Soomaalida
ka Imanaysa Dibadaha
iyo Guurka Gabdhaha
Hindida
Cali
Cabdalla Shukri
Caliga1@hotmail.com
Ama
calishukri@yahoo.com
Hyderabad India
Qaybtii Kowaad:
Dhowaanahan ayaa
waxaa dalkan ku soo
badanaya raga
somaaliyed ee
doonaya guurka
gabdhaha Hindida ah
iyagoo raga badanaa
ay ka imanayaan
dalalka Maraykanka
iyo Yurub sida
England iyo Sweden,
wadamada Afrika
ayaan iyagana ka
harin oo South
Afrika ayaa soo
raacda.
Hadaba u kuur gelid
iyo xog uruurin
badan oo aan u galay
arrintaas ayaa waxaa
ugu dambayntii aan
soo diyaariyay
warkan aan u
malaynayo inuu
taabanayo meelaha
ugu muhiimsan ee uu
is waydiin karo
aqristaha
Qoraalkan.
Qiyaastii ayaa bil
kasta waxaa halkan
yimaada ilaa 5 ama
6 Nin oo Somali
Guur doon ah kana
imanaya wadamadaas
aan kor ku soo
xusnay haba ugu
badnaadeene wadamada
US iyo UK. Raggan
ayaa u badan qaar
xaasas hore u soo
qabay oo da’doodu u
dhaxayso 40-55, iyo
kuwo aan sidaa u
badnayn oo ku
dhowaad da’doodu
tahay 30.
Mar aan wax ka
waydiiyay waxa ay u
soo doonteen
gabdhahan Hindida ah
maadaama ay heli
karaan gabdho
Somaliyed oo isku
dhaqan iyo isku af
ay yihiin, ayaa
waxay iigu jawaabeen
Gabdhaha somaliyed
wadankii marka ay
joogaan waa ay
fiican yihiin lakin
markii dibadaha la
keenay weji kale
ayay la soo bexeen
oo iyagii ayaa
guryihii maamulaya
amarna kaa qaadan
maayaan oo gurigii
marka aad isla
joogtaan waxaad isla
noqonaysaan Laba
ruux oo amar isla
bixinaya hal marna
guriga ka wada
baxaya marna soo
galaya caruurtiina
halkaa ay ku
dayacmeen, Sidoo
kale ayaa waxay
ragan sheegayaan in
gabdhihii Somaliyed
markay yurub
yimaadeen ay noqdeen
gabdho shaqo doon
ahaa oo ragoodii iyo
hawshii hooyonimo ee
ubadkii gurigeediiba
iloobay.
Mid ka mid ah raggan
oo ka yimid
Ingiriiska ayaa
sidoo kalena isagu
ii sheegay in gabar
Somaliyeed oo ay
qaraabo yihiin uu ka
keenay Somalia
keenayna wadamada
yurub dabadeedna
gabadhii ayaa waxa
uu sheegay inay is
bedeshay oo ay
noqotay qof
dhaqankiiba ka
tagtay oo ciyaalkii
uu dhalay xitaa
dhaqaalayn wayday,
sidaa daraadeed
ayaan halkan u imid
oo gabdhaha Hindida
ah ayaa la ii
sheegay ayuu yiri
inay yihiin haween
wanaagsan oo
raaliyooyin ah,
wuxuuna ii sheegay
inuu guursaday oo uu
aad ugu faraxsan
yahay Ilaahna uu ku
mahadinayo oo uu
dareemayo is bedel
wayn taabtayna hada
nolosha qiimeheeda
iyo macaankeeda ayuu
sii raaciyay.
Waxaan sii waydiiyay
farqiga u dhexeeya
gabdhaha Somalida ah
iyo kuwan Hindida ah
wuxuu ii sheegay in
farqi wayni u
dhexeeyo oo xag
walba ay ku kala
duwan yihiin ha
ahaato xaga
Ixtiraamka raggooda
& Dhaqaalaha.
Waxay sheegeen in gabdhahan
Hindida ah si wayn
ayay uga duwan
yihiin Somalida oo
ninkeeda oo keliya
ayay taqaanaa oo
xitaa waalidkeed
marka ay ku siiyaan
gabadha cid kaa soo
daba hadlaysa ma
jirto, Hablaha
somalida hadaad
guursato gabadha
iyada keliya ma
guursane tolkeeda oo
dhan ayaad guursatay
ayay sii raaciyeen.
Oday
Somaliyed
“Habeenkii
anigoo la i
babinayo
ayaan
seexday
subixiina
anigoo la i
babinayo
ayaan ka soo
kacay!” |
Mid ka mid ah
Odayaasha waawayn ee
hore u guursaday
gabdhahan ayaa ku kaftamay
in isagoo babis lala
dul fadhiyo uu
seexday subixiina uu
ka soo kacay isla
sidii isagoo loo
babinayo, Marka
gabadh Somaliyed
sidaa ma laga
helayaa ayuu sii
raaciyay!
Qaabka lagu helo
Gabdhaha Hindida
Waxaa aad u fudud
sida aad ku heli
karto inaad guursato
gabadh Hindiyad ah,
oo waxaad ku heli
kartaa adigoo u sii
maraya rag Somali ah
oo luqada yaqaana
ama iyaguba xidid la
ah dadka dalkan u
dhashay oo sanooyin
badan halkan joogay,
waxaana ay isla
markiiba ku
gaynayaan xaafada ay
ku nool yihiin
Gabdhahaas adigoo
markaaba lagu tusayo
ilaa 6 ama 10
gabdhood oo tii
muuqaalkeedu ku
qanciyo kala baxaya,
waxaad waydiin
kartaa su’aalo aan
sidaa u badnayn
iyadoo ehelkeeda ay
kula joogaan ka
dibna isla halkii
ayaa laguugu
meherinayaa adigoo
isla markaaba halka
aad doonto la aadi
kara, taas oo ay ku
xiran tahay hadba
reerka gabadha sida
aad isu fahantaan.
Gabdhaha la guursado
ayaa u badan gabdho
ka soo jeeda qoysas
dhaqaale ahaan
hooseeya,
Badanaa
waxaa aad u dhib
badan in ay helaan
ragaani gabar ka soo
jeeda reer iska
ladan sababtoo ah
gabadha hadiiba ay
awoodaan reerkeeda
inay ka bixiyaan
lacagta ninka
Hindiga ah la siin
lahaa reerkaa waxay
gabadhooda u
guuriyaan hadba
ninkii ay u goyn
karto lacagtooda
iyadoo ay ku xiran
tahay ninka
qiimihiisa hadba
aqoonta uu leeyahay
iyo qoyskiisa
dhaqaalaha ay
haystaan.
Gabdhahan ayaa u
badan kuwa aan aqoon
sidaas ah lahayn oo
aan badanaa xaga
luqada aan la is
fahmi karin iyadoo
raga qaarkood ay ku
qasabto inay is
fahmi waayaan oo
farriimaha qaarkood
ay dibadaha uga soo
dirayaan u sii
marsiiya rag kale oo
luqada yaqaana.
Mar aan wax ka
waydiiyay ragaasi
sababta ay u raadsan
waayeen gabdho
aqoontoodu wanaagsan
tahay ayay ii
sheegeen inay ka
door bidayaan kuwan
maxaa yeelay ayay
leeyihiin gabdhaha
aqoonta leh waxay u
badan yihiin kuwo
saxiibo (Boy friend)
leh oo aan la aamini
karin.
Gabadha marka aad
guursato oo wixii
lacag ahaa oo lagu
heshiiyay aad bixiso
ayaan lagaa rabin
wax kale oo lacag ah
oo dheeraad ah oo
halkii aad doonayso
ayaad gabadha la
aadi kartaa Somalia
ha ahaato ama
dibadaha ha
ahaatee.
Gabdhahan ayaa ay
raggan aad kuugu
amaanayaan marka aad
waydiiso in kastoo
dadka qaarkii ay
arrintaa aad uga so
horjeedaan oo ay
leeyihiin gabdhahan
meelo badan oo ay
gabdheheena
Somaliyeed uga
fiican yihiin ayaa
jira sida
dhaqaalaynta
carruurta, Nadaafada
guriga iyo kartidaba,
sidoo kale ayaa
waxay leeyihiin
gabadha Somaliyed
waa gabar tol leh oo
walaal iyo qaraabo
leh oo hadii ay wax
ku qabsadaan ku
caawinaya
caruurtaadana
caawinaya lakin
gabdhahan ayaa hadii
wax uun ay si kaa
noqdaan ayaysan
caruurtaadu helaynin
cid caawiso oo ehel
ahaan garab
istaagaya.
Waxaa taa sii
xoojinaya in
haweenkan aysan ku
wanaagsanayn
carruur
xannaanaynta
dhacdadan oo dhowaan
ka dhacday dalkan
taas oo ah gabar u
dhalatay wadankan oo
la yiraahod Sultana
ayaa waxay
daawanaysay filim
iyadoo dhabta ku
haysatay ilmeheedi
oo aan sannad gaarin
dabadeedna iyadoo
filimkii meel fiican
u maraya ayuu
ilmihii yaraa ku
ooyay ka dibna
gacanta ayay afka ka
saartay si ay u
aamusiiso oo filimka
ay daawanaysana uga
qasin, mudo ka dib
markii ay filimkii
dhamaysatay
daawashadiisii ayay
is tiri wiilkii wuu
kuu seexdaye bal eeg,
lakin nasiib darro
waxay ogaatay
ilmihii oo nafta ka
baxday oo
gacanteedii ay afka
ka saartay ay neefta
ku xirtay!
Hadaba waxaa la is
waydiinayaa waxa
keenay in gabdhahan
ay sidan raaliyo u
noqdaan oo nin
Ajnabi ah oo aysan
weligood arag isku
dhaqan iyo isku af
ahayn oo hadana mudo
gaaban gudohood ku
ogolaatay inay
hadana sidaa uga
dambayso oo meel
kasto oo uu tagayana
u raacdo, ma wax ay
ku dhasheen baa mise
waa wax ay danta ku
qasabtay oo
duruufaha iyo
nolosha aduunyada ay
baday?.
Su’aashaas
jawaabteeda waa mid
akhristuhu oo ka
dhex heli karo
labadan dhacdo ee
soo socota oo ku
saabsan guurka
hindida dhexdooda ah
sida uu yahay.
Akhi Qaybta
2-aad: Waa sidee Guurka
Hindida Dhexdooda?
Cali
Cabdalla Shukri
Caliga1@hotmail.com
Ama
calishukri@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Xaflad Sagootin ah
oo ay qabsadeen
Ardayda Soomaaliyeed
ee India