SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

WARARKA FEB 23, 2006

  • Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo kusii Jeeda Muqdisho

  • Indha-Cadde oo isbahaysiga Muqdiso looga dhawaaqay ku tilmaamay mid shareed..

  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo gaaray Gobalka Sh/Dhexe..
  • Shiikh Shariif oo sheegay in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ay la galeen dhinaca kale..
  • Max’ed Dheere oo deg deg ugu ambabaxay Magaalada Nairobi...
  • Shariif Xasan “Xildhibaanada ka yimid Muqdisho waxay yididiilo galiyeen qabsoomidda kulanka ..

  • Francois Fall oo u soo jeediyay kooxaha ku dagaalaya Muqdisho in ay joojiyaan...

  • Ciidanka Asluubta oo shalay xusay sanad-guuradii 36-aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii ...


Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo kusii Jeeda Muqdisho

TACSI
 
                                  INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN
ALLAHUMA LAA TAXRIMNAA AJRAHU WALLAA TAFTIFAA BACDAHU WAQFIR LANAA WALLA HU YAA ARXAMA RAAXIMIIN.
MAANTA OO BISHA FEBRAAYO 22 TAHAY WAXAA MAGAALLADA NAIROBI KU GEERIYOODAY ALLAAH HA U NAXARIISTEE MARXUUM :
 KHALIIF CABDALLA GEYRE
 
WAXAA TACSIDAAN DIRAAYA SAAHID MAXAMED YUSUF WAXAANNA U DIRAAYAA QOYSKA REECABDALLGEYRHA UGU HOREYSO MARWADEYDA XABIIBO CABDALLGEYRE, AABO CABDALLE GEYRE,HOOYO MARYAM C/KARIIM, KHAALID CABDALLE,DAAHIR CABDALLE,SAFIYO CABDALLE IYO MARWADDDI MARXUUNKA KALTUUN MURSAL IYO CARRUURTIIS OO IDIL SIDA XAFSO KHALIIF ,SAADIKHALIIF,C/LLAAHI KHALIIF,HODAN KHALIIFIYO XABBIBO KHALIIF.
WAXAAN DHAMAANTOOD LEEYAHAY SAMIR IYO IIMAAN ALLAAH HA IDINKA SIIYO ASAGNA JANADII FARDOWSO ALLAAH HA KU ABAAL MARIYO .AAMIIN.
Qore: Sahid: Email:
sahid_yusuf@yahoo.com

Ciidamo ka tirsan maamulka isbahaysiga dooxada jubba oo uu horkacayo taliyaha ciidanka isbahaysiga dooxada jubba mr Goobaale ayaa xalay (Feb 22) ka anbabaxay magaalada kismayo ayagoo ku sii jeeda magaalada muqdisho.

 
Ciidankaan oo ku hubeysnaa ilaa 9 tikniko ah ayaa waxaa ay ku sii hakadeen deegaanka baraawe ee gobolka shabeelada hoose halkaasoo ay iska sii wada raaci doonaan ciidamo kale oo ka amar qaata gudoomiyha gobolka shabeelada hoose sheekh yuusuf maxamed siyaad indho cade ayadoo la filaayo in ciidankaan ay garab siin doonaan dhinac ka mida ah labada dhinac ee dagaalka isaga soo horjeeda magaalada muqdisho gaar ahaan dhinaca maxakadaha oo dagaal kula jira isbahaysi dhawaan looga dhawaaqay magaalada muqdisho .
 
Dhanka kale waxaa Khamiista ka anba bixi doona magaalada kismayo xubno fara badan oo ka tirsan labada gole ee dowlada kuwaasoo ku sii jeeda magaalada beydhabo halkaasoo ay kaga qeyb gali doonaan kulanka baarlamaanka ee halkaas lagu qabanayo 26 bishan.
 
ilaa iyo hada lama garano in xubnahaas dowlada ka tirsan ee baxaya uu socdaalkooda ku wehelin doona wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta barre hiraale iyo waliba xildhibaan seeraar .

cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com

Indha-Cadde oo isbahaysiga Muqdiso looga dhawaaqay ku tilmaamay mid shareed..

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Shiikh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose oo u waramayay ragga wararka dira isagoo xiligaasi deegaanka Lafoole ku soo dhawenayay xildhibaano ku sii jeeday Magaalada Baydhabo oo tiradoodu gaareysay 40, waxa uuna sheegay in Isbahaysiga looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ee la dagaalanka Argagixisada uu yahay mid shareed.

“Iyagoo Wasiiro iyo Xildhibaano ah bay isku bahaysteen in ay shacabka ku tilmaamaan argagixiso” ayuu yiri Yuusuf Indha-Cadde oo Dowladda Federalaka ugu baaqay in ay xilka ka qaadaan Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax iyo Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, isagoo sheegay in ay bulshada ku hayaan gumaad iyo baabi’in, wuxuuna beeniyay in dagaalka uu wax lug ah ku leeyahay, wuxuuna sheegay in Ciidamadiisa ay ku sugan yihiin deegaanka Lafoole ee Degmada Afgooye.

Shiikh Shariif oo sheegay in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ay la galeen dhinaca kale..

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo shalay u waramayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aysan jirn wax xabad joojin ah oo laga gaaray dagaalka.

“Dagaalku waxa uu ku istaagi karaa iyadoo laga noqdo isbahaysiga Shaydaan oo ay horey ugu dhawaaqeen Hogamiyo kooxeedyo iyo Ganacsatada” ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in dagaalku uu socon doono ilaa ay ka toobad keenaan, wuxuuna sheegay in mudo 15 sano ah ay kooxahaasi dhibaato ku hayeen bulshada Soomaaliyeed.

Shiikh Shariif waxa uu sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah ay bulshada u qabteen howl muhiim ah isagoo bulshada ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kooxaha doonaya in ay dagaalka u bedelaan qaab Qabiil, waxa uuna sheegay in Maxkamaduhu ay yihin kuwo mideysan oo doonaya in ay ka hortagaan cid kasta oo dhibaato ku haysa Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna Guddoomiyuhu uu soo dhaweeyay waan waanta ay wadaan Odayaasha iyo Waxgaradka Gobalka Banaadir. 

Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo gaaray Gobalka Sh/Dhexe..

Warar aanu ka helnay rag ku dhow dhow maamulka Gobalka Sh/dhexe ee uu madaxda u yahay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa waxay noo sheegeen in maalintii doraad ahayd Magaalada Jowhar ay soo gaareen Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ka socdeen wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiyaa, kuwaas oo la sheegay in ay si qarsoodi ah ku joogaan Magaalada Jowhar, waxayna kulamo la yeesheen mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobalka Sh/dhexe waxayna isla soo qaadeen dagaalka haatan ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysiga dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho ee la magacbaxay la dagaalanka argagixisada. Saraakiishaasi ayaa lagu waramay in loo sheegay in kooxaha maxkamadaha Islaamiga ah ay halis ku yihiin geeska Afrika isla markaana ay xiriir la leeyihiin waxa loogu yeeray kooxaha Argagixisada. Waxaa lagu waramay in saraakiishaas laga codsaday in ay gacan ka gaystaan sidii looga hortagi lahaa kooxahaasi oo la sheegya in ay ku xoogeysanayaan Magaalada Muqdisho. Saraakiisha Dowladda Itoobiay ayaa uruursaday warbixin iyagoo kaddibana ula laaban doona Dowladda Itoobiya. Max’ed Dheere oo markii hore ku eedeeyay Max’ed Qanyare Afrax in uu dagaalka mas’uul ka yahay ayaa wax yar kaddib waxa uu sheegay in uu taageersan yahay isbahaysiga Magaalada Muqdisho ee la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada, isagoo sheegay in ay dagaalka ay ku lug leeyihiin waxa uu ugu yeeray dad shisheeye ah. Dhinaca kale Cali Max’ed Geedi oo ah Ra’isul Wasaarhaa Soomaaliya ayaa isagu ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan oo ay qadariyaan ama ay xushmeeyaan bulshada danyarta ah ee ka soo daalay dagaalka  

Wararkii ugu dambeeyay daagaalka ka socda Magaalada Muqdisho …

Maalintii shalay ahayd ayaa dadweynaha Muqdisho waxay ku soo tooseen jawi degan kaddib markii dhegahooda ay ku soo dhaceen in ay jirto xabad joojin aan sidaasi u sii buurneyn oo u dhexeysa Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kooxihii la magacbaxay isbahaysiga la dagaalanka Argagixisa, waxaana shalay la arkayay isu socodka Gaadiidka oo dib uga bilow goobaha qaarkood, sidoo kale waxaa dib loo furay ganacsigii.

Dadweynaha ayaa si weyn u soo dhaweeyay xabad joojintaas waxayna ka codsadeen dhinacyada in la sii xoojiyo heshiiskaasi oo uu sheegay in uu Bulshada u yahay mid waxtar leh.

Labada dhinac ayaa waxay ku jiraan hub uruursi iyadoo Gawaari gaareysa 30 Tikniko ah oo uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka Dooxadda Jubba Axmed Roobel Jimcaale Goobaale ay soo gaareen Magaalada Baraawe ilaa iyo haatan lama garanayo halka ay ku jeedaan ciidankaasi.

Dhinaca kale Odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Beelaha Murusade iyo Habargidir ayaa shalay kulan isugu yimid kaas oo ay uga hadlayeen sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi, ilaa iyo haddana wax natiijo ah oo ka soo baxay kulankaasi lama hayo.

Goobihii ay horey u kala joogeen ayay labada dhinac kala joogaan, iyadoo Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ay joogaan Xeradii hore ee 77, warshaddii Kabka, Wasaaraddii Gaashaandhiga iyo Isgooska Gala Deegaanka Deyniile, halka kuwa Isbahaysiga waxay ku sugan yihiin gudaha deegaanka Deyniile.     

Max’ed Dheere oo deg deg ugu ambabaxay Magaalada Nairobi...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay shegayaan in Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) uu shalay si deg deg ugu ambabaxay magaalada Nairobi iyadoo lagu waramay in safarkiisa aysan cidna ku wehlin, sidood kale waxaa loo diiday saxaafadda in ay safarkiisa ay wax ka ogaato.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Max’ed Dheere ay deg deg ugu yeertay safaaradda ay Itoobiya ku leedahay Kenya, Warar kale ayaa waxay sheegayaan in uu marti-qaad ka helay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya.

Safarka Guddoomiyaha ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay Magaalada Muqdisho ka socdaan dagaalo u dhexeeyay Maxkamadaha Islaamiga ah iyo isbahaysi la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada, iyadoo Max’ed Dheere shirkii jaraa’id ee ugu dambeeyay ee uu qbatay uu ku sheegay in uu hiil iyo hooba siin doono isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, isagoo sheegay in maamulkiisa uu ogaaday in dagaalka ay ku lug leeyihiin waxa uu ugu yeeray shisheeye. 

Shariif Xasan “Xildhibaanada ka yimid Muqdisho waxay yididiilo galiyeen qabsoomidda kulanka ..

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay la socdaan Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa deegaanka Daynuunaay si weyn ugu soo dhaweeyay 40 xildhibaan oo shalay ka tagay Magaalada Muqdisho kuwaas oo doonaya in ay ka qaybgalaan kulanka Baarla-maanka oo dhacay 26-ka Bishan.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa Xildhibaanadaas qado ugu sameeyay deegaanka Daynuunaay, wuxuuna sheegay mar uu la hadlaayay Xildhibaana-daasi in ay farxad geliyeen oo ay niyadda u dhiseen dadweynahaGobalka Bay oo uu sheegay inay u diyaargaroobeen soo dhaweyna Xildhibaanada.

Shariif Xasan wuxuu u soo jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka meel kasta oo ay joogaan in ay ku soo xaroodaan Magaalada Baydhabo ugu dambeyn 24-ka bisha, si loo ogaado tirade xildhibaanada ee soo gaartay Magaalada Baydhabo. Magaalada Baydhabo waxaa ku sii qulqulaya Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo doonaya in ay ka qaybgalayaan kulanka Baarlamaanka. 

T.V lagu magacaabo Universal oo laga furay Muqdisho ...

Maalintii shalay ahayd waxaa Taleefishinada iyo Idaacadaha ee ka jira Muqdisho ku soo biiray TV lagu magacaabo Universal oo saldhigiisa weyn uu ku yaalo Magaalada London iyadoo xaruntaani ay tahay midda labaad ee laga furay dalka gudihiisa.

C/qaadir Max’ed Cashir (Nadaara) oo agaasime ka ah Idaacaddaasi ayaa shalay mar uu u waramayay qaybaha warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Taleefishinkaan uu u adeegi doono Bulshada Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay u haraadsan tahay warbaahin xor ah, sidoo kale waxa uu sheegay in Taleefishinkaan uu siideyn doono barnaamijyo la xiriira Nabadda, Bulshada, Ganacsiga, Isboortiga iyo wixii la mid ah, isagoo intaa ku daray in Taleefishinkaan uu haatan yahay mid tijaabo ah oo ay ka socdaan barnaamijyo taxane ah.

Mudane Nadaara waxa uu sheegay in goor dhow Taleefishinka lagu soo biirin doono Raadiye isna uu sheegay in uu u shaqeyn doono Bulshada Soomaaliyeed.

Kanaalka laga daawan doono waa 4177 waana Digital S. Rate 31532, iyadoo maalintii shalay ahayd aan si fasiix ah uga daawanaynay xarunta Taleefishinaas oo ku yaala agagaarka Idaacaddii hore ee STN ee Magaalada Muqdisho.

Taleefishinkaan iyo Idaacaddaan ee la magacbaxay Universal waa warbaahintii shanaad ee lagu furo Magaalada Muqdisho.  

Francois Fall oo u soo jeediyay kooxaha ku dagaalaya Muqdisho in ay joojiyaan...

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall ayaa shalay soo saaray war-saxaafadeed uu kaga waramayo xaaladda Dagaalka kas oo cusboonaday Magalada Muqdisho ee u dhexeeya Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kooxaha la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada, wuxuuna u soo jeediyay labada kooxood inay dagaalka joojiyaan oo ay khilaafkooda ku xaliyaan wada hadla iyo is afgarad.

“Dagaalku waxa uu dhibaato ku yahay bulshada masaakiinta ah oo mudo 15 ano ah dagaal ka soo daalay, waxaana loo baahan yahay in labada dhinac ay qiimeeyaan bulshada Masaakiinta ah” ayuu yiri Francois Fall oo sheegay in qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan, waxaana loo baahan yahay in dagaalka lagu bedelo sidii loogu gurman lahaa dadkaasi.

Baaqyo fara badan ayaa soo gaaraya dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho waxayna baaqyadii ugu dambeeyay naga soo gaareen bulshada rayidka ah oo u soo jeediyay dhinacyada ishaya wada hadal iyo is afgarad.

Ciidanka Asluubta oo shalay xusay sanad-guuradii 36-aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii ...

Ciidanka Asluubta oo inta badan ilaalin jiray xabsiyada dalka ayaa shalay xusay sanad-guuradii lixaad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii oo ku beegneyd Maalintii shalay ahayd waxaana ka qaybgalay Saraakiil, Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Marti-sharaf kale.

Sareeye Guuto Ibraahim Cali Cabdul oo ah ku simaha taliya ciidanka Asluubta oo ka hadlay xafladaasi ayaa waxa uu sheegay in dhismihii ciidanka Asluubta ay soo mareen heerar kala duwan, balse waxa uu sheegay in markii ay jirtay Dowladdii Max’ed Siyaad Bare ay ciidankaasi ahaayeen kuwo aad u xoogan una tira badan.

Ugu dambeyntii  ciidanka Asluubta waxay u soo jeediyeen kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho in dagaalka ay joojiyaan oo ay u turaan shacabka Masaakiinta ah ee Soomaaliyeed, kuna dhameeyaan wixii khilaaf ah wada hadal iyo is afgarad, dib dambna aysan u bilaabin xabad

 W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Afar Kooxood oo usoo gudbay Wareega labaad ee Ciyaaraha Finland.
 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali, Helsink, Finland
23.2.2006
 
Waxaa Wareega labaad ee Ciyaaraha oo Maanta ka bilaabanaya isla Garoonka Myyrmaki ee Helsink ee dalka Finland  oo ay ku wada ciyaari doona 4 kooxood oo ka kala socda dalalka Finland, Britain, Norwey iyo Sweden oo ku guulaystay in ay usoo gudbaan Wareega labaa ee Ciyaarahan oo ay soo qaban qaabisay Ururka Socus ee Finland.
 
Ciyaarahan waxaa Maanta ay dhexmari doonaan:
 
London Star Vs F.C Somali Finland
Oslo Norwey Vs F.C Horseed Sweden
 
Afartan Kooxood waxaa kasoo dhex bixi doona labo kooxood oo Ciyaarta ugu danbaysa Jimcaha ku wada Ciyaaraya magaalada Helsink ee Finland si loo soo afjaro Ciyaarihii Qaboobaha oo sanad walba xiligan oo kale lagu qabto mid kamid ah dalalka Yurub oo Soomaali badan ay daganyihiin.
 
Maata waxaa wada ciyaaray kooxaha soo socda , sidan ayayna tahay Natiijadu:
 
Edmonton Uk Vs Horseed Sweden  0-2
Banaadir Sweden Vs Cpenhegen     4-2
London Star Vs Olympic Odens      3-0
 
Ciyaarah waxaa ka qaybgalay ”9” kooxood oo ka kala yimid dalalka Britain, Denmark, Sweden, Norwey iyo Finland.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com Feb 22, 2006


Shiikh Aweys oo sheegay in dagaalka uu socon doono ilaa ay ka toobad keenaan...
iyo
Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo noqday Xubnihii ugu horeeyey ee Cidamadooda ka saara Baydhabo
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan Feb 22

Baaq ku wajahan dagaalada ka socda Muqdisho

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji...