SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII FEB 25, 2006

  • Xirsi Diini “Dagaalka Muqdisho dhex dhexaad lagama noqan karo waayo wuxuu u dhaxeeya Muslin iyo Gaalo”

  • Dagaal xalay mar kale dhex maray Kooxaha ku dagalamaya Muqdisho..

  • Q/Midoobey oo ugu baaqday xubnaha Baarlamanka in ay la yimaadaan…

  • 160 Xildhibaan oo xalay ku hoyatay Magaalada Baydhabo..

  • C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo maanta ku sii jeeda.Baydhabo..

  • London Star oo qaaday Koobkii qaboobaha ee Finland


:::MAANTA IYO MUQDISHO:::

Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco... waxaana sawiradaas qaaday
Muuse Maxamuud Jiisow

Xirsi Diini “Dagaalka Muqdisho dhex dhexaad lagama noqan karo waayo wuxuu u dhaxeeya Muslin iyo Gaalo”

Xirsi Diini Hilowle oo ah Xiriiriyaha Difaaca Xaquuqda Muslimiinta oo warqad qoraal ah na soo gaarsiiyay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kooxaha doonaya in ay diintooda iibsadaan una adeegaya gaalada. Wuxuu u soo jeediyay Kooxaha sameeyay Isbahaysiga in ay ka toobad keenaan dambi dhaafna ay Illaahay weydiistaan, isagoo sheegay in dagaalka aan dhex dhexaad laga noqon karin, waayo dagaalka waxa uu u dhexeeyaa Muslim iyo Gaalo. Xirsi Diini Hilowle waxa uu ku boorinayaa madaxda maxkamadaha Islaamiga ah iyo Culuma’u-diinka hogaaminaya dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho oo ay uga soo horjeedaan waxa uu ugu yeeray Kufaarta in aysan marnaba heshiis iyo xabad joojin la galin kana aqbalin kuwa Rabigooda ka furtay ee doonaya in ay dunida ka suuliyaan Muslimiinta. Ugu dambeyntii Xirsi Diini Hilowle waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo jeestaan kuwa doonaya in ay Culumada baabi’iyaan, waxaa kalloo u soo jeediyay in ay gacan siiyaan maxkamadaha Islaamiga oo uu sheegay in ay yihiin kuwii ka badbaadiyay kooxaha burcadda ah. Dad fara badan oo ku nool Magalada Muqdisho ayaa iyagu qaba in Isbahaysiga looga dhawaaqay magaalada Muqdisho uu yahay mid ay ka dambeeyaan dalal shisheeye ah, waxay kalloo sheegeen in Isbahaysigaan uu yahay mid shareed una adeegaya Caddowga Islaamka, waxayna u soo jeediyeen kooxihii sameeyay isbahaysigaas in ay toobad keenaan isla markaana ay cafis waydiistaan Alle. 

Dagaal xalay mar kale dhex maray Kooxaha ku dagalamaya Muqdisho..

Xalay ayaa mar kale rasaas aad u xoogan laga maqlay halkii uu ka socday dagaalkii u dhexeeyay Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, waxaana rasaastaa qaar ka mid ah ay ku dhacday goobo aad u fog fog iyo deegaanada ku dhow halka uu dagaalku ka bilowday.

Dagaalkaan oo dhowr daqiiqo socday ayaa la ogeyn waxa uu ka bilowday, waxa uuna ku soo beegmay xilli ay Maxkamadaha Islaamiga ah ay aqbaleen heshiis xabad joojin ah oo ay u soo jeediyeen Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beelaha Habargidir iyo Murasadale waxaana wararka qaarkood ay sheegeen in Max’ed Qanyare ay ka cusleysteen in ay aqbalaan heshiis xabad joojin ah waxaase la filayaa in maanta guddi loo diro dhinaca Max’ed Qanyare.

Saddexdii maalmood ee ay xabad joojintu jirtay ayaa waxaa guryahoodii dib ugu laabtay dad aad u fara badan hase yeeshee xalay ayay mar kale cadhuuftoodii dib u liqeen kaddib markii ay maqleen rasaas aad u xoogan oo dhacaysay.

Ciidamo iyo Tikniko aad u fara badan oo shalay.soogaarey Muqdisho..

Ciidammo iyo Tikniko aad u fara badan, kana yimid Jubbada Hoose ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka muuqatay Caro gaduud iyo Dhoobo waxaana hor kacayay Taliyaha ciidammada Dooxada Jubba Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale.

Ciidankan ayaa haatan saldhig ka dhigtay Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ayaan la garanayan sababihii ay u soo galeen Magaallada Muqdisho waxaana imaanshahooda uu ku soo beegmay xilli Muqdisho uu dagaal ku dhex maray Kooxo la magac baxay “Soo celinta Nabadgelyada iyo la dagaallanka Argagixisada” iyo Maxkamadaha Islaamiga ah. qaar ka mid ah ciidammadaasi iyo tiknikadooda ayaa waxay ku hareen deegaanka Carbiska, mar la wareystay Max’ed Rooble Jimcaale (Goobaale) waxa uu xusay in ciidammadaasi aysan u socon wax dagaal ah, waxaana mudo lagu hayay deegaanka Baraawe ee Gobalka Sh/hoose.

 

Q/Midoobey oo ugu baaqday xubnaha Baarlamanka in ay la yimaadaan…

Qaramada Midoobey ayaa waxay u soo jeedisay Xildhibaanada Baarlamaanka ee  ku shiraya Magaalada Baydhabo 26-ka bishan oo ku beegan maalinta berito ah, in ay la yimaadaan Tanaasul isla markaana uu kulankoodu noqdo mid ay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan kulanka Baarlamaanka waxaana hogaaminaya wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall, waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo gaaray wafdi hordhac ah oo ka socday Qaramada midoobey oo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay isha ku hayn doonto wixii ka soo baxa kulankaasi, kaas oo ay sheegtay in haddii ay ka soo baxaan go’aano dhaxalgal ah ay Qaramada Midoobey kaalmo balaaran u fidin doonto Dowladda Federaalka.

Waxaa kalloo kulankaan Magaalada Baydhabo ka furmaya ka qaybgali doona madax ka socota Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Midowga Afrika iyo waliba marti-sharaf kale.  

160 Xildhibaan oo xalay ku hoyatay Magaalada Baydhabo..

     Waxaa Magaallada Baydhabo haatan ku sii qul-qulaaya Xildhibaannada Baarlamanka oo la filayo in maalinta berri ah ay ka qayb galaan kulanka ugu horreeya ee Baarlamanka, iyadoo Baydhabana haatan ay ku sugan yihiin illaa iyo 160-Xildhi-baan, waxaana laga doonayaa in xildhibaannada kulankani ay noqdaan 189-xildhibaan.

       Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa mar uu u warramayay Warbaahinta waxa uu sheegay in ay aad ugu rajo weyn yihiin in uu buuxsamo Kooramka Kalfadhiga Baarlmanka, isagoo sidoo kalena sheegay in dadweynaha Baydhabo ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen xildhibaannada Baarlamanka, waxaa kale oo Magaallada Baydhabo ku sii qul-qulaya wufuud heer caalami ah oo doonaya in ay goob joog ka noqdaan furitaanka Kulankani.

            Kulankan ayaa waxaa loo diyaariyay in uu ka dhaco Xaruntii ADC ee maagaallada Baydhabo, gaar ahaan Bakhaar weyn oo ku yaalla halkaasi markii lagu sameeyey dayactir de-deg ah, sidoo kale guddigaa loo xil saaray soo dhoweynta wufuudda ayaa sheegay in Magaallada Bayadhabo aan lala soo geli karin wax hub ah, waxaana ay xuseen in dhammaan xubnaha Baarlamanka ee halkaasi imaanaya si weyn loo sugi doono ammaankooda, waxaa kale oo kale oo Baydhabo ka socda dhaq-dhaqaaq weyn oo dhinaca ganacsiga ah, halka dadweynaha magaalladaasina ay aad ugu faraxsan yihiin marti gelinta kulankaasi.

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo maanta ku sii jeeda.Baydhabo..

Madaxweynaha Dowladda Federal-ka KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed & Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa la filayaa in maanta ay gaaraan magaallada Baydhabo si ay uga qayb galaan kulanka Baarlamanka oo berri lagu wado in uu ka furmo Baydhabo.

          Magaallada Baydhabo ayaa sidoo kale maalintii shalay ahayd waxaa gaaray ciidammo sugi doona ammaanka Madaxwey-naha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo xooggooda la marsiiyey dhinaca dhulka halka qaarkoodna lagu qaaday Diyaarado.

            Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Baydhabo looga diyaariyay laba Guri aad oo aad u qurux badan oo la dhigay Alaab aad u qurxoon, waxaana soo kormeeray Guddiga ammaanka ee Magaallada Baydhabo.

            C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi ayaa la filayaa in ay halkaasi ka jeediyaan khudbad, inkastoo inta aysan khudbadaasi jeedin ka hor ay xildhibaannada u qaybin doonaan qoraal ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay muddadii sanadka ahayd iyo wixii aan u qabsoomin intaba, waxaa kale oo la ilayaa in kulankaasi uu khudbad ka jeediyo Wakiilka Qarammada Midoobay ee Somalia Francais Fall.

Halkee ku dambeeyeen wada hadalkii u dhexeeyey Beelaha Habargidir iyo Murusade…

Waxaa Hotel-ka Nabadda ee Magaallada Muqdisho ka socda wada hadal u dhexeeya Waxgarad Odayaal iyo aqoonyahanno ka tirsan Beelaha Habargidir iyo Mursade, kuwaas oo doonaya in ay soo afjaraan dagaalkii dhowaan ka dhacay aga-gaarka Dayniile oo u dhexeeyey Isbahaysiga la dagaallanka Argagixisada iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, dagaalkaas oo gallaaftay dad aad u fara badan ayaa waxa uu sidoo kale bara kiciyey tiro intaa ka badan.    

         Dagaalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxgaradkan iyo odayaashani waxay ku guuleysteen in ay xabad joojin kumeel gaar ah dhex dhigaan  labada dhinac halka markii hore la isku mari waayay in Garta loo galo qaab Qabiil ama Qaab Isbahaysi, iyadoo Maxkamadaha Islaamiga ay sheegeen in ay soo dhowey-nayaan wax kasta oo go’aanno ah oo ka soo baxa kulankaasi, balse waxa ay shuruud ka dhigeen in marka hore laga laabto isbahaysigii lagu dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

            Gebagabadii kulankii shalay ayaa waxaa ka soo baxay heshiis Xabad joojin ah oo dhex mara labada dhinac, waxaana arrintaani aqbalay Maxkamadaha Islaamiga ah, halka kooxda kale aysan wax war ah ka soo saarin kulankaasi, iyadoo la saaray guddi la socda xabad joojinta isla markaana isu soo dubarida wixii uu ku bilowday dagaalku, hase yeeshe Cabdi Nuure Siyaad oo ka mid ah Isbahaysiga ayaa waxa uu xalay sheegay in aysan dagaalka joojin doonin ilaa ay ka soo qabqabanayaan kooxo uu ugu yeeray in ay u adeegayaan caddow Soomaaliyeed, wuxuu kalloo sheegay in aysan marnaba aqoonsan doonin Maxkamadaha

WD/ Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


London Star oo qaaday Koobkii qaboobaha ee Finland

 

Waxaa Magaalada Helsinki ee Finland lagu soo gaba gabeeyay Maanta Koobkii qaboobaha oo ee dhalinyarada Soomaalida oo sanadwalba lagu qabto mid kamid ah dalalka Yurub , ciyaartii ugu danbaysay ee Maanta waxaa isaga hor yimid Kooxaha London Star iyo Kooxda Oslo Norwey, waxaana Ciyaartaasi 2 iyo 0 ku adkaatay London Star .( Sawirada Ciyaarahaasi kala soco Onkod oo garoonka kasoo tabinaysa.)

Koobkan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka dhaqanka iyo Ciyaaraha ee Finland (SOCUS) ayaa waxaa sanadkan ay ku marti qaadeen Ciyaaraha ilaa 9 kooxood oo ka kala yimid dalalka Denmark, Finland, Britain, Norwey iyo Sweden.

Labada gool ee London Star waxaa Maanta u kala dhaliyay Cabdinaasir Gacal iyo Cabdirashiid Cadaay oo goolasha ay dhaliyeen ay ahaayeen goolal aad u qurux badnaa xili garoonka ay buux dhaafiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ka kala yimid Qaaradda Yurub.

Taba baraha Kooxda London Star Cabdirashiid Isloow ayaa isaguna waxaa uu muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in Kooxdiisu ay ku guulaysato koobka Qaboobaha ee ka dhacayay Finalnd muddo todobaad ah.

Waxaa kaloo maanta gaba gabadii Ciyaaraha kasoo qaybgalay Masäuuliyiinta Socus oo ay u hadleen Jayte iyo Imad oo ah Gudoomiyaha Ururka qaban qaabada, waxaa kaloo halkaasi goob joog ku ahaa Ciyaartooydii hore iyo Masäuuliyiintii Ciyaaraha Soomaliya oo ay kamid ahaayeen Nuur Xuseen Cabdi Jeenyo, Bashiir Jeenyo, Sayga Ruushka, Macalin Buruko iyo Xaaji dhabarey iyo xubno kale.

Mudadii ay Ciyaaruhu socdeen waxaa ay ahaayeen kuwo si dagan ay u ciyaarayeen kooxaha kala duwan ee ka kala yimid Dalalka Yurub.

Waxaa abaal marintii ugu weynayd la gudoonsiiyay Kooxda London Star oo la hooyatay Koobkii Ciyaaraha Qaboobaha , sidoo kale waxaa kaalinta labaad soo galay kooxda Norwey oo ciyaaryahanka u ciyaara liibaan Cabdi uu helay goolashii ugu faraha badnaa ee halkaasi lagu dhaliyo.

Kooxda Edmonton ee Britain ayaa iyana la gudoonsiiyay abaal marin dhanka akhlaaqda ah.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali, Helsinki, Finland.

ridwanhaji@yahoo.com

Tababar Wariyayaasha Sawir qaadayaasha ah loogu soo gabagabeeyey Hargeysa


 

            Waxaa shalay hoteelka Mansoor ee magaalada Hargeysa lagu soo gabagabeeyey siminaar muddo todobo casho ah uga socday saxafiyiinta sawirada qaadda ee Soomaaliyeed waxaana siminaarkaas casharada ka bixinayey Brendan Bennon oo u dhashay dalka Mareykanka, iyadoo sidoo kalena uu xiritaankii taba-barkaasi kasoo qeyb galay Yuusuf Xasan Isaaq oo ah xiriiriyaha waaxda tababarada British Broadcasting Corporation-da, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay firfircoonidii ay muujiyeen saxafiyiintii siminaarkaasi ka qeyb qaadaneysay.

            Siminaarkani oo ay soo agaasintay waaxda tababarada ee British Broadcasting Corporation-da ayaa wuxuu ka duwanaa kuwii hore ay u qaban jirtay laanta tababarada ee British Broadcasting Corporation-da maadaama qeybtan wax lagu barayey saxafiyiinta sawirada qaadda, (Photo journalists) iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen saxafiyiinta ku shaqeysa mihnadda sawir qaadista oo ka kala socday qeybaha kala gadisan ee warbaahinta Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadanayey warfidiyeeno ka kala yimid gobolada dalka gaar ahaan Muqdisho iyo Hargeysa.

            Emma Gilliam oo ah madaxa mashruuca tababarada saxafiyiinta Soomaaliyeed oo furitaankii siminaarkaasi ka hadleysay ayaa sheegtay in sababaha loo qabtay siminaarkani ay ku sheegay arrimo dhawr ah oo ay ku sheegtay in ay jirto baahi weyn oo dhinaca sawir qaadista ah isla markaasina uu jiraan buugaag British Broadcasting Corporation-da ay diyaarineyso oo ay lagama maarmaan tahay in loo helo saxafiyiin sawirada qaadda oo ay British Broadcasting Corporation-du tababarto si ay xirfaddaas ugu shaqeystaan, waxey sidoo kale sheegtay in British Broadcasting Corporation-du marar badan ay ku tala jirtay in ay barnaamijkaas fuliso, balse nasiib wanaag ay iminka fursaddu u ogolaatay, waxeyna carrabka ku dhufatay in ay ka dharagsan yihiin baahida aqooneed ee haysa saxafiyiinta xirfaddaa ku shaqeysa.

            “Sawir qaadistu waa qeyb muhiim ah oo ka tirsan mihnadda saxaafadda, waana muhiin in la helo dad xirfaddaas leh oo uga faa’ideeya dalkooda iyo dadkooda, adduunyada oo dhanna waxey ka mideysan tahay arrintaasi, waxaana aaminsanahay in kaamiradu ay tahay baasaboor lagu gali karo dal kasta iyo goob kasta, waxaana aad ugu faraxsanahay in la helo saxafiyiin u bisil hawlaha sawirqaadista” ayuu yiri, Brendan Bannon oo ahaa macalinkii casharada siinayey wariyayaashii Hargeysa isugu tagey, wuxuuna intaasi sii raaciyey in isaga qudhiisu uu la dhacsan yahay shaqada sawir qaadista oo uu ku haminayey ilaa yaraantiisii, haddana uu magac weyn ku helay, wuxuuna ku bogaadiyey saxafiyiintii uu tababarka siinayey in ay xoogga saaraan sidii ay u gaarsiin lahaayeen cilmiga u kordhay saxafiyiinta kale ee daneyneysa sawir qaadista.

            Waxyaabihii faa’iidada lahaa ee uu tababarkani xambaarsanaa ayaa waxaa laga xusi karaa, sidii ay u raadsan lahaayeen sawir qaadayaashu muuqaalo wax ka tarjumaya isla markaana xiise galinaya dadka daawanaya, iyo sidii ay dunida uga iibin lahaayeen sawirada xiisaha badan ee Soomaaliya laga heli karo.

            “sawiradaada waa in ay sheekeeyaan oo aaney u baahanin qoraal” ayuu kula dardaarmay Brendan Bannon la tababarayaashii, waxaana wariyayaashii mashruucaasi ka faa’ideystay ay ballan qaadeen in ka mira dhalin doonaan casharadii la siiyey, Max’ed C/llaahi Gaas oo ka mid ahaa wariyaashii reer Hargeysa ee siminaarkaasi ka qeyb qaadanayey ayaa isagoo aad u faraxsan waxa uu yiri, “Marka la isku eego shalay iyo maanta sidii aan ku ahaa sawir qaadista aad bey u kala duwan yihiin, waxaana hadda shaqo tagi karaa anidoo kaamiradeyda sita, waana mihnad aan aad u daneynayo”.

            Xafladdii xiritaanka siminaarkaasi oo ka dhacday hotel Maan-soor oo uu tababarkaasi ka socday muddadii isbuuca aheyd ayaa saxafiyiinta lagu guddoonsiiyey shahaadooyin muujinaya waxyaabihii ay barteen, waxaana lagula dardaarmay in aaney meel cidle ah uga dhaqaaqin macluumaadkii ay ka barteen Digital Camera iyo qaadista sawiradaba, waxeyna madaxda British Broadcasting Corporation-du xuseen in ay aad ugu faraxsan yihiin firfircoonidii ay muujiyeen la tababarayaasha iyo sidii geesinimada laheyd ee ay u muujiyeen in ay wax badan qaban karaan, waxaana sidoo kale ay ugu mahad celiyeen imtixaankii adkaa iyo sidii ay guusha weyn uga soo hoyeen, iyagoo tilmaamay in ay yihiin saxafiyiintani kuwa la isku halleyn karo, iyadoo sidoo kale madaxda British Broadcasting Corporation-da gaar ahaan Yuusuf Xasan oo ka wakiil ahaa uu mahad balaaran u celiyey tababare Brandon Bannon oo uu ku sheegay in uu yahay nin si daacad ah waajibaadkiisii u gutay, isla markaana wax weyn ka badalay dareenkii wariyayaasha tabarbarka qaadaneysay.

            Ugu dambeyntiina maalinta isniinta ah ee 27-ka bishan ayaa lagu wadaa in saxafiyiinta reer Muqdisho ay dib u soo laabtaan.

Faarax Blue iyo C/raxmaan Taysiir

 Hargeysa

Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo kusii Jeeda Muqdisho
»Indha-Cadde: isbahaysiga Muqdiso waa  mid shareed..
»Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo gaaray Gobalka Sh/Dhexe
»Max’ed Dheere oo deg deg ugu ambabaxay Nairobi...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Feb 23

Faafin: SomaliTalk.com Feb 25, 2006


Shiikh Aweys oo sheegay in dagaalka uu socon doono ilaa ay ka toobad keenaan...
iyo
Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo noqday Xubnihii ugu horeeyey ee Cidamadooda ka saara Baydhabo
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan Feb 22

Baaq ku wajahan dagaalada ka socda Muqdisho

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji...