- DFKMG oo Reer
Puntland ku amartay in ay Hubkooda Geeyaan Xerada 54aad,
kuna wareejiyaan "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed"....
Wareegto ka soo baxday
Dowladda Soomaalida loogu soo dhisay Nairobi ee FKMG ayaa
waxaa akhriyey Cabdiraxmaan Diinaari oo sheegay in
wareegtadaasi xustay hub ka dhigista dalka oo dhan iyo in
hubka lagu soo wareejiyo "Xoogga Dalka Soomaaliyeed", waa
sida uu hadalka u dhigay'e.
Diinaari oo hadlaya waxa uu
yiri: "Dawladda
Federaalka waxay ku guulaysatey gacan ku haynta gobolada
dalka oo dhan, waxaana loo baahan yahay hub ka dhigis." Laakiin markii uu xusayey gobolada dalka ma soo hadal qaadin
Gobolada Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya ama "Somaliland".
Diinaari waxa uu yiri:
- Dadka ku dhaqan
Shabeellada Dhexe iyo Woqooyiga Muqdisho waa inay hubkooda
geeyaan xerada Hiil weyne oo ay diyaarka ku yihiin
saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed amnigeeduna sugan
yahay.
- Dadka ku dhaqan
Shabeellad Hoose iyo Koonfurta Muqdisho inay hubkooda
geeyaan Laanta Buuro oo ay diyaarka ku yihiin
saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed amnigeeduna sugan
yahay.
- Dadka ku dhaqan
Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose inay hubkooda
geeyaan Jilib oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha
Xoogga Dalka Soomaaliyeed
- Dadka ku nool Gobolada
Gedo inay hubkooda geeyaan magaalada Baardheere
- Dadka ku dhaqan
Gobolada Galguduud iyo Koonfurta Mudud inay hubkooda
geeyaan magaalada Cadaado
- Dadka ku dhaqan
Gobolada Hiiraan inay hubkooda geeyaan magaalada CeelGaal
oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka
Soomaaliyeed
- Dadka ku dhaqan Bay
iyo Bakool in ay hubkooda geeyaan xerada Daynuunay ay
diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed
- Dadka ku dhaqan
Puntland in ay Hubkooda geeyaan xerada 54aad ee Garoowe
oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka
Soomaaliyeed
Wareegtada Laguma sheegin xilliga ay ciidamada Itoobiya
ee xoogga ku soo galay Soomaaliya ay ka bixi doonaan ciida
dhulka Soomaaliya, arrintan waxay soo dedejineysaa shakigii
ay ummadda Soomaaliyeed weligeed ka qabeen Gumeystaha
Itoobiya, taas oo jirta ayaa la is weydiinayaa sida ay
shacabku hubkooda u dhiibayaan ayagoo cadowgoodii soo
jireenka ahaa uu xoog ku haysto dalkooda, oo aysan cidna
dammaanad ka haysan xilliga ay dalka ka baxayaan.
Puntland:::
Shabakada GO oo arrinta ka
soo yeertay Diinaari faallo ka bixinyesa waxay tiri:
Shacabka Puntland ayaa waxa su'aalo iska waydiinayaan in ay
hubkooda ku wareejiyan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan
xerada 54 xilli ciidamo PL ay leedahay ay ka bar-bar
dagalamayan ciidamda Ethiopia iyo Malishiyadka Cabdi
Qaybdiid kuwaas oo hada ku sugan gobolka Hiiraan... Hadaba
su'aasha dad badan is weydiinayaan waxa ay tahay ciidanka
Xoogga dalka Somalia ee Cabdiraxman Dinaari sheegey halka ay
ku sugan yihiin iyada oo loo fasirtey in uu la mid yahay
hadalkii Cumar Carte Qaalib oo ahaa in shacabaka Somalida ay
hubkooda ku wareejiyaan Jabhado xilligaa lagu tilmaamey in
ay wadanka qabsadeen taas sida la rumeysan yahay horseeday
bur-bur hor leh oo ku dhacey qaab dhismeedkii ka jiray
gobolada dalka."
Jawhar/Balcad:::
Dhinaca kale, ayey tiri
GO, "waxa su'aalo badan dadku iska waydiinayaan Maxamad
Dheere oo sheegta Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa
maanta gudoomiye u magacaabey Balcad. Maxamad Dheere ayaa
xiiriirka u dhexeeyay isaga iyo DF uu xumaa xilligii laga
qabsanayey Jowhar iyada oo aysan jirin wareegto ra'isal
wasaare Geedi ugu magaacaabey mar labaad xillka uu
sheeganayo.
Sida laga war qabo degmada
Balcad waxaa horey u maamuli jiray hoggaamiye kooxeedkii
Muuse Suudi Yalaxow kamana tirsanayn maamulka Maxamed Dheere
oo haatan awood ay leedahay dowlada Ethiopia ku qabsadey.
Maxamad Dheere oo saxaafada la hadley ayaa sheegey in
godoomiyaha degmada u magaacaabey Cali Rooble uu si KMG
ahaana u sii hayn doona xilka."
Somaliland:::
Ra’iisul wasaaraha dowladda Nairobi
Soomaalida loogu soo dhisay dib u heshiinta,
Cali Maxamed Geeddi, oo ay waraysatay Idaacadda British Braodcasting
Corportaion oo wax laga weydiiyey in amarka lagu xiray xuduudaha Soomaaliya ay ku jiraan meelaha maammuladu
u dhisan yihiin sida Somaliland iyo Puntland ayuu ku jawaabey: "Laan Laan iyo waxaasi ma jiraan ee Soomaaliya waa Soomaaliya"
Waxaa hadalkaas ka jawaabey Dec 27, 2006
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale,
waxana uu yiri: "Waxa fajiciso iyo amankaag ah in maamulkaas dhawaaqiisu yahay mid riyo ah, kuna salaysan dhalanteed ka fog xaqiiqada... Sideedaba Somaliland iyada ayaa ka masuul ah ammaanka, maamulka iyo maaraynta dalkeeda guud ahaan, iyada oo aan cidna uga qaadanayn fasax talada dalkeeda.... Faranfardaynta degdegga ah ayaa Jamhuuriyadda Somaliland uga digeysaa duqaas isaga ah...."
Shabakada Somalilandorg oo
hadaladdaas faallo ka bixineysey waxay qortay: Xukuumadda
Somaliland ayaa iyadu si cad ula safnayd maamulka Baydhaba
iyo dowladda Itoobiya duullaanka ay kaga soo horjeedaan
Maxaakiimta Islaamiga ah. Hadalkan ka soo yeedhay Cali
Maxamed Geeddina ayaa muujinaya in maamulkiisu uu helay isku
hallayn iyo cudud milateri oo uu ku muquunin karo cid kasta
oo diidda maamulkiisa.
»»» |
:::WARAYSIGII DR.
RAABEH::: |

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay
Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee
Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.."
Waraysigii dhegeyso |
Taas oo jirtay ayaa
wareegtadan dambe maadaama aan looga hadlin Somaliland ay
dadku su'aalo iska weydiinayaan in arrinta meesha ku jirtaa
ay tahay hadalkii
Dr.
Cumar Cusmaan Raabeh oo uu Geeddi hirgelinayo, maadaama
shacabka Soomaaliyeed u arkaan in uu yahay ninka hadda
Madaxweynaha DFKMG kaga dhow xukuumada Tigreega.
Xilliga Bixitaanka
Itoobiya:::
Sida kor ku xusan ilaa
hadda Dawladda TFG lagama hayo xilli cayiman oo ay shacabka
u sheegeen in waqtigaas ay Itoobiya ka baxayso dalka
Soomaaliya. Dad badan ayaa rumaysan in aan cadayn noocaas ah
laga fili karin TFG maadaama aysan haysan xorriyad ay sidaad
ku yiraahdaan.
Dhanka kale waxgarad
Soomaaliyeed oo rumaysan in taariikhda Soomaalida lagu
joojiyo maalintii ay Itoobiyaanku soo cagadhiteen Dhulka
Soomaaliyeed, oo markaas taariikhda tirsigeeda aan dib u
bilowno maalinta uu askariga ugu dambeeya ka baxo ciidda
Soomaaliyeed. Waxaana in badan oo Soomaali ah rumaysan
yihiin in aan Taariikhda ku joojino December 18, 2006 oo ah
markii ay ciidamada Itoobiya toos u soo galeen carrada
Soomaaliya, bartaasna ka soo bilowno jadwalka taariikhda marka ay dalka
ka baxaan gumeystayaashu. Arrintaasi waxay sahli doontaa in
taariikhdaasi aysan ka suulin xusuusta Jiilasha dambe ee
Soomaaliyeed.
Faafin: SomaliTalk.com |
Taariikhda Adduunka: Dec 29, 2006 | Taariikhda
Soomaaliya:
Dec 18, 2006
Doonyo
ku Degey Badda u Dhexeysa Yemen iyo Soomaliya
Dec 28, 2006: Wararka ka
imanaya dalka Yemen ayaa sheegay in laba doonyood oo siday
dad ka soo qaxay colaadda ka soo cusboonaatay Soomaaliya ay
ku degeen badda u dhow xeebaha Yemen. Nin u hadlayey
hay'adda qaramada midoobey ee UNHCR waxa uu sheegay in hadda
la xaqiijiyey in 17 qof ay dhinteen, waxaana la la'yahay 140
qof. Waxaa karku sheegay in arrintani ay dhacday kaddib
markii ciidanka Yemen ay rasaas ku soo rideen doonyaha.
Waxaa wararka
qaar sheegeen in doonyuhu ay ahaayeen ilaa afar doonyood,
tirada dadka saarnaana ay ahaayeen 515 qof oo lagu sheegay
in ay yihiin Soomaali iyo Itoobiyaan ka qaxay colaadda
Geeska Afrika.
Hay'adda
qaxootigu waxay sheegtay in dadka Soomaalida ah ee
doonyahaas saarnaa ay sheegeen in ay ka qaxeen Baydhabo iyo
goboladda dhexe ee Soomaaliya.
357 qof oo
dadkii badbaadey ah waxaa la geeyey meesha lagu magacaabo
Mayfa'a ee Yemen.
Sida ay
sheegtay Yemen waxaa la qabtay 17 qof oo ka mid ah dadkii
doonyahay wadey.
Qaadkii
oo kusoo Laabtay Muqdisho
Dec 28, 2006: Magaalada Muqdisho oo lagu
soo waramay in ay galeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa
dowladii lagu soo dhisay Nairobi ee Kumeelgaarka ah ayaa
waxaa la socda qaadkii oo si caadi ah ugu soo laabtay
Muqdisho. Qaadka oo ay bishii November bartameheedii
mamnuuceen maxkamadaha Islaamigu ayaa u muuqda mid si caadi
ah ugu soo laabtay dalka,kaas oo ay la socoto bililaqadii.
Taas oo ah guushii ugu horeysey ee ay gaareen gumeystayaasha
oo dhaqaalohoodu uu ku tiirsan yahay daroogada cagaaran ee
ay lacagta adag kaga bedeshaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa
maanta faraxsanay beeraleyda qaadka ee Keenya iyo Itoobiya
oo xaqiiqsaday in gumeystayaasha qorshohoodii qaybi ka hir
gashay. Dadweyne ka caraysan qaadka la soo celiyey ayaa yiri
"Dowladda Baydhabo wexey nooga keentay Qaad iyo Qabqable
dagaa, waa dowladii soo celinta qaadka, waxaana cabsi ka
qabnaa in shineemooyinkii Jinsiga lagu dhigi jirey ee loo
yaqaaney MACMACAANKA iyo Buurkaroore soo laabtaan, taas oo
noqon doonta guul ay ku faanaan xabashidu."
Toddobaadkan ayey ahayd markii uu Buubaa reer Kenya oo ka welwelsan suuqa Qaadka oo xirmay uu ku qanciyey
ayaa yir
"Dad badan oo ku sugan Muqdisho waxay jeclaan lahayeen in ay
calashadaan Qaadka, maxkamaduhuna ay ka hor leexdaan.".
Qaadku waxa uu mamnuuc ka yahay dalal badan oo caalamka ah
sida Maraykanka oo looga arko darooga halis ku ah shacabka.
[Akhri
sida dhaqaalihii Kenya u baaba'ay , gaar ahaan beeraleyda
qaadka, intii qaadku ka xirnaa Muqdisho: Nov 20 - Dec 28,
2006].

Qaadkii oo kusoo Laabtay Muqdisho
. Doonyo oo ku degey badda Yemen & 140 Qof oo
Lawaayey
.Maxkamadaha oo Iskaga Baxay Muqdisho...
.SNA oo la wareegtay xaruntii hore ee Villa Soomaaliya
.Dekadda oo ay la wareegeen maleeshiyooyinka Furux
.Hoteel Ramadaan oo saakay ka dhacday bililiqo baahsan
Wararka oo dhan
ka akhri halkan...

