SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cumar-filish oo Aqoontiisii ka Faa’iideystay 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

July 2, 2006

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Aqoonta waa loo baxsadaa? Sidii Qur’aanku sheegay sidoo kalana culumadu bayaamiyeen in mucjisadii Ilaah siiyey nabi Muuse (CS) ay qoomkii Fircoon ka fahmeen sixirloowayaashii iyo dad faro-ku-tiris ah oo keliya. Sababtu waxay ahayd sixirloowayaashu waa kala yaqaanneen sixirka iyo wixii aaan ahayn. Inkastoo uu la soo daahay haddana waxaa sharaf ah in Cumar-filish uu ciidankiisii iyo hubkiisii ku wareejiyey golaha maxaakimta. Muhuumaddu ma ahan hubka ee waxaa ka faa’iido badan sida Ilaahay oodda iskaga qaaday Soomaalidii kala qoqobnaa iyo iyadoo xaqii hadda la isku kaashanayo iyadoo awal la isku baheysanjiray dulmi iyo waxaan Ilaah raalli ka ahayn. 

Hadda, maantadan oon maqaalka qorayo waa 1-da Luuliyo! Bal ani iyo Luuliyo! Ka warran haddaan xuso maalintii dagaaloogayaasha Xamar looga adkaaday?! Waxaa la rabaa iney dadku fahmaan runta. Ilaah baa gumeysigii caddaa iyo kan madowba (Itoobiya iyo dagaaloogayaasha) naga qabtay. Marka waa in Isaga markasta la xuso ee maahan in la dabo-ordo dhaqan qaab darran oo haddii si loo fiiriyo shirki ah. Culumadu waa ku saxsanyihiin in haddeer indhaha laga laabto xuska loo sameynayo maalmahaas oo faraha laga qaado inta dadku ay ka fahmayaan. Haddaan Xamar laga xuseen iyadoo Baydhabo laga xusayo ayaa keenilahayd in dad badan oon runta fahmin u qaataan in maamulka Banaadir uusan waddani ahayn xalka kuwa Xabashida ku soo hogaaminaya waddanka ee Baydhabo jooga loo arko kuwo qaranka jecel! Qof kastoo Xamar jooga ha ogaado Ilaahaygii nabaddaas siiyey inuusan raalli ka ahayn in xamdigiisii iyo xuskiisii la siiyo maalin uusan jideyn. Wax 1-da Luuliyo la yiraahdaba Ilaahay agtiisa kama jirto ee waa waxaan innagu iska sameysannay. Bilaha Ilaahay agtiis laga rabo kumo jirto Luuliyo ee waxaa jira bilaha 12-kaa. Teeda toddobaad waa Rajab oo bil Xurmo leh ah. 

Xafladdii hub-wareejinta ee Cumar-filish waxay waran ku tahay nin ama niman weli isku dhejinaya hubkoodii  rabana iney ku gabadaan qabiil waa hore laga soo tegay. Inkastoo cashar la siiyey weli kama faa’iideysan Laakiin waxaan u sheegeynaa “tan dambaa daran”. Hadduusan si sharaf leh ku wareejin hubka, wuxuu wareejindoonaa haddii Ilaah idmo isagoo hoogay oo la dulleeyey.  

Maaddaama Cumar-filish sidii la ii sheegay uu wax ku soo bartay Carabiga ayaan shaki ku jirin inuu aad u fahmayo diinta Islaamka uuna jecelyahay. Marka Ilaah idinkiis waxaan ka filaynaa siduu wax badan u dhibay shacabka Soomaaliyeed inuu inta cimrigiisa ka hartay usoo jeesto wax Ilaah raalligelinaya sidoo kalana dheef u keenaya ummadda Soomaaliyeed. Mar kale waxaan leennahay soo dhowoow walaal Cumar. 

Waxaa qof kasta u fiican inta goorigoor tahay inuu xaqa soo raaco. Waxaa sidaas ku sifoobay Khaalid Binu Waliid iyo Camru Bani Caas (RC) iney nabiga (SCW) soo raaceen intaan Makkah la qabsan. Labadaas saxaabi waxay buuxiyeen kaalintoodii iyadoon la oran islaamkiinnu waa soo daahay amaba waxaa dhibteen oo soo disheen saxaabadii. Inkastoo aan la isla meel dhigikarin arrimahaas ayaan haddana waxaan aamminsanahay in golaha maxaakimtu ay soo dhoweystaan Cumar-filish oo kale. Firfircoonida shabaabnimada, aqoontiisa diimeed, degaanka uu ka soo jeedo iyo siduu u hayo sir badan oo cadowgu leeyaay ayey ku fiicantahay in lagu daro labadaas gole midkood khaasatan kan fulinta. Taasi waxay wax ka tareysaa dib-u-heshiisiinta iyo weli furfurnaanta maxaakimta oo loo arkayo dad Soomaaliya isku soo dumaya. Haddii qofku wax fahmo; qof kasta caqligiisuu ugu shaqeyndoonaa muslimiinta. Cumar-filish keliya maahee xitaa kuwa cararay haddey toobad keenaan oo caqli iyo karti lagu tuhmayo in la soo dhoweysto waa haddii fidnadooda aammin laga yahay. 

Waxaa kaloo golaha maxaakimta laga rabaa in la soo aruuriyo odayo-dhaqameedka Xamar jooga oo dhan oo la rabo in la soo dhoweeyo loona sameeyo ugu yaraan labo xafiis oo midna ku yaal Waqooyi midna Koonfurta Xamar ama haddey suurtogal tahay laga dhigo hal xafiis. Markii meel loo saaro waxay reerkooda siin lahaayeen iyo baabuur-raacooda ayaa la rabaa in subax iyo galabba ay ka agdhoowyihiin golaha maxaakiimta, ciidanka qalabka-sida iyo bulshada rayadka ah. Waa wixii Cumar Binu Khidaab (RC) sameynjiray. Khasab ma aha in oday-dhaqameed kasta uu sameeyo sidii laga rabay. Mar kasta waxaa la helayaa kuwo dhib badan laakiin waa in loo dulqaato gefefkooda iyo qabyaaladda ay isticmaalayaan. Haddii odayaashaasi arkaan sida loo qaddarinayo iyo sida aysan uga welwelayn bariiskooda ayaa la arki doonaa haddii Ilaah idmo siday uga qeybqaataan baraarujinta qabiilkooda iyo shacabka halka ay shalay ahaayeen kuwo qabiilkooda ku dira qabiil kale. Marka waa in har iyo habeynba la la tashadaa odayo-dhaqameedkaas. 


Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen.

Sidii horay loo sheegay – golayaasha maxaakimta iyo shacabkaba waxaa kusoo maqan shisheeye. “Waxay kala saarirabaan culumada iyagoo qaarna la leeyahay waa qunyar-socod; qaarna waa xag-jir”. Sidaas waxaan ka maqlay aqoonyahan Soomaaliyeed oo Xamar jooga oo BBC-da ka leh. Hadduu Bush argagixiso  u arko Sheekh Xasan Daahir Aweys; annagu waxaan u aragnaa Sheekh Soomaaliyeed oo gacan weyn ku leh kacdoonka Xamar. Marka wey ku saxsanaayeen in maxaakiimtu ku sharfaan jagadaas. Xitaa wuu u qalmaa tan fulinta. Teeda kale waxba iskama bedelin howshii Sheekh Shariif bal waa u sii weynaatay. Marka sheekooyinka laga sheegayo cadowga gudaha iyo dibadduba waa khalad.  

Tiro-koob laga sameeyey ayaa shucuubta adduunka la weydiiyey: kooda khatar ku ah adduunka, ma maamulka Bush mise Bin Laaden? Waxay intoodii badneyd oo Yurub oo dhami ku jirto isku raaceen in maamulka Bush dhib badanyahay. Marka bal is barbar dhig maamulka Bush iyo sheekh Xasan? 

Lama sheegin meel Sheekh Xasan Maraykan iyo reer Galbeed kalaba  wax ugu dhimay. Mana jirto. Marka ummadda Soomaaliyeed diyaar uma ahan in nin-doorkeeda lasoo dhigto. Marka Maraykan iyo Xabashiduba midna kama hadlikaro waxa shacabka Soomaaliyeed doorteen. Teeda kale, Maraykanku ha ogaado ineysan Soomaaliya Ciraaq aheyn oo aysan usoo xulikarin cidda xukumeysa. Marka dadka Soomaaliyeed Ilaahii abuuray haka baqeen. Marka qofkii u arka in Bushi ka xoog badanyahay Ilaahay haddee waa  u furantahay inuu hadalka Bush wax ka soo qaado.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD