SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
March 29, 125

  • Xabeeb Hosbitaal Oo Soo Bandhigay Nin Madaxa Looga Jiro Oo dhaawac uu adeegsaday toorrey iska gaarsiiyay cunaha iyo caloosha
  • Baaq ay soo saareen ururrada bulshada

Cabdulle Eebane Cali

Cabdulle Eebane Caligacan xididadii ay taagmeen iyo tii kale oo hada bilow ah

C/raxmaan Cumar Barrow

dhakhtar xabeeb

nadiifo oomiirka looga jiro

xaliimoxuseen cabdi iyo dhaqtarka waalida

Xabeeb Hosbitaal Oo Soo Bandhigay Nin Madaxa Looga Jiro Oo dhaawac uu adeegsaday toorrey iska gaarsiiyay cunaha iyo caloosha

Kalkaaliye sarre C/raxmaan Cali Cawaale (Xabeeb)ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay isbitaalka daaweenta dhimarka ee uu madaxda ka yahay, wuxuuna suxufiyiinta tusay nin madaxa looga jiro oo lagu magacaabo C/raxmaan Cumar Barrow da’diisunah ay tahay 57jir, kaasoo isagu gacantiisa ku soo iibsaday mindida qudaarta lagu jar jaro, ka dibna qoorta isaga qalay, balse marka ay mindidii ay wax goyn weysay nin wadda maraya ka qaatay toorey uu watay isla markaana iska saray cunaha, iyadoo sidoo kale uu killada iyo caloosha iska gilgilay.

“Ninkan waalan isbitaalka waxaa la keenay maanta, waana nin aan toddobo bilood hurdin sida ay ehelkiisa ii sheegeen, wuxuuna sidan isugu yeelay kaddib markii loo geeyay dhakhaatiir fara badan kana deyrisay xaaladdiisa caafimaad maadaama aysan aqoon u laheyn howlaha dhimirka” ayuu yiri Kal-kaaliye sare C/raxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo sheegay in isla xalay markii la keenay isbitaalka (Habeb Public Mental Hospital) uu markiiba helay hurdadii uu in muddo ah la’aa.

Sidoo kale Dr. Xabeeb waxa uu sheegay in ninkan falka sameeyay uu yahay mid qaba cudurka lagu magacaabo Delution, isla markaana ah in qofku rumeysto wax aan waxba ka jirin, waxayna ku qasabtay ninkaasi ama uu rumeystay in maadaama loo waayay dawo uu isagu is dilo (Suicide attempt).

“waxay tahay nasiib darrada ugu weyn ee na haysata inaysan tani aheyn tii ugu horreysay ee dhacda isku day dil, waxaa labo bilood ka hor isbitaalka Keysaney isku dilay ninkii lamandaayiistaha ka ahaan jiray” ayuu yiri Dr. Xabeeb oo sheegay inay waxyaabahaas ugu wacan tahay inaysan jirin hay’ad isku howsha wacyigeilnta bulshada, maxaa yeelay bukaanka qaba cudurrada dhimirka wuxuu u baahan yahay dawo, jaceyl iyo caawimaad.

“Howshan daweynta dhimirta waxaan soo waday illaa 24-kii November 2005ta ilaa haatan, wuxuuna isbitaalku daweeyay bukaan gaaraya 998 oo la il daran cudurrada dhimirka, muddadaa iyada ah ma helin hay’ad gacan naga siisa daweynta cudurrada dhimirka, waana isbitaalka kaliya isbitaalkan gobollada dhexe illaa koonfurta Soomaaliya ku yaalla, iyadoo hay’adda kaliya ee tababarka cudurkan dhimirka I siisay ay tahay oo kaliya WHO oo maanta aqoonta aan u leeyahay cudurada dhimirka kaalin weyn ka qaadatay, waxaan jeclaan lahaa in bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda inay ka qeyb qaataan sidii ay taakuleyn u soo gaarsiin lahaayeen isbitaalkan” ayuu yiri Dr. Xabeeb oo sheegay in isbitaalka haatan ay ku sugan 41 qof oo qaba cudurka dhimirka.

Sidoo kale waxaa isbitaalkaasi jiifa gabar lagu magacaabo Xaliimo Xuseen Cabdi, taasoo uu cudurka dhimirka ku dhaxay 2002dii, iyadoo billowday markaasi inay iska qar-qariso dadka, kana cabsato, waxayna markii dambe sameysay inay baxsato oo aysan guriga ku soo laaban, iyadoo dhowr sano kaddib la arkay iyadoo guursatay oo reer leh, hase yeeshee 2004tii ayuu ninkii qabay dib ugu keenay reerkii ay ka dhalatay una sheegay inay gabadhu xanuunsan tahay, markaasoo ay ka muuqatay xanuun aad u daran, iyadoo ilaa iyo haatanna u muuqata qof aanan hadlin, waxaana isla maanta la keenay isbitaalka Xabeeb ee dhimirka, wuxuuna isbitaalkasi noqday kan kaliya ee haatan ku howlan dadweynta cudurka dhimirka, wuxuuna Dr. Xabeeb ugu baaqay bulshada in bukaanada qaba cudurka dhimirka inta ay ka gaaris leeyihiin ay la xiriiraan isbitaalka Habeb Public Mental Hospital.

U gar-gaar Ninkan oo uu ku dhacay cudur aan la garaneyn

Nin lagu magacaabo Cabdulle Eebane Cali degganna deegaanka Caddow-dibile Laantabuur ee gobolka Sh/hoose oo qaba cudur nooc cusub ah oo dhakhaatiirtu ka noogeen.

Ninkan ayay qaar ka mid ah suxufiyiinta kula kulmeen maanta isbitaalka Dhimirka ee Xabeeb, waxaana ninkani calaamadaha ka muuqda ka mid ah isagoo labada naas ibtooda ka cad-cad, isla markaana neerfaha gacantiisa midig ay tahay mid aan shaqeyneyn.

Haddaba bulshada Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimka ah waxaa laga codsanayaa inay ninkaasi soo gar-gaaraan si loo daweeyo maadaama uu isagu haysan wixii uu dawo iyo baaritaano uu ku sameysan lahaa naftiisa.

Haddaba waxaad kala soo xiriiri kartaa ciddii wax tareysa ninkan Mobile number 00252-1-5899681 / 5573321 ama E-mail: habebhospital@yahoo.com  / habebhospi@hotmail.com
 


Baaq ay soo saareen ururrada bulshada

Dood cIlmiyeed ay ka qeeyb qaadanayaan xubno kakala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda ayna soo qabanqaabisay hay-adda nabadda ee inxa ayaa maanta ka furmay hoteelka naasa-hablood ee magaladda mugdisho.

Doodaan oo halkudhig looga dhigay side wax loogaga qabankaraa xaaladda adage e uu dalku kusugan yahay xiligaan iyo door intee la eg ayaa uga aadan ururadda bulshadda ayaa waxaa ka qeeyb qadanaya xubno isugu jira ogaasyadda,wax garadka,abwaanadda dalka qaarkood,madaxdda ururadda bulshadda iyo saxafadda waxana manta loogaga hadlay qodobka ah side lo wajihikaraa xaladda adage e uu manta ku sugan yahay iyo doorkee ay ka qaadan karaan ururadda bulshadda.



Doodaan oo uu furitaannkeedii ka hadlay inj, suudaan cali axmed waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in doodaan ay noqoto mid ay ka soo baxaan qodobo wax ku owl ah , kuwaas oo wax wax weeyn ka tarikarta xaaladaan manta dalka ka jirta.

Doodaan ayaa xubnihii ka soo qeeyb galay waxay halkaasi ka soo jeediyeen talooyin wax ku oowl ah oo loo jeediyay qeeybaha kala duwan ee isku haysta dalka,waxaana la soo jeediyay in gudi loo diro masuuliyiinta maxkamadaha, in cadaadis la saaro arinta cakiran, in bulshadda rayidka ah ay talooyin ka bixiyaan arimaha dagaalka,in xiriirka caalamiga ah laga faaiiideysto iyo in la isticmaalo qaraarkii golaha amaanka ee qaramadda midoobay in maxaakiimta islaamiga ah ay la yimaadaan siyaasad cad eek u wajahan itoobiya iyo dalka oo dhan in bulshadda rayidka ah ay door ka qaadato dhibaatadda uu keenay dagaalka iyo qodobo kale, iyadoo baaqaasi ay soo saareen ururada bulshada rayidka uu u qornaa sidan:

BAAQ AY SOO SAAREEN URURADA BULSHADA RAYIDKA EE KU AADAN XAALADA DALKA

Taariikh: 26/12/06

Ujeedo: BAAQ


Anagoo ah Ururada iyo Daladaha ku Bahoobay Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxaan aragnaa in bulshada Soomaaliyeed ay tahay mid soo martay sanado aad u farabadan oo ay dhibaatooyin hareeyeen. Waxaa umada Soomaaliyeed dilooday masiibooyin dabiici ah iyo kuwa dadku abuureen, kuwaasoo keenay colaado, dil, dhimasho, dhaawacyo, kufsi, barakac, jirooyin iyo aafooyin kale. Iyadoo xaqiiqdaas laga duulaayo ayaa waxaa shir lagu qabtay hotel Naasa Hablood laguna soo gaba gabeeyay Hotel Amiira taariikhdu markay ayahd 25-16/12/06 waxaa laga soo saaray qodobadaan hoos ku xusan:

1- Xubnaha ku bahoobay madasha bulshada rayidku waxaan si hore ugu dhacin uga argagaxsanahay dhiilada colaadeed iyo masiibooyinka dabiiciga oo isku kaashaday umada markeedii horeba dhibaatada ku habsatay. Waxaan amiin sanahay in hada iyo markaleba lagu xisaabtamo sababaha dhaliyay khasaarahan iyo cidii eeda iska leh

2- Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan bulshada soomaaliyeed in si deg deg ah taakuleyn dhaqaale loogu uruuriyo dadkii ku waxyeeloobay dagaalada iyo fatahaadaha isla markaasna loo diro kooxaha gurmadka deg dega ah goobaha dagaaladu ka socdaan sida kooxa caafimaadka.

3- Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo dagaada. Lana dhowro qaraarkii Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee tirsigiisu ahaa 725 ee soo baxay 6 December 2006 kasoo dhigayay in la dhowro qaranimada iyo xuduudaha la aqoonsanyahay iyo in mashaakilka soomaaliya lagu xaliyo miiska wadahadalada. Sidoo kale waxaa ku baaqaynaa in loo hagaansamo shurrucda manuucaysa in aan la duqayn loo gaysan Karin goobaha shacabka sida: cisbitaalada, dugsiyada waxbarashada, goobaha ganacsiga iyo wixii la mida.

4- Waxaa Ururada Bulshadu ka digayaan in aan dil loo gaysan maxaabiista dagaalka lagu kala qabsado.

5- Ururada Bulshadu waxeey ku baaqayaan in dib loogu noqdo miiskii wadaxaajoodka ee khartuum.

Wabilaahi tawafiiq

Shir looga hadlayey dowladda wanaagga iyo hoggaaminta oo maanta lagu qabtay hotelka Amiira ee magaalada Muqdisho

Shir ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin hore, saraakiil, qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka iyo waxgarad kale ayaa maanta ka dhacay hotelka Amiira ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ujeedadiisa ugu weyn waxay aheyd hoggaaminta iyo dowladda hagaagsan iyo sida looga badbaadi karo dagaal ka qarxa gaar ahaan caasimadda magaalada Muqdisho isla markaana loo carqaladeyn nabadda magaalada.

Xubnihii halkaasi ka hadlay oo uu ka mid ahaa Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in dowladda Federalka Soomaaliya iyo maxkamadaha Islaamiga ay ku heshiin karaan labo qodob oo kaliya, waa tan horee in maxkamadaha Islaamiga ay ogolaadaan in iyaga ujeedadoodu ay aheyd oo kaliya in dalka nabad gelyo lagu soo celiyo iyo shareecada Islaamka in lagu dhaqmo, isla markaana aysan rabin xukunka dalka inay wax ka noqdaan, iyo in dowladda Federalka Soomaaliya ay iyaduna raalli ka tahay in dalka lagu hoggaamiyo shareecada Islaamka, isla markaana ay muujiso inaysan dowlad kale u adeegeyn, haddii labadaasi la helo ayay yiraahdeen aqoon yahannadu waa laga yaabaa markaas in labada dhinac ay isku soo dhowaadaan.

Xubnihii halkaasi ka hadlay ee aaraada kulul ka soo jeediyay waxaa ka mid ahaa Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, Dr. Xuseen Xaaji Max'ed Bood, Avv. Cumar Dhagey, Prof. Max'ed Faarax Jimcaale, C/laahi Max'ed Shirwac iyo xubno kale.

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.