SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII FEB 28, 2006

  • DALKA KENYA OO LOOGA SHAKISAN YAHAY HARGABKA SHIMBIRAHA.

  • Shariif Xasan “Wallaahi ma jiraan Qorshayaal  ii qarsoon oo aan la galey Cabdulaahi Yuusuf...

  • Golaha kacdoonka difaaca Diinta iyo dalka oo shaley looga dhawaaqey Muqdisho

  • C/raxmaan Diinaari “isku imaanshaha Golaha Baarlamaanka waa Yadadiilo cusub...

  • Maamulka Somaliland oo sharci adag ka soo saaray af-lagaadada Diinta…

  • Maxaabiis ay shalay is weydaarsadeen labadii Kooxood oo ku dagaalamey Muqdisho…

  • Nin lagu toogtay Fagaare ku yaala Ceeri-Gaabo…

  • Mudo todobaad ah ayaa dib loo dhigay kalfadhigii Baarlamaanka ..

  • Wasiirka qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland oo wareegto xilkii looga qaaday..

  • Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay 70 Qori ..

  • Banaanbax lagu taageerayo shirka ka furmay magaalada beydhabo oo maanta ka dhacay magaalada kismayo




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

DALKA KENYA OO LOOGA SHAKISAN YAHAY HARGABKA SHIMBIRAHA.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda cafimaadka iyo kuwa xanaanada xoolaha ayaa ku guda jira baaritaano ay ku samaynayaan boqolaal digaag ah oo looga shakisanyahay in ay u geeriyoodeen cudurka dilaaga ah ee hergebka shimbiraha

Uskuduwaha gargaarka cafimadka ee waddanka Kenya Dr James Nyikal ayaa xaqiijiyey in baritaano hore lagu sameeyey digaag laga baaray qaybaha kale ee waddankan balse aan lagu arkin viruska H5N1. Dr nyikal ayaa waxaa uu intaas ku daray in natiijada baritaanada la shaacin doono 10 malmood kadib waxaa uuna islamrkaasi ugu baaqay dadka ka beecmushtara digaaga in ay muujiyaan taxadar dheraad ah oo ay si’aad ah isaga ilaliyaan dhiiga digaaga.

Nin kamid ah dadka kunool xaafada Kasarani ayaa kusoo dhul dhacay maalitii shalay ahayd In ka badan 400 oo digaag oo maydadkooda lagu guray baco kadibna uu ku wargeliyey sarakiisha cafimaadka.

Viraska dhaliya cudurka hergebka shimbiraha ee loo yaqaano H5N1 ayaa waxaa ilaa haatan u dhimatay in ka badan 80 ruux isagoo weli ku sii faafayo dunida. Qaarada Afrika waxaa markii ugu horaysay lagu arkay Wadanka Najeriya iyadoo ay ku sii xigeen wadamo kale oo ay ka mid ah masar.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Kenya


Shariif Xasan “Wallaahi ma jiraan Qorshayaal  ii qarsoon oo aan la galey Cabdulaahi Yuusuf...

Guddoomiyaha Baaarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan  ayaa mar uu la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaas oo ka biyo diidsan in mudo todobaad ah dib loo dhigo kulanka Baarlamaanka ayaa waxa uu u sheegay in sababaha kulanka dib loogu dhigay ay tahay sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa xubnaha Baarlamaanka oo iyagu mudo sanad ku dhawaad ah khilaaf u dhexeeyay, waxa uuna sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay is cafiyaan oo ay isa saamaxaan. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Guddoomiyaha ku eedeeyay in ay jiraan qorshayaal hoose oo uu la galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Waxaare Cali Ma’xed Geedi xiligii ku sugnaayeen Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Mar uu ka hadlaayay Guddoomiyuhu arrintaas waxa  uu yiri “Wallaahi ma jiraan wax ii qarsoon oo aan la lagalay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha oo aan ka ahayn in Dowladdu u shaqeyso si wadajir ah”. wuxuu intaas sii raaciyay “Waxaan idiin sheegaya in Aniga, Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha aan ku heshiinay in aan ka miro dhalino qodobaddii ka soo baxay shirkii Cadan”. Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa kalloo uu sheegay in Baarlamaanka ay hor yaalaan ajandayaal muhiim ah oo la doonayo in si saxaarad leh looga doodo, isagoo u soo jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay iska saaraan shagkiga iyo in aysan dheg jalaq u siin wararka kutiri kuteenka ah oo ay baafinayaan caddowga Soomaaliyeed. “waad u jeedaan dalka marxaladda uu ku sugan yahay ma dooneyno in mar kale waqti kale naga lumo” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in mudada todobaadka ah ay ka soo baaraan degaan qodobada looga hadli doono kulanka Baarlamaanka oo furmi doona mar kale maalinta isniinta ah.  

Golaha kacdoonka difaaca Diinta iyo dalka oo shaley looga dhawaaqey Muqdisho

Waxaa Muqdisho looga dhawaaqay gole loogu magac daray Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka oo la sheegay iney ku mideysan yihiin culimaa’udiin wax garad aqoonyahano iyo dhalinyaro ayaa ujeedada loo aasaasay waxey tahay iney dalka ka difaacaan kooxaha doonaya iney dalka gacanta u galiyaan waxa loogu yeeray cadowga Islaamka.

Golahan oo guddoomiye looga dhigay Sh. Axmed Max’ed Cabdulle ayaa mar uu la hadlayey saxaafadda waxa uu sheegay in golahani magacaabistiisa ay soo dadajisay markii dhawaan kooxo ay magacabeen Isbaheysi loogu magacdaray Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, wuxuuna sheekhu sheegay in golahani uu bar tilmaalmeedsan doono sagaalka qofood ee ku dhawaaqay Isbaheysigaasi oo ah mid la doonayo in lagu ugaarsado culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

Golahan ayaa wuxuu sheegay in uu dhawaan bilaabi doono hawlgal balaaran oo ku aaddan ugaarsiga kooxaha ka soo hor jeeda diinta iyo dalka. 

C/raxmaan Diinaari “isku imaanshaha Golaha Baarlamaanka waa Yadadiilo cusub...

C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari) oo ah afhayeenka Dowladda una waramayay Weriyaheena shirka Baydhabo Max’ed Macallin Cusmaan (Allman) ayaa waxa uu sheegay in kulanka Baarlamaanka ee ka furmay Magalada Baydhabo uu yahay mid yididiilo gelinaya shacabka Soomaaliyeed iyo waliba Dowladda Federaalka, maadaama mudo sanad ku dhawaad ah uu khilaaf u dhexeeyay.

Wuxuu sheegay C/raxmaan Diinaari in Golaha Baarlamaanka ay hor yaalaan qodobo ay ugu muhiimsan yihiin sidii loo dhisi lahaa gudiyo hoosaadyadii Baarlamaanka oo ah midka ugu muhiimsan Baarlamaanka, sidoo kale waxaa hor yaala Golaha Baarlamaanka sidii loo ansixin lahaa heshiiyadii ay Dowladdu horey u gashay mudadii sanadka ahaa, wuxuuna soo dhaweeyay hadalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee ahaa in Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiradaba laga qaybgaliyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diinaari oo hadalkiisa sii wata waxa uu u mahadceliyay Odoyaashii iyo Waxgaradkii ku guuleysteen in ay xabad joojin dhex dhigaan kooxihii ku dagaalamay Muqdisho, wuxuuna u soo jeediyay in halkaasi ay ka sii wadaan dadaalkooda.

Maamulka Somaliland oo sharci adag ka soo saaray af-lagaadada Diinta…

            Sida dad badani ay war hayaan Soomaalida ku dhaqan W/Galbeed, waxaa u caado ahayd in marka ay carroodaan ay u gefaan Diinta Islaamka, isla mar ahaanta ay meel ka dhac ku sameeyaan jiritaanka Diinta iyo Karaamada Nabiga (NNKH).

            Iyadoo taasi jirto ayaa dhawaan waxaa Maamulka Somaliland uu soo saaray Sharci adag oo lagu sheegay in qofkii caaya Diinta, Rasuulkana meel ka dhac u gaysta uu muteysanayo lix bilood oo xarig ah, arrintaa ayaa markii ay soo shaac baxday waxaa yaraaday dhawaaqii ka soo yeeri jiray dibnaha dadka W/Galbeed, oo ku hadaaqi jiray had iyo jeer hadalo aan anshaxa suuban ku wanaagsaneyn.

            Wasaaradda Ow-Qaafta iyo arrimaha Diinta oo ka duuleysa waajibka dadyowga Islaamka ka saaran ilaalinta iyo xaq dhowrka Diinta ayaa waxay ka digtay ku dhaqanka arrintan oo ay ka dhalan karto cawaaqib xumo iyo caro Alle, waxaadna dareemeysaa marka aad tagto goobaha Suuqyada iyo meelaha dadku isugu yimaadaan in dadku ay ka feejigan yihiin xanaaqa keeni kara in Diinta loo gefo, tiiyoo dabeecad ay qabatimeen ahayd. 

Maxaabiis ay shalay is weydaarsadeen labadii Kooxood oo ku dagaalamey Muqdisho…

Iyadoo weli ay socoto waan-waantii laga dhex waday kooxihii dhawaan ku dagaalamay Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Kulliyaddii hore ee Jaale Siyaad ayaa maalintii shalay ahayd Guddigii dhex dhexaadinta waxaa lagu wareejiyay maxaabiis ay kala qabsadeen labada dhinac ee dagaalku dhex maray, waxaana Maxaabiistaasi iyagoo bad-qaba la keenay Guriga nabadda, kaddibna maxaabiistaa guryahoodii ayay kala aadeen.

Guddiga  dhex dhexaadinta waxay shalay ku guuleysteen in ay dib u furaan la xiray markii ay dagaaladu socdeen, waxaana shalay la arkayay gawaari isaga koosheysa wadadaasi, waxaana labada dhinac looga digay in Gawaarida Tiknikadooda aysan soo mari karin wadooyinka.

Maanta ayaa la filayaa in Guddigu uu soo gebgabeeyo howshiisii nabadeynta, iyadoo maanta la qaadi doono ciidamadii ugu dambeeyay barihii ay ku kala sungaayeen. 

Nin lagu toogtay Fagaare ku yaala Ceeri-Gaabo…

Maalintii shalay ahayd ayaa gacan ku dhiigle Nuux Diiri Muuse oo 33-jir ahaa ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taal Magaalada Ceeri-Gaabo kaddib markii uu dhawaan dilay taliyihii Ciidanka Booliiska ee Ceeri-Gaabo oo lagu magacaabi jiray Col. Max’ed Cabdi Xuseen.

Dilkiisa waxaa ka qayb-qaatay sodon askari  oo ka kala tirsan ciidanka Booliiska, Militariga iyo Asluubta, waxaana daawanayay dadweyne aad u fara badan.

Qoyskii uu ka dhashay Gacan ku dhiiglaha oo damcay in ay racfaan ka qaataan maamulka Somalilan iyo qoyskii Marxuumkii uu dilay ayaa lagu gacan sayray, waxayna sheegeen in ay doonayaan in ninkaasi la dilo maadaama uu si bareer ah u dilay Sarkaalkaasi.

Waa markii ugu horeysay oo Maxkamadda Ceeri-Gaabo ay dil toogasho ah ku xukunto gacan ku dhiigle dilay nin kale, waxaana arrintaani soo dhaweyay dadweynaha ku nool Degmada Ceeri-Gaabo ee Gobalka Sool.  

Mudo todobaad ah ayaa dib loo dhigay kalfadhigii Baarlamaanka ..

Maalintii labaad ayuu galay kal fadhigii Baarlamaanka waxaa shir Guddoominayay Shariif Xasan Shiikh Aadan waxana kal fadhiga soo xaadiray 211 xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarla-maanka oo ka hadlay kulankaas ayaa xildhibaanada u sheegay in mudo todobaad ah dib loo dhigay kulanka Baarlamaanka la isuguna imaan doono isniinta Soo socota, isagoo sheegay in sbabaha dib loogu dhigay ay tahay si loo helo la tashiyo dhameys tiran isla markaana Xildhibaanada ay ka soo baaraandegaan ajandayaasha looga hadlayo kulanka Baarlaanka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Xildhibaanada qaarkood ay soo galeen safar dheere, sidaa darteedna ay daalan yihiin, waxaa kalloo uu sheegay in weli xitaa ay socoto dejintii Xildhibaanada Baarlamaanka.

Markii uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka in dib loo dhigay kulankii Baarlamaanka ayaa waxaa soo dhaweeyay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa iyagu ka biyo diiday dib u dhigistaasi kuna tilmaamay mid lagu luminayo waqti, maadaama uu horey uga soo lumay waqti.

Kulankii Shalay waxaa ka maqnaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo iyagu watay howlahoodii caadiga ahaa ee la xiriiray dhinaca Dowladda.

Wasiirka qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland oo wareegto xilkii looga qaaday..

Wararka naga soo gaaray maamul goboleedka Puntland ayaa waxey sheegayaan in Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee maamulkaasi C/raxmaan Max’ed Faroole shalay jagadii lagaga qaaday wareegto ka soobaxday xafiiska madaxweynaha DGPL. Waxaana isla wareegtadaas isla jagadaas loogu magacaabay wasiir kale.

Arrintan ayaa ka dambeysey kaddib markii ay magaalada Garoowe subaxnimadii shalay ka dhacday rasaas ay is weydaarsadeen ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo u badnaa daraawiish ay weerare ku soo qaadeen ciidamadii daacadda u ahaa C/raxmaan Faroole, waxaana halkaasi ka dhacday rasaas xoogan waxaana halkaasi ku geeriyooday saddex ka mid ah ciidamadii C/raxmaan Faroole, waxaana ku dhaawacmay laba ka mid ah ciidamada daraawiishta.

C/raxmaan Faroole oo ka carooday codeyntii doraad ka dhacday golaha wakiilada ee maamulka Puntland ayaa markii dambe waxaa dhex galay Isimada Puntland oo ku guuleystay in ciidamadii C/raxmaan Faroole ay ka saaraan xaruntii Golaha Wakiilada, waxaana haatan socota waanwaan la doonayo in arrintaas lagu dhammeeyo oo u dhaxeysa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse iyo C/raxmaan Max’ed Faroole.

Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay 70 Qori ..

Sida uu noo soo sheegay wariyaheena deeganka Caabudwaaq ayaa waxey sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay hub ururin ka bilaabeen halkii uu ka dhacay dagaalkii Mareexaan iyo Baciidyahan ee deegaanka Yamaarugle ee dhulka Soomaalida Itoobiya waxeyna ciidamada Itoobiya ay illaa iyo iminka gacanta ku dhigeen ilaa todobaatan qori oo ay lahaayeen labada beelood.

Ciidamada Itoobiya waxey digniin u soo jeediyeen maleeshiyooyinka labada beelood ineysan wax hub ah ku wadan karin dhulka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna warku intaasi ku darayaa in waxgarad iyo odayaal ka tirsan labadaasi beelood ay shalay gaareen deegaanka wardheer waxaana dhawaan halkaasi uga bilaaban doona wadahadal la doonayo in lagu soo afjaro khilaaf u dhaxeeyey labadaasi beelood.

Dagaalkii dhex maray labadaani beelood ayaa waxaa ku geeriyooday in ku dhaw boqol qof waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, sidoo kale waxaa uu dagaalkaani sababay barakac baahsan oo ka dhacay deegaanadii kale ee ku dhawaa halkii uu dagaalku ka dhacay, iyadoo uu dagaalkaani ku soo beegmay xilli deegaanadaasi ay ka jirtay abaar aad u daran iyo biyo la’aan aad u xooggan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Banaanbax lagu taageerayo shirka ka furmay magaalada beydhabo oo maanta ka dhacay magaalada kismayo

Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo shirka Feb 26 oga furmay magaalada beydhabo xubnaha dowlada ayaa maanta ka dhacay magaalada kismayo ayadoo banaanbaxaan ay soo qabanqabiyeen ururka haweenka magaalada kismayo waxaana banaanbaxaan ka soo qeyb galay dhamaan ardeyda iskuulada ka jira magaalada kismayo ayagoo socod ku soo maray laamiyada waaweyn ee dhex mara bartamaha magaalada.



 

Banaanbaxaan ayasoo sidoo kale looga soo horjeeday dagalada dib oga soo cusbonaaday dalka haatan waxaana ay masuuliyiintii ka hadlay banaanbaxaasi ay ka digeen dhamaantood dagaalada ay dadka badni ku dhinteen ee haatan dalka ka jira ayagoo ugu baaqay dhamaan dadka dagaalmaya in ay joojiyaan dadgaalka nabadna qaataan.

Intii uu socday banaanbaxaan ayaa waxaa qudbado kala duwan halkaas ka soo jeediyaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka degamda oo uu ugu horeeyay gudoomiye ku xigeenka degamda mr Cabdi baleey xuseen isogoo sheegay in ururka haweenka ay kaalin lixaad leh ka qaataan baraarujinta madaxdooda iyo shacabkooda waxaana uu sidoo kale haweenka uu ku waaniyay cabdi baaleey in aysan ka daalin howlaha ay bulshadoda u qabtaan sidoo kale waxaa halkaas qudbado kala duwan ka soo eedayay qaar ka mid ah xubnaha ururuka haweenka iyo madax kale oo ka tirsan ururada bulshada ee ka dhisan gobolkaan .

CABDI QADAR NUUR MAXAMED (FILIPIIN)

Faafin: SomaliTalk.com Feb 28, 2006

Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi, ayaa kulamo gaar gaar ah la leh Xildhibaanada Golaha shacabka, iyo qaar ka tirsan golaha wasiirada dowladda.

 

Isniin 27,Feb,  ‏2006: Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi ayaa ku guda jira kulamo gaar gaar ah oo uu la leeyahay madaxda ka tirsan golaha shacabka federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda soomaaliya, iyo sidoo kale xubno sare oo ka tirsan golaha Xukuumadda dowladda.

 

Ra'isul wasaaraha Prof Cali Maxmed Geedi ayaa ka dhaadhicinaya howsha baaxadda leh ee hortaal xildhibaanada, iyo sida loo baahan yahay in loo samatabixiyo dalka, isaga oo sidoo kalena ay la soo xiriireen wakiilo ka socda beesha Caalamka oo balan qaad adag ku bixiyay in ay gacan weyn ka geysanayaan sida dowladda howlaheeda loo dar dar galin karo howlaha baaxadda leh ee horyaal Balramaanka fadhigiisa aan caadiga ahayn ee shalay ka furmay Magaaladan Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay.

 

Ra'iisul wasaaraha umadda soomaaliyeed waxa uu ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in gurmad sidoo kale lala gaaro dadka ku dhibaataysan goobaha dalka ka tirsan, waxana uu beesha Caalamka ku booriyay in ay doorkooda soo dedejiyaan xilligan xasaasiga ah ee soomaaliya la doonayo in la saatabixiyo.

 

Xubnaha ku jira dowladda lafteeda waxa uu ka codsaday in ay iyana dadaal dheeri ah muujiyaan, oo ay dadkooda u horseedaan nabad iyo baraare.

 

"wali nagama lumin hadafka ah in soomaaliya la xasiliyo, si kasta oo ay wadooyin badan loo kala arkay haddana waxa kaliya ee aan ka mideysnayn waxa ay ahayd in qaranka uu xoogaysto soomaaliyana ay cagaheeda isku taagto oo isku filnaansho waafi ah gaarto" ayuu yiri Prof Cali Maxamed Geedi.

 

"waqti badan oo qiima leh ayaa nooga lumay wax aan micno lahayn, umadda soomaaliyeedna aan ka codsano in ay iyana na saamaxdo.

 

Si kasta oo ay ahaataba, Ra'iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa shalay soo gaaray Baydhaba, si ay uga qayb qaataan kulanka aan caadiga ahayn ee Barlamaanka Federaalka soomaaliya shalay uga furmay Baydhaba, iyada oo qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo xildhibaanada ay aad ugu riyaaqeen uu goobta ka jeediyay Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi, iyada oo in la xuso ay tahay in Ra'iisul wasaaruhu uu dadaal dheer u galay sidii Barlamaanka soomaaliyeed meel la isugu keeni lahaa, iyada oo aduun weynahana uu sharaxaad dheer ka siiyay in ay   Barlamaanka isku yimid.

 

Source: Abdirahman Dinari/Mohamed Yousof Ahmed

Office of the Somali Prime Minister/Media Department
-----------------------------------------------------------------------------
 
 
 

Barlamaanka Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa guda galay todobaad is dhex gal iyo is cafin ah.

 

 

Isniin, 27,Feb, 2006: Kulankii Maanta ay isugu yimaadeen xildhibaanada Barlamaanka federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa la iskula gartay in la guda galo todobaad is cafin iyo is dhex gal ay sameynayaan mudanayaasha Barlamaanka ee Muddo kala maqnaa, iyada oo ay manta si rasmi ah ugu bilaabatay arrintaasi.

 

Howlka shirka ayaa maanta waxaa soo buuxiyay xildhibaanada, iyada oo sidoo kalena uu ka qayb galay Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi, waxana Guddoomiyaha Barlamaanka oo ay dhinacyada ka fadhiyeen ku-xigeenadiisa Prof Dalxa iyo Boqorre uu codbaahiyaha ka jeediyay hadal aan badnayn, oo micnihiisuna ahaa in Barlamaanka ay u bilaabatay maanta isbuuc is dhex gal iyo is cafin ah, isaga oo sidoo kalena Gudoomiye Shariif Xassan ay xildhibaanada ka aqbaleen codsigiisa arrintaasi ku saabsan dabadeedna sacab hal mar ay ku dhifteen.

 

Guddoomiyaha waxa uu ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la iska hilmaamo wixii hore u dhacay oo baal cusub loo furo wajiga siyaasadda ee dalka, soomaaliyana loo horseedo in ay nabadii ay ahaan jirtay ku soo laabato.

 

"walaalayaal aan is cafino, wixii horena hala iska hilmaamo, aan isla qaadanao wixii sharciga waafaqsan, aan taageerno aqlabiyadda meesha ay isku raacdo" ayuu Guddoomiyaha ku celceliyay, iyada oo xildhibaanada Barlamaanka ay arrintaasi isku raaceen, dabadeedna lagu soo kala baxay shirka.

 

Shaqada Caadiga ah ama shirarka ajandayaasha u yaal barlamaanka oo dib u hishiisiinta iyo dhisidda gudiyada Barlamaanka ka kooban ayaa isniinta soo socota Barlamaanka uu isugu imaan doonaa, inta ka horeysana si gaar gaar ah ayuu Barlamaanka isku arki doonaan xildhibaanadiisa.

 

Intaas kadib Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan iyo Ra'isul Wasaaraha soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, ayaa ku haray howlka, oo wax xoogaa wada hadal gaaban ku galay, dabadeedna iyana soo wada baxay.

 

Iyada oo hadaba laga ambaqaadayo is dhex galka guddoomiyaha Barlamaanka, Madaxweynaha, iyo Ra'isul Wasaaraha ay iclaamiyeen ayaa haatan Baydhaba waxa ka socda shirar gaar gaar ah oo xildhibaanada ay isku cafinayaan, iyada oo Ra'isul Wasaare Prof Cali Maxamed Geedi oo laftiisa ka tirsan Barlamaanka uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda golaha shacabka qaarkood, iyada oo qaar kalena ay wali wada balansan yihiin.

 

Source: Abdirahman Dinari/Mohamed Yousof Ahmed

 

Office Of the Prime Minister/Media Department


XAALAD ADAG OO SOO WAJAHDAY ARDADA SOOMAALIYEED EE KUNOOL WADANKA MALAYSIA. Qaybtii 2aad... Akhri

Warbixin dheer oo ku saabsan khudbadihii laga jeediyay kulankii Baarlamaanka ee Baydhabo..
C/llaahi Yuusuf "Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in aanan isku koobin xilalka".. Cali Max’ed Geeddi "Mudadii aan kala maqneyn waxaan ku nooleyn xaalad laga naxo”" hadaladaas iyo wararkii Soomaaliya oo faahfaahsan ka akhri halkan.. Guji.. Feb 27

 

Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage oo Qabtay shir Jaraa’id
»Shiikh Aweys” Niman Ajnabi ah oo dalka jooga ma jiraan..
»Max’ed Dheere oo Warqad gaarsiiyay Isbahaysiga...
»C/llaahi Yuusuf oo uusan la socon Ra’isul Geedi oo gaarey..
»Roob ka da’ay shalay Magaalada Baydhabo…
»Xubno ka tirsan DFKM ah oo magaalada kismaayo..
»Finland oo dalkeeda dib u celinaysa dad Soomaaliyeed...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji...