SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii July 1, 2006

  • Dr. Max’ed Cali Ibraahim “U maleyn maayo in heshiiskaasi uu burburi doono..”

  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay qaybo Gobalka Gedo…

  • Maanta oo la filayo in Maxkamad Islaami ah looga dhawaaqo Madiina…

  • Sheekh Xasan Daahir “Ummaddii i dooratay ayaa iga qaadi kara Xilkaas..”

  • Xisbiga Ramaas oo Puntland wareegto ka soo saaray....


Dr. Max’ed Cali Ibraahim “U maleyn maayo in heshiiskaasi uu burburi doono..”

Dr. Max’ed Cali Ibraahim oo hogaaminayay wafdigii Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah uga qaybgalay heshiiskii ka dhacay magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan ayaa wax laga weydiiyay rajada uu ka qabo in heshiiskaasi uu hirgalo, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Aad iyo aad ayaan ugu rajo weynahay in heshiiskaasi uu hirgalo, uuna dhamaado khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta”, waxa uu intaasi sii raaciyay “Heshiiskii hore waxa uu ahaa mid hordhac ah, waxaana la filayaa in 15-ka bishan mar kale uu Khartuum ka dhaco heshiis lagu soo afjarayo khilaafka Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta”.

Dr. Max’ed Cali Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyed ee ku nool wadanka Suudaan ay si aad ah u soo dhaweeyeen is bedelka ka dhacay Magaalada, isagoo in Hotelkii ay deganaayeen uu ahaa maalin walba mid uu ku qaabilaayeen ummadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Suudaan, kuwaas oo ku faraxsan is bedelka weyn ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhankiisa laga weydiiyay heshiiska Midowga Maxaakiimta iyo Dowladda iyo haddii uu aqoosan yahay Dowladda Federaalka, ayaa waxa uu sheegay “In haddii aysan is aqoonsaneyn heshiis dhex mara uusan suuragal noqon lahayn”.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen heshiiska dhex maray labada dhinac, waxayna ka codsadeen labada dhinac in ay mar kasta muujiyaan dabacsanaan, inta uu heshiiskaasi ka miro dhalayo, sidoo kale waxa ay ka codsadeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah in ay sii xoojiyaan nabadgelyada isla markaana ay maamul u sameeyaan gobalka Banaadir.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay qaybo Gobalka Gedo…

Tan iyo markii midowga Maxaakiimta islaamiga ah ay gacanta ku dhigeen Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxaa soo noqnoqnayay in Ciidamada Itoobiya mar kasta ka soo gudbaan xuduuda Soomaaliya.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamada Itoobiya oo ku hubeysan hub aad u xoogan waxay ka soo gudbeen xuduuda gobalka Gedo uu la leeyahay wadanka Itoobiya, waaana la sheegay in ciidamadaasi ay degeen xiro ku taala meel ku dhow Degmada Duulow.

Maalintii Doraad ahayd ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo gudbay dhinaca Feer-Feer soona gaaray deegaanka Jawiil ayaa waxaa la sheegay in halkaasi ka wateen nin la sheegay in uu basaas u ahaa ciidamada Itoobiya, kaasoo ku xirnaa xabsiga Degmada Jawiil.

Dhinaca kale Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Itoobiya waxay Dil, Dhac, Kuf iyo boobba ka wadeen deegaano ka tirsan Soomaali Galbeed, iyadoo dad fara badan oo deganaa deegaanadaasi ay halkaasi isaga carareen qaarkoodna ay soo galeen gudaha wadanka Soomaaliya.

Maanta oo la filayo in Maxkamad Islaami ah looga dhawaaqo Madiina…


Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen.

Iyadoo maalmahan wada hadal u socday golaha Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Wasiirkii hore ee Aw-Qaafta iyo arrimaha Diinta Cumar Finish, ayaa wada hadalkaasi waxa uu haatan marayaa heer gebagabo, waxaana xubno ka tirsan Golaha Maxaakiimta ay dhawaan tageen degmada Madiina halkaas oo ay kula kulmeen ergo ka socotay Cumar Finsh, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen sidii deegaankasi maxkamad Islaami ah looga furi lahaa isla markaana hubka loogu wareeji lahaa Midowg Maxaakiimta Islaamiga ah.

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in maanta lagu wado in Degmada Madiinka looga dhawaaqo Maxkamad Islaami ah oo la filayo inay ka mid noqoto Midowga Maxaakiimta.

Cumaa Finish waxa uu sheegay in Golihii uu ka mid ahaa uu gebi ahaanba burburay isla markaana, waxa uuna haatan sheegay in uu la shaqeyn doono Midowga Maxaakiita.

Sheekh Xasan Daahir “Ummaddii i dooratay ayaa iga qaadi kara Xilkaas..”

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiyah Golaha Shuurada ee Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar uu wareysi dheer siiyay Idaacadda British Broadcasting Corporation waxa uu sheegay in Golihiisu uu diyaar u yahay in xiriir uu la sameysto beesha Caalamka haddii aysan ku soo xadgudbeen arrimaha Soomaaliya.

Sheekh Xasan mar loo soo jeediyay in xilka loo doortay uu ka degayo maadaama uu cadaadis ka imaanayo Beesha Caalamka, ayaa waxa uu yiri Sheekh Xasan “arrintaasi waxay u taalaa ummaddii i dooratay”.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in Mareykanka iyo Itoobiya ay yihiin kuwo mar kasta u taagaan in ummadda Soomaaliyeed ay kala qaybiyaan, sheegayna in ay doonayaan in marnaba ummadda Soomaaliyeed hesho qaran iyo nabadgelyo.

Sheekh Aweys ayaa waxa uu sheegay in golihiisu haatan wixii ka dambeeya uu ka shaqeyn doono sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyada isagoo sheegay in hadafkii ay dagaalka u galeen uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo u adeegayay caddowga islaamka, kuwaas oo uu sheegay in laga adkaaday, kadib markii shacabku ay ku kaceen.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in wixii haatan ka dambeeya ay ka shaqeyn doonaan sidii Muqdisho u heli lahayd maamul iyo nabadgelyo buuxda.

Mudane Cali Daacuun “Golihii Deegaanka Gobalka Banaadir waa uu fashilmay...”

Mudan Cali Max’ed Axmed (Cali Daacuun) oo ka mid ah Golaha Gobalka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in golahaasi uu fashilmay kadib markii uu jabiyay mid ka mid ah axdigii lagu soo dhisay Shirkii Dib heshiisiinta ee Kenya.

Mudan Cali Daacuun waxa uu tilmaamay, in xubno ka tirsan Golaha Deegaanka ay mowshin u soo gudbiyeen Golaha Deegaanka, si looga doodo kaasoo oo uu sheegay in uu ahaa in la bedelo magaca Golaha Deegaanka loona bedelo golaha sharci derjinta Gobalka Banaadir.

Waxa uu sheegay in arrintaan uu hor istaagay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar Tootoow, waxa uuna Cali Daacuun sheegay in Tootoow yiri, waxaan la soo tashanayaa siyaasiyiin iyo waxgarad ku nool Gobalkaan Banaadir.

Xisbiga Ramaas oo Garoowe ka soo saaray Bayaan ku wajahan DGPL...

Xisbiga Ramaas ayaa sheegay in "gudoomiyihii baarlamaanka (Puntland) oo xil gudasha waa awgeed xilkii looga qaaday bishan 21 kedii  in lagu abaal mariyo ama lagu maslaxo 100,000,000 sh.so. iyo gaarigii uu umada u adegayay halkii lagu wareejin  lahaa kan cusub ee xilka loo dhiibo.", Akhri...

Ayaan Xirsi oo sabab u noqotay burbur ku yimid Dowladdii Holland…

Waxaa maalintii shalay ahayd kulan isugu yimid Dowladda Wadanka Holland waxaana looga hadlayay waxa laga yeelayo Ayaan Xirsi oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo dib loogu celiyay sharcigeedii wadanka Holland.

Markii la hor keenay Golaha dowladda ee Wadanka Holland ayaa waxay Dowladdu u kala jabtay labo qaybood, qaar la saftay Ayaan Xirsi iyo kuwo ka soo horjeestay, taasi waxay keentay in Ra’isul Wasaarihii wadankaasi uu Istiqaaladiisii u gudbiyo Boqorada wadankaasi, taasina waxay keentay in la kala diro Dowladdii, isla markaana ay halkaasi ku burburto.

Ayaan Xirsi oo ah tii hore aflagaadada u gaystay Diinta Islaamka ayaa arrintaasi waxay keentay in buuq iyo qalalaase ay geliso wadanka Holland, iyadoo markii dambe laga saaray Golaha Baarla-maanka wadankaasi oo ay xubin ka ahayd lagana noqday sharcigii wadankaasi ee ay haysatay, ayna u boqooshay wadanka Mareykanka, waxaase mar dambe soo baxday war sheegayay in sharcigeedii dib loogu celiyay.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...

Sweden: Hooyo Soomaaliyeed oo loo xiray gudniin ay ku sameysay gabdhaheeda  

Ciidammada Itoobiya oo dhoolla-tus ku samaynaya Ogaadeenya
Wararka ka imanaya gudaha Ogaadeenya ayaa sheegaya in ciidammada gumaysatada Itoobiya ay... Guji... Jun 30


Xafladdii Gabagabada Sanad-Dugsiyeedkii 2005-2006 ee dugsiga Imaam Shaafici...

XAFLADDA KA AKHRI HALKAN......


BOSTON, USA: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho Lagu Diley
Magaalada Boston ee dalka Maraykanka ayaa... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD