SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HINDIYA
Daabaco Boggan | Print

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

Xaflad Sagootin ah oo ay qabsadeen Ardayda Soomaaliyeed ee India 

Xaflad si heer sare loo soo qabanqaabiyay ayay samaysteen ardayda somaliyeed ee India, xafladaas oo ulajeedadeedu ahayd Sagootin loo samaynayay Arday Somaliyeed oo dhamaystay Waxbarashadiisii. 

Ardaygan oo Magiciisa la yiraahdo Saciid Xuseen Ciid ayaa wuxuu dhamaystay herkiisi waxbarasho isagoo qaatay Shahaadooyinka kala ah, Master of Business Administration (MBA), Post Graduation of Foreign Trading Management (PGFTM) iyo Diploma in Personality Development (DPD).

 Xafladan oo si heersare ah u  dhacday ayaa waxaa ka soo qayb galay Ardayda Somaliyed ee ku nool magaalada Hyderabad ee gobolka Andhra Pradesh(AP), Odayaal iyo aqoonyahano, waxaa laga soo jeediyay Khudbado kala duwan oo taabanay faaiidooyinka Waxbarashadu ay u leedahay Aadanaha. 

Xafladan qaybihii ugu Muhiimsanaa ee lagu soo qaatay aya waxay ahayd sidii loo hormarin laha waxbarashada Ardayda Somaliyeed isla mar ahaantaana loo takulayn lahaa Ardayga cusub ee u yimid halkan waxbarasho. 

Arday u hadlayay Ardayda cusub oo la yiraahdo C/raxmaan Weydooy ayaa wuxuu eedayn u soo jeediyay Ardaydii uga soo horreysay halkan oo uu sheegay inaysan  siinin  macluumaaad dhamaystiran oo ku saabsan halka ay wax ka bilaabayaan iyo meelaha ugu muhiimsan ee uu ka heli karo Ardayga cusub  waxbarasho tayadeedu sarrayso. 

Sidoo kale ayaa Mr Waydooy uu ku eedeeyay Ardayda Somaliyed ee India inaysan lahayn urur mideeya dhammaan Ardayda India wax ka barata halka uu sheegay inay jiraan ururro ku dhisan maamul goboleedyada  ka jira dalka oo ardaydii isku gobol ka timidba ay samaysteen Urur taasoo uu ku tilmaamay Mr Waydooy nasiib xumo. 

Xafladan ayaa waxaa lagu soo bandhigay in Ardayda Cusub ee u yimid inay wax bartaan loo sameeyay web-page ay ka helaan Xogta waxbarasho ay u baahan yihiin sidoo kalena looga caawin lahaa wax walba ay u baahan yihiin. 

Ardayda somaliyeed ayaa webkan waxay ka heli karaan jaamacadaha ugu muhiimsan ee ka jira India iyo waxyaabaha ay bixiyaan. 

Web page-kan ayaa waxaa aasaaskiisii iyo qaab dhismeedkiisiba si wayn isugu mashquuliyay Arday Somaliyeed oo ka mid ah Ardayda hada dhamaysatay waxbarshadoodii oo la yiraahdo Sheekh Nuuradiin. Websiteka ayaa wuxuu yahay www.somhindia.com      

 

Professor Hindi ah “Somalidu waa Dadka ugu fahamka badan marka loo eego ajaanibta kale ee Hindia wax ka barata”

                                                

Waxaa sidoo kale halkaa hadal qiimo leh ka jeediyay Sheekh  Cumar Sheekh Mohammed oo ka mid aha waalidiintii ka soo qayb gashay xaflada, Shekh Cumar ayaa wuxuu sheegay inay Ardayda Somaliyeed ee xiligan ay yihiin Arday aad u nasiib badan oo leh waalidiin aad u qiimo badan kuwaas oo dhexda u xirtay sidii ay carruurtooda wax u baran lahaayeen, iyadoo aysan jirin dowlad  taakulaysa ayuu hadana waalidka somaliyeed caruurtooda hiil iyo hoo la garab taagan yahay, waana nasiib darro aad u wayn ayuu yiri in Arday ay waalidkii sidaa ugu dadaalayaan inuu hadana wax baran waayo. Ardaydii hore ayaa waxay ahaayeen kuwo heli jiray waxbarasho lacag la’aan ah oo ay dowladu ugu deeqi jirtay. 

Waxaa isagana halkaa hadal ka soo jeediyay Oday somaliyeed oo ka mid ahaa ka soo qayb galayaasha oo la yiraahdo Maxamed Muumin, Maxamed Muumin ayaa ku amaanay Siciid Xuseen kaalintiisii uu kaga qayb qaatay taakulayntii Jaamacada Eas Afrika Univerisity isagoo u diray Macallimiinta halkaa wax ka dhigta ee ajaanibta ah, sidoo kale Maxamed Muumin ayaa ammaan wuxuu u soo jeediyay Ardayda Somaaliyeed dadaalkooda xaga waxbarshada oo uu sheegay inay yihiin Arday aad u dadaal badan. 

Gabagabadii aya waxaa halkaas hadal qiimo badan oo isugu jira Dar-daaran iyo Talo u ka soo jeediyay xafladaas aqoonyahanka dartii loo qabtay xaflada Siciid Xuseen Ciid. 

 Siciid ayaa mahadcelin ka dib ka hadlay qiimaha waxbarashada iyo dadaalka ay mujiyaan Ardayda Somaliyeed isagoo sheegay in mar uu wax ka dhiganayay Macalin Hindi ah u sheegay inay yihiin Ardayda Somaliyed kuwa ugu fiican  xaga fahamka marka lala bar bar dhigo Ardayda kale ee ajaanibta ah ee wax ka barata dalkan Hindiya. 

 Siciid Xuseen Ciid ayaa ka hadlay qiso ku dhacday Arday Somaliyeed kaas oo ka bilaabay Delhi University maadada MBA (Master of Business Administration), Ardaygaas aya waxaa ku adkaatay maadadaas wuxuuna damcay inuu iska bedelo, wuxuu la xiriiray Professorkii (Dean) jaamacada haystay wuxuuna ka codsaday inuu doonayo inuu iska bedelo Maadadaas (MBA) oo ay ku adkaatay, Ninkii jaamacada haystay ayaa wuxuu ku yiri sow Somali ma tihid? Ardaygii aya wuxuu ku jaawabay haa. Ka dibna wuxu ku yiri kuguma adka maadadan maxaa yeelay ma dhicin Arday Somali ah oo ay ku adkaatay maado uu dhiganayay ee dhigo, wax kasta oo kugu soo laabtana iskaga noqo waad ku guulaysan doontaaye.

Delhi Univeristy Dean “Ma jiro Arday Somali ah oo ay ku adkaatay maado uu dhiganayay”

Ugu dambayntii ayuu Ardaygii Somaliyed sidii isaga dhigtay maadadiisii

Ilaa markii uu ka dhamaystay ka noqday Ardayda jamacadas

Hormuudka u ah lagana shaqaalaysiiyay Company Hindi ah. 

 Siciid Xuseen Ciid ayaa ku nuuxnuuxsaday in waxbarashadu ay Qofka dadnimadiisa iyo horumarka dalkiisaba sare u qaadayso, wuxuu tusaale u soo qaatay dalka Ireland oo uu sheegay in wadankaas loogu yeeri jiray waayadii hore “Sick Man” kaas oo ay hareerayeen Faqri, Cudur iyo Jahli. Dalkaas oo aan lahayn khayraad   dabiici ah oo la taaban karo lakin waxay ku dadaaleen ugu dambayntii inay dadkooda wax baraan ilaa ay ka noqdeen xiligan aan joogno wadamada aduunka safka hore ka ah xaga dhaqaalaha iyo waxbarashadaba, Airland ayaa Company kasta oo aduunka ka jira uu ku leeyahay laan.  

Siciid ayaa ugu dambayntii ku booriyay inay Ardaydu muujiyaan dadaal dheeraad ah si ay Dalkooda, Naftooda iyo Ehelkoodaba wax ugu qabtaan.

Wuxuuna sheegay inuu ku laabanayo wadankii dhowaan Ardayda dhamasyana kula dardaarmay inay iyana ku soo laabtaan dalka si ay uga faa’iideyaan walaalohooda Somaliyeed ee u ooman Waxbarshada.  

Siciid ayaa wuxuu ahaa Aqoonyahan aad u caawiya Ardayda Somalida ah kana siin jiray talooyin wax ku ool ah jaamacadaha ay doonayaan inay dhigtaan iyo maadooyinka ay doonayaan jamacadaha ku haboon ee tayada leh oo ay ka heli karaan waxa ay doonayaan.  

Talooyinkiisii iyo waayo aragnimadiisii uu kala tagay Hindiyana waxaan rajaynaynaa inuu uga faa’iidayn doono Somalida ku nool wadankii. 

Ardayda Cusub ee halkan waxbarshada u imaanaysana ay heli doonaan Somaali kale oo la mid ah Siciid kaasoo hagi doona fartana ugu fiiqi doona halka ugu haboon ay ka heli karaan waxa ay doonayaan.

Ali Abdalla Shukri
calishukri@yahoo.com
Hyderabad India


 

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com Feb 21, 2006