SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cabdi Qaybdiid “Dhigi maayo Tuutaha”

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Waxaa maalmahan saan saan colaadeed ay ka jirtay halkii uu Cabdi Qaybdiid dagaalka kula galay Marxuum Gen. Max’ed Faarax Caydiid, waxaana xiligaasi goobtas loo bixiyay Cakaara oo ilaa iyo haatan magacaas ay wato.

Cabdi Qaybdiid oo ahaa nin Korneel ah ayuu waxa uu ahaa gacan yarihii General Caydiid, xiligaasi, General Caydiid waxa uu ahaa nin lahaa ujeedo ah in uu la wareego xukunka Dalka, hase yeeshee waxaa markiiba bilowday is colaadin, waxayna beshii ay ka wada tirsanaayeen Cabdi Qaybdiid iyo General Caydiid la kala safteen Cusmaan Caato iyo General Caydiid, waxaana xiligaasi Warshadda Baastada lagu qabtay shir lagu taageerayay General Caydiid, waxayna Cusmaan Caato iyo Cabdi Qaybdiid shirkaasi ku tilmaameen shirkii Naxliga, durbaba waxaa bilowday dagaalkii lagu hoogay ee lagu ba’ay, kaasoo ka dhacay deegaanka Cakaara, Caydiid oo waagaasi is didiyay tababar ayaa waxa uu halkaasi ku qaaday weeraro joogto ah isagoo gacan ka helayay beelo kale oo taageersanaa fikradihiisa, hase yeeshee dagaalkaasi waxaa ku geeryooday General Caydiid oo markii xabaddu ku dhacday la sheegay in uu watay Tuu taha Milatariga.

Dhimashadii General Caydiid kadib, Cabdi Qaybdiid waxa uu xilal ka soo qabtay maamulkii la doonayay in si wadajir ah loogu dhiso Gobalka Banaadir oo ay hogaaminayeen Xuseen Caydiid oo xiligaasi buuxiyay booskii Aabbihii iyo Cali Mahdi max’ed, kadib markii maamulkaasi uu burburay Cabdi Qaybdiid waxa kaloo uu xil ka soo qabtay Dowladdii Carta oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir, inkastoo uu qabtay howl ay dadku u riyaaqeen, haddana Cabdi Qaybdiid waxa uu ahaa nin fiirsada hadba meesha ay dani ugu jirto.

Col. Cabdi Qaybdiid waxa uu ka qaybgalay shirkii dib u heshisiinta ee Imbakati wax xil ahna waa uu ka soo waayay halkaasi, maadaama ay goobtaasi ku sugnaayeen rag siyaasadda uga dheereeyay oo ka tirsan Beeshiisa, kadibna waxa uu dib ugu soo laabtay Xamar, waxa uuna fursad ka helay kala qaybsanaantii ku timid Dowladda Federaalka oo kala degtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, durbadiiba Wasiirkii hore ee Amniga Max’ed Qanyare Afrax isagoo colaadinaya si aad ahna uga soo horjeeda C/llaahi Yuusuf Axmed iyo kooxdiisa ayuu Cabdi Qaybdiid u magacaabay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, hase yeeshee waxaa taa mucaaraday Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo yiri “Ardayda Dugsiyada hoose ha la weydiiyo bal in Wasiir uu magacaabi karo Taliye sare”.

Khilaafkaasi waxa uu keenay in Cabdi Qaybdiid ay ku dhacdo shaqo la’aan, waxaase kulan deg deg ah isugu yimid xubnihii ugu tunka weynaa Hogaamiyaasha Magaalada Muqdisho kuwaasoo deegaanka Dayniile ku aasaasay isbahaysi la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada arrintii faraha ayay ka baxday oo waxaa bilowday dagaal ay ku geeryoodeen boqolaal soomaali ah, Cabdi Qaybdiid intii uu dagaalku socday ayaa waxaa looga yeeray dalka Kenya si uu ugu biiro Isbahaysiga cusub, waxa uuna noqday Ruuxii 11-aad, Xubnihii Isbahaysiga ku jiray ayaa aad ugu riyaaqay ku soo biirsta Cabdi Qaybdiid ee  Isbahaysiga, wax la is riiqo oo uu dagaalku socdo ayaa waxgarad Soomaaliyeed, waxay damceen in arrinta ay ku dhameeyaan wada hadal, hase yeeshee Cabdi Qaybdiid wuxuu sheegay in xal uu ogol yahay, laakiin marka hore Isbaarada hor taala Qanyare la qaado, taasoo u cuntami weysay dadkii waan waanta waday, dagaalkii waa uu sii balaartay, waxaana dhacday in laga tabar roonaado isbahaysiga oo gacanta lagu dhigo Hotelkii Saxafi, Cabdi oo ka hadlay arrintaasi ayaa yiri “Anagu waan is difaaceynaa”, kadiban Maxaakiimta waxa ay gacanta ku jireen Xarun isaga fariisin u ahayd oo ah Siinka Dheer, hadana Mar kale ayuu Cabdi Qaybdiid ku celiyay warkiisii ahaa “Waan is difaaceynaa”, Cabdi Qaybdiid iyo Maleeshiyadiisii waxay ku soo uruureen deegaankii uu horey ugula dagaalamay General Caydiid ee Cakaaro.

Cusmaan Caato oo ahaa nin isku dhow yihiin Cabdi Qaybdiid ayaa laga hayaa “Cabdi Qaybdiidow Caqliga ka shaqeysii”, Cabdi Qaybdiid waxa uu xirtay Tuute uu leeyahay mar kale “Waan is difaacayaa”.

Mar aan kal hore Xuseen Caydiid kula kulamay Hotel Shaamow, xiligaas oo ay socotay sheekadii ahayd “Shanta Shaamow maxaa ka soo bixi doona” ayaa Xuseen Caydiid weydiiyay, maxaad tanaasul u sameyn weysay, markaas ayuu wuxuu iigu jawaabay “Waxaan ahay ninka ugu tanaasulka badan”, maxaa caddeynayaa in aad tahay nin tanaasul badan? ayaa sii raacsaday, waxa uuna iigu jawaabay “maanta waxaan miis wada fadhinaa raggii ka dambeeyay dilkii Aabbahay, ma jiraa tanaasul kale oo ii dhiman”.

“Cabdi Qaybdiidow saaxiibadaa waad aragtaa halka ay mareen, waxaan kaa codsanayaa in aad mar dambe dagaal dambe noo horseedin, weli waxaa naga muuqda diiftii dagaalka” ayuu yiri nin odey ah oo ay si aad ah isugu dhow yihiin, oo intaa u raaciyay “Tuute loo qaato qaab beeleed horumar laguma gaaro”.

W/D: Aamiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD