SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
JUBBA- AIRWAYS

DIYAARADA JUBBA-AIRWAYS OO NOQOTEY DIYAARADDII UGU HOREESEY EE KA DEGTA GAROONKA MUQDISHA 11 SANNO KADIB....

Ku Duul Jubba Airways

 Boosaaso, Dubai, Galkacyo, Hargeysa, Jeddah, Jibouti, Mogadishu, Sharjah....

Tigidhada ka gooso halkan: http://www.jubba-airways.com

Hawlwadeena Shirkadda Jubba Airways


Jubba Airways oo taagan Garoonka Muqdisho....










Diyaarada Jubba Air-ways oo noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano kaddib  ka soo degtey Goroonka Diyaaradaha Muqdisho..

Maalintii shalay ahayd ayaa diyaar ay leedahay shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways ku soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waana diyaaraddii ugu horeysay oo ganacsi ah oo 11-sano kaddib ka soo degta Garoonkaasi.

Diyaaraddaani oo gelinkii hore iyo kii dambaba shalay soo kaca dhigatay ayaa markii hore waxay keentay Xamuul, Markii dambana waxay keentay dad rakaab ah oo ka yimid Yurub iyo Carabta.

Haweenay ka soo degtay Garoonka ayaa farxad darteed la ilmeysay, iyadoo dhunkatay ciidanka Garoonka, waxayna ku hadaaqday  “Waa Illaahii mahaddii maanta, arrintaani waxay nooga timid xag Alle”.

Nin kale oo isna ka soo degay garoonkaasi ayaa waxa uu yiri “Afar bilood ka hore waxaan ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Belidoogle, waa safar dheer, diyaaradda oo aan ka soo raacay Dubai iyo inta aan u soo socday Muqdisho, waxaa dhawaa intii aan ka soo socday Dalka Imaaraadka Carabta.

Diyaaraddaan ayaa imaanshaheeda waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda in diyaarado kale oo ganacsi ah ay ka soo degaan garoonkaasi, iyadoo garoonku uu weli u baahan yahay xoogaa dayactir ah.

Amiin Yuusuf Khasaaro | Muqdisho, Soomaaliya
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2006