SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
March 29, 125

Hay’add African Development Trust oo kalmooyin kala duwan gaarsiiyay gobolada dalka qaarkood  

Hay’adda African Development Trust (ADT) ayaa waxay gaarsiisay dadka ay waxyeellada u gesytgeen fatahaadihii dalka ka dhacay kaalmooyin isugu jira Raashin iyo maro-kaneecooyin, waxaana ka faa’iidaystay kaalmooyinkaan kumannaan Soomaali ah. 

Hay’adda ADT ayaa goobaha ay kaalmooyinka gaarsiiyay waxaa ka mid ahaa: Gobollada Bay iyo Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. 

African Development Trust (ADT) xafiiskeeda ugu weyn ayaa wuxuu ku yaallaa Dalka Ingiriiska, gaar ahaan Magaalada London, waxaana mas’uulkeeda oo lagu magacaabo C/raxmaan Sheekh Aadan uu sheegay inay kaalmooyinkaan yihiin kuwo ay ugu talo-galaan inay ku garab-qabtaan shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku habsatay. 

Hay’adda ADT oo xafiis ku leh Magaalada Muqdisho; ayaa mar uu warbixin ka bixiyay wakiilkeeda Muqdisho howlaha kaalmooyinka ah ee ay hay’addu fulisay wuxuu sheegay in kaalmooyinkaan ay yihiin kuwo shacabka Soomaaliyeed ay hay’addu ku garab-istaagaysay, si ay u caawiso dadka ay waxyeellooyinka ka soo gaareen fatahaadaha. 

“Kaalmooyinka aan gaarsiinnay gobollada aan kor ku soo xusnay, waxay ahaayeen kuwo isugu jira Cunnooyin qaybahooda kala duwan, iyo Maro-kaneecooyin si ay dadka uga galaan qaniinyada kaneecada” ayuu yiri wakiilka Hay’addaan oo intaas sii raaciyay:  

“Hay’addu waxay inta badan isku taxaluujisaa inay gacan siiso shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinka kala duwan ka soo gaaraan fatahaadaha iyo abaaraha dalka halakeeyay, waxayna kaalmadaan qayb ka tahay kaalmooyin ay hay’addu u fidisay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinkau ku habsadeen”. 

Hay’adda ADT ayaa waxay inta badan gacan-qabataa shacabka Soomaaliyeed iyadoo kaalmooyinkooda saldhig uga dhigta goobaha ay ka jiraan dhibaatooyin ka-dhasha isbaddalka xilliyada, taasoo isugu jirta abaaraha iyo fatahaadaha. 

Dhanka kale, hay’adda ma ahan markii ugu horreysay ay deeq noocan oo kale ah soo gaarsiiso Shacabka Soomaaliyeed, waxayna bishii Barakeysnayd ee Ramadaan ka qaybisay Afur iyo sakaatul Fithri Magaalooyinka dalka qaarkood sida: Muqdisho, Sablaale, Kurtun-waarey iyo Qoryooley. 

Hay’addaan waxay qorshaynaysaa inay shacabka Soomaaliyeed ka kaalmeyso mustaqbalka qaybo badan oo arrimaha bulshada ah iyadoo ku soo beegaysa kaalmooyinkeeda xilliyada munaasabka ah ee ay taagan tahay xaalad bani’aadamnimo.

mahamud ahmed hassan 
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.