“Laan laan iyo
waxaasi ma jiraan ee Soomaaliya waa Soomaaliya”
(RW Geeddi, Wareysigii British Broadcasting
Corporation, 27 Diseembar, 2006)
Kuma ayaa runta
sheegaya: Ma Meles Zenawi Itoobiya mise RW Dowladda
FKM ee Soomaaliya ee u qareema danoha dowlado
shisheeye?
Si kasta oo
Soomaalida loo marinhabaabiyo, si kasta oo loo
wareeriyo, in kasta oo maandooriyaha Keenya
iyo Itoobiya loo daajiyo: Ma illoobi doonaan, waagii
Mbegathi lagu soo doortay, sanad kudhowaad, sidii
shimbir geed waayay oo kale inuu Keenya dhex
duulduuli jiray, dabadeed na la keenay magaaladii
Jowhar ahayd. Ma xusuusataa weydiintii uu
dadweynihii reer Jowhar weydiiyay:
“
Magacayga ma taqaannaan?”
Mar qura
ayay dadkii la soo wada boodeen, “Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf!”
“Waa
beentiin!” Anaa magacayga runta ah idiin sheegahaya.
“Waxa la i yiraahdaa Habaarqabe.” Intuu qoslay ayuu
madaxa kilkilay. Dabadeed na ku faanay, “Waxaan ahay
nin dagaal; anigaa Soomaaliya ka riday xabbaddii ugu
horreysay. Dad badan ayaan dilay …”
Ninkaas oo kale
miyaa waxa Bulshada Caalamku iyo Itoobiya ba ay ka
difaacayaan shacabkii uu laan jiray? Kaas ma mudna
in la geeyo Villa Somalia; bal se, waa
dembiile mudan in la geeyo Gasoorkii Den Haag.
Haddii kaleeto, facyaal kale ayuu bari doonaa, si ay
u geystaan isla hadimooyinkii oo kale, kuwii uu
shacabka Soomaaliyeed u weligii ba u soo geysan
jiray. Cilmaaninimo ama caqiido
diineed ee lagaga dayan karo, Cabdullaahi Yuusuf,
ayaa Soomaalida u qeexa?
Midowga
Maxaakiimta Islaamiga, intii ay jirtay colaaddii
sokeeye ee koofurta Soomaaliya, waa ururkii ugu
horreeyay ee abuuray cimilo nabadeed, iyo yiddidiilo
qarannimo, Soomaalidii kala fogaatay na uurkoodii
isu soo dumay. Gobollo iyo magaalooyin lagu kala
dhababay isbaarooyin ayay isu fureen—dagaaloogeyaashii
16 sano ku jawrfalayay shacabka Soomaaliyeed na;
dalka oo idil ayay ka eryeen. Taas na waxa ay ku
kasbadeen kalsoonida dadweynaha Soomaaliyeed ee ku
noolaa gudaha dalka iyo dibadda ba. Is-aaminkii
Soomaalida ma ahayn oo keliya, ogowse, hantidii la
kala dhacay ayay dib ugu soo celiyeen dadkii xaqa u
lahaa. Gacan weyn ayay ka geysteen taageeridda
Soomaalida saboolka ahayd ee abaaro, cudurro, gaajo,
iyo daadad, iyo fidnooyin badan isu dabokaceen.
Himiladoodu na waxa ay ahayd in la helo dowlad
Soomaaliyeed oo u adeegta danaha shacabka
Soomaaliyeed; hayeeshee, ma ayan doonayn in ay
midiidin u noqdaan ”cadowgii Ilaahay iyo kii
Muslimiinta ba”. Haa oo waa aan og ahay in ay
xaggooda ay ka dhaceen wax xogaa gefaf ahaa; balse
gefkoodu ma aan uu gaarsiinayn: heer, sida dowladda
Federaalka, la miidaamiyo qarannimadii shacabka
Soomaaliyeed. Weydiintu waxa ay tahay, “Dowladdii
Baydhabo, haatan, maxay Soomaaliya ku tari doontaa?”
Hortiiba waxa
aad ku arkaysaa, meelihii xagaagii kahor ay talin
jireen dagaaloogeyaashii, dagaaloogeyaal cusub oo
dib u qabsaday. Durba isbaarooyinkii waa ay soo
laabteen. Dhicii, boobkii, kufsigii, dilkii iyo kala
xirxirnaantii—cabsidii, iyo dhibaatooyinkii hore ee
colaadihii sokeeye ayaa soo noolaaday. Itoobiya waxa
ay Ururka Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta,
Ururka Qaramada Midoobay, iyo Ururka IGAD ba “labocodleyn”
ugu sheegtay in ay dagaal la gelayso Ururka Midowga
Maxaakiimta Islaamiga, iyo in ay “gacansiinayso
dowladda tabarta daran ee fadhigeedu Baydhabo ahaa”.
Gacanta bidixeed, gurtii Shaydaan, waxa ay
gobolladii ay xoogga ku qabsatay haddiiba ku
wareejisay dagaaloogeyaashii Soomaalida asaggood
horey uga reebay; gacanteeda midig na, midig
shaydaan, waxa ay ku cuuryaaminaysaa dowlad
kusheegtii, markeedii hore ba, ay iyadu soo
dhoobdhoobtay. Ma xildhibaanno Soomaaliyeed,
Soomaali dhiig leh, ayaa Baydhabo ku harsan. Mardhow
na, Meles Zenawi, dowlad kale ayuu dhisi doonaa,
iyada oo ama RW Cali Maxamed Geeddi uu ku wiiqi
doono ama MW Cabdullaahi Yuusuf uu ku wareemi doono:
Cabaadkoodii durba waa uu na soo gaaray:
Sidee wax ula qeybsan doonaan “wasiirradii”
ay haatan kahor jagadoodii uga erayeen, awgeed, in
ay galeen dembiyo qaran? Yalaxow, Qanyare,
Bootaan, Finish waa kuwaas yimid. Dowlad kusheegta
iyo debiileyaashoodu ba, uma diri doonaan “Xaq
Ilaahay”, bal se waxa ay u diri doonaan “xaq
ameeriko”. In ameerik, taliso, ifka na
ay ugu awood sarreyso ayay moodayaan.
Midowga
Maxaakiimta Islaamiga waxa ay ku yimmaaddeen
rabitaanka shacabka Soomaalida. Haddii aan la
ishafrayn na, bilihii yaraa ay jireen waa lagu wada
naalloonayay nabadda, midnimada, iyo iskaashiga ay
Soomaalida ugu baaqayeen.
Raggaan kala ah
MW Cabdullaahi Yuusuf, RW Cali Maxamed Geeddi, iyo
kuwo badan ee iyaga la halmaalo, iska daa adduunka
ama qaaradda Afirka; Gobolka Geeska Afrika waxba na
uguma toorna. Labadu ba, mid na waa qarruud
waayeeloobay, mid waa nin aan siyaasad loogu
talogelin. Labadoodu na, haddii ay xitaa runta og
yihiin, si loo sheego ma garanayaan. Taas ayaan na
u sabab ahayd in xafiisyo looga dhiso dalka
dibadihiisa; si kale na caasimad magacuyaal ah
Baydhabo looga sammeeyo. Ma sheegi karaan waxyaabaha
ay naga og yihiin. Maxaa markeedii hore ba, waagii
Jowhar, aan ay Burcadda Tigreegu u soo duulin
Soomaaliya; haatan na ay duullaanka ugu timid?
Labadoodu ba waa ay og yihiin waxa ay u yiraahdeen:
“cirka,
berriga, iyo badaha Somaliland”
Baydhabo ayaa laga maamulaa; ciddi aan oggolaansho
ka haysan na mudankeeda ayaa la marsiin doonaa!
Aniga ahaan,
tayda, warkaan waa mid gar ah oo si
gardarri ah loo yiri; asii lagu dhawaaqay goor
aan ay ku habboonayn. Sidaas ayaan na u arkaa. Tolow,
mise, hadalku waa “cadkii hashii qaranka” oo
inta xaf loo siiyay ciidda loogu tuuray Soomaalidii
Waqooyi Galbeed—maamul goostay in uu iskiisa, lugo
ugu istaago, noqda na dowlad ka tirsan dowladaha
adduunka ka jira. Mar na ha naga go’do Somaliland,
in dowladda FKM ay tidhaahdo; mar na ay tiraahdo,
aniga ayaa xukunna, waa: “weedha iyo dibiga
naasoadag maxaa kulmiyay”? Mise hadalka ayaa ah
warkii MW George Bush: “Ama waad nala jirtaa ama
waad naga jirtaa”?
Meles Zenawi,
hadda kahor, waxa uu ku noolaan jiray dhididka
Soomaalida oo idil. Maalmahaan waxa uu billaabay in
uu cabbo dhiigga reer Koofurta Soomaaliya. Beryaha
soo fool leh na, tolow, ma waxa uu cabbi doonaa
dhiigga reer Waqooyiga Soomaaliya?
Soomaalida aan dib
u xusuusiyo tixhii awowe:
Taageeradeey
labo gacmood tabar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaada markay tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma
goyseene.
Ujeeddooyinka
gurracan ee uu ku burburiyay noloshii Koofurta
Soomaaliya, Meles Zenawi waxa uu haatan, mar kale,
tii oo kale ula gol leeyahay Reer Waqooyiga
Soomaaliya. Ragga Waqooyiga Soomaaliya maamula waa
madax ka wanaagsan DFKM ee fadhida uun magaalada
Baydhabo—caasimadda kumeelgaarka ah ee Maamulka
Tigreega.
Meles Zenawi,
waa sida uu weligii doonayay ee yuusan waxba
aqoonsan Somaliland; hase yeeshee, yuusan na
farogelin arrimaha siyaasadeed, iyo is-maamulka
goboleed, iyo baarlamaanka, adduunku ba ka warqabo
habka lagu soo doortay, iyo habka lagu soo doortay
baarlamaanka dowladda FKM ee Baydhabo. Baarlamaanka
Somaliland laga ma soo daabulin dibadaha. Waa mid ku
dhashay rabitaanka ummadda reer Somaliland. Anigu
ma raacsani, ma na aqoonsani goonni-isu-taagga
Somaliland; hadda na ma oggoli in lagu duulo,
la na faragashado hawlahooda iyaga u gaarka ah, sida
aanan u oggoleyn in la farogeliyo is-maamulka
Puntland. Mid na waa in aan la illoobin:
Somaliland waxba lug ah kuma lahayn “dhagartii”
dalka lagu soo hoggaamiyay cadowgii Soomaalida.
Itoobiya dagaaloogeyaal ayaa u ciddirtay; iyada iyo
dagaaloogeyaashu na waa in ay Soomaaliya uga baxaan
sida ugu dhaqsaha badan. Cabdullaahi Yuusf iyo
Cali Maxamed Geeddi na waxa aan ku oran lahaa: cid
aad madax u tihiin ma jirto ee Soomaaliya kala taga
fidnadiinna. Taas haddii aad sammeysaan,
Soomaalida wax weyn weyn ayaad ku tarteen.
Arraggiinna inoo baahiya! Idinka iyo Tigreega ba,
nooga baxa dalkayaga. Soomaaliya ruux sokeeye ah
ayaa wax ku leh; cirbad caaraddeed na, uma oggolin
in ay ku yeeshaan shisheeye, iyo shisheeye-kalkaal
ba.
Labada shacab ee
Itoobiya iyo Soomaaliya, ma jiraan wax colaad ah ee
ka dhexeyso. Waa jawrfaleennada labada dhinac ka
jiray waxa weligood ba isku colaadinayay. Jirtoo,
damaca, maamulladii Itoobiya ka soo jiri jiray, iyo
kan maanta ka jira ayaa rabay in ay isku
ballaariyaan xeebaha dhulka Soomaaliya. In ay
gumeysi ku haystaan Soomaali galbeed (Ogadeenya).
Labda shacab na waxa ay muujiyeen sida ay uga soo
horjeedaan maamulka keligitashade Meles Zenawi, iyo
midka maqaarsaarka ah ee uu madaxda ka yahay Cali
Maxamed Geeddi. Ma na oggola, shucuubta reer
Soomaaliya iyo kuwa reer Itoobiya ba, in ay madax ka
noqdaan Geeska Afrika, ama ba dalalkooda,
dagaaloogeyaal la mid ah Cabdullaahi Yuusuf iyo
Maxamed Xabeeb.
Sidee Bulshada
Caalamku ay u taabbogelin doontaa dowlad, DFKM, aan
aqoonsi ka haysan ummaddii ay maamuli lahayd? Mise
Itoobiya ayaa dalka ba la wareegi doonta?
Haddii aan Soomaali
nahay waa in aan Ilaahii na Abuuray talosaarannaa.
Waa in aan Allaah Weyn ku shukrinnaa “shartiisa,
iyo khayrkiisa ba”. Bal se waa in aynaan
halmaamin in uu “abuuro wax aynaan ogayn”.
Cid aan u dhalan Soomaaliya na, yaan laga oggolaan
in ay iska soo gasho; Soomaalida na ku laayso. Ka
dhiidiya, iska na dhacsha gumeysiga, iyo
dabadhilifkiisa. Inshaa’Allaah waynu ka guulaysan
doonnaa!
A. M. Yusuf |
wayeel@operamail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Dec 28,
2006