SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 February 2006
 
Qaramada Midoobey oo ku baaqay in Geeska Afrika loo soo gurmado.
 
Guddoomiyaha CUD oo indha la'aan ka badbaaday.
 
Baydhabo oo kulanka Baarlamaanka isu diyaarinaysa.
 
 
======================   
 
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in Geeska Afrika loo soo gurmado.
 
Qaramada Midoobey ayaa dunida inteeda kale ugu baaqday inay sida ugu dhakhsaha badan uga soo jawaabto baaqii ku saabsanaa in gurmad degdeg ah lala soo gaadho malaayiinta qof ee Geeska Afrika ku tabaalaysan
 
Bayaan ka soo baxay hay'ad Qaramada Midoobey hoos timaada oo lagu magacaabo "Xaqa ay dadyowgu u leeyihiin inay cunto helaan" ayaa lagu sheegay in bulshada caalamka waajib ka saran yahay inay tallaabo  degdeg ah ka qaado wax ka-qabashada dhibaatada cunto la'aaneed ee ku timaad mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.
 
Bayaankan waxay Qaramada Midoobey ku sheegtay in 11 milyan oo qof oo ku kala dhaqan dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Tanzania ay hayso dhibaato ba'an oo ka dhalatay abaarta gobolkaas ka jirta.
 
Macaluusha ba'an ee ka jirta gobolka Bariga Afrika waxay si gaar ah u sii taabanaysaa qiyaastii 1,2 milyan oo ah carruur ay da'doodu shan sano ka hoosayso, kuwaasoo sida la ogyahay aad ugu jilicsan nafaqo darrada iyo cudurrada cunto xumada ka dhasha.
 
Qaramada Midoobey waxay sidoo kale ugu baaqday dalalka ay macluushu hayso inay hay'adaha Qaramada Midoobey ka kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada macaluusha ku soo noqnoqonaysa gobolka.
 
Dhinaca kale Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa dalalka beesha caalamka iyo ururrada gargaarka ugu baaqday inay gargaar degdeg ah la soo gaadhaan malaayiinka qof ee ku tabaalaysan gobollada kala duwan ee Ogaadeenya, ka dib markii ay ku habsadeen abaaro ka dhashay xilli roobeedkii oo la waayay.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay sidoo kale beesha caalamka iyo ururrada gargaakaba ugu baaqday inay gargaarka si toos ah u gaadhsiiyaan dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, isla markaana ayna ugu dhiibin xukuumadda aan xil-kaska ahayn ee Meles Zenawi, oo gargaarka dadwaynaha tabaalaysan loogu talagalay ku quudisa askarteed dulmiga ku joogta dhulka Ogaadeenya ee xasuuqa iyo gumaadka ku haysa dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya.
 
Guddoomiyaha CUD oo indha la'aan ka badbaaday.
 
Guddoomiyaha isbhaysiga CUD Hailu Shawel ayaa la sheegayaa inuu ka badbaaday indha la'aan looga cabsanayay, ka dib markii dhakhaatiir ay xukuumadda Meles u qabatay ay si xun uga qaleen Il, taasoo keentay in caabuq xun uu Isha kaga dhasho.
 
Hailu Shawel oo ka mid ah madaxda mucaaradka ee xidhxidhan waxaa qalliin dambe ku sameeyay dhakhaatiir shisheeye ah, kuwaasoo talaadadii sheegay inay qalliinkaas ku guulaysteen, isla markaana uu Hailu Shawel ka badbaaday indha la'aan looga baqayay.
 
Dhakhaatiirtan shisheeyaha ahi waxay sheegeen inuu hadda caafimaadkiisu aad u fiican yahay, ka dib markii caabuq Isha bidix kaga dhashay, iyo qalliinkii xumaa ee dhakhaatiirta dawladu ku sameeyeen ay khatar galiyeen mustaqbalka indhihiisa.
 
Bisha Fabrawri 17-dii waxaa caafimaadka Hailu Shawel walwal aad u ballaadhan ka muujiyay masuul sare oo ka tirsan Midowga Yurub oo xabsiga ku booqday madaxda mucaaradka iyo suxufiyiinta u xidhxidhan xukuumadda Zenawi.
 
Baydhabo oo kulanka Baarlamaanka isu diyaarinaysa.
 
Masuuliyiinta magaalada Baydhabo iyo qeybaha bulshada ayaa sameeyay diyaargaow ballaadhan oo ku aaddan sidii loo soo dhowayn lahaa xildhibaanada ku soo jeeda magaalada Baydhabo ee ka qayb qaadan doona kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Baydhabo lagu qabanayo maalinta axadda ah ee bisha Fabrawri 26-ka tahay.
 
Xubno isugu jira wasiirro iyo xildhibaano ka soo jeeda beelaha gobollada Bay iyo Bakool iyo qaybaha bulshada ee ka hawlgala magaalada Baydhabo ayaa dhammaystay diyaar garowgoodii ku aaddanaa soo dhawaynata xilidhibaanada Baarlamaanka.
 
Guddoomiyaha Baarlamanaka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan magacaabay xubno guddi ah oo u xilsaaran soo dhawaynta masuuliyiinta magaalada imanaya iyo sugidda amnigooda.
 
Waxaa sidoo kale la xaraynayaa malleeshiyooyinka hubaysan ee ka jira magaalada Baydhabo, kuwaasoo xeryo loo diyaariyay lagu xaraynayo. Waxaana qaybohoodii ugu horreeyay lagu xareeyay xero ku taall deegaan Daynuunay oo dhawr iyo toban km ka baxsan magaalada Baydhabo.
 
Ilaa iyo afartan xildhibaan oo arbacadii ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa nabadgelyo ku gaadhay magaalada Baydhabo, halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyay. Xildhibaanadan ayaa lagaga hortegay meel magaalada duleedkeeda ah, waxaana iyagoo la galbinayo la soo galiyay magaalada Baydhabo oo ay horay ugu sii sugnaayeen xubno Baarlamaanka ka mid ah oo isu diyaarinaya ka qayb galka kulankii ugu horreeyay ee muddo sannad ah uu si wadajir ah u yeesho Baarlamaanka ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Radio Xoriyo
 
 24 February 2006.
Axmed Xidig
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo kusii Jeeda Muqdisho
»Indha-Cadde: isbahaysiga Muqdiso waa  mid shareed..
»Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo gaaray Gobalka Sh/Dhexe
»Max’ed Dheere oo deg deg ugu ambabaxay Nairobi...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Feb 23

Shiikh Aweys oo sheegay in dagaalka uu socon doono ilaa ay ka toobad keenaan...
iyo
Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo noqday Xubnihii ugu horeeyey ee Cidamadooda ka saara Baydhabo
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan Feb 22

Baaq ku wajahan dagaalada ka socda Muqdisho

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji...

 

Faafin: SomaliTalk.com Feb 23, 2006


Shiikh Aweys oo sheegay in dagaalka uu socon doono ilaa ay ka toobad keenaan...
iyo
Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo noqday Xubnihii ugu horeeyey ee Cidamadooda ka saara Baydhabo
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan Feb 22

Baaq ku wajahan dagaalada ka socda Muqdisho

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji...