Aqoonyahano
reer Hiiraan ah oo shir deg-deg ah ku
yeeshay Qaahira.
Aqoonyahano reer
Hiiraan ah ayaa maanta isugu yimid Guriga Dr. Abdi Aziz
Ahmed Gurbiye uu ka degan yahan Magaalada Qaahira ee
dalka Masar,qado sharaf kadib waxay aqoonyahanka u
fariisteen kulan albaabada u xirnaa,dood saacado socotay
kadib waxay Aqoonyahanka isku afgarteen sideed qodob.
-
In dowladii Mbagathi
ee C/llahi Yusuf burburtay,dadka kusoo duulay
Gobolka hiiraanna waa caddow shisheeye ay waajib
tahay in la iska difaaco.
-
in Aqoonyahanka ree
Hiiraan ee Qaahira cambaareenayo caddawga kusoo
duulay Soomaliya gaar ahaan gabolka Hiiraan.
-
In caddawgaas kusoo
duulay Gabolka Hiiraan iyo Gabolada kale ee dalkaba
si deg-deg ah uga baxaan.
-
Iyadoo la tixgalinayo
xaaladda dalku maanta ku jiro,aqoonyahanka waxay
isla garteen in Midowga Maxaakiimta si KMG usii
hayaan hogaanka dalka iyo dadka.
-
In dadka Soomalida ama
gobolka Hiiraan u dhashay ee caddawga la jiro lagu
tiriyo khaa'inu wadan,shisheeye kalkaal ah,isla
markaana la cafiyo intii horay loo qalday hadii ay
soo laabtaan.
-
In dhamaan reer
Hiiraan waajib ku tahay inaan maanta laga dhex
faa'idaysan,isla markaana u bahoobaan caddawga kusoo
duulay dalka,dadka iyo diinta.
-
In reer Hiiraan la
bohoobaan walaalahooda gobolada kale,si dalka looga
saaro caddawga kusoo duulay.
-
Ugu dambeentii
aqoonyahka waxay baaq u direen Jaaliyadda reer
Hiiraan ee Aduunka dacaladiisa ku nool inay taageero
dhan walbaba lasoo gaaraan gobolka,si dalka iyo
dadka looga difaaco caddawga,lgana hortago in si
fudud loogu tunto sharafta iyo karaamada dalka iy
dadka.
Shirkaas oo ahaa kii
ugu waynaa ee noociisa ah oo Jaaliyadda Reer Hiiraan Qaahiro
ku qabtaan ayaa ugu dambeentii la isku afgartay,iyadoo lagu
balamay in khamiista dib la isugusoo laabto si halkaas
loogasii ambaqaado.
Abdurahman Abdulkadir
Mohamed (baledwayne),Cairo,Egypt.
Email: inka250@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Dec 27, 2006


|