SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR



Wararkii ::: Dec 27, 2006


  • Ururada Caalamiga ah oo ka hadlay..
  • Wararkii ugu dambeeyey dagaalka u dhexeeya..
  • Maamulka Somaliland oo si aad ah uga Horyimid Hadalkii Geeddi..
  • Xaaladda Muqdisho oo ku sii siqeysa fordadii hore..
  • Ciidamada Itoobiya oo hubkii dib ugu celiyey beelihi hore u lahaa..
  • Ra’isul Wasaare Geeddi oo sheegay in aysan..
  • Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha oo ka walwalsan..

Waxaa isku soo dubaridey: Amiin Yuusuf Khasaaro | Dec 28, 2006


Ururada Caalamiga ah oo ka hadlay..

Iyadoo daafaha magaalada Muqdisho uu ku soo dhawaaday dagaalka u dhexeeya Maxakiimta iyo Ciidamada Itoobiya oo kalkaalinaya kuwa Dowladda Federaalka Kumeel Gaarka ah ayaa waxaa ka hadlay ururad caalamaiga ah sida Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, iyo ururka Islaamka.

Ururka Qaramada Midoobey ayaa waxa uu u soo jeediyey labada dhinac ee isku haya soomaaliya in ay dagaalka joojiyaan oo ay khilaafkooda ku dhameeyaan wada hadal, waxay kaloo qaramada Midoobey sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Soomaaliya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu u soo jeediyey in ciidamo afrika ka socda si deg deg ah loogu diro Soomaaliya, taas oo yareyn karta dhibaatada ku sii baaheysa soomaaliya, sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Itoobiya in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya oo ay ixtiraamto qaranimada Soomaaliya, iyo xeerarka caalamiga ah ee u degsan caalamka, sidoo kale ururka Islaamka ayaa u soo jeediyey Dowladda Itoobiya in ay kala baxdo Ciidamadeeda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka u dhexeeya..

Iyadoo ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya Kuwa Dowladda Federaalka Kumeel Gaarka ah ay guulo ka gaareen dagaalka u dhexeeya iyaga iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay shalay gacanta u geliyeen Magaalada Jowhar oo uu ka talin jiray Guddoomiyihii gobalka Sh/dhexe Max’ed Xabeeb.

Ciidamadaan ayaa lagu waramay in ay xalay ku hoydeen halka lagu magacaabo Garsaalo, waxaana Maanta lagu wadaa in ay soo galaan Magaalada Balcad kaddib markii ay ka soo baxeen Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ah oo u soo gurtay dhinaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ciidamadii Maxaakiimta ee ku sugnaa Deegaanka Leego ayaa la sheegay in halkaasi ay isaga soo baxeen oo ay dib ugu soo gurteen Magaalada Muqdisho.

Maamulka Somaliland oo si aad ah uga Horyimid Hadalkii Geeddi..

Iyadoo maalintii shalay ahayd Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Cali Max’ed Geeddi uu ku dhawaaqay in ay xiran yihiin gudaha Soomaaliya sida Badaha, Cirka iyo Dhulka oo ay ku jiraan Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Hadalka ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa si weyn uga carooday maamulka Somaliland, oo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah Qarannimada Maamulkaasi, waxayna iclaamiyeen in shacabku udiyaar garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatarta ku soo wajahan Somaliland, sidoo kale mucaaradda Somaliland ayaa si weyn uga hadlay Hadalka Ra’isul Wasaare Cali Max’ed, waxayna ku tilmaameen mid sii kala fogeynaya Somaaliya iyo Somaliland, wuxuu kaloo maamulkaasi sheegay in Ra’isul Wasaare Geeddi looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga laabto Warkaasi oo wax u dhimanaya labada dhinac.

Xaaladda Muqdisho oo ku sii siqeysa Fowdadii hore..

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqata mid ka sii baxeysa faraha dhinaca ammaanka, kaddib markii Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay soo gebagabeeyeen dagaalka kala dhexeeyay Itoobiya ee k asocdey gobolada kale, waxaana Magaalada Muqdisho shalay iyo xalay ka bilowday dhicida Gawaarida, Moobeelada, waxaana markiiba bilowday isbaarooyinkii yiilay Magaalada Muqdisho wadooyinkeeda.

Arrintaan ayaa waxay naxdin iyo walwal ku abuurtay shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo ku dhawaaqayey (Ilaah Ayaa jooga), (ilaah ayaa noo maqan) (wadankaan looma rabo Dowladnimo iyo ereyo kale).

Isgoosyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa markiiba xirtay kooxo maleeshiyo beeleedyo ah, waxaana meelaha qaar ka bilowday biliqo iyo dhicid loo gaysanayo goobihii maxaakiimta Islaamiga ah.

Magaalada Muqdisho oo ahayd in ay Dowladdu soo gasho oo ay la wareegto ayaa haatan u muuqata mid ay kor ka daawaneyso, waxayna Dadku isweydiinayaan Dowladda KMG ma ku guuleysan doontaa in dib loo furo garoonkii iyo dekeddii oo muddo shan bilood ah si aad ah u shaqeynayey.

Maxaakiimta ayaa iyaana dhamaanba ka baxay goobihii ay deganaayeen waxayna hubabkoodii dib ugu celiyeen beelihii lahaa, waxaana Magaalada haatan ku sii socotaa kala qoqobnaantii iyo kala googi’iii, waxaana isla shalay la sii daayey maxaabiistii ay maxaabiistii ay Maxaakiimtu hayeen, kuwaas oo u badnaa kooxihii burcadda ahaa ee magaalada dhibaatada ku hayey, waxaana dadka isweydiinayaan in ay mar uun dib u heli doonaan nabaddii ay soo celiyeen maxaakiimta islaamiga ah oo mudo kooban xasilooni ku soo celiyey dhowr gobol.

Ciidamada Itoobiya oo hubkii dib ugu celiyey beelihi hore u lahaa..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan, waxay sheegayaan in Ciidamad Itoobiya ee gacanta ku dhigay magaaladaasi ay haatan bilaabeen in ay hubkii dib ugu celiyeen maleeshiyooyinkii Beelaha, hubka ayaa isugu jira mid weyn iyo mid fudud, lamana garanayo sababaha ay ciidamada itoobiya dib ugu celiyeen dadkaasi, hase yeeshee warar ayaa waxaa sheegayaan in Dowladda itoobiya ay dooneyso in uu sii kirdho qalalaasaha soomaaliya.

Ciidamada itoobiya ayaa la sheegay in ay dusha ka daawanayaan waxa ka dhacaya gudaha magaalooyinka, waxayna ku xaroodeen xerooyin iyaga gaar u ah oo aysan xitaa u ogoleyn ciidamada kale ee soomaalida ah ee la socda.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay kulamo la yeelanayaan odoyaasha iyo waxgaradka , waxayna qaarkood kala hadleen sidii beel walba ay dib ugu soo ceshan lahayd hubkeedii, waxaana magaalooyinka qaarkood ka socda boob dhac, waxayna dadka qaarkood ku qaylinayaan (Ilaahayow dib noogu soo celi Maxaakiimta Islaamiga ah).

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay diideen in ay maamulo u sameeyaan gobaladii ay gacanta ku dhigeen, iyagoo degmooyinka qaarkood ay ka socoto kulamo looga arrisanayo sidii maamul loogu sameyn lahaayeen oo ay wadaan odoyaasha.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha oo ka walwalsan..

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa waxaa la sheegay in ay aad uga walwalsan yihiin xaaladda dalka kaddib markii Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah laga awood roonaaday, waxayna ehelada dadka dibada ku nool ka jooga gudaha dalka ay sameenayaan xiriiro kala duwan oo dhinaca isgaarsiinta ah, waxayna qaarkood ka walwalsan yihiin go’doonka ay sii galeyso magaalada Muqdisho oo la sheegay in raashinkii uu ku yimid sicir barar aad u baahsan, xitaa waxaa kor u kacay safirka lacagaha Doolarka.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha ayaa talaabo talaabo ula socday xaaladda dalka gaar ahaan Dagaalad u dhexeeya Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Ciidamada Itobiya oo gacan siinaya kuwa Dowladda Federaalka.

Ra’isul Wasaare Geeddi oo sheegay in aysan..

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay sheegay in ay jabiyeen wax uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada ah oo ka soo horjeeday Dowldda Federaalka ah, sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey in ay weerari doonaan Magaalada Muqdisho, waxa uuna Cali sheegay in aysan qorshaha Dowlada ugu jirin in ay weerarto Muqdisho, isagoo sheegay in ay ku nool yihiin ehelkiisa.

Ra’isul Wasaare Geeddi waxa uu sheegay in aysan marnaba wada hadal la geli doonin Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu sheegay in ay uga adkaadeen Dagaalkii dhex maray, isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamada Itoobiya looga saari Doono Soomaliya.

Cali Geeddi waxa kale oo uu sheegay in Dowladdu sida ugu dhaqsiyaha badan Muqdisho u soo gaari Doonto isla markaana maamul u sameyn Doonto, waxaa kaloo sheegay in Dowladda Federaalka xirtay xuduudaha Soomaaliya sida Cirka, Dhulka iyo Badda, isagoo sheegay in Dowladdu ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib u furi doonto goobihii adeegyada bulshada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2006


Wararkii: Arbaca, Dec 27, 2006

Qaramada Midoobey oo Sheegay in Maxkamaduhu ay ka bexeen Kismaayo...

Qoraal SomaliTalk.com kasoo gaarey xafiiska qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Gargaarka ee Soomaaliya ee loo yaqaan OCHA ayaa sheegay in ciidamadii maxaakiimtu ay dib uga guranayaan magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda Muqdisho. Qoraalku waxa uu intaas ku daray in meelo badan oo markii hore ay joogeen Maxaakiimtu, sida Jawhar iyo Buur hakaba, in ay la wareegeen ciidanka TFG/Itoobiya, waa sida warku u dhigay'e. Waxaana qaramada Midoobey sheegeen in barakac ballaaran uu ka jiro Soomaaliya.

Maxkamadaha oo Dib uga soo gurtay Jawhar

Magaalada Jawhar ayaa waxaa maanta qabsady ciidamada gumeysiga Itoobiya, waxayna magaaladaas ku soo celiyeen Qabqablihii Dagaalka, Maxamed Dheere. Xabashida halkaas soo gashay waxaa muuqata in aysan magaaladaas keenin dolwadii lagu soo dhisay Nairobi, balse ay kusoo celisey qabqalayaashii ka soo horjeedey dowladdaas Nairobi ee kumeel gaarka ah.

Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo ku Baaqay in Ciidamada Itoobiya degdeg uga Baxaan Ciida Soomaaliyeed

Ururka ay ku midoobeen dalalka Afrika ayaa ku baaqay in Itoobiya ay ciidamadeeda kumanaanka ah si degdeg ah ugala baxdo Soomaaliya, sida ay werisey jariidada Telegraph.

"Waxaan ugu yeereynaa Itoobiya in ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya iyadoo aan arrintaas dib u dhigayn", sidaas waxaa yiri Alpha Omar Konare oo ah madaxa ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale kulan degdeg ah oo ay Magaalada Qaahira ku yeesheen ka bacdi, ururka midowga Carabtu waxay Itoobiya ugu yeereen in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, waxayna sheegeen in dagaalka u dhexeeya Itoobiya oo garab siineysa dowlada kumeel gaarka ah iyo Maxkamadaha Islaamiga ah in uu dagaalkaasi halis gelinayo xasiloonida geeska Afrika. {Isha: Telegraph}

Wasiirkii Dib u Heshiisiinta oo Xilkii laga qaaday

Warar laga helay xafiiska Itoobiya ku leedahay magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in Cali Maxamed Geedi uu jagadii ka qaaday Maxamuud Jaamac Sifir oo ahaa wasiirka dib u sheshiisiinta iyo jaaliyadaha dibadda u qaabilsana Dawladdii lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee Kumeel gaarka ah.

Sifir waxa uu ka mid yhay wasirada ka tirsana Dowladii Nairobi ee diidan dagaalka ay Itoobiya ku soo qaaday gudaha Soomaaliya.

Wakiilka Dowladii Nairobi u Fadhiya Addis Ababa oo la hadlay reer Itoobiya

Cabdikariim Faarax oo ah wakiilka dowladii lagu soo dhisay Nairobi ee kumeel gaarka u fadhiya Addis Ababa oo hadal dadka reer Itoobiya uga jeediyey telefishanka Tigreega ayaa la weydiiyey su'aalo dhawr ah oo ku saabsan waxa ay samaynayaan marka ay dhammaato labada sano ee ka dhiman xilligii loo qabtay dowladda Soomaalida loogu soo dhisay Nairobi, asagoo su'aalahaas ka jawaabaya, lana hadlaaya shacabka Itoobiya...Ka Daawo Halkan...

Saadaalin Dagaal Ka Bilowda Addis Ababa iyo Buubaa oo Ku Hamiyaya in Gumeystayaashu Qaadka u Furaan Muqdisho...

Sida ay wersiey shabakada forbes.com oo soo xiganeysay qoraal ay qortay wakaalada wararka ee AP, qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Islaamka ayaa ku hanjabey dagaal ah nooca guerrilla-ha oo ay ka mid tahay in qaraxyo is biimayn ah lala beegsado magaalada Addis Ababa ee Caasumada Itoobiya. [Itoobiya waxay 25kii December diyaarado ku duqaysay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho].

Dhanka kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la isugu yeeray si ay kulan degdeg ah uga qaataan dagaalka ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaalida.

Wasiirka Arrimaha Dibbada DFKMG, Ismael Mohamoud Hurreh, oo cadayn ka bixineyn qaar ka mid ah ujeedooyinka dagaalka ay Itoobiya u soo gashay ayaa sheegay in ay tahay in la fasaxo Qaadka, oo sida la ogyahay uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha wadamada dhulka ka gumeysta Soomaaliya. Buubaa oo warfidiyeenadda kula hadlayey Nairbi waxa uu yiri: "Dad badan oo ku sugan Muqdisho waxay jeclaan lahayeen in ay calashadaan Qaadka, maxkamaduhuna ay ka hor leexdaan.", Waxaana jariidu tiri, Buubaa waxa uu halkaas uga jeedaa Caleenta Daroogada ah [narcotic leaf] ee ay maxkamaduhu mamnuuceen. Waxaana jariidadu raacisay: Si kastaba ha haatee Soomaalid aad u farabadan ayaa ad uga caraysan duulaanka ay Itoobiy aku soo qaaday sababtoo ah dalalkaasi (Somalia/Itoobiya) waxay galeen labo dagaal 45-tii sano ee ugu dambeysey kuwaas oo la xiriira xuduudaha... [Eeg: halkan....]. [Qaadka waxaa daba socda ama ku lifaaqan fisqiga, sida shineemoyinkii lagu dhigi jirey filimada jinsiga ee xamar lagu arki jirey waagii qabqablayaashii dagaalku joogeen.]

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii jariidada Washintonpost ay qortay in shacabka Addis Ababa ay dagaalka Meles Zenawi ku qaaday Soomaaliya u arkaan mid uu mucaaradka indhohooda kaga jeedinayo shacabkiisa si uu xukunka u soo haysto. Waxaana hadda shaac baxaya ifafaale muujinaya in xiriir toos ah dhex mari doono shacabka Soomaaliyeed iyo Shacabka Itoobiya ee ka soo hor jeeda xukunka dergega ee Zenawi.  [Eeg: Halkan].

Wararkii Shalay hoos ka akhri HALKAN...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH