oo awalba la ciirayey dhibaatooyin hore ay ku habsadeen bilihii la soo dhaafay abaaro halakeeyay dad, duunyo iyo dugaag intaba gaar ahaan gobollada koonfureed ee dalka, lana ogaaday inaysan jirin cid kale oo lagu halleyn karo wax ka qabashada arrintaas, waxaa shir deg-deg ah isugu yimid golaha magaalada Muqdisho waxgarad ka kala socday bulshada qeybaheeda kala duwan sida culimada, ganac-satada, bahda waxbarashada, dhakhaatiirta, dhaqaaqa bulshada iyo warbaahinta, shirkaas oo ka dhacay Hotel Daamey waxaa falan-qeyn dheer kaddib la go'aansaday in fadhiga laga kaco loona gurmado dadka abaaruhu halakeeyeen, halkaasna waxaa lagu aas-aasay Guddiga Gurmadka baaraha Soomaaliyeeda -1da Muxaram 1427dii, kuna beegnayd 3101/06, guddigaasna ujeedada loo aas-aasay waxay aheyd u kaalmeynta dadka walaalaha ahee abaaruhu waxyeeleeyeen iyo inay wax ka qabtaan dhibaatadaas inta karaankooda ah si mutadawacnimo ah iyagoo kaashanaya Alle kaddib bulshada Somaaliyeed oo Muslimiinta ah dibad iyo gudaba. 

Waxqabadka Guddiga 

Laga bilaabo markii Guddiga la aas-aasay oo laga joogo 5 bilood ayaa guddiga waxaa u suurto gashay fulinta howlo badan oo ummada Soomaaliyeed loogu kaalmeynayo, waxaana ka mid ah:  

1. Furis xafiis howsha laga maam-ulo oo ku yaalla magaalada Muq-disho, waxayna wafdiyo badan u direen meelo badan oo ka mid ah gobollada Soomaaliya.

2. Ka furis xisaab lacageed shirkadaha xawaaladaha.

3. Wacyigelin kala duwan iyo taba-rrucaad uruurin dibad iyo gudba, waxaana guddiga soo gaaray muddadii 5-ta bilood aheyd lacag 400,666.91$.

4. Wuxuu guddoomay deeq raashin ah oo gaaraysa 568.4 tan, taasoo ka timid dadweynaha Soomaa-liyeed ee ku nool Muqdisho qeyb-ihiisa kala duwan, beeraleyda Afgooye, Ganacsade u dhashay Imaaraadka, Hay'adda Al-manhal Al-kheyriyah, hay'adda Al-xuneyn, ururka Una scuola per la vita. Iwm.

5. Wuxuu u qeybiyay gobollada abaaruhu waxyeeleeyeen raashin gaaraya 1287.33 tan oo isugu jirta meseggo, bariis, galley, timir, qamadi, bur, saliid, sonkor iwm, gobollada la geeyay waxaa ka mid ah Gedo, J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose, Sh/dhexe, Bay, Bakool, Galgaduud, Banadir iyo Ceel waaq Kenya, wuxu kaloo ka furay kijimo quudin Baraawe iyo  Salagle oo ay ka quuteen muddo seddax bilood ah 1500 qofood, waxana gacan naga siiyay hay'adda Almanhal.

6. Wuxuu fuliyay biyo dhaamin loo adeegsaday 19 booyadood oo 8 ka mid ah ay ku deeqeen dadka reer Muqdisho, waxaana laga dhaam-iyay gobollada Gedo, Bay, Bakool, J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose iyo Hiiraan.

7. Wuxuu u qeybiyay dadka qaxoo-tiga ah ee ku soo barakacay Muqd-isho baca gaaraya 1500 xabbo.

8. Wuxuu dhowaan furay website lagu magacaabo www.samafale.com.

Guulaha laga gaaray howsha Gurmadka abaaraha

1. Isu soo dhowaansho dhex martay umada Soomaaliyeed maa-daama ay tani aheyd markii ugu horreysay ee ay isu gurmadeen dadkii colaaddu u dhexeyn jirtay.

2. Kalsooni u soo noqotay Mujtamaca Soomaaliyeed kaasoo ah inay ogaadeen inay wax  qabsan karaan iyagoo cid kale oo Alle ka soo hartay kul tiirsaneyn, taasoo albaab cusub u furtay inay ummaddu u soo jeesato dhanka isku tashiga iyo is garabsiga oo ay caado ka dhigato joogto.

3. Saameynta hay'adaha shishee-yaha ee danaha ka leh Soomaaliya oo hoos u dhacday kuwaasoo qaar ka mid ah dadka hagardaamo ku sameyn jiray iyo luggooyo fara badan.

4. Waxaa ka faa'iideystay kaalma-da guddiga qoysas tiradoodu lagu qiyaasay 85822 qoys, una dhiganta qiyaastii 429110 qofood, iyadoo biyo dhaamin loo sameeyay dad kumanaan gaaraya oo ku sugnaa meelihii abaaruhu ku dhufteen.

5. Waxay arrintani u soo jiiday umada Soomaaliyeed magac iyo sharf maadaama lagu aqoon jiray Soomaalida ummad is cunta, is colaadisa, kala tagsan oo baryo iyo tuugsi badan.

Mahadcelin:

Waxaan mahad u celineynaa marka hore allihii noo sahlay howlahaas fulinteeda, kaddibna waxaan u mahad celineynaa cid kasta oo gacan ka geysatay howlaha gurmadka abaaraha, oo ay ka mid yihiin shirkadaha Banaadir, Hormuud, Global, Nationlink, Telcom Somalia, Iskaashatada Shidaalka Muqdisho, Dahabshiil, Qaran Express, Jubba Airways, Sas, Al-mustaqiim  iwm

Waxaa soo tebiyey:
MUUSE MAXAMUUD JISOW
somali39@hotmail.com


Fc-Golis oo Koobkii Jaaliyada Finland ee Xagaaga ku Guulaysatay

TopStoryHelesinki 02.07.06 Oo Sanadkiiba mar la qabto Sanadkana Gabagabadiisi uu Ka soo qaybgalay Xoghayaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed

Runtii waxa uu ahaa koob si wayn loo soo agaasimay oo sanadkan ay ka soo qaybgaleen kooxo fara badan iayadoo kama danbaystii ay isu soo baxeen kooxaha kala ah Fc-Golis iyo Fc-Espoo iyadoo runtii ay aad isugu soo baxeen bulshada soomaaliyeed ee reer finland oo isugu yimid garoonka iyagoo dadka ay isugu jireen dad uga soo qaybgalay Taageerida munaasabada 1da Luuliyo iyo qaar ah kuwa xiisaynayay Cayaarta Galabta dhacaysay oo runtii ahayd Cayaar aad u xiisa badnayd oo dadwaynihii isugu yimid ay aad ay ujeclaysteen oo ay aad ugu faraxsanaayeen iyagoo ay udheereeyd munaasabadii
1da Luuliyo



















Dadku maalintan aad bay uwada qanacsanaayeen oo goobta waxaa joogay Abwaaniin ka soo tiriyey gabayo qiira leh oo ka sheekaynayay Xornimada iyo macnaha ay lee dahay oo ay ku dheeraadeen oo dadki halkaasi isugu yimid ay aad u jeclaysteen

waxaa kaloo goobta joogay wafdi balaadhan oo uu hogaaminyay Gudoomiyaha Xiriirka Guud ee Kubada Cagta Soomaaliyeed Mudane Muxyadiin Xasan Cali (Darbawayne)
Oo isagana qudbad qiima leh ka jeediyay iyo waliba marxaladaha uu dalku kusugan yahay iyo waliba ujeedooyinka ay uwareegayaan wadamada yurub oo maanta aanu idin kala joogno waa inaan dhalinyarada yar yar ee Mustaqbalka leh aanu il gaara ku eegno si aanu mustaqbalka cayaaraheena aanu kor ugu qaadno ee Soomaaliyeed waad la socotaan

wadamada Toogo iyo Aifarikost inay usoo baxeen Cayaarihii aduunka waa inaanu soo saarnaa anagoo isku duuban wadankeena Soomaaliyeed intaa ka dib waa uu u mahad celiyay dadwaynihii isugu yimid goobta isagoo ku dheeraaday Qiimaha ay lee dahay Xornimada iyo maalinta 1da Luuliyo oo qiima ugu fadhida Bulshada Soomaaliyeed isagoo ka sheekeeyay macaankii iyo dhiigii faraha badnaa ee loo soo maray Xornimada iyadoo hada aad moodo in aynaan siwanaagsan aan looga dabaal dagin ilaahay se waxaan ka baryaynaa in uu inooga dhigo tii uu inagu guulayn lahaa oo soomalidu qalbiga uu ilaahay udhex dhigi lahaa wanaag iyo wada shaqayn dhaba aad baana idin ka mahad celinayaa soo dhowayntiina oo runtii i farax galisay meelihii aan marayay oo dhan aana oran karo bulshadiina yar ee degan Finland iyo sida aad isugu Xiran tihiin ilaahay ha idiin barakeeyo.




















Kadibna Waxaa isna hadal kooban ka jeediyay Macalin Bashiir Cabdi Daahir oo ka hadlay Ujeedadii loo qabtay Koobkan iyo waliba Munaasabada 1da Luuliyo Qiimaha ay lee dahay oo uu Runtii Ku dheeraaday.
Sidoo kale Waxaa ka hadlay Masuuliyiin aad ufara badan oo iyaguna ka soo jeediayay ujeedadii koobkan oo sanadwalba la qabto iyo Waliba maalintan taariikhiga ah ee
1da Luuliyo.


Cayaartiina waxa ay ku dhamaatay 2 / 0 oo ay guushii ku racaaday kooxda Fc:Golis
Waxaana Koobkaa Gudoonsiiyay Gudoomiyaha Xiriirka Guud ee kubada cagta Soomaaliyeed Mudane Muxyadiin Xasan Cali (Darbawayne) Waxaana Halkaasi Goob joog ka ahaa dhamaan kooxihii kala duwanaa ee ka qaybgalay Tartanka Xagaaga oo maanta la soo gaba gabeeyay iyadoo waliba halkaasi lagu gudoonsiyay bilado iyo koobab iyo waliba hadyado lasiiyay Tabarayaaashii ugu fiicnaa sidoo kale waxaa la siiyay hadyado gooldhaliyihii ugu gool dhaliska badnaa iyo waliba cayaar yahankii ugu edebta badnaa intii Cayaaruhu socdeen Runtiina waxa ay ku dhamaatay Jawiy aad uwanaagsan oo dadkii goobta isugu yimid iyo Cayaar yahanadii iyo waliba Wafdigii kasocday Xiriirka guud ee Kubada Cagta Soomaaliyeed oo uu hogaaminayay Mudane Muxyadin Xasan cali ay dhamaantood kuwada qanacsanaayeen Kuna wada hadlayeen Guul Soomaaliya Guul, Guul Midnimo Guul 1da Luuliyo

waxaa soo tebiyey: radiowarsan@hotmail.com
 


Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Ka Jawabey Hadalkii Usaama Bin Laadin
»Geeddi “Hadalka Usaama Bin Laadin waxa uu tilmaamayaa...
»Dowladda Ereteriya oo uga digtay Itoobiya in ay faraha...
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo  la filayo in soo gaaro...
»Shirkii Midowga Afrika oo si weyn loogu taageeray..
»Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay saldhigyo ka...
»Aljazeera oo qabanaysa dood cilmiyeed looga hadlayo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... July 3

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD