Waa
sidee xaalada Magaalada Muqdisho Ee Caawa ?
Waxaa durba soo ifbaxay
Nabad gelyo xumadii ay xakameeyeen Maxaakiimta islaamka ,waxaa
Durba degmooyinka magaalada muqdisho la wareegay
milayshiyooyin hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan
islamrkaana waxaa sii baababaya nabadii waxaa kaloo xarumaha
qaarkood hubkii la wareegay milayshiyaadka qabiilooyinka
waxaa soo ifbaxaya cabsida iyo welwelka dadka shacabka ahi
ay ilaaween intii ay golaha maxaakiimta islaamka
soomaaliyeed gacanta ku hayeen.
Sidoo kale waxaa Qaybsi
loogu dhaqaaqay Hubkii ay maxaakiimta islaamku ay xereeyeen
iyadoo ay Milayshiyaadkii qabiilooyinka oo Hore Hubka looga
Qaaday ay hadana Hubkii Gacanta u galay Caawa ,lix bilood
kadib.
Sidoo kale waxaa lays
waydiinayaa nabadii aan la qabsanay lixdii bilood ee
maxaakiimta islaamku inoo keeneen miyaa laynoo diidanaa ,iyo
su,aalo kale oo kasoo baxaya nabada sii baaba,aysa ee kusoo
fool leh magaalada muqdisho .
Waxaan la sheekaystay hooyo
muumino oo haysata lix caruur ah oo abehood lagu diley
isbaaro lagaga qaaday telefonka gacanta ee loo yaqaano
mopileka ka hor intaanay golaha maxaakiimta islaamku aysan
soo celin nabadii iyo kala dambayntii waxay ii sheegtay
hooyadaasi oo ay ka muuqatay murugo ma waxay nala rabaan in
caruurtayada mid mid loo dilo oo guryaha naloogu soo dhaco
,ma waxay nala rabaan inay dhiiga naga miirtaan .
'' waxay doonayaan kuwa noo
diidan nabada inaysan soomaaliya noqoto meel lama ,degaan ah
waxaa nafi nasoo gashay intii ay golaha maxaakiimta islaamku
ay la wareegeen muqdisho iyo meelaha kaleba ''' ayay ku
calaacashay hooyadaasi oo ay wejigeeda ka muuqatay murugo
aan lasoo koobi karin .
Maaha hooyadaasi oo keliya
ee waxaa Muuqaalka bulshada ee ku dhaqan bartmaha iyo
koonfurta soomaaliya soo wajahay durba cabsi iyo welwel kala
soo gudboonaaday nabad la,aanta ay la doonayaan kuwa manaxa
yaasha ah ee wata cadowga tigreega ee sida weyn uga soo hor
jeeda diintooda iyo xoriyadooda.
waxaa sare u kacay sicirka
raashinka iyadoo ay suuqyada magaalada muqdisho ay bilaabeen
inay Qaali gareeyaan maceeshada isla maanta .
Si kastaba ha ahaatee
magaalada muqdisho ayaa U muuqata sidii ay ahaan jirtay lix
bilood ka hor oo waxaa soo ifbaxaya milayshiyaadkii hubku
gacantooda ka baxay oo durba uu gacantooda galay ,waxaa
kasii daraya nabada oo durba god sii galaysa .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 28, 2006

